Home Blog Page 1672

Madaxweynaha Soomaaliya oo Baaq Nabadeed u Diray Dadka ku Dagalamayo Togdheer

0

Sabti 02- November-2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa baaq nabadeed u diray dhinacyada ku dagaalamay inta u dhaxeysa deegaannada Qorilugud iyo Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tilmaamay ififaalada dagaaleed ee deegaannadaas ay tahay wax laga murugoodo, isaga oo sheegay in aysan habooneen in ay sii socdaan.

“Waxaan ugu baaqayaa Odoyaasha dhaqanka, Culimada u diinka iyo dhammaan shacabka sharafta leh ee walaalaha in ay ka fogaadaan xumahii dhacay in dib loogu noqdo” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Shiikh, xilli uu maanta la hadlayay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa uu madaxweynaha bogaadiyay doorashada dhawaan la filaayo in ay ka dhacdo Soomaaliland, isaga oo ku baaqay in ay ku dhacaan jewi nabad ah.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Somaliland iyo kooxo hubeysan oo Deegaanka ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan.

{DAAWO MUQAALKA} Senator Dufle Muxuu ka yiri Codsiga Madaxwaynaha ?

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Senator Dufle Muxuu ka yiri Codsiga Madaxwaynaha ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Booliska Soomaliya oo Xiray Ciidamo Ka Qeyb Qaadatay Dagalkii Manta Ka Dhacay Muqdisho

0

Sabti 02- November-2024 {HMC} Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiirta dagaal maanta ka dhacay xaafado ku dhow Isgoyska Ex-kontarool ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamo u abaabulan hab beeleed, wuxuuna tilmaamay inay beegsadeen ciidamo boolis ah oo howlgal waddo furis ah ka waday halkaasi.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muhiimad siinayo nolol wadaagga bulshada Soomaaliyeed oo gacan siinayo maamulka degmada si loo bixiyo waddooyin ayaa waxaa soo weeraray koox gaar ah oo heybeysan, kuwaas oo shaqadii qaranka loo hayay ka horyimid” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lasoo saray askar iyo saraakiil ku eedeysan dhacdadaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in la horgeyn doono maxkamad.

“Waxaa lasoo qabtay illaa 12 maxbuus oo ku xiran saldhigga degmada Hodan oo la rabo 24 lagu horgeeyo maxkamad” ayuu mar kale yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “”Waxaa la yaab noqotay in iyadoo 2024 lagu jiro in Shaqsiyaad Ciidanka ka tirsan in ay ku fikirayaan in ay la saftaan qabiilkooda”.

Xaaladda goobta lagu dagaalamay ayaa hadda deggan, inkastoo ay weli ku sugan yihiin ciidamada ammaanka oo weli howlgallo burburin ah ka wada Ex-Kontarool Afgooye

Mid kamid ah dadka deegaanka oo goor sii horeysay la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay inay iska dhicin doonaan cid kasta oo ku howlan burburinta.

“Annagu ma yeeleyno dadka deegaanka oo isku xiran ayaa nahay dowladdana, waa iska dhicineynaa” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Dagaalka ka dhacay Ex-kontarool Afgooye ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 5 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

MD Xasan“Itoobiya iskuma heli karto inay ahaato xarunta Ururka Midowga Afrika iyo inay ku tumato axdigii lagu aas aasay”

0

Sabti 02- November-2024 {HMC} Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay mar kale ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan Soomaaliya kala dhexeyso dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha oo maanta ka hor hadlayay baarlamaanka ayaa su’aal ka keenay sababta xarunta Ururka Midowga Afrika ay ugu sii dhex taallo magaalada Addis Ababa, wuxuuna ku eedeeyay inay ku tumatay axdigii lagu aas aasay ururka oo ay ku wada jiraan labada dowladood.

“Itoobiya iskuma heli karto inay ahaato xarunta Ururka Midowga Afrika iyo inay ku tumato axdigii lagu aas aasay Ururka Midowga Afrika” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu jawaab adag ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Itoobiya oo dhowaan taliyaheeda ciidamada difaaca uu ku sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad leh oo awood buuxda, ayna qabsan karto Al-Shabaab haddii ay ka baxaan ciidamadooda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay isku filan tahay, isla markaana ay xoreysatay dhul ballaaran, iyadoo aan garab ka helin Itoobiya.

“Cabsi gelinta Itoobiya ee ah dalka Khawaarijta ayaa qabsaneyso xaqiiqo ma ah, annaga Soomaalida ah ayaa Khawaarijta ka xoreysanay qaybo badan oo kamid ah dalka, nalama jirin Itoobiya hal maalina madfac nooma ridin” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan.

Wuxuu kusii daray “Waxaan cod-dheer ku leeyahay annaga ma nihin dadka xumeynaya amniga Geeska Afrika ee cida diidan in lagu dhaqmo xeerarka caalamiga ah waa Itoobiya”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy la galay Somaliland.

Cali Guudlaawe oo Booqday Dekadda aay Yeelan Doonto Hirshabeele

0

Sabti 02- November-2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta booqday Ceel-Macaan ayaa dhageystay baahida dadka deegaanka ah.

Ujeedka Madaxweynaha ayaa ahaa inuu soo sahmiyo halka laga hirgelinayo Dekad ay yeelato Hirshabeelle.

Sidoo kale Garoon-diyaaraddeed ayaa lagu wadaa isna in laga hirgeliyo inta u dhaxeyso Ceel-Macaan iyo Warsheekh.

“Waxaa la joogaa waqtigii aan olole weyn u qaadi laheyn Dekad iyo Garoon-diyaaraddeed oo ay yeelato Hirshabeelle waana jidka kaliya ee lagu gaari karo barwaaqo-sooran iyo isku-filnaasho.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Wasiirrada Waxbarrashada iyo Caafimaadka inay tagaan oo ay la kulmaan dadka Ceel-Macaan si wax looga qabto arrimaha ay kala hadleen Madaxweynaha.

{DAAWO MUQAALKA} Fasaxeeygii waxaan uga baaqday inaan ka shaqeeyo sidii doorasho qof iyo cod.

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Fasaxeeygii waxaan uga baaqday inaan ka shaqeeyo sidii doorasho qof iyo cod.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Waxaa gacanta ku heynaa 12 askari oo saaka xabad kala horyimid Ciidanka Booliska.

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Waxaa gacanta ku heynaa 12 askari oo saaka xabad kala horyimid Ciidanka Booliska.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Maxamed Cabdulqaadir “Sanduuqa aamina codkana shacabka ka doonta.”

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Wasiir Maxamed Cabdulqaadir “Sanduuqa aamina codkana shacabka ka doonta.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada shiinaha oo markab dagaal somalia usoo dirtay

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Dowlada shiinaha oo markab dagaal somalia usoo dirtay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweene Xasan “Wuxuu shaley diidaayey ayuu rabaa inuu sameeyo”Xildhibaan Maxamed.

0

Sabti 02-Nov-2024 {HMC} Madaxweene Xasan “Wuxuu shaley diidaayey ayuu rabaa inuu sameeyo”Xildhibaan Maxamed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA