Home Blog Page 1684

Toddobo qof oo lagu dilay weerarro gantaal oo Xisbullah ay ku qaaday Israel

Khamiis 31-Oct-2024 {HMC} Labo weerar oo gantaallo ah oo Xisbullah ah ay qaaday ayaa lagu dilay 7 qof waqooyiga Israa’iil, sida ay mas’uuliyiinta ayaa sheegeen – weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee noocan oo kale ah bilo gudahood.

Nin beeraley ah oo Israa’iili ah iyo afar ajaaniib beeralay ah ayaa ku dhimatay kadib markii gantaallo ay ku dhaceen meel u dhow Metula, oo ah magaalo ku taal xuduudka Lubnaan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Israel Katz.

Gor danbane haweeney 60 jir ah iyo nin da’diisu ay ku dhawayd​​30 jir ayaa lagu dilay meel u dhow Kibbutz Afek, oo ku taal duleedka magaalada xeebta ah ee Haifa, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka.

Hezbollah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku garaacday deegaanka Krayot ee waqooyiga Haifa iyo ciidamada Israa’iil ee koonfurta, magaalada Khiyaam ee dalka Lubnaan, taas oo ku taal marka lag gudbo xuduudda Metula.

Milateriga Israa’iil ayaa ogaaday laba gantaal oo ka soo gudbayay Lubnaan oo ku dhacay meel bannaan oo u dhow Metula subaxnimadii Khamiista.

Gelinkii dambe, isarael waxa ay sheegtay in ilaa 55 madfac lagu soo riday dhanka Bartamaha, Galiilka Sare iyo Galbeedka Galiila. Waxa ay intaa ku dartay in qaar ka mid ah sawaariikhda la qabtay qaarna ay ku dhaceen meelo banaan ah.

Wargeyska Haaretz ee Israel ayaa sheegay in beeraley iyo shaqaalle ajaaniib ah lagu dilay dhul beereed ku dhow Metula.

{DAAWO MUQAALKA} Ra’iisul wasaaraha Itoobiya “Mowqifkeena rasmiga ah waa in aan gaarna badda cas”

0

Khamiis 31-Oct-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, oo maanta oo Khamiis ah la hadlayay baarlamaanka dalkaas, ayaa sheegay in Ethiopia aysan ku dooneyn helista galaanka Badda Cas ah xoog iyo weerar, balse ay is-difaaci doonto, sida uu hadalka u dhigay, haddii weerar arrintan la xiriira lagu soo qaado.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo maanta ansixiyay heshiisyo is afgarad oo muhiim ah

0

Khamiis 31-Oct-2024 {HMC} Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulankooda Khamiislaha ahaa maanta ku ansixiyay heshiisyo is afgarad oo dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Heshiisyada ay maanta ansixyeen golaha Wasiiradda ayaa la xiriira hirgalinta hindisaha horumarinta Adduunka, iyo heshiis is afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka Golaha oo uu shir gudoominayey Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029) iyo Bulshada Bariga Afrika.

Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale kulanka warbixin kaga dhagaystay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, taasoo ka warbixisay wax soo saarka dalka iyo xaaladda Beeraleyda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Shirka Golaha Wasiirradda ee ayaana lagu soo hadal qaadin go’aanadii Xalay kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee la xariiray mudo kororsiga halka sano ah ee loo sameeyay madaxda maamul goboleedyada dalka.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {31.10.2024}

Khamiis 31-Octo-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

DFS oo shaacisay Khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Qeycad

0

Khamiis 31-Oct-2024 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ciidamada gaarka ah ee Danab iyo Gorgor oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyaan deegaanka Qaycad ee koonfuurta gobalka Mudug.

Ciidanka qalabka sida iyo dadka deegaanka ayaa beegsaday fariisimo ay maleeshiyaadka Al Sahbaab ku lahaayeen bacaadka deegaanka Qaycad, iyadoo ciidamadu ay cagta mariyeen fariisimihii dagaallamayaasha Al Shabaab lahaayeen.

Hawlgalkaan oo dhacay xalay abaaro salaaddii subax kadib ayaa dhammaan goobihii lagu beegsaday kooxda Al Shabaab waxaa si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo naftood hurayaasha dadka deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Abiy oo ku celiyey in ay ka go’an tahay inay Bad helaan

Khamiis 31-Oct-2024 {HMC} Addis-Ababa — Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, oo maanta oo Khamiis ah la hadlayay baarlamaanka dalkaas, ayaa sheegay in Ethiopia aysan ku dooneyn helista galaanka Badda Cas ah xoog iyo weerar, balse ay is-difaaci doonto, sida uu hadalka u dhigay, haddii weerar arrintan la xiriira lagu soo qaado.

Bishii Janaayo, ee bilowgii sanadkan ayaa Ethiopia waxay heshiis la gashay maamulka Somaliland, kaasi oo ka kireynaya Ethiopia 20km oo dhul xeebeedkeeda badda cas ah muddo 50 sano ah, taa bedelkeedana ay Somaliland Ethiopia ka helyso aqoonsi.

Abiy Ahmed ayaa helista heshiiskan ku tilmaamay mid “horumarineed,” ah oo ku salaysan baahida uu ay Ethiopia u qabto marin badeedka.

“Waxaan dalbanay in badda gaarno, taasina kuma raadin doonno weerar iyo dagaal, laakiin si hufan ayaan isaga difaaci doonnaa haddii ay wax dhacaan,” ayuu yiri Abi Axmed.

Abi Axmed waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in himilladaasi ay Ethiopia gaarto, haddii hadda aanay gaarinna, buu yiri, ay caruurtoodu gaari doonto.

Heshiiskaasi waxa uu ka careysiiyay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay mid sharci darro ah, oo meel ka dhacna ku ah qarannimadeeda iyo madax banaanideeda dhuleed.

Waxay erisay safiirkii Itoobiya bishii April, Talaadadiina waxay ku amartay Ali Mohamed Adan, oo ka tirsanaa qunsuliyadda Ethiopia ee Muqdisho inuu dalka ka baxo.

Soomaaliya waxaa kale oo ay horey u sheegtay in ciidamada Ethiopia aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka cusub ee nabad Ilaalinta Midowga Africa ee bedelaya ATMIS.

Kudhowaad 100 qof oo ku dhintay daadad xoog badan oo ku dhuftay dalka Spain

0

Khamiis 31-Oct-2024 {HMC} inkabadan 95 qof ayaa ku dhintay daadadkii ugu dhimashada badnaa ee ku dhuftay Spain taariikhdeedan casriga ah, ka dib markii roobab mahiigaan ah ay ka da’een gobolka bari ee Valencia.

Maamulka Valencia ayaa sheegay, in fatahaaddu qaadday buundooyin iyo dhismayaal, isla markaana burburisay waddooyinka qaar.

Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegay in roob dhibicidiisu iyo biyahiisa u dhigmaan sannad, uu muddo 8 saacadood gudahood ah ku da’ay Valencia Talaadadi.

Taasi ayaa sababtay in ay buux dhaafaan waddooyinka waaweyn iyo dhul-beereedka gobolkaas oo soo saara saddex-meelood laba meelood khudradda liinta mambeelmada ee laga beero Spain.

Waaxda Gurmadka deg dega ah ee gobolka bari ee Valencia ayaa xaqiijiyay dhimashada 92 qof Arbacadii. Labo kale waxay ku dhinteen gobolka deriska la ah ee Castilla La Mancha, halka koonfurta Andalusiya laga soo sheegay hal dhimasho.

Kenyan court lifts orders blocking swearing-in of deputy president nominee

0

Thursday  31-Oct-2024 {HMC} A Kenyan court has lifted orders blocking the swearing-in of Deputy President nominee Kithuri Kindiki — dealing a blow to former DP Rigathi Gachagua who was impeached and removed from office in mid-October amid accusations of gross misconduct and undermining the president.

Gachagua’s lawyers filed about 30 court cases arguing against his ouster in the last two weeks.

The three-judge bench appointed to hear the case by the deputy chief justice, made the highly anticipated announcement Thursday.

“Public interest in this matter favors giving way to the constitution, which in any event is the will of the people,” said Judge Antony Mrima, who heard the case along with Eric Ogola and Freda Mugambi.

“We choose to abide by that calling, as such public interest demands that the office of the deputy president should not remain vacant.”

President William Ruto, who had 14 days after Gachagua removal to replace him, took less than a day to nominate Interior Minister Kindiki. The selection was approved by lawmakers at the National Assembly a few hours later.

However, the court suspended any further action until it could hear the case. Since then, the three-judge bench has faced questions and petitions from Gachagua’s lawyers contesting the validity of their appointment and their own impartiality. Those challenges were rejected.

Gachagua was convicted on five of the 11 charges against him, which included accusations of gross misconduct, irregular acquisition of wealth and undermining the president. Gachagua denied all the charges.

Public opinion has been mixed, with some telling VOA they agree with the removal of Gachagua while others found it distasteful, especially because the deputy president fell ill while the proceedings were happening.

“The outgoing deputy president was too abrasive. He couldn’t tone down his language. He seemed divisive,” said James Chege.

“It wasn’t good, especially when you are impeaching someone who’s in the hospital. It was so untimely,” Edwin Mugalo said.

Gachagua was Ruto’s running mate in the 2022 election but had recently complained of about being left out, highlighting the friction and tension between him and his former boss.

Kenneth Ombongi said he was surprised the Ruto-Gachagua partnership lasted as long as it did. Ombongi is the former chair of the department of history and archeology and is now associate dean of postgraduate studies at the University of Nairobi.

“If I look at historical patterns, what’s happening is not new and was expected. The office of the vice president or the deputy president has always been as delicate as it is now,” Ombongi said.

“The two are of the same characteristics … I know our president … He’s strong, determined, opinionated, same thing with Gachagua. We say two bulls cannot share the same corral.”

SOURCE 

Uganda struggles to feed 1.7 million refugees as international support dwindles

0

Thursday  31-Oct-2024 {HMC} For months, Agnes Bulaba, a Congolese refugee in Uganda, has had to get by without the food rations she once depended on. Her children scavenge among local communities for whatever they can find to eat.

“As a woman who’s not married, life is hard,” Bulaba told The Associated Press. Some locals “keep throwing stones at us, but we just want to feed our kids and buy them some clothes,” said the mother of six, who often works as a prostitute to fend for her family.

Uganda is home to more than 1.7 million refugees, the largest refugee-hosting country in Africa, according to the United Nations refugee agency. Despite being renowned for welcoming those fleeing neighboring violence, Ugandan officials and humanitarians say dwindling international support coupled with high numbers of refugees have put much pressure on host communities.

Approximately 10,000 new arrivals enter Uganda each month, according to U.N. figures. Some have recently fled the war in Sudan, but most are from neighboring South Sudan and Congo.

Bulaba is among tens of thousands in Rwamwanja, a refugee settlement in southwestern Uganda. As in other settlements across the east African country, refugees there are given small plots of land to cultivate as they are slowly weaned off total dependence on humanitarian food rations.

Since 2021, as funding consistently declined, the U.N.’s World Food Program has prioritized the most vulnerable groups for food assistance, in food items or cash, which can be as little as $3. After spending three months in Uganda, refugees are eligible to get 60% rations, and the number falls by half after six months. Only new arrivals get 100% food assistance, leaving the vast majority of some 99,000 refugees in Bulaba’s settlement vulnerable to hunger and other impoverishment.

In 2017, the Ugandan government and the U.N. held a summit in Kampala, the capital, and appealed for $8 billion to deal with the sharp influx of refugees from South Sudan at the time. Only $350 million was pledged.

Filippo Grandi, the United Nations High Commissioner for Refugees, visited Uganda last week in a trip partly aimed to underscore the funding shortage.

The international community “should not take Uganda’s generosity and the global public good it provides for granted,” Grandi said in a statement at the end of his visit. “Services here are overstretched. Natural resources are limited, and financial support is not keeping pace with the needs.”

He also said international support “is urgently needed to sustain Uganda’s commitment to refugees,” urging donors and humanitarian partners to “come together with the government to address the needs of refugees and the generous communities hosting them.”

Refugees in Uganda have access to the same hospitals as locals, and their children can attend school. While this helps integrate them into the Ugandan community, sometimes the competition for limited resources sparks tension. However, violence is rarely reported.

Hillary Onek, the Ugandan government minister in charge of refugees, said during Grandi’s visit that local officials need support to help refugees become more self-reliant. Though he said the country was “overloaded” with refugees, he cited several training options to help refugees become self-sufficient, including carpentry, bricklaying and metal welding.

“We are trying to be innovative,” he said. “Given the fact that funding for refugee programs dwindled over the years, there is not enough money to meet their demands, not even giving them enough food to eat.”

Onek said the alternative is “to survive on your own, using your skills, using whatever capacity you have.”

But Bulaba, the Congolese refugee who has been in Uganda since 2014 after fleeing violence in her home country with her two children, said she can’t find a job. She has since had four other children who often go barefoot and without appropriate clothing. She misses the cash-for-food stipend she used to get.

“For us to eat, we look for work, but there’s no work,” she said.

SOURCE 

Xukun Lagu riday Koox Xogaha Kunteenarada ka soo daga Dekadda Muqdisho U gudbin jirtay AS.

0

Khamiis 31-Oct-2024 {HMC}  Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare”, Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi, ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Al shabaab, gaar ahaan qeybta soo gudbinta Xogaha ganacsatada iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekadda Muqdisho.

Shaqooyinkii ay Al shabaab u qabteen ayaa waxaa kamid ah Xogaha Sagaal markab oo si PDF ahaan ah ay whatsapp-ka ugu direen Cabdi Qafaar “Ugaas” oo Al shabaab u qaabilsan Qeybta Xogaha Maraakiibta iyo Maaliyadda Ee Dekadda Muqdisho, bil kasta ayeyna la wadaagayeen xogaha iyo dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee Dekadda, si Al shabaab ay u handadaan ganacsatada oo ay uga qaataan lacago baad ah.

Seddexdaan Eeddeysane, ayaa Gacmaha Hay’addaha ammaanka waxay soo galeen Tobankii bisha Lixaad ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labo iyo Labaatankii Bishaan Oktoobar.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi ayey Maxkamadu ku xukuntay min Siddeed Sano oo Xabsi Ciidan ah, halka Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey lagu xukumay Afar sano oo Xabsi ciidan ah.