Home Blog Page 1722

{DAAWO MUQAALKA} Aragtida dhalinyarada Baladweyne ee kulanka Caawa El Clásico.

0

Sabti, 26 October, 2024 {HMC} Aragtida dhalinyarada Baladweyne ee kulanka Caawa El Clásico.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidanka Itoobiya & Jabhadda FANO oo ka socda duleedka Addis Ababa

0

Sabti 26-Octo-2024 {HMC} Wararka ka imaanaya Wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya Ciidanka Federaalka iyo kuwa Jabhadda FANO uu ka socdo duleedka Magaalada Addis Ababa xarunta Dalkaas, dagaalkaan waxa uu billowday kaddib markii Abiy Ahmed uu ciidan dheeraad ah geeyay furimaha dagaalka.

Jabhadda FANO oo maalmihii lasoo dhaafay ku siqeysay Magaalada Addis Ababa ayaa weerarro kala hortagtay ciidamada dheeraadka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku kordhiyay Furimaha Dagaalka si ay u adkeeyaan difaacyada Dagaalka.

Dagaallada Sokeeye ee ka jira gudaha Dalka Itoobiya ayaa saameyn taban ku reebay isu socodka qaybo kamid ah Gobollada Dalkaas, Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa kordhisay ciidamada Federaalka ee ilaalinaya Magaalada Addis Ababa oo dhanka kale ah xarunta Midowga Afrika.

Dagaalyahanada Jabhadda FANO ayaa dhawaan soo bandhigtay muuqaallo ay ka duubtay Askar ay sheegtay in ay ku qabatay dagaallada socda, qaarkood oo ka hadlay sida gacanta loogu dhigay, ujeedka dagaalkooda iyo arrimo kale ayaa codsaday in la joojiyo dagaallada ka socda dalkaas.

Dagaallada ka dhex jira Xukuumadda Talada heysa Itoobiya iyo Ismaamullada ayaa billowday sanadkii 2020 kaddib markii Ismaamulka Tigray uu qabsaday doorasho ay diidday Xukuumadda Abiy Ahmed, markii dambe waxa uu murankooda isku baddelay dagaal toos ah oo ka dhacay Waqooyiga Dalkaas.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.10.2024}

Sabti 26-Oct-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Sahra Gabre & Yaasiin Cali

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Sabti, 26 October, 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne DENI, ayaa Jubbland ku taageray go,aankii ay ka qadatay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

0

Sabti, 26 October, 2024 {HMC} Madaxweyne DENI, ayaa Jubbland ku taageray go,aankii ay ka qadatay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Sanaag iyo Sool waxa lagu qoray dhul lagu muransan yahay waa arrin layaab leh

0

Sabti, 26 October, 2024 {HMC} Sanaag iyo Sool waxa lagu qoray dhul lagu muransan yahay waa arrin layaab leh

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo Ansixiyay Xisaab xirka Miisaaniyadda sanadkii tagay 2023

0

Sabti 26-Octo-2024 {HMC} Kulanta caadiga ah Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa codeyn lagu geliyay xisaab xirka lagu sameeyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkii lasoo dhaafay 2023 maadaama ay ka doodeen kulamadii u dambeeyay.

Labada Gole ee Baarlamaanka oo si wadajir ah u fadhiyay kulanka ayaa codeyntii la sameeyay waxaa aqbalay xisaab xirkaas lagu sameeyay Miisaaniyadda sanadkii hore 167 Mudane, waxaana diiday 3 Xildhibaan mana jirin mudane ka aamusay.

Shir guddoonka kulankii maanta uu Baarlamaanka ku yeeshay Magaalada Muqdisho oo codeynta kaddib ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in qodobkaas la xiriira xisaab xirka miisaaniyadda 2023 uu dhankooda ka gudbay.

Shuruucda ka gudubta Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee marta habraacyada loogu talagalay sida aqrinta 1aad, 2aad, 3aad & u codeynta waxaa ugu dambeyn saxiixa Madaxweynaha Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne DENI, ayaa Jubbland ku taageray go,aankii ay ka qadatay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

0

Sabti, 26 October, 2024 {HMC} Madaxweyne DENI, ayaa Jubbland ku taageray go,aankii ay ka qadatay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxweynaha Puntland: Waxaan garab iyo gaashaan u ahay madaxweynaha Jubbaland.

0

Sabti 26-Octo-2024 {HMC}Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay taageerayaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu qabsado doorasho uu maamulkiisa u madax bannaan yahay.

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo inaan garab iyo gaashaan u nahay Jubbaland oo goosatay inay doorashadeeda sida sharcigu iyo nidaamku yahay ku qabsato. Waxaan ku boorinaynaa guddiga doorashada Jubbaland inay qabtaan doorashada Jubbaland,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan awood dastuuriya u lahayn inay soo faragaliso doorashooyinka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in madaxda Soomaaliya ay isku dayayaan inay laalaan dastuurada ay leeyihiin dowlad goboleedyada.

Deni wuxuu sheegay, dowladda Federaalka in aanay doonayn in doorasho qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya, wuxuu sheegay in qorshaheeda uu yahay in dowlad goboleedyada taabacsan loo kordhiyo muddo sanad ah , si ay u xalaaleysato muddo kororsigeeda.

Wuxuu sheegay dalku inuu khatar wajahayo, haddii madaxda dowladda aysan kusoo laaban xayndaabka sharci, sidoo kale wuxuu ugu baaqay labada aqal ee baarlamaanka in ka doodaan xaaladda uu dalku marayo.

{DAAWO MUUQAALKA} Saciid Dani Oo Hadal Meelo Badan Taabanaya Kajeediyay Furitaanka Barlamaanka Putland

0

Sabti, 26 October, 2024 {HMC} Saciid Dani Oo Hadal Meelo Badan Taabanaya Kajeediyay Furitaanka Barlamaanka Putland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA