Jimco 24-Octo-2024 {HMC} Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco 24-Octo-2024 {HMC} Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco 24-Octo-2024 {HMC} Markabka lagu magacaabo Oruc Reis ee Dowladda Turkiga usoo dirtay dhiggeeda Soomaaliya si loo baaro Shidaalka ku jira Badda Soomaaliya ayaa soo gaaray Dekedda Muqdisho waxaana socda munaasabad lagu soo dhaweynayo Markabkaas.
Wafdi ka yimid Turkiga oo shalay gelinkii dambe caasimadda soo gaaray iyo madaxda Dowladda Federaalka ayaa ka qaybgalaya munaasabaddaan sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku dhow soo dhaweynta markabkaan.
Markabkaan oo kamid ah Maraakiibta casriga ah ee Turkidu sameysteen ayaa la dhisay ama la sameeyay sanadkii 2017, dhowaan waxaa soo sagootiyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo howlwadeennada la socda u rajeeyay in ay ku guuleystaan howsha loo igmaday.
Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah XFS Cabdirisaaq Maxamed Cumar iyo Wasiiru-dowladaha Gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa soo dhaweeyay wafdiga ka socda Turkiga oo kulamo hordhac ah la qaatay.
Jimco 24-Octo-2024 {HMC} Sidee loosoo Dhaweeyay Markabkii Turkiga ooYimid Magalada Muqdisho
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco 24-Octo-2024 {HMC} Markabkii Shidaalka ka baarayay Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco, 25 Oct 2024 {HMC}– Shirka howlaha ururinta ajendaha iyo xulashada ergooyinka meteli doona deegaanka Soomaalida ee madasha wadatashiga qaranka ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo gaba-gabeeyau magaalada Jigjiga.
Shirkan oo socday muddo saddex maalin ah ayaa intii uu socday qorshaha ururinta ajandaha, waxaa ka qayb-galay in ka badan 3000 oo ergo ah oo ka kala yimid degmooyinka deegaanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta deegaanka Soomaalida.
Ka qeyb-galayaasha ayaa waxa kamid ahaayeen 2000 qof oo matalayay bulshada iyo 1000 xubnood oo ka socday ururada bulshada rayidka ah. Waxayna ergooyinkan ayaa si rasmi ah u matali doona deegaanka Soomaalida madasha wadatashiga qaranka ee Itoobiya.
Ugu dambeyntii, ajandayaasha kala duwan ayaa la mideeyay waxaana lagu wareejiyay komishineerka guud ee komishinka wadatashiga qaranka ee Itoobiya.
Tan ayaa imaneysa xilli jabhadda xoreynta ogaadeeniya (ONLF) ay ku dhawaaqday inay hakisay ka qayb-galka wada-hadalka qaran ee Itoobiya markii uu shirku furmay, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay ONLF.
ONLF ayaa saluug ka muujisay tallaabooyinka ugu dambeeyay ee xisbiga talada haya ee gobolka Soomaalida, taas oo hoos u dhigtay kalsoonida wada-hadalka, maadaama uu si iskiis ah usoo xushay xubnaha ka qayb-galaya madasha, taas oo ay ku tilmaameen inay baalmarsan tahay heshiisyadii iyo xeerarkii horey loo dejiyay.
Tan ayey ONLF ku tilmaamtay hanaan kaligiis-talisnimo ah oo khilaafsan ujeeddada wada-hadalka qaran, kaas oo ahaa in la isku keeno dhammaan dhinacyada si wax looga qabto arrimaha dhaliyay khilaafaadka.
Muxuu dowlad deegaanka ka qabaa arrintaan?
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa ayaa meesha ka saaray saluuga ay muujisay ONLF, isagoo sheegay in wada-hadalka qaranka uu yahay mid u gaar ah Soomaalida.
Cagjar ayaa tilmaamay in uusan jirin ajande ama go’aan lagu gaarayo shir aan loo qaadin afti dadweyne, taas oo ka duwan sheegashada ururka ay sii kala furanayaan xukuumadda federaalka Itoobiya.
“Wadaxaajoodka Qaran ma jirto cid aan Soomaali ahayn oo la shir tagaya ajandayaasha Soomaalida. Majirto in tiro aan inoo qalmin la ina siiyay,” ayuu madaxweyne Cagjar ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Waxa uu intaas kusii daray “Sida ayna u jirin calan, magac, iyo caasimad la badalayo ayayna u jirin hindisayaal halis ku ah shacabka Deegaanka Soomaalida oo lagu karkarinayo hanaanka wadaxaajoodka qaran ee socda. Wixii aan u cuntamayn shacabkana waxay haystaan fursad ay codkooda ku muujiyaan maadama afti laga qaadi doono.”
Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xilli ay sii xumaanayso xaalada geeska ka jirta, taas oo ka dhalatay is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Itoobiya la gaartay Somaliland, kaas oo xulafo horleh ka abuuray gobolka.
Friday 25, October 2024 {HMC} The United States imposed sanctions on Thursday against Mirghani Idris Suleiman, a leading figure in the Sudanese Armed Forces (SAF) efforts to get weapons for the war against the Rapid Support Forces (RSF), the Treasury Department said in a statement.
As director of Defense Industries Systems (DIS), the Sudanese army’s primary weapons procurement arm, “Idris has been at the center of weapons deals that have fueled the brutality and scale of the war,” the statement said.
“Today’s action underscores the essential role that key individuals like Mirghani Idris Suleiman have played in procuring weapons, perpetuating violence, and prolonging the fighting in Sudan,” said Bradley Smith, acting under secretary for terrorism and financial intelligence.
DIS was sanctioned last year by Treasury.
Sudan’s army did not immediately respond to a request for comment.
The RSF has seized control of large parts of Sudan in a conflict with the army that the United Nations says has caused one of the world’s worst humanitarian crises.
The war has displaced more than 10 million people, driven parts of the country to extreme hunger or famine, and drawn in foreign powers that have given both sides material support.
SOURCE VOA
Jimco, 25 Oct 2024 {HMC} Isbitaal ku yaal Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah oo qaar carruur yihiin ay ku dishay duqeyenta Israel meel hore iskuul u aheyd xerada qaxootiga Nuseirat. Isbitaalka Al-cawda ayaa sheegay in iskuulka hoyi u ahaa dad soo barakacay.
Militeriga Israel ayaa sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa taliska Xamaas iyo xaruntooda hagista oo dhextaal iskuulka.
Dhinaca kale, Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in Washington ay siineyso in ka badan 130 milyan oo doolar oo gargaar ah barakacayaasha Gaza.
Mr Bilinken ayaa Dooxa kula kulmay madaxda Qatar, wuxuuna wadaaa dadaalada lagu raadinayo xabad joojin. Qatar waa dhexdhexaadiye muhiim u ah dagaalka iyadoo xarunta Xamaasna ay halkaas ku taal.
Mr Blinken waxaa haysta caqabada waa weyn. Wadahalada xabadjoojinta ayaa joogsaday. Xamaasna kuma dhawaaqin hoggaamiyahooda cusub ilaa markii la dilay hoggaamiyihii hore Yaxa Sinwar.
Jimco, 25 Oct 2024 {HMC} Qoyska iyo qaraabada Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka maamulka Wajeer, ayaa weli sugaya war iyo wacaal ku saabsan xildhibaanka oo in muddo ah la la’ yahay.
Haddaba natiijadii ka soo baxday baaritaan lagu sameeyey dhacaan laga qaaday maydka ruux loo maleeyey in uu xildhibaanka yahay, ayaa waxaan ka wareysannay Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah ehelada xildhibanka la waayey.
“Dalkaan sharci ayaa kajira waxa aan dooneynaa in xildhibaanka nolol ama geeri lagu keeno dowladda ayeyna taasi xil ka saarantahay”.
Weli ma heyno Yuusuf, dowladduna waxa ay noo sheegtay in weli ay baarayaan, qof meyd ah oo la helay ayaa loo maleeyay in xildhibaanku uu yahay balse markii la baaray ayaa la ogaaday in qofkaas geeriyooday uusan ahayn xildhibaan Yuusuf”, ayuu yiri Maxamed .
Waxa uu sheegay in qof ahaan ay dowladda ka sugayaan natiijada baaritaannada iyo sidoo kale in ay codsanayaan in war iyo wacaal laga keeno qofkoodii oo ka maqan.
Warka waxaa soo jeedinayo::Abdirahman Muse
Farsamadii ::Muse Ali Herow
Friday 25, October 2024 {HMC} Nigeria has released on humanitarian grounds an American citizen held for the past eight months on cryptocurrency money laundering accusations.
“I am pleased that American citizen and former U.S. law enforcement official Tigran Gambaryan has been released on humanitarian grounds by the Nigerian Government and is on his way back to the United States so that he can receive needed medical attention,” U.S. national security adviser Jake Sullivan said in a statement.
“I am grateful to my Nigerian colleagues and partners for the productive discussions that have resulted in this step and look forward to working closely with them on the many areas of cooperation and collaboration critical to the bilateral partnership between our two countries.”
Gambaryan was the chief compliance officer for Binance, the world’s largest cryptocurrency exchange.
Nigeria accused Gambaryan and Binance of using Binance’s platform to launder as much as $35 million, something Gambaryan and Binance have denied.
Earlier this week, a prosecuting lawyer with Nigeria’s Economic and Financial Crimes Commission told Nigeria’s Federal High Court that the government was ending the case against Gambaryan after “taking into consideration some critical international and diplomatic reasons.”
Gambaryan’s health declined in the months following his arrest. Reuters reports that his wife, Yuki, was concerned that his deteriorating condition could “leave permanent damage and affect his ability to walk.”
Binance is facing additional charges, including suspicion of tax evasion and operating without a license.
SOURCE VOA