Home Blog Page 1730

Askar Loo Haysto Shil ay ku Galeen Gaadiidka Dowladda oo la so taagay Maxkamada Ciidamada.

0

Khamiis 24-Oct-2024 {HMC} Askar Loo Haysto Shil ay ku Galeen Gaadiidka Dowladda oo la so taagay Maxkamada Ciidamada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxaay Tahay Miisaniyadda aay Maanta Ansixiyeeyn Wasiirada Jubaland?

0

Khamiis 24-Oct-2024 {HMC}  Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagu ansixiyay ku tala galka miisaaniyadda maamulka ee sannadka 2025, taas oo dhan $63,387,111.39 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta dhaqaalaha.

Waxaa kale oo golaha wasiirrada Jubbaland ansixiyay xeerka ka hortaga gudniinka fircooniga ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin arrimaha amniga, Xaalada guud ee siyaasada dalka, Isbadalka Cimiladda, dardar galinta mashruuca GPE ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Ciyaaraha Degmooyinka Jubaland oo dhawaan la qabanayo.

Miisaaniyadda maamulka Jubbalabd , ayaa sare u kacday sannadka soo socda, waxaana lacagaha miisaaniyadda ee maamulka Jubbaland ka timaadaa dhinaca dekadda Kismaayo iyo lacagaha kabka ee dowladda bixiso.

Booliska Soomaaliya oo War Kasoo Saaray Dhaca Gaadiidka

0

Khamiis 24-Oct-2024 {HMC}  Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen ku wargaliyay shacabka Soomaaliyeed in kusoo wargaliyaan ciidanka booliiska, haddii gaari ama mooto laga dhaco .

Qoraalka kasoo baxay booliiska ayaa u qornaa sida tan:

Iyadoo la ilaalinayo badbaadada muwaadiniinta iyo hantidooda, waxaa bulshada Soomaaliyeed oo dhan la farayaa inay raacaan qodobada soo socda:

1- Gaari ama Mooto lagaa xado: Haddii gaari ama mooto aad leedahay lagaa xado ama aad waaydo, waa lagama maarmaan inaad ku wargaliso saldhigga boliiska ee kuugu dhow 48 ilaa 72 saac gudahooda, si laamaha amnigu uga baadi goobaan.

2- Dukumintiyo luma: Haddii ay kaa lumaan dukumiintiyo muhiim ah sida taargada ama buugga gaarigaaga, waxaa waajib ah inaad ku wargaliso boliiska 48 ilaa 72 saac gudahooda.

Digniin: Haddii aad ku guuldareysato inaad ku wargeliso Hay’adaha ammaanka xaaladaha kor ku xusan, adiga ayaa qaadi doona masuuliyadda wax kasta oo dhib ah oo ka dhasha isticmaalka gaarigaaga ama mootadaada, mana lagu aqbali doono wax cudurdaar ah.

Fadlan ogow, raacista awaamirtan waa mid muhiim ah oo gacan ka geysanaysa sugidda amnigaaga iyo kan bulshada oo dhan.

Ciidanka Doowladda oo Sheegay in aay Dileen Horjooge Ka Tirsanaa AS

0

Khamiis 24-Oct-2024 {HMC}  Ciidamada Jubbaland ayaa howlgal ka dhacay waqooyiga gobolka Jubada hoose ku khaarijiyay Horjoogihii Al-shabaab ugu sareeyay dhinaca qaraxyada iyo koox kale oo la socotay

Waxaa magaciisa lagu sheegay sarkaalka la dilay Goobe Sida aan soo xiganay saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland

Howlgalkan ayaa yimid ka dib dhawaan la helay xogta in gobolka Jubada hoose meelo ka mida ay socdaal ku yimaadeen horjoogayaal sar-sare, waxayna helitaanka xogtaasi sahashay in dhawaanahan la joogteeyo howlgalada ka dhanka ah al shabaab

Deegaan dhaca aagga howdka Dhasheek waamo ayuu ka dhacay dhowlgalkan waxaana sarkaalkan lala khaarijiyay todobo dagaalyahan oo isaga la socotay kuwaasoo ku jiray safarka degaano kale.

Faahfaahin Kasoo Baxeeyso Xiisad Dagaal oo Ka Taagan Degmada Jalaqsi

0

Khamiis 24-Oct-2024 {HMC}  Xiisad dagaal ayaa manta ka taagan degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana Magaaladaasi qeeybo kamid ah gudaha u galay Maleeshiyo Hubeeysan Oo diidan Maamulka degmada Jalalaqsi.

Maleeshiyada Hubeeysan ayaa kasoo horjeedo qorsho Gudoomiyaha degmada jalalaqsi Nuur maxamed Absugi oo ku doonayo in lagu dumiyo Guriga Gudoomiyahii hore ee degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidoow, oo udhow Saldhiga Booliska degmadaas , si halkaasi looga fuliyo Mashaariic horumarineeyd sida ay Maamulka sheekeyn.

Sidoo kale Maleeshiyada oo dadka degmada kula hadlay ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuure Dheere in dhalinyarada dhawaan lagu xiray uu ka qaatay lacago madax-furasho ah, si looso daayo. Waxaana sidoo kale Ciidamadan ay fureeyn wadooyin maamulka degmada Jalalaqsi uu dhawaan Xiray.

Labada Ciidan ee iska soo Horjeedo ayaa ku kala sugan Xarunta Saldhiga Booliska iyo Koontaroolka Magaalada laga galo iyo xaafado kamid ah degmadaas, waxaana laga Cabsi qabaa in uu dagaal qarxo sida ay dadka deegaanka Warbaahinta u sheekeyn.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absugi ayaa Xiligan ku sugan Xarunta Ciidamada ATMIS ay Ku leeyahiin degmadaasi, Maleehiyaadka Hubeeysan ayaa Gudaha degmada Jalalaqsi la galay Gaadiid dagaal sida lagu arkayay muuqaalo kooban oo Baraha Bulshada lasoo galiyay.

Ugu dambeeyn Odoyaasha dhaqanka degmada Jalalaqsi ayaa wado dadaalo xoogan oo xal loogu raadinayo Sidii loo joojin lahaa xiisadan kasoo Cusboonaatay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Humanitarian aid workers face ‘increasingly difficult’ conditions

0

Thursday 24 Oct, 2024 {HMC} The president of the International Federation of the Red Cross and Red Crescent Societies has announced the establishment of the Red Family Fund to honor humanitarian aid workers who have died in the line of duty.

Kate Forbes told the organization’s general assembly in Geneva that aid workers find themselves working under “increasingly difficult” conditions that include not only an escalation in conflicts in the Middle East and elsewhere but also a decrease in observance of international law.

“Global conflicts have escalated, endangering civilians and our volunteers, making it even more difficult to deliver humanitarian aid,” Forbes said.

So far this year, 30 of the group’s 16 million humanitarian aid workers worldwide have died in the line of duty, she said.

“The surge in violence against humanitarian workers underscores a decline in the adherence to international humanitarian law and poses a direct threat to our mission,” the IFRC president said. She described each loss as a deep wound but said the deaths would not weaken the organization’s “resolve to directly address these crises.”

Mirjana Spoljaric Egger, president of the International Committee of the Red Cross, told the gathering that humanitarian workers find themselves doing their jobs across the globe amid a world shaped by “armed conflicts and political turmoil.”

The Red Family Fund, according to the IFRC’s website, honors volunteers and staff from the Red Cross and Red Crescent societies “who die in the line of duty and provides a mechanism for one-time financial assistance to the families they leave behind.”

“This is a tangible step that demonstrates our commitment to honor those who care for others,” Forbes said.

SOURCE VOA

Kenya, Somalia calls for smooth transition to new AU security mission

0

Thursday 24 Oct, 2024 {HMC} Kenyan and Somali leaders have called for a smooth transition of security responsibilities from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) to the new African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), scheduled to commence in January 2025.

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Nairobi, the capital of Kenya, on Monday for high-level discussions with Kenyan President William Ruto, focusing on the security transition and enhancing bilateral cooperation.

According to a joint communique released on Tuesday in Nairobi, Ruto welcomed the establishment of AUSSOM, emphasizing its goal to build on the achievements of its predecessor, ATMIS.

The Somali leader praised Ruto for his efforts in supporting state-building in Somalia and his role in restoring peace, security, and stability in the Horn of Africa. “I acknowledge the significant role of the Kenya Defence Forces in the fight against terrorism alongside Somali Security Forces and other ATMIS troop-contributing countries,” Mohamud said.

According to the communique, the two leaders underscored the importance of adequate financing for AUSSOM and noted the need to explore all funding options.

Ruto assured Mohamud of Kenya’s solidarity with Somalia and its commitment to providing necessary support. He also congratulated Mohamud on Somalia’s election as a non-permanent member of the United Nations Security Council for 2025-2026, noting that Somalia is poised to play a key role in shaping international discourse on peace and security during a critical time of global governance reforms.

The two leaders also discussed the security situation in Somalia and the region, highlighting the need to maintain peace and stability in the Horn of Africa and across the continent. They called for respect for the principles of territorial integrity, sovereignty, and non-interference.

This visit follows similar engagements by the Somali president with leaders from Uganda, Burundi and Djibouti, underlining Somalia’s commitment to a smooth transition of security responsibilities.

SOURCE 

{DAAWO MUUQAALKA} Banaanbaxyo looga soo horjeedo dilka Hooyo iyo labo gabdhood ay dhashay oo ka dhacay Nairobi.

0

Khamiis 24-Oct-2024 {HMC} Banaanbaxyo looga soo horjeedo dilka Hooyo iyo labo gabdhood ay dhashay oo ka dhacay Nairobi.

Cabdi Xaashi oo dhaliilay dhaqanka cusub ee lasoo baxeen Golaha Aqalka sare

Khamiis 24-Oct-2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo guddoomiyay kulan ay yeesheen golaha ayaa aad u dhaliilay hab dhaqan cusub oo ay haatan lasoo baxeen Senatorada Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka uu guddoomiyay Cabdi Xaashi oo ka koobnaa ilaa iyo saddex ajende ayaa kala ahaa, Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda sharciyaynta adeegyada iyo baaritaanka beeraha Soomaaliyeed 2. Akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka xakamaynta kiimikooyinka beeraha iyo Akhrinta labaad ee sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ugu horreyn ka hadlay wasiiru dowlaha wasaaradda beeraha iyo waraabka Asad Cabdirisaaq Maxamed oo Sanatarrada Aqalka Sare faahfaahin guud ka siiyay muhiimadda Hindise sharciyeedka Hay’adda sharciyaynta adeegyada baaritaanka beeraha iyo sharciga xakamaynta kiimikooyinka beeraha, isagoo dul istaahay sida sharciyadaas ay dalka muhiim ugu yihiin iyo waxyaabaha ay meesha ka saarayaan.

Intaas kadib Guddoomiyaha guddiga garsoorka iyo xuquuqul insaanka Aqalka Sare Sanatar Naciima Xasan Garwayne ayaa dhankeeda golaha u dulmartay akrinta labaad sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed oo ay ka soo talo geliyeen dadka Naafada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan, iyadoo Sanatarrada qaar ay ku biiriyeen aragti iyo talooyin kale oo dheeraad ahaa kuwaas oo dheeli tiraya sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare oo isna hadalka qaatay ayaa ka hadlay arrin ku aadan maqnaashaha Senatorada, wuxuuna aad u dhaliilay hab dhaqan cusub oo ay xubnaha lasoo baxeen, isaga oo sheegay in Senatorada qaar marka ay yiimaadaan ay dhuuntaan.

“Senatorada in ay dhuuntaan ayay bilaabeen 30 Senator ayaan ku joognay, haddana 11 Senator ayaa soo hartay saasna xaq maahan” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Ugu dambeyn guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa Senatorada golaha ku booriyay in ay soo xaadiraan fadhiyada guud oo ay ka dhabeeyaan dhaartii ay ku dhaarteen ee gudashadooda.

{DAAWO SAWIRADA} Turkiga oo wafdi culus usoo diray Soomaaliya

Khamiis 24-Oct-2024 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho usoo dirtay wafdi culus oo si diiradan loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdigan oo uu horkacayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Turkiga, waxaana qeyb ka ah wafdigaan mas’uuliyiin ka socota wasaaradda tamarta iyo kheyraadka ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in imaatinka wafdigan uu la xiriiro qorshaha markabka Turkiga uu usoo diray xeebaha Soomaaliya, kaas oo sameyn doono sahmin shidaal oo rasmi ah.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wafdigan kusoo dhaweeyay Muqdisho ayaa sheegay inay farxad u tahay inay soo gaaraan mas’uuliyiin sar sare oo ka socda xukuumadda Ankara oo saaxib la ah Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu wasiirku rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysan doonaan qorshaha sahminta oo ay kala kaashan doonaan dowladda Turkiga.

Markabka Oruç Reis oo sameyn doono baarista shidaalka ayaa dhowaan kasoo dhaqaaqay Dekedda Filyos ee Zonguldak, isagoo mari doona jidka Mediterranean-ka, Kanaalka Suez, iyo Badda Cas, wuxuuna kadib toos usoo caga dhigan doonaa xeebaha Soomaaliya.

Sida qorshaha uu yahay markabkan wuxuu kusoo xiran doonaa meel u dhow biyaha Soomaaliya dhamaadka bishan October, ayada oo la filayo inuu qaato qiyaastii 19 maalmood.

Si kastaba, tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya.