Khamiis 24-Oct-2024 {HMC} Qatarkta Ay Ubareeraan Darawallada Qamriga Soo Galiya Magaaladda Muqdisho
Human Rights Watch criticizes Burkina Faso for omitting abuses in state report
Thursday 24 Oct, 2024 {HMC} Human Rights Watch is calling out the government of Burkina Faso for failing to include human rights violations taking place in the country in a report to the African Commission on Human and People’s Rights.
Burkinabe authorities, security forces and terror groups are all accused of widespread abuses against civilians and restrictions on people’s rights and freedoms.
The commission requires member states to report on the human rights situation in their countries and the measures taken by the authorities to address the abuses. The last report covers 2015 to 2021 and was reviewed Wednesday.
Allan Ngari, HRW’s Africa advocacy director, said Burkina Faso’s reporting does not cover more recent abuses in the country.
“The report falls short of a number of human rights violations that we have been documenting as Human Rights Watch between 2021 to 2024, so this information is not readily available for the commission at this point,” Nagari said, adding that the group has shared reports with the commission to take recent years into consideration.
Local and international human rights groups say widespread human rights violations are taking place in the country as the military government wrestles with insecurity caused by Islamist extremist groups.
The rights groups say abuses by the government and military include arbitrary arrests, extrajudicial killings, enforced disappearance, torture, and interference with the judiciary and media.
The Islamist groups are also accused of serious abuses against civilians, including summary executions, sexual violence, abductions, and besieging towns and villages across the country.
Burkina Faso’s report to the commission says the government has established a panel to investigate and prosecute terrorism acts, observe detainees’ rights and train its security forces in international human rights and humanitarian law to prevent abuse.
Paul Ogendi teaches law at the University of Nairobi and is a human rights expert attached to the African Commission on Human and People’s Rights. He said periodic reporting of the human rights situation in a given country can help the country improve its record and save lives.
“The reporting obligation is very important to help the country adhere to the African charter or comply with the obligation under the African charter,” Ogendi said. “When you do not report, then it’s very hard for the commission through its mandate to help you as a country improve on aspects where there might be weaknesses.”
Ngari said people in Burkina Faso continue to face abuses but there are also other concerns. Those include safeguarding civic space for activists and journalists and political opposition who have been targeted by the state and “disappeared” but were forced to join the front lines of battle against Islamic armed groups.
“People who have no training in military operations and yet are put on the front line,” Ngari said. “So we are urging the commission to take into cognizance these anomalies and violations of the African Charter and to ask the government of Burkina Faso to pursue accountability for serious abuses.”
Ogendi explained which actions the commission can take against a country that fails to comply.
“Most of the action is taken for the head of states to take note of what is happening and perhaps in some cases urge the state to be compliant with the obligations under the African Charter,” Ogendi said. “But I have also seen a situation where the commission can have a mission in those countries or they can have advocacy visits to try to talk to the head of states of those who are responsible.”
Last year, the commission wrote to Burkina Faso following the killing of civilians in Namentenga and Yatenga province to initiate an investigation and ensure the protection of civilians.
SOURCE VOA
Madaxweyne Xassan Shiikh oo Khadka Telefonka kula xiriiray dhigiisa Turkiga
Khamiis 24 Oct 2024 {HMC} – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa uga tacsiyeeyay muwaadiniinta ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee ka dhacay Ankara.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isaga oo Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta Warshadaha ee magaalada Ankara.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Turkiga ku adkeeyey in ay u midoobaan sidii ay uga hortigi lahaayeen dhacdooyinka noocan ah, waxa uuna Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisto, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda.
Dowladaha Sacuudiga iyo Iran oo wadajir u sameynaya dhoolatus ciidan
Khamiis 24 Oct 2024 {HMC} – Ciidanka badda Iran iyo Sacuudiga ayaa dhoolatus wadajir ah ka sameyn doona badda cas, sida uu ka sheegay telefishinka dawladda Iran taliyaha ciidanka badda Iran, Shahram Irani.
Arrintan waxaa dhacdo muhiim ah ka dhigaysa, inay tahay calaamad muujinaysa sida yar ee labada dal oo mar cadow isku ahaa ay u soo celinayaan xiriirkooda.
Toddobaadkan wargeyska New York Times ayaa baahiyay maqal dheer oo ciwaan looga dhigay isbahaysiga bariga dhexe ee ay ka maqan tahay Israa’iil’, wargeyska wuxuu sheegay wixii ka horreeyay 7dii Oktoobar sannadkii hore inuu socdo dadaalka lagu raadinayay xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara Israa’iil iyo Sacuudiga, markaasoo ay go’doon la kulmi lahayd Iran, balse wixii ka dambeeyay dagaalka Qasa, waxaa dhismay xiriirka Riyadh iyo Tehran oo markan meesha ka saaray Israa’iil, iyadoo sarkaal Sacuudiyaan ah oo ku dhow boqortaayadda uu u sheegay wargeyska in labada dal ay marayaan hab ay ku tijaabinayaan daacadnimada xiriirkooda, haddii dhinaca Iran laga helana iskaashi dhab ah markaa Sacuudiga wuxuu soo bandhigi doonaa iskaashi iyo xiriir wadaag ah oo labada dal ah.
Iskaashiga Sacuudiga uu la yeelanayo Iran ayaa sidoo kale meesha ka saaraysa cabsida ay Boqortooyadda Khaliijka ka qabto inay dhibaato kala kulanto kooxaha Iran ay taageerto oo ay ugu horreeyaan Xuutiyiinta, hadda horumarka ka muuqanaya xiriirka labada dhinac wuxuu dhabar jab diblomaasiyadeed ku yahay Mareykanka gaar ahaan maamulka Biden ee dimuqraadiga oo isku dayay in heshiis taariikhi ah uu dhex dhigo Tel aviv iyo Riyadh.
Mareykanka wuxuu ku guul-darraystey joojinta dagaalka Qasa waxay burburisay diblomaasiyadiisa awoodda lahayd ee bariga dhexe, haddana Sacuudiga wuxuu ku adkeynaya kaliya inuu xiriir diblomaasiyadeed la sameyn karo Israa’iil marka ay aqoonsato dawladda Falastiin ee caasimad ay u tahay bariga Qudus, taasoo aysan dooneyn dhinaca Tel-aviv.
Dowlada Soomaaliya oo War ka soo saartay weerarkii lagu qaaday xarunta diyaaradaha Turkiga
Khamiis 24 Oct 2024 {HMC} – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u canbaaraysay weerarka argagixiso ee foosha xun ee lagu qaaday Turkish Aerospace Industries (TUSAS) ee Kahramankazan, Ankara, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibbanayaasha, annagoo garab taagan shacabka iyo dowladda Turkiga xilligan adag,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaan uusan kaliya halis ku aheyn Turkiga, “balse uu dharbaaxo ku yahay nabadda iyo amniga caalamka.”
“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay, waxay khatar ku tahay xasilloonida dalalka iyo badqabka dadka oo dhan, Soomaaliya oo muddo dheer dagaal kula jirtay argagixisada, si qoto dheer ayay ula damqanaysaa walaalaheeda Turkiga, waxayna la wadaageysaa murugada,” ayaa lagu yiri Bayaanka Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay jawaabta deg degga ah ee ciidamada amniga Turkiga ay ka bixiyeen weerarkaas, “waxaan ku kalsoonahay in kuwa masuulka ka ah lala xisaabtami doono,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga u xaqiijisay in go’aankeedu uu yahay inay sii waddo wada shaqeynta ay la leedahay Turkiga iyo beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, Iskaashigeenu uu ka xoog badan yahay intii hore, kaas oo ku dhisan qiyamka aan wadaagno, kalsoonida, iyo u heellanaanta nabadda.
“Xilliyadan adag Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay mideeyaan dadaallada iyo iskaashiga, si looga hortago dhibaatada argagixisada ee caalamka oo dhan,” ayaa lagu yiri warkaan ay caawa soo saartay dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyntii qoraalka dowladda Soomaaliya waxaa lagu yiri, “Wadajir waxaan u xaqiijin karnaa in ficillada noocan oo kale ah aysan wiiqi doonin go’aankeena ah inaan ilaalino dadkeenna iyo nabadda caalamka.”

Maxaa looga hadlay kulankii Xalay ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya?
Khamiis 24 Oct 2024 {HMC} – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaasi oo dhaca Khamiis kasta, balse waxaa laga soo hor mariyey waqtigiisa.
Kulanka caawa ee golaha ayaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania.
Heshiiskaas ayaa ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.
Shirka caawa waxaa shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana jiray ajendayaal kale.
Waxaa lagu soo bandhigay warbixino kala duwan oo la xiriira amniga, halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), Jihaynta warbaahinta iyo canshuurta gadista ee dalka laga dhaqan geliyay.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10.23.2024}
Arbaco 23-Oct-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Dhaqane Khaliif Abdi
Farsamadii ::Abdirahman Maclin Muse
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Doowladda Soomaaliya oo War Ka Soo Saartay Ciidanka Itoobiya ee Ku Sugan Soomaaliya
Abraco 23 Oct 2024 {HMC} Somalia ayaa mar kale ku celisay in ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon doonin howlgalka cusub ee Midowga Afrika oo bilaabanaya sanadka soo socda sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda oo u qornaa sidatan:-
Mowqifka Soomaaliya ee Qaranimada iyo Doorka Itoobiya ee Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika (AUSSOM)
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale xaqiijineysaa in ay ka go’an tahay ilaalinta qaranimadeeda iyo xaqiijinta nabadda dadkeeda. Marka aan ka gudubno ATMIS una gudubno Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Soomaaliya waxay hoggaamin doontaa jihada howlgalka iyadoo si cad diiradda u saari doonta madaxbannaanida.
Tallaabooyinka hal dhinac ee Itoobiya ay dhawaan qaaday, oo ay ku jiraan heshiis sharci darro ah oo lala galay gobolka waqooyi ee Soomaaliya, waxay ku xad-gudbayaan madax-bannaanidayada waxayna meesha ka saarayaan kalsoonida lagama maarmaanka u ah nabad ilaalinta.
Ciidamada Itoobiya ee horey u joogay dalka ayaa horseeday in dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu bato, horumarkana uu yaraado. Tani waxay dalbanaysaa xulashada istaraatiijiyadeed ee dheeraadka ah ee la-hawlgalayaasha ciidamada si loo hubiyo in AUSSOM ay la jaanqaado hadafyada amniga iyo horumarka Soomaaliya.
Inta aan isu diyaarinayno wejiga xiga ee nabad ilaalinta oo hoos imaanaya Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, waxaa lama huraan ah in aan mar kale ku celinno in Soomaaliya tahay dal madax-bannaan ayna leedahay awoodda go’aan ka gaarista Waddamada Waddamada Ciidamada ku biirinaya howlgalka cusub. Go’aanka ciidamada waa inuu waafaqsan yahay danaha qaranka Soomaaliya iyo ilaalinta midnimada dalka.
Waxaa naga go’an inaan kala shaqeyno Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub AUSSOM, iyadoo Soomaaliya ay hormuud u tahay xulashada saaxiibada ixtiraamaya madax-bannaanidayada.
Soomaaliya gorgortan kama geli doonto go’aannada mustaqbalka iyo amnigeeda saameeya.
Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan bah-wadaagta la ah inay dhowraan mabaadi’daas si loo helo Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah.
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha cameroon oo ugu dambeyn la helay kadib muddo la la’aa
Arbaco 23-Oct-2024 {HMC} Madaxweynaha cameroon oo ugu dambeyn la helay kadib muddo la la’aa
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Howlkal Qorsheysan oo Laga fuliyey Deegano Hoostaga Buula burde.
Arbaco 23-Oct-2024 {HMC} Howlkal Qorsheysan oo Laga fuliyey Deegano Hoostaga Buula burde.



