Home Blog Page 1740

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {22.10.2024}

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

0

Talaado 22-Oct-2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta  Hiiraanweyn.

Waxaa Caawa Warka So Jeedinaayo Wariye: abdi maajid abdirahmaan

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Khasaaraha Dagaal ka dhacay Gal-gaduud oo korartay.

0

Talaado 22-Oct-2024 {HMC} Khasaaraha Dagaal ka dhacay Gal-gaduud oo korartay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Qofkii laaluush qaata dalkiisa ayuu qiyaanay” wacyigilin

0

Talaado 22-Oct-2024 {HMC} Qofkii laaluush qaata dalkiisa ayuu qiyaanay” wacyigilin

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa lagu soo qabtay Howlgalo Ciidamada ay ka sameeyeen Gudaha Caasimadda Muqdisho.

0

Talaado 22-Oct-2024 {HMC}Maxaa lagu soo qabtay Howlgalo Ciidamada ay ka sameeyeen Gudaha Caasimadda Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Odayaal ka cabanaya dhul boob ay sheegeen in Dowladdu ku hayso.

0

Talaado 22-Oct-2024 {HMC}  Odayaal ka cabanaya dhul boob ay sheegeen in Dowladdu ku hayso.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasaaradda Caafimaadka XFS oo warka ka soo saartay dheereynta dhalmada iyo Taranka.

0

Talaado 22-Oct-2024 {HMC} Wasaaradda Caafimaadka XFS oo warka ka soo saartay dheereynta dhalmada iyo Taranka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Madaale iyo Hogaanka Ururka Haweenka Gobolka Banaadir oo Kulmay

0

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay hogaanka ururka Haweenka Gobolka Banaadir kaas oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar.

Kulankan oo ay soo agaasintay guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa ujeedkiisu ahaa in Duqa Muqdisho uu ka dhageysto warbixinno la xariira baahiyaha ay qabaan gabdhaha ururka haweenka iyo marxalaha ay ku shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa haweenka Soomaaliyeed ku amaanay sida ay laf dhabar ugu yihiin horumarka dowladnimada, dib u-heshiisiinta iyo dib usoo kabashada dalka, isaga oo balan qaaday in sida ugu macquulsan uu wax uga qaban doono baahiyaha ay qabaan.

Muuse Biixi oo kulan xasaasi ah la qaatay Karin Johansson

0

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku qaabiley Safiirka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya Amb. Karin Johansson.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Amb Karin Johansson ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta xiriirka midowga yurub iyo maamulka Somaliland, mashaariicda horumarinta bulshada ee ay iska kaashadaan labada dhinac.

Sidoo kale, waxa kulanka labada dhinac yeesheen lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka maamulka Somaliland ee bisha soo socota ee November qabsoomeysa , nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Geeska Afrika.

Waxaana Madaxweynaha Somaliland kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Ciise Keyd Maxamuud iyo Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

Doorashada dhawaan ka dhaceysa deegaannada maamulka Somaliland ayaa waxaa ku tartamaya xisbiyadda ka jira Somaliland, wakiillada beesha caalamka ayaana kala shaqeeya Somaliland sidii ay u dhici laheyd doorasho daah-furan.

Maxeey Kawada Hadleen Madaxweyne Xasan iyo William Ruto?

0

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay gaaray Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi halkaasi oo uu Maanta Shir kula yeelanayo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Villa Somalia ayay ku shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Xalay u hoyday magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya halkaasi oo uu Wada-hadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalkaasi William Ruto.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada-hadli doonaa Qodoba ay kamid yihiin Xoojinta Iskaashiga labada Waddan ee Arrimaha Gobolka iyo sidoo kale Marxaladda kala guurka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS sida ay sheegtay Warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Waddanka Kenya ayaa qeyb ka ah Socdaal uu ku marayo dalalka Gobolka ee Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo uu kala hadlayo Marxaladda Kala guurka Hawlgalka ATMIS.