Axad 20-Oct-2024 {HMC} Dowladda Masar oo xaqiijisay inay ciidamadeeda u dirayso Soomaaliya
{DAAWO MUUQAALKA} Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo afar qodob ku heshiiyey
Axad 20-Oct-2024 {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo afar qodob ku heshiiyey
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Kafeeyga ama bunka laga sameeyo saxarada maroodiga+Warbixin
Axad 20-Oct-2024 {HMC} Kafeeyga ama bunka laga sameeyo saxarada maroodiga+Warbixin
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Guddiga Doorashooyinka Puntland oo dib u bilaabay shaqooyinka hor tabinta leh ee Doorashada
Axad 20-Oct-2024 {HMC} Guddiga Doorashooyinka Puntland oo dib u bilaabay shaqooyinka hor tabinta leh ee Doorashada
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Waa kuma Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya Kithure Kindiki?
Axad 20-Oct-2024 {HMC} Waa kuma Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya Kithure Kindiki?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Dowadda Soomaaiya, ATMIS & Qaramada Midoobay oo ka shiraya Mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika
Axad 20-Oct-2024 {HMC} Dowadda Soomaaiya, ATMIS & Qaramada Midoobay oo ka shiraya Mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Puntland oo eedeymo layaab leh ujeedisay dowladda soomaaliya .
Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo sheegay inuu aad ula socdo warbaahinta iyo arrimaha lagu faafiyo baraha bulshada ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey inay ka shaqeyso suurad xumeynta Puntland.
Madaxweyne Lugatoor ayaa sheegay in Puntland ay soo caayaan dhalinyaro ay dhaleen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in magacyadooda uu sheegi doono hadii aysan ka waantoobin arrintaas.
“Waxaa soo batay koox weriyaal u badan oo kooxo federaalka jooga ay u adeegsadaan in Puntland la caayo, in dadkeeda la isku diro, in Puntland iyo Khaatumo la isku diro iyo in umadaha kalaba la caayo, waxaa u badan team Youtubarro ah,” ayuu yiri Madaxweyne Lugatoor.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inuu ka xishoonayo in magacyada xubnahaas uu sheego, “Facebookyo badan ayaa loo furay qof kasta, si looga soo wada caayo Puntalnd.”
“Waxaa jira ciyaalo madaxda qaar ay dhaleen, hadaan la deyn cayda Puntland waan soo bandhigi doonaa magacyada xubnaha ka shaqeeya waxaas, waxaan is lahaa Soomaaliya waa ka gudubtay dhaqankaas, laakiin mar kasta oo hormarka Puntland lasoo bandhigo, ragbaa soo caaya oo shaqo ka dhigtay,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Ilyaas Lugatoor.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa weriyaasha deegaanada maamulkaas ku nool ka codsaday inay buunbuuniyaan wararka ku saabsan deegaanada Puntland, gaar ahaan kuwa quseeya maamulka.
“Wararka Federaalka ee aad buunbuunisaan iska daaya ee kuwa dowladiina qora weriyaashiina reer Puntland, warbaahinteena oo dhan mid federaalka u shaqeysa ayey noqoneysaa, teamkiina media-ha idinkaan masuul ka ah reer Puntland iyo hormarkooda, inta aan cunto cuno inta aan wararkiina eegaa ka badan,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo heshiis kala saxiixday.
Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho rasmi ah ku tagay dalka Uganda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda.
Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay;
1- Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka, iyadoi la isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.
2- Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee AUSSOM.
3- Soo dhoweynta xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026.
4- Dowladda Uganda waxay soo dhaweysay qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka.
Kulanka ayaa imanaya ayada oo xiisad u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka taagan tahay gobolka, taasi oo ka dhalatay heshiiska ay Addis-Ababa la saxiixatay Somaliland.
Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan kama dambeys 31-ka December, haddii aanay ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland.
Ciidamada Itoobiyaanka waxay dalka ku joogaan heshiisyo laba geesood ah, halka qayb kale ay ku joogaan in ay ka mid ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.
Masar ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay badasho ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiya dhamaadka sanadkan, iyadoo Soomaaliya ay si cad u taageertay.
madaxweynaha Indonesia oo maanta si rasmi ah ula wareegaya xafiiska madaxtooyada.
Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Prabowo Subianto oo bishii Febraury loo doortay xilka madaxweynaha Indonesia ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu si rasmi ah u fariisto xafiiska madaxtooyada ee magaalada Jakarta.
Subianto oo horay u soo noqday taliyaha ciidanka gaarka ah, ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadi madaxtinimada ee horraanti sannadkaan, kaddib marki uu ololaha ku soo galay siyaasado ay ku jireen in uu cuntada bilaash uga dhigi doono ardayda iskuullada.
73 jirkaan ayaa sagaalki bilood ee uu doornaa waqti badan geliyay dhisidda isbaheysi adag oo uu ka dhex sameystay gudaha baarlamaanka. Marka la dhaariyo maanta ayuu noqon doonaa madaxweynaha sideedaad ee soo mara Indonesia, isaga oo xilka kala wareegi doono madaxweynaha xilka ka dagayo Joko “Jokowi” Widodo.
Subianto ayaa waxaa madaxweyne ku xigeen u noqon doono, Gibran Rakabuming Raka oo ah curadka wiilasha madaxweynaha xafiiska banneynaya Joko Widodo. Gibran ayaa ah 37 jir.
Isra’il oo duqeysay culus ka fulisay Beyrut iyo Gaza.
Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Saacado kaddib marki uu ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu uu sheegay in diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn lagu bartilmaameedsaday gurigiisa xilli uu ka maqnaa, ayay millatariga Isra’il Sabtidi shalay duqeymo cirka ah ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalooyinka Beyrut iyo Gaza.
Afhayeen u hadlay Isra’il ayaa sheegay in Netanyahu uu ka maqnaa guriga, balse ma cadda in hooygiisa la wax yeelleeyay iyo in kale. Natanyahu ayaa falkaasi ku dilmaamay isku day dil, iyo qalad weyn oo laga shallay doono.
Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in duqeymo ay millatariga Isra’il ku garaaceen guryo dabaqyo ah oo ku yaalla degmada Beyt Laxiya ee waqooyiga Gaza ay ku dileen ugu yaraan 73 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen tobnaan kale.
Ilaha caafimaadka ee isbitaallada Gaza ayaa iyaguna sheegay, in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay Isra’il ku dishay guud ahaan Gaza in ka badan 100 ruux oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan dumar iyo carruur.
Isla Sabtidii shalay, diyaaradaha Israel ayaa ku daadiyay koonfurta Gaza waraaqo lagu dhajiyay sawirka Sinwaar lana soo raaciyo farriin ah: “Xamas mar dambe ma xukumi doonto Gaza”.
Dhinaca Lubnaan, nawaaxiga koofureed ee Beyruut ayay milatariga Isra’il duqeymo culus ku bartilmaameedsadeen sida ay xaqiijiyeen ila wareedyada iyo sawirro laga soo qaaday xarumaha la qarxiyay.
Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen bakhaarrada hubka ee Xisbullah iyo xarumaha dhexe ee dhinaca mukhaabaraadka.
Wali lama oga khasaaraha dhimashada.
Dhanka Isra’il, milatariga ayaa sheegay in dhinaca Lubnan looga soo tuuray ilaa 200 oo gantaal. Ilaha caafimaadka Isra’il ayaa sheegay in nin 50 jir ah uu ku dhintay kaddib marki uu madfac ugu tagay waqooyiga Isra’il, sidoo kale afar qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacmeen.



