Home Blog Page 1760

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Khaatumo oo Tallaabo ka qaadey dad ka ganacsada dhuxusha

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC}  Ciidanka Khaatumo oo Tallaabo ka qaadey dad ka ganacsada dhuxusha

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dukumintiyo Sir Ah Oo Lagu Sheegay Weerar Ay Israa’iil Ku Qaadi Doonto Iran oo La helay.

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC}  Dukumintiyo Sir Ah Oo Lagu Sheegay Weerar Ay Israa’iil Ku Qaadi Doonto Iran oo La helay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Magaalada Garoowe ayaa laga daahfuray Shirka xakamaynta hubka iyo kor uqaadida dakhliga.

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Magaalada Garoowe ayaa laga daahfuray Shirka xakamaynta hubka iyo kor uqaadida dakhliga.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Kismaayo oo laga hirgaliyay astaanta joogsiga gawarida taasi oo kala xidideysa gadiidka.

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Kismaayo oo laga hirgaliyay astaanta joogsiga gawarida taasi oo kala xidideysa gadiidka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shirib cajiib ah oo lagu soo bandhigay deegaanka biya cadde.

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Shirib cajiib ah oo lagu soo bandhigay deegaanka biya cadde.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Sababta madaxda Afrika ay u qariyaan xaaladooda caafimaad

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Sababta madaxda Afrika ay u qariyaan xaaladooda caafimaad.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Turkiga oo xiray sagaal isbitaal oo loo heysto in caruurta kusameenjireen….

0

Axad 20-Oct-2024 {HMC}  Turkiga oo xiray sagaal isbitaal oo loo heysto in caruurta kusameenjireen….

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Itoobiya oo kulan isugu keentay Dalalka Ciidamada ka joogan Soomalia + qorshaha.

Isniin 21-Octo-2024 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa abaabushay oo kulan isugu keentay Dalalka Ciidamada ku Tabaruca (TCC) ATMIS, si ay u diidaan wax loogu yeeray “isku dayga halka dhinac ah” ee Soomaaliya ee ku saabsan qaab dhismeedka howlgalka cusub ee AUSSOM ee beddelaya ATMIS.

Itoobiya ayaa ku adkeysanaysa in ay ka sii mid ahaato howlgalkaas.

Iyagoo carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin ka qayb galka AUSSOM, dalalka TCC, oo ay ay hogaamineyso Itoobiya, ayaa ku adkaysanaya in ay ka qayb qaataan samaynta howlgalka cusub, iyaga oo ku doodaya in aan la iska indho tirin wax qabadkooda Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka oo ay isugu yimaadeen Wasiirada Difaaca ee TCC, Aisha Mohammed, Wasiirka Difaaca Itoobiya, ayaa sheegtay in dalkeeda uu aad u doonayo inuu sii wado caawinta Soomaaliya si loo xasiliyo.

War-murtiyeedka wadajirka ah ee wasiirada, ayaa qiray in “wax-u-hurnimadii ay TCC 17-kii sano ee la soo dhaafay u sameeyeen la-dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya iyo xasilinta dalka” ay qayb weyn ka qaadatay “horumarinta iyo tayeynta hay’adaha dowliga ah ee Dowladda Federaalka. Soomaaliya.”

Hase yeeshee, si howlgalka cusub uu u guuleysto, wasiiradu waxay sheegeen in Midowga Afrika looga fadhiyo in ay dib u eegis ku sameeyaan dhaqaalihii ay ku bixin jireen, maadaama ay jirto hoos u dhac dhaqaale oo saameynaya howlgallada ka dhanka ah kooxda AS oo weli ka taliya dhul badan oo miyi ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta.

Marka ay noqoto aasaaska AUSSOM, wasiirrada gaashaandhigga waxay ku nuux-nuuxsadeen in “cashiradii laga bartay ATMIS si fiican loogu tixgeliyo geeddi-socodka haray” waxayna iftiimiyeen “baahida loo qabo in lagala tashado TCC naqshadeynta howlgalka AUSSOM.”

Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeesatay ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka cusub, iyadoo ku eedeysay Addis-Ababa in ay ku xad-gudubtay madax-banaanida dhuleed iyo qarannimada kadib markii ay heshiis bad la gashay maamulka Somaliland.

Xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay markii Masar ay Muqdisho u soo dirtay ciidamo milateri iyo shixnado hub ah, taasoo keentay in Itoobiya ay walaac ka muujiso ka guuritaanka ATMIS oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid khatar ku ah gobolka.

Dhawaanna, Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea waxay shir saddex geesood ah ku yeesheen Asmara, halkaas oo ay ku heshiiyeen tallaabooyin kor loogu qaadayo awoodda Soomaaliya ee ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda.

Isra’il oo duqeymo culus ka gaysatay Beyrut.

Isniin 21-Octo-2024 {HMC} Isra’il ayaa xalay duqeymo culus ku bartilmaameedsaday qeybo ka mid ah magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnan, waxyar kaddib marki ay ku dhawaaqday Axaddi shalay in ay beegsan doonto garabka maaliyadda ee Xisbullah.

Qaraxyo waaweyn oo ay sababeen madaafiic ay soo tuureen milatariga Isra’il ayaa laga maqlay Beyrut iyo meelo kale. Madaafiicda ayaa marka hore ka billowday nawaaxiga koofureed ee caasimadda kaddibna waxaa xalay la duqeeyay dhismayaal ku yaalla qeybo kale oo Beyrut ah.

Boqollaal ka mid ah dadka reer Beyrut ayaa xalay guryahooda ka cararay kaddib digniinta kasoo baxday Isra’il ee la xiriirta in ay billaabayaan duqeymaha cirka. Dadka ayaa ka cararay koofurta, bartamaha iyo deegaannada ku dhaw garoonka diyaaradaha caalamiga ah.

Muuqaallo ay baahisay wakaaladda wararka ee AP ayaa tusiyay, qaraxyo lala beegsanayo meel u dhaw garoonka kaliyah ee dalka Lubnan. Eraboorka ayaase sii wata howlahiisa caadiga ah.

Isra’il waxay sheegtay in duqeymahan cusub ay ku bartilmaameedsaneyso madaxa qeybta maaliyadda ee Xisbullah Al-Qard al-Hassan. Garabka uu maamulo ayaa lagu sheegaa qeybta socod siiya howlaha maaliyadda ee ay ku howlgasho Xisbullah.

Madaxweynaha Brazil oo dhaawac soo gaaray xilli uu kusii jeeday….

Isniin 21-Octo-2024 {HMC} Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa baajiyay safar uu Axaddi shalay ugu ambabixi lahaa Ruushka, kaddib marki ay dhaqaatiirtiisa caafimaadka kula taliyeen inuusan gali karin duulimaad saacado badan qaadanaya, sababo la xiriira dhaawac madaxa kasoo gaaray isaga oo gurgiisa jooga.

Bayaan kasoo baxay xarunta madaxtooyada Brazil ayaa lagu sheegay, in Lula oo 78 jir ah uu shirka uga qeybgali doono hanka fogaan-aragga ee dhinaca online-ka. Waxaa marki hore la filayay in uu ka baxo Brazil shalay 5-ti galabnimo.

Sida ku cad diiwaanka caafimaad ee isbitaalka Sirio Libanes ee magaalada Brasilia, Lula ayaa dhaawac kasoo gaaray jeegada madaxiisa Sabtidi. Lama faah-faahin waxa sababay dhaawacaasi.

Madasha diblamaasiyadeed ee loo soo gaabiyo BRICS ayaa la unkay muddo hadda laga joogo 15 sano. Waxaa xubno ka ah qaar ka mid ah dalalka ugu suuqyada waaweyn dunida sida Brazil, Ruushka, Hindiya, iyo Shiinaha. Waa marki danbe gadaal kaga soo biiray South Africa, Masar, Itoobiya, Iran iyo Imaaraadka Carabta.