Home Blog Page 1804

Dowladda Soomalia oo faahfaahin ka bixisay go’aan ka soo baxay Shirkada Kenya Airways.

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aan ka soo baxay Shirkada duulimaadyada Kenya Airways oo sheegtey in ay joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho.

Qoraal ay shirkaddu soo saartay maalin ka hor ayey ku sheegtay in ay duulimaadyadii Muqdisho ay u hakisey sababo dhanka shaqada ah, inkastoo aysan si dhab ah u xaqiijin sababta ka dambeysa joojinta duulimaadkooda Muqdisho.

Shirkadda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in kulan ay yeesheen gudiga maamula shirkada Kenya Airways ay isla garteen in laga bilaabo 14-ka bishan October ay joojiyaan duulimaadyadii ay diyaaradoodu ku imaan jirtey magaalada Muqdisho.

Maareeyaha guud ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Maxamed Siciid Cabdullaahi oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in xogtaas ay hayaan, balse aysan jirin wax caqabad ah oo shirkadaas ay la wadaagtay oo kalifay inay joojiyaan duulimaadkooda.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay inay dareemayaan in qiimo yari ay jirto, maadaama shirkado badan oo caalami ah ay suuqa ku soo biireen, kuwaas oo duulimaadyo toos ah ku yimaada Muqdisho.

Waxaa la weydiiyey Maareeyaha in rakaabkii aadi jiray Nairobi Kenya uu yaraaday, wuxuuna sheegay in uusan yaraan, balse ay jiraan shirkado kale oo sababay in qiimo dhimis ay timaado.

Maamulka Garoonka Aadan Cadde ayaa cadeeyey in wax dhib ah aysan u arkin in shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ay joojisay duulimaadyadeedii Muqdisho to Nairobi, maadaama ay soo badanayaan diyaaradaha kale ee caalamiga ah ee dib u bilaabaya duulimaadyadoodii Muqdisho.

Shirkadda diyaarada Sacuudiga iyo dalal kale oo Yurub iyo Mareykanka ayuu sheegay inay dhowaan bilaabayaan duulimaadyadooda Muqdisho, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay soo kabatay, isla markaana aysan dhib u arkin go’aanka hal shirkad oo danteeda ganacsi ka fikireysa.

Milatariga Isra’il oo Falastiiniyiin kale ku dilay waqooyiga Gaza.

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay milatariga Isra’il ka geysteen Sabtidi Marinka Gaza lagu dilay ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah, xilli ciidamada Isra’il ay ku sii siqayaan gunta xerada qaxootiga Jabaaliya iyo hareeraheeda oo maalmihi lasoo dhaafay ay howlgallo ka wadeen.

Heyadaha caafimaadka ayaa sheegaya in kumannaan qof ay ku go’doonsanyihiin Jabaaliyah isla markaana ay jirto cabsi ah in marka ciidamada Isra’il halkaasi ka baxayaan ay jiri karaan khasaaro lixaad leh oo soo gaara rayidka.

19 qof ayaa lagu dilay habeenki Sabtida, galka gelinki danbe ee shalayna 10 kale lagu dilay laba duqeyn oo ay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen xerooyinka Jabaaliya iyo Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Tirada dhimasahda ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto.

Milatariga Isra’il ayaa Sabtidi shalay soo saaray amaro kale oo ay dadka ku nool laba xaafad oo ku yaalla dhinaca waqooyiga Gaza ku amrayaan in ay ka baxaan aaggaasi, iyaga oo u sheegay in xaafadahaasi ay hadda yihiin aag dagaal.

Sannad kadib dagaalka ka socda Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

{DAAWO MUQAALKA} Askari Mareykan ah oo xog xasaasi ah ku caawiyay uruka……

0

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Askari Mareykan ah oo xog xasaasi ah ku caawiyay uruka……

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

gabadha ugu awoodda badan Waqooyiga Kuuriya oo digniin adag udirtay…..

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Kim Yo Jong, oo ah gabadh la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa Sabtida uga digtay Kuuriyada Koofureed “musiibo aad u xun” haddii hawada Pyongyang lagu arko diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee koofurta oo dul heehaabaya.

Gabadhan oo loogu yeero gabadha ugu awoodda badan Waqooyiga Kuuriya ayaa sidoo kale dhaleeceysay militariga Kuuriyada Koonfureed, gaar ahaan jawaabta ay ka bixiyeen sheegashada Kuuriyada Waqooyi ee ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed ay soo galeen hawada magaalada caasimadda ah, sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee KCNA.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihi ku sheegtay, in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay diyaarin doonaan “dhammaan wax walba oo ay weerar ku gali karaan ” si ay u burburiyaan dhinaca koonfureed ee xudduudda iyo milatariga Kuuriyada Koonfureed.

Waxay kaloo sheegeen in taasi ay sameyn doonaan digniin la’aan haddii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kuuriyada Koonfureed mar kale lagu arko dalkeeda.

Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa markii hore beeniyay eedeynta, balse ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa markii dambe hagaajiyay jawaabtooda, iyaga oo sheegay in aysan xaqiijin karin in sheegashada Kuuriyada Waqooyi ay run tahay.

{DAAWO MUQAALKA} Goobaha ay bartilmaameedsato Israa’iil Xiliga ay ka jawaabeyso Weerar celinta iran oo La shaaciyay

0

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Goobaha ay bartilmaameedsato Israa’iil Xiliga ay ka jawaabeyso Weerar celinta iran oo La shaaciyay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa sababay in uu Cabdi Xaashi dib ula laabto go’aanka xubinnimada Aqalka Sare looga xayuubin ….

0

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Maxaa sababay in uu Cabdi Xaashi dib ula laabto go’aanka xubinnimada Aqalka Sare looga xayuubin ….

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Buuni “Waxaan dhisaynaa Murashax Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi”

0

Axad 13-Oct-2024 {HMC}  Wasiir Buuni “Waxaan dhisaynaa Murashax Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maraykanka oo Balaayiin Doollar ka faa’iiday dagaalka ka socda Bariga Dhexe

0

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Maraykanka oo Balaayiin Doollar ka faa’iiday dagaalka ka socda Bariga Dhexe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA}Wasiirka Maxamed Kaahin “Shirkii Ceel-Afwayn waxaa lagu gawracaayay Sandalada Habar-jeclo””

0

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Wasiirka Maxamed Kaahin “Shirkii Ceel-Afwayn waxaa lagu gawracaayay Sandalada Habar-jeclo””

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dowlad Awood leh Oo Shaacisay in ay Garab taagan tahay Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

0

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Dowlad Awood leh Oo Shaacisay in ay Garab taagan tahay Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA