Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Saalax jaamac “wasaarada Beeraha hal abuur Cusub ayey soo kordhisay”
{DAAWO MUUQAALKA} Magaalada Muqdisho oo laga Daah furay ololaha taakuleeynta Qooysaska Danta yar
Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Magaalada Muqdisho oo laga Daah furay ololaha taakuleeynta Qooysaska Danta yar
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya.
Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Waxaa soo jeedinayo: shukri Baryare
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN
{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Cabduqaadir oo ka qeeyb galay “waxaa la dhaariyey Askar loo diyaariyey leyli Sargaalnimo”
Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Wasiir Cabduqaadir oo ka qeeyb galay “waxaa la dhaariyey Askar loo diyaariyey leyli Sargaalnimo”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Xasan Macalin oo Sagootiyey Shaqaale waxbarasho ka helay Turkiga.
Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Wasiir Xasan Macalin oo Sagootiyey Shaqaale waxbarasho ka helay Turkiga.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Sudan army vows to fight on despite peace efforts
Wednesday 2 Oct 2024 {HMC} A top Sudanese general has said the army will press on with its offensive despite international efforts to broker a ceasefire in the 17-month civil war.
“Peace talks can go on, but the army will not stop for that,” Assistant Commander-in-Chief Lt Gen Ibrahim Gabir told the BBC.
He was speaking just days after the army launched an operation to regain control of the capital, Khartoum, from the paramilitary Rapid Support Forces (RSF).
The two sides have been fighting since April last year, when their leaders fell out over the country’s future. This has created a humanitarian catastrophe with more than half the country facing hunger and millions forced from their homes.
The general also hinted in the wide-ranging interview that the Sudanese authorities had had weapons dealings with Iran, and denied there was famine in the country.
“When the parties agree [to a ceasefire], the army can stop,” he said, repeating army demands that the RSF withdraw from areas that it has occupied.
“Let the international community exert pressure on the militia to stop the fighting and leave the houses that it’s taken,” he said, adding he was “more confident” now that the army had the momentum.
Fresh diplomatic attempts to negotiate a cessation of hostilities have failed to make progress, the US Sudan Envoy Tom Perriello acknowledged this week.
“The situation is extremely dire and those who are in the best position to stop it seem eager instead to accelerate it,” he told journalists in the Kenyan capital, Nairobi.
He did cite some improvement on humanitarian access, noting that a couple of hundred trucks carrying aid had been able to get through to areas that were previously blocked.
“But we obviously need to be at a significantly different scale from that,” he said.
For many months the army had prevented the shipment of aid via a crucial border post controlled by the RSF between Chad and Darfur. In August it agreed to allow them to resume, and the RSF promised to facilitate deliveries in the areas it holds.
Gen Gabir denied allegations that the army was still dragging its feet in approving the necessary paperwork for humanitarian groups, reeling off the number of visas and permits issued.
He emphasised that the RSF had looted humanitarian goods, and was still preventing aid from entering the besieged city of el-Fasher in North Darfur.
And he repeated army denials that there was famine in the country, again blaming the RSF for the hunger crisis.
In August, a group of UN-backed experts concluded there were famine conditions in the Zamzam camp for displaced people outside el-Fasher. It was able to make the determination because it had the data to do so, but said other parts of Sudan were also at risk.
But the Sudanese government has not made an official declaration of famine, which could trigger a UN Security Council resolution empowering agencies to deliver relief across borders.
The army is focused on Darfur’s border with Chad because it says this is a conduit for mercenaries, and weapons supplied in particular by the United Arab Emirates.
The UAE’s alleged support for the RSF “makes a very big difference in the fighting of the war”, Gen Gabril said. “Because the RSF is a militia, and they are being supported with advanced hi-tech arms. But at the end of the day they won’t win the war, this is a militia.”
The UAE denies such support for the RSF, but the UN says there is credible evidence.
A recent investigation published in the New York Times presented extensive detail.
And a report by the New York-based NGO Human Rights Watch has documented visual evidence of weapons from the UAE, as well as from China, Iran, Russia and Serbia, with manufacturing dates from last year.
Gen Gabir suggested that the army had discussed weapons purchases with Iran.
“You can find weapons if you have money and facilitation of payment,” he said.
“Iran will not give you any weapons unless you pay in cash. And we don’t have cash… The most important thing is that we are a government, and we have a right to deal with everybody.”
The general denied accusations of war crimes made in a recent UN report, which cited evidence of indiscriminate bombing, attacks on schools and hospitals, and arbitrary detention and torture.
“The Sudanese army are not angels,” he said. “They can commit crimes, but it’s individuals I’m talking about.”
He would not venture to predict how long the war might go on – another Sudanese defence official cited for comparison America’s 20-year-long battle against the Taliban in Afghanistan when asked.
All previous Sudanese civil wars have lasted many years, says the Sudan War Monitor, a group of researchers tracking the conflict.
“The main factor making this a protracted war is that Sudan is a huge country and both warring parties are large, making it impossible for any single battle to determine the outcome of the war,” it told the BBC in an email.
For Gen Gabir, the end game was clear: “Sudan will conquer, and Sudan will be rebuilt.”
SOURCE BBC
Shirka Wada tashiga qaran oo looga Arin sanaayo Amniga Dimuqraadiyada iyo Dagaalka AS
Muqdisho, Oktoobar 2, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Caasimadda Muqdisho.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka.
Shirka waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Mudaney Cali Cabdullaahi Xuseen, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Mugadisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

DHAMMAAD
Lafta-gareen oo ciidamo la yimid MUQDISHO
Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Laftagareen ayaa garoonka Aadan Cadde kasoo dagay, isaga oo wata askar ka tirsan ciidamadiisa ilaalada gaarka ah oo uu kasoo watay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, waxayna arrintan bannaanka keeneysaa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka.
Ujeedka madaxweynahaa Koonfur Galbeed ayaa ah ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo la filayo inuu maalmaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Laftagareen ayaa kulan gaar ah la qaadan doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horay uga shaqeeyay sidii uu ku imaan lahaa caasimada, iyada oo loo diray ra’iisul wasaaraha iyo taliyaha ciidanka Asluubta, si ay ugu kala dabqaadaan labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in wada-hadallada u bilaabanaya Villa Soomaaliya iyo maamulka Laftagareen diiradda lagu saari doono sidii xal loogu heli lahaa xiisadda taagan, gaar ahaan soo afjarida khilaafka labada dhinac oo ay uga sii dartay xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya.
Madaxda kale ee maamul goboleedyada ayaa iyagana imaanaya Muqdisho, marka laga reebo hoggaamiyaha Puntland, waxayna ka qayb-galayaan shirka uu iclaamiyay madaxweynaha oo ku soo aaday xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo shaki kala dhex dhigtay dhinacyadan.
Waxaa qorshuhu yahay in shirkan lagu soo qaado arrimaha doorashooyinka oo uu muran xoogan ka taagan yahay, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada oo illaa iyo hadda la’isku fahmin hanaanka loo wajahayo, xilli uu dhamaaday muddo xileedka madax goboleedyada.
Soomaaliya ayaa waxaa mar kasta oo la gaaro xilliga doorashada, waxaa soo baxa is qabqabsiyo u dhexeeyo madaxda Soomaaliyeed, kaas oo dhaliyo kala tag siyaasadeed, inkastoo inta badan ay kusoo baxdo beesha caalamka, kadibna xal waara laga gaaro
Madaxweyne Deni oo kusii jeeda Boosaaso kuna dhawaaqaya Dagaal ka dhan ah..
Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah gaaro magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas uu hadda ka socdo abaabul xooggan oo Madaxweynaha lagu soo dhaweenayo.
Ilo ku dhaw dhaw Madaxweyne Saciid Deni, ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha maanta tagayo magaalada Boosaaso, waxa uuna halkaasi kaga dhawaaqi doonaa dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.
Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sidoo kale magaalada Boosaaso kulamo kula qaadan doona masuuliyiinta maamulka gobolka Bari, saraakiisha ciidamada iyo waxgaradka gobolkaasi, kuwaa uu kala hadli doono gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Daacish.
Saciid Deni ayaa sidoo kale kala hadli doona saraakiisha ammaanka Boosaaso iyo bulshada qeybaheeda kala duwabn sidii loo adkeyn lahaa ammaanka magaalada , loogana fogaan lahaa wax kasta oo wax u dhimi kara nabadgalyo xumada magaalada.
Safarka uu Madaxweyne Deni ku tagayo magaalada Boosaaso ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso laga dareemayay khilaaf u dhaxeeyay maamulka Siciid Deni iyo ciidamada awoodda badan ee PSF .
Itoobiya oo hub horleh soo gelisay gudahad eegaanka Qurac-joome ee Soomaaliya
Arbaco 2 Oct 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta hub horleh gobolkaasi ay gaystay Itoobiya, kaas oo lagu keenay gaadiidka nooca xamuulka qaada oo kasoo gudbay xadka Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen illaa 4 gaari oo kasoo tallaabay dhanka xadka labada dal, isla markaana gaaray deegaanka Qurac-joome ee gobolka Bakool.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in hubka la geeyay xero ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka deegaankaas, halkaas oo illaa iyo hadda ku sugan yihiin baabuurta.
Afarta gaari ee hubka lagu geeyay Bakool ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Godey, waxaana ugu dambeyn maanta lasoo geliyay gudaha Soomaaliya, iyada oo ay galbinayeen ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah.
Lama oga ujeedka hubkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomalaiya iyo saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.
Horay Itoobiya ayaa hub usoo gelisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dhanka Galmudug iyo Puntland oo gaadiid lagu geeyay saanad ka timid dhanka Addis Ababa, hayeeshii hubkii tegay Galmudug ayaa waxaa lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Arrintan ayaa sii kordhineyso xiisadda haatan u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska baddda ee Abiy Axmed uu la galay maamulka Somaliland.
Xiisadda ayaa dhowaan waji cusub yeelatay, kadib markii Soomaaliya ay heshiis difaac la gashay Masar oo ay is hayaan Itoobiya, waxayna taasi keentay in maamulka Abiy uu qaado tallaabooyin kale oo dheeraad ah oo kamid ah in ciidamadiisa ay la wareegeen garoomada gobolka Gedo, sidoo kalena ay dhaq-dhaqaaq milatari ka sameeyaan gudaha Soomaaliya.



