Home Blog Page 1855

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigay xubin AS ah

0

Isniin 23,Sep 2024 {HMC} Ciidamada dowlada oo gacanta ku dhigay xubin AS ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Xiisad dagaal oo laga dareemay Boosaaso iyo Booliiska oo war soo saaray

0

Isniin 23,Sep 2024 {HMC} Xiisad dagaal oo laga dareemay Boosaaso iyo Booliiska oo war soo saaray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 23-09-2024

0

Isniin 23-09-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Daacad & Sahro Gabra

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Soo Gabagabeeynta Aqoon iswaydaarsi Ku Saabsan Wacyigelinta leexsiga Gargaarka

0

Isniin 23-Sept-2024 {HMC} Guddiga Arrimaha Gudaha Dib u heshiisiinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka DXDF ayaa maanta soo gabagabeeyay aqoon iswaydaarsi ku saabsan wacyigelinta leexsiga gargaarka loo qoondeeyay Soomaaliya.

Tababarkani oo uu soo qaban qabiyay guddiga arrimaha gudaha dib u heshiisiinta arrimaha Federaalka iyo xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo howla shaqo u jooga Magaalada Kismaayo.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Baaleey Xuseen ayaa tababar ku saabsan kobcinta wacyigalinta leexsiga gargaarka loo qoondeyay Soomaaliya ku soo xiray aqalka martida ee Magaalada Kismaayo.

Dhaqtar u Gefay Diinta Islaamka oo Dalka Bakistaan Lagu Toogtay

0

Isniin 23-Sept-2024 {HMC} Ciidamo katirsan booliiska dalka Pakistan ayaa toogasho ku dilay nin dhaqtar ahaa oo lagu eedeeyay in uu caayay diinta Islaamka , waxaa sidoo kale ninkan lagu eedeeyay in uu u gefay Nabbi Maxamed nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaateen.

Dr Shahnawaz Kanbhar, ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray dhuumasho kaddib markii uu u gefay diinta Islaamka, waxaana ninkan oo mooto saarnaa si lama filaan ah ku toogtay ciidamo booliis ah oo xilligaasi ku jiray howlgal amni xaqiijin ah.

Taliyaha booliiska deegaanka ee gobolka Sindh, Niaz Khoso, ayaa warbaahinta u sheegay in booliiska istaajiyeen mooto ay la socdeen dhaqtarka la dilay iyo nin la socday, waxa uuna xusay in durba dhaqtarka la toogtay uu rasaas kusoo riday booliiska , sidaasna ku dhacday toogashada dhaqtarka.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidanka booliiska ee toogtay ninkan rasaasta kusoo furay aysan ogeyn xilligaasi qofka rasaasta ku furay in uu yahay Dr Shahnawaz Kanbhar oo lagu tuhmayay in diinta Islaamka u gefay kuna jiray dhuumasho.

Ehelada dhaqtarka la dilay ayaa dhankooda sheegay in dilka uu ahaa mid la qorsheeyay, waxa ayna xuseen in iska horimaadka booliiska sheegeen in uu ahaa mid been ah oo lagu xalaashanayay dilka loo geestay ninkan loo heestay in diinta Islaamka wax ka sheegay.

Dhaqtarkan la dilay ayaa noqonaya qofkii labaad oo oo lagu tuhmayo in diinta Islaamka wax ka sheegay oo isbuuc gudihiisa lagu toogto gudaha dalka Pakistan, waxaana dalkaasi marar badan lagu dilay dad diinta Islaamka iyo Nabbi Maxamed NNKH wax ka sheegay.

Wasiirka Difaaca “Danteena Anagaa naqaana, Sokeeyaheena iyo Shisheeyaheena Anagaa Kala Xulaneyno”

0

Isniin 23-Sept-2024 {HMC} Saacadihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegayay in dekadda magaalada Muqdisho xalay kusoo xirtay markab weyn oo siday hub kala duwan, kaa oo la sheegay in dowladda Soomaaliya loogu deeqay , halka hubka qaarkiisna dowladda soo iibsatay.

Hubkan dekadda magaalada Muqdisho laga soo dejiyay ayaana wararku shyeehgayaan in u ka yimid dhinaca dalka Masar oo dowladda la saxiixatay heshiis dhinaca difaaca ah, waxaana hubkan u badan yihiin kuwa casri ah oo ay ciidanka Soomaaliya adeegsan doonaan markii ugu horreysay.

Xiriirka dowladda Soomaaliya la sameesatay dowladda Masar ayaana sii xoojiyay khilaafka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa ayna dowladda sidoo kale dooneysaa in ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Masar in dalka la keeno.

Wasiirak Difaaca xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur , ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Soomaaliya ay xilligan ka gudubtay xilligii la oran jiray cidaa la macaamileyso waa in aan raali ka nahay.

Waxa uuna sheegay wasiirka in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay tahay mid danteeda taqaan, sidoo kale kala garaneysa cidda cadawga u ah iyo cidda u wannaagsan, isagoona qoraalkiisa u muuqday mid uu ku durayo dowladda Itoobiya oo ka xun xiriirka Soomaaliya la yeetaya Masar.

”Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay. Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno” ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaana kala saxixday heshii dhinaca iskaadhiha difaaca, waxaana heshiiskaasi walaac xooggan ka muunjisay dowladda Itoobiya oo khilaaf xooggan xilligan kala dhaxeeyo dowladda Masar oo ay isku hayaan biyo xireenka wabiga Niil.

Ciidanka Nabad Sugida Baraawe oo Gacanta Ku Dhigay Nin Miino aasayay

0

Isniin 23-Sept-2024 {HMC} Ciidanka nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee ka howlgala magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed, ayaa gacanta ku dhigay nin katirsanaa kooxda Al Shabaab , kaa oo la sheegayay in uu aasayay miino uu rabay in uu dhibaato ku geesto.

Ciidamada oo helay xogta ninkan dhagarta u maleegayay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada ayaa dul tagay halkii uu ku sugnaa, waxa ayna ciidamada u suurto gashay in gacanta ku dhigaan ninkan iyo miinadii uu doonayay in uu aaso.

Ninkan katirsanaa Al Shabaab ee la qabtay ayaa loo gudbiyay saldhig kuyaalla degmada Baraawe, waxa ayna saraakiiha ciidanka nabadsugida sheegeen in baaritaanno ku socdaan ninkan la qabtay loona gudbin doono laamaha cadaaladda.

Ciidamada ammaanka gaar ahana kuqa qaabilsan baarista miinooyinka ayaana ku guuleestay in ay qarxiyaan miinadii uu ninkan aasayay, mana jiraan wax khasaaro ah oo ka dhashay miinada ciidamada qarxiyeen.

{DAAWO MUQAALKA} Qaraxyo ka dhacay koonfurta Lubnaan iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

0

Isniin 23,Sep 2024 {HMC} Qaraxyo ka dhacay koonfurta Lubnaan iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo Markii ugu Horeeysay Gedo lagu qabanayo.

0

Isniin 23,Sep 2024 {HMC} Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo Markii ugu Horeeysay Gedo lagu qabanayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Qoys ku eedeysan Maalgalinta AS oo maanta lagu xumay Muqdisho

0

Isniin 23,Sep 2024 {HMC} Qoys ku eedeysan Maalgalinta AS oo maanta lagu xumay Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA