Home Blog Page 1874

Maxaabiis ka Baxsatay Saldhiga Booliska Baladweyne.

0

Faah Faahin dheerad ayaa Kasoo Baxeeyo Maxaabiis Xalay ka baxsatay Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan. Xogta ay Heshay Idaacada Hiiraanweyn ayaa waxaa ay sheegayaan in Maxaabiista xalay baxsatay ay ku jiraan kuwa Dil Toogasho ah ay Maxkamada Gobolka Hiiraan ku Xukuntay.

Maxaabiista xalay baxsatay ayaa gaarayay ilaa 7 Ruux waxaana ay ka baxeey Qeeybta Xabsiga oo Booliska ay Maamulaan. Ciiidamada Booliska Baladweyne ayaa la sheegey in qaar kamid ah Kuwii baxsaday ay qaarkood ay qabteeyn halka kuwa kalena ay wali baadi Gooban.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Booliska oo Magaciisa ka gaabsaday inaan Adeegsano ayaa Hiiraanweyn u Xaqiijiyay in Maxaabiista ay Baxsadeeyn. Waxaana uu sheegay in Ciidamada ay wadaan Howlgal Lagu baadi-goobayo Maxaabiista Baxsatay.

Amaanka Saldhiga ayaa mudoyinkii dambo aad loo adkeeyey waxaana la kordhiyay Ciidamadii horey ugu sugnaa. Sidoo kale Saldhiga waxaa Lagu xiray Kaamirooyinka Sare u qaado Amaanka Goobaha Lagu xiro.

Saldhiga Booliska Baladweyne waxaa ku xiran Maxaabiis farabadan oo dambiyo kala duwan ka galay waxaana saldhiga ku yaalla labo Xabsi oo kala hoostaga Booliska Baladweyne iyo CID Gobolka Hiiraan. Waxaana Maxaabiista ka baxsadeeyn Midka Booliska Baladweyne.

{DAAWO MUQAALKA} FBI-da Mareykanka oo sheegtay in xogtii ololaha ee Trump loo gudbiyay kooxdii Biden.

0

Sabti 20 -09-2024 {HMC} FBI-da Mareykanka oo sheegtay in xogtii ololaha ee Trump loo gudbiyay kooxdii Biden..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Birjeex Oo Howlgal Howlgal Qorsheeysan Fuliyay

0

Sabti 20 -09-2024 {HMC} Ciidamada Birjeex Oo Howlgal Howlgal Qorsheeysan Fuliyay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Masaajidda Mareykanka oo la daalaa dhacaya maareynta kitaabbada Qur’aanka ee duugoobay.

0

Sabti 20 -09-2024 {HMC}Masaajidda Mareykanka oo la daalaa dhacaya maareynta kitaabbada Qur’aanka ee duugoobay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxaa Looga Hadlay Kulankii Dhexmaray Dowladdaha Soomaaliya iyo Norway?

Jimco 20-Sept-2024 {HMC} – Hanti-dhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa dhawaan soo gaba-gabeeyay booqasho aad muhiim u ahayd oo uu ku tagay magaalada Oslo ee dalka Norway.

Booqashadan oo ay ujeedadeedu ahayd sare u qaadista wada-shaqaynta istiraatiijiga ah ee u dhaxaysa xafiiska hanti-dhowrka huud (XHG) iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayaa muujineysa sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee kor loogu qaadayo dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka.

Hanti-dhowraha guud iyo wafdigiisa ayaa, intii uu ku jiray booqashadaas, la qaatay kulan miro-dhal ahaa hindisaha horumarinta hay’adaha hanti-dhowrista guud ee caalamiga ah ee INTOSAI IDI, kaas oo diiradda lagu saaray ahmiyadaha istiraatiijiga ah ee qaab-dhismeedka taageerada laba-geesoodka ah, gaar ahaan qorsheynta istiraatiijiga ah iyo arrimaha la xiriira maareynta tayada.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey muhiimadda “mashruuca taageerada saaxiibbada” (Peer-support Project), kaas oo ah heshiis wada-shaqayn oo u dhaxeeya XHG, IDI iyo ururka hay’adaha hanti-dhowrada guud ee Afrika ee ku hadla af Ingiriiska (AFROSAI-E).

Heshiiskan ayaa waxa uu ku eg yahay sanadkan 2024, balse waxaa doodaha kulanka qayb ka ahaa in la sii wado, lana sii xoojiyo iskaashigaas sanadaha soo socda.

Intaas waxaa dheer in wafdigu uu la kulmay wakiillo sare oo ka socda wasaaradda arimaha dibadda Norway (MFA) iyo wakaaladda horumarinta iyo Iskaashiga Norway (NORAD).

Dhamaan wada-hadallada dhacay waxaa xudun u ahaa sii wadida taageerada ay Norway ku bixiso dib-u-habaynta dowlad wanaagga iyo hindisayaasha horumarinta maamulka maaliyadda guud ee dalka.

Kulamada dhacay waxay fursado hor leh siinayeen sahminta meelaha ay dowladda Norway sare uga sii qaadi karto kaalmada horumarineed ee dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda XHG, iyada oo diiradda la saarayo horumarinta joogtada ah ee hay’adaha dowliga ah iyo maaraynta hufan ee khayraadka.

Booqashada waxaa, sidoo kale, qayb ka ahayd in hanti-dhowraha guud uu tagay xarunta barlamaanka Norway, halkaas oo isaga iyo wafdigiisuba ay kula kulmeen xubnaha guddiga joogtada ah ee baarista iyo arrimaha dastuurka.

Inta ay booqashadaasi socotay, labada dhinacba, waxay dul-istaageen sida ay uga go’an tahay dhiiragelinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo xoojinta dowlad wanaagga, waxa ayna diiradda saareen muhiimadda ay hay’adaha kormeerku u leeyihiin xaqiijinta la xisaabtanka dowladda, iyada oo uu hanti-dhowraha guud ka mahadceliyey waaya-aragnimada ay ka heleen baarlamaanka Norway.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadu ma ahayn oo kaliya in hanti-dhowraha guud ee JFS uu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee uu XHG la leeyahay Norway, balse waxa uu bidhaamiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay dhisto haykalkeeda dowladnimo, iyada oo la kaashaneysa daneeyayaasha muhiimka ah oo dhan.

La-macaamilka joogtada ah ee daneeyayaasha sida IDI, MFA, NORAD iyo baarlamaanka Norway waa qayb aad muhiim ugu ah dadaallada socda ee uu XHG ku xoojinayo maaraynta maaliyadda guud iyo horumarinta dowlad wanaagga Soomaaliya.

Biden oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjire Daahir Carab

Jimco 20, Sep 2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya u magacowday Washington Danjire Daahir Xasan (Daahir Carab).

Danjire Daahir Carab ayaa Madaxweyne Joe Biden gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjire Carab ayaa sheegay, in madaxweyne Biden uu kala hadlay xiriirka labada dal, islamarkaana uu uga mahad-celiyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, xuquuqul insaanka iyo bani’aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {20.09.2024}

Jimco 20-Sept-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Dagaalo Maalintii labaad ka dhacay Degaano Dhaca Gobolka Jubba Hoose

Jimco 20, Sep 2024 {HMC} Ciidanka Jubbaland ayaa maalintii labaad howlgalo culus ka wada aagga Lagta Caanoole oo dhinaca koonfureed ka xigta deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose.

Aaga Lagta Caanoole ayaa gabaad u ahayd xubno ka tirsan AS oo halkaas mka waday abaabul dagaal.

Howgalka ayaa la doonaya in lagu ciribtiro xoogaga AS ee halkaas ku sugan sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

Dagaalo goos goos ah ayaa la soo sheegaya iney labada dhinac ku dhexmareen degaankaas 48 kii saacadood ee la soo dhaafay kuwaasoo hub kala duwan la isku adeegsaday.

Labada dhinacba waxaa dagaaladaas ka soo gaaray khasaare nafeed inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Israa’iil oo duqeymo cirka ah ka fulisay koonfurta Lubnaan

Jimco 20, Sep 2024 {HMC}  Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ku qaaday koonfurta Lubnaan iyadoo hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah uu waday qudbadda cambaareynta weerarkii aaladaha lagu xiriiro kuwaas oo qarxay maalmo kahor.

Diyaaradahaas ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen kuwa dagaalka Israa’iil.

Israa’iil ayaa xaqiijisay in ay duqeymo cusub fulisay.

Khudbadda Xasan Nasrallah waxa uu ku canbaareeyay qaraxyadii aaladaha lagu wada xiriiro, iyo weerarka cusub ee ay Israa’iil sheegatay

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant oo kulan la yeeshay saraakiisha millatariga Israa’iil waxa uu sheegay in talaabada ka dhanka ah Xisbullah “ay sii socon doonto”, laakiin ay leedahay “khatarta weyn”. ayuu yiri.

Diyaarad Helicopter ah oo ku burburtay Duleedka Muqdisho.

0

Khamiis 19, Sep 2024 {HMC} Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay la socdeen ciidamo caalami ah ayaa maanta oo Khamiis ah ku burburtay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dhowr ka mid ah ciidamada milateriga ee la socday diyaaradda helicopter-ka oo ay ku jiraan saddex ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ka badbaaday shilkan, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Dhacdadan ayaa sababtay in aysan jirin wax dhimasho ah,sidaasi waxaa Anadolu khadka taleefoonka ugu sheegay sarkaal ka tirsan milatariga dalkaasi oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS oo ku aadan dhacdadaasi.

Hase yeeshee, ilo-wareedyadu waxay sheegeen in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda helicobter-ka la badbaadiyay.

Ma cadda in shilkan uu ka dhashay arrin farsamo iyo in uu dab ka dhashay Diyaarada.

Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ka soo duushay magaalada Muqdisho, iyadoo ku sii jeeday garoonka Balli-doogle, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya ee Danab.

Balidoogle ayaa waxaa uu 90 kiiloomitir ama 55 mayl koonfur-galbeed ka xigtaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.