Home Blog Page 194

{DAAWO MUQAALKA} Halka Laga Qodayo Shidaalka ugu Horeeyo Soomaaliya oo la Shaaciyay.

0

Khamiis  8, January 2025 {HMC}  Halka Laga Qodayo Shidaalka ugu Horeeyo Soomaaliya oo la Shaaciyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA.

{DAAWO MUQAALKA} Dhismaha Saldhiga Dayax-meedyada iyo Gantaalaha oo Soomaaliya Laga Bilaabay.

0

Khamiis  8, January 2025 {HMC}  Dhismaha Saldhiga Dayax-meedyada iyo Gantaalaha oo Soomaaliya Laga Bilaabay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA.

Ciidamo Cusub Oo Tababar Logu Sooxiray Dugsiga Tababarada Ciidamada ee TURKSOM.

0

Khamiis 8 Jun 2026 {HMC}Ciidamadan cusub ayaa tababarka loogu oo xiray Dugsiga Tababarada Ciidamada ee TURKSOM ee ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku biiraya Guutada 20-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage ayaa tababarka u soo xiray ciidamadan cusub.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka, G/le Sare Axmed Ciise Axmed, Taliyaha TURKSOM, S/Gaas Sebahattin Kalkan, Safiirka Turkiga, taliyayaasha ciidamada Cirka iyo Badda, saraakiil iyo marti sharaf kala duwan.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay munaasabadda tababarka loogu soo xiraayay ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay door weyn ka qaataan hawlgalada ka socda gudaha dalka ee la doonayo in looga ciribtiro kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Wuxuu sidoo kale Wasiir Gaashaandhigga uu faray ciidamadan inay si dhab ah u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta qaranimada iyo midnimada dalka, islamarkaana ay mar kasta diyaar u ahaadaan la dagaalanka cadowga gudaha iyo kan dibadda ah.

Ciidamada Gorgor ayaa ah si ciidan gaar ah u habeysan, islamarkaana si aad ah ugu tababaran la dagaalanka Al-shabaab iyo waliba ka jawaabidda xaaladaha deg dega ah.

Safaarada Turkiga ee Muqdisho dhankeeda war ay ku daabacday barteeda Facebook ku sheegtay in Turkiga uu sii wadi doono taageeradiisa ku aadan madaxbanaanida Soomaaliya, wadajirka dhuleed iyo la dagaalanka argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee Soomaaliya ka taageera dib u dhiska ciidamada Qalabka Sida, waxaana Muqdisho ay ku leeyihiin Dugsi TURKSOM oo Soomaaliya loogu tababaro ciidamada, kaasoo ah saldhigga ugu weyn ee Turkigu uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 08-1-2026

0

Khamiis  8, January 2025 {HMC}  Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 08-1-2026

HOOS KA DAAWO MUQAALKA.

Saudi-led coalition says Yemen separatist leader fled via Somaliland to UAE.

0

Thursday 8 Jun 2026 {HMC} Saudi Arabia-led military coalition fighting in Yemen said Thursday that the leader of the secessionist Southern Transitional Council fled the country via Somaliland after skipping to attend planned peace talks in Riyadh, a move that could further strain relations between Saudi Arabia and the United Arab Emirates.

In a statement, the coalition said Aidarous al-Zubaidi, head of the UAE-backed Southern Transitional Council, left the southern Yemeni city of Aden late Wednesday aboard a vessel bound for the Somaliland port of Berbera.

From there, the coalition said, al-Zubaidi boarded an aircraft accompanied by Emirati officers and flew to Somalia’s capital, Mogadishu, before continuing on to Abu Dhabi.

The coalition alleged that the aircraft switched off its identification systems while flying over the Gulf of Oman and reactivated them shortly before landing at Al Reef military airport in the UAE.

There was no immediate comment from the Southern Transitional Council or the Emirati government.

Somali authorities also have not commented on the reported transit through Berbera and Mogadishu.

If confirmed, the episode would highlight the deepening rift between Saudi Arabia and the UAE over Yemen, tensions that became increasingly visible in December.

The STC initially fought alongside government forces against the Houthi rebels in northern Yemen but has since turned its focus toward securing independence for the country’s south.

In recent weeks, the group has seized control of the eastern provinces of Hadramout and Mahra, which border Saudi Arabia, a development Riyadh has described as a direct threat to its national security.

The reported route taken by al-Zubaidi has also renewed scrutiny of the UAE’s footprint in Somalia.

The Emirates maintains a presence in Mogadishu, Puntland and Somaliland, regions that have increasingly featured in regional security and logistics networks linked to Gulf rivalries.

In November 2025, Somalia’s defense minister, Ahmed Moallim Fiqi, confirmed before the Upper House of Parliament that aircraft had been flying from Bosaso, Puntland’s commercial hub, to Sudan, though the federal government did not know what cargo they were carrying or who operated them.

“Before the Somali people, I confirm there are planes departing from Bosaso Airport bound for Sudan,” Fiqi told lawmakers at the time.

“However, we do not know what they transport or who operates them.”

His remarks followed weeks of reporting by Hiiraan Online and other media outlets documenting Bosaso’s growing role in the UAE’s regional operations.

An investigation published by Middle East Eye on Oct. 31 reported that UAE-linked IL-76 cargo planes have landed repeatedly at Bosaso Airport since 2023, unloading what sources described as “hazardous” shipments before continuing on to Sudan.

Senior officers in the Puntland Maritime Police Force told reporters that the cargo was tightly guarded and transferred immediately, with no documentation indicating any civilian or domestic use.

Source Hiraan Online

Soomaaliya Oo lashegay in u kadhoofay hoggaamiyihii kooxaha gooni u goosadka Koofurta Yemen.

0

Khamiis 8 Jun 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Golaha Kumeel Gaarka ah ee Koonfurta Yemen, Ceydaruus Al-subeydi, ayaa lagu soo warramayaa inuu socdaal qarsoodi ah ku maray qaybo kamid ah Soomaaliya, ka hor inta uusan gaarin dalka Imaaraadka Carabta oo gacan saar dhow ay leeyihiin.

Sida lagu xusay bayaan ka soo baxay Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee ka dagaallama dalka Yemen, Al-subeydi ayaa markab yar kaga baxsaday magaalada Cadan, isagoo ka degay Dekadda Berbera ee Somaliland.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in hoggaamiyuhu uu halkaas uga sii gudbay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku sugayeen saraakiil ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta.

Saraakiishaas ayaa la sheegay inay Al-subeydi u sii galbiyeen garoonka milatariga ee Al Reef oo ku yaalla magaalada Abu Dhabi.

Socdaalkan qarsoodiga ah ayaa imaanaya maalmo ka dib markii uu Al-subeydi ku dhowaaqay in deegaannada uu maamulo ay ka go’een Yemen inteeda kale, isagoo ku dhawaaqay dowlad madax-bannaan.

Tallaabadan ayaa dhalisay xiisad hor leh oo soo kala dhex gashay dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Inkasta oo markii hore ay xulufo ahaayeen, hadda waxay u muuqdaan laba quwadood oo ku loolamaya saamaynta iyo hoggaanka dalka Yemen, iyadoo Sacuudigu taageerayo dowladda rasmiga ah, halka Imaaraadkuna uu garab taagan yahay dhaqdhaqaaqa gooni-u-goosadka ee Koonfurta Yemen.

Inta uusan baxsan Hoggaamiye Ceydaruus, waxaa lagu ballansanaa shir dib u heshiisiin ah oo ka furmi rabay magaalda Riyad ee dalka Sacuudiga, iyadoo wararka tilmaamayaan inuu ka biyo diidana wada hadalladaasi.

Xaaladda dalka Yemen ayaa weli deganeyn, waxaana isku haya dalalka dariska iyo quwado caalamka ah, iyadoo dhibaatada ugu weyn ay wajahayaan Shacabka wadankaasi.

Ururka Iskaashiga Islaamka oo yeelan doona Shirka looga hadlay Xaaladda Soomaaliya.

0

Khamiis 8 Jun 2026 {HMC} Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay maalinta sabtida kulan degdeg ah ka yeelan donaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha ka soo cusboonaaday ee dhaawacaya Midnimada dalka.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah u yeelan doona Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka oo la filayo in ay si wadajir ah u cambaareeyaan aqoonsiga la sheegay in ay Israa’iil siisay Somaliland.

Sidoo kale, dalalka ku jira ururkan ayaa la filayaa in ay muujiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo la filayo in ay si wadajir ah ugu baaqaan in la ilaaliyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Shirka ayaa ujeeddadiisu tahay in la qaato mowqif mideysan oo ay u dhan yihiin dalalka Islaamka, kaas oo looga hortagayo faragelinta lagu hayo Soomaaliya.

Dalalka caalamka ayaa intooda badan ku baaqay in la ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isla markaasna la dhowro shuruucda caalamiga ah.

{DAAWO MUQAALKA} Qaabkii loo toogtay Haweeneydii Mareeyanka ahaa iyo xiisad ka taagan Minneapolis

0

Khamiis  8, January 2025 {HMC} Qaabkii loo toogtay Haweeneydii Mareeyanka ahaa iyo xiisad ka taagan Minneapolis

HOOS KA DAAWO MUQAALKA.

{DAAWO MUQAALKA} Taageero Nuuce ah Ayey Masar Siisay Soomaaliya.?

0

Khamiis  8, January 2025 {HMC} Taageero Nuuce ah Ayey Masar Siisay Soomaaliya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA.

Al-Zubaidi oo la ogaaday inuu isku maray Berbera, Muqdisho, una gudbay Abu Dhabi