Home Blog Page 200

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh &Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.?

0

Isniin 5, Jan 2026 {HMC}Ā  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee dalka, ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan oo aan horey loo sii shaacin ajandihiisa ayaa yimid xilli ay jireen kala fogaansho siyaasadeed iyo is-aragtiyo kala duwan oo u dhexeeyay labada hoggaamiye, taas oo keentay in kulankaasi uu yeesho dareen siyaasadeed oo gaar ah.

War kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegaya in kulanka lagu falanqeeyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo marxaladda uu dalku marayo, iyadoo diiradda la saaray baahida loo qabo wada-tashi qaran iyo in la yareeyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ku muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta hoggaamiyeyaasha siyaasadda, si loo helo midnimo qaran iyo xal waara oo looga gudbo caqabadaha horyaalla dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulanka ku muujiyay rabitaankiisa ku aadan qabashada shir wadatashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradku horay ugu baaqeen, isaga oo ka dalbaday Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed inuu door muuqda ka qaato sidii shirkaasi u noqon lahaa mid guul ku dhammaada oo lagu gaaro heshiis qaran.” ayaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran.

Dhankiisa, Shariif Sheekh Axmed, ayaa adkeeyay in uu diyaar u yahay ka qayb-qaadashada dadaal kasta oo horseedi kara in ay Soomaali isku timaado, laguna xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira, isaga oo tilmaamay muhiimada ay leedahay midnimo, isku-tanaasul iyo wada-hadal dhab ah.

Kulankan ayaa loo arkaa mid fariin siyaasadeed u diraya guud ahaan saaxadda siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana muujinaya in ay jirto baahi loo qabo isu-soo-dhowaansho iyo wada-hadal si loo wajaho marxaladaha adag ee dalka horyaalla.

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro oo sheegay in uu diyaar yahay dagaalka Donald Trump.

0

Isniin 5, Jan 2026 {HMC}Ā  Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa sheegay in uu diyaar u yahay dagaalka uu ku tilmaamay in uu yahay mid nacasnimo ah ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku beegsanayo Madaxda Laatiin Ameerika ee ka fikirka duwan.

Gustavo Petro Waxa uu beeniyay eedaha uga yimid Donald Trump ee ah in uu ka shaqeeyo iibinta iyo kala gudbinta daroogada halista ku ah Maraykanka, Shidaalka oo si sharciga baalmarsan uu u isticmaalo & kuwo kale.

Eedahaas oo dhan waxa uu Gustavo Petro ku tilmaamay kuwo uu Trump ku doonayo in uu ku bannaysto maalka iyo shidaalka Dalalka doonaya in ay dunida inteeda kale kula dhaqmaan si ka duwan sida uu doonayo sida uu hadalka u dhigay.

Gunaanadkii Petro ayaa si cad u sheegay in uu diyaar u yahay dagaalka Donald Trump isla markaana aanay cabsi gelin doonnin howlgalkii lagu qabtay Madaxweynihii Venezuela Nicolas Madura oo uu xusay in ay shirqooleen calooshood u shaqaystayaal.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa markale Kubaaqaday in ay garab taagantahy Midnimada Soomaaliya

0

Isniin 5, Jan 2026 {HMC} Ā Sacuudi Carabiya ayaa markale Soomaaliya ku garab istaagtay difaacashada midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed iyada oo cambaaraysay dhibaatooyinka khatarta dalka gelin kara ee loo maleegayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali oo booqasho ku tagay Sacuudiga lana kulmay dhiggiisa Amiir Faysal Bin Farxaan Bin Cabdullaahi Al-Sacuud.

Xukuumadda Riyadh ayaa dhiggeeda Muqdisho u ballanqaadday in ay ka taagaarayso Amniga, ilaalinta midnimada iyo kahortagga tallaabo weliba oo khatar ku ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay hadalka u dhigtay.

Sacuudiga waxaa uu safka hore kasoo galay dalal badan oo ka dhiidhiyay damaca gurracan ee Israa’iil ku doonayso in ay ku kala goyso Soomaaliya, kaddib markii ay Aqoonsatay Maamulka Somaliland iyada oo Dowlado badan ay ka dhiidhiyeen arrintaas.

Dab ka kacay Hargaysa Ayaa waxa kugeriyoday 5 qof oo isku qoys ahaa.

0

Isniin 5, Jan 2026 {HMC} 5 ruux oo isku qoys ah ayaa ku geeriyooday Dab ka kacay Guri ku yaalla Magaalada Hargaysa xarunta Maamulka Somaliland, dadka dhintay ayaa la sheegay in ay kala ahaayeen Hooyo, Saddex Carruur ay dhashay & habaryarteed.

Guriga ay kuwada noolaayeen Dadkaas waxaa la sheegay in ay keliya kasoo hartay Ayeeyada reerka dhibaatadu gaartay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku sugan Magaalada Hargaysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Kooxda dab damiska ee Dowladda Hoose ee Magaalada Hargaysa ayaa gurmad ay samaysay ku guulaysatay in ay damiso Dabka, waxaa lagu wadaa inay halkaas tagaan mas’uuliyiinta Maamulka Magaaladaas oo faahfaahin ka bixin doonna dabkaas.

Dabaylo xooggan ayaa ka jira qaybo kamid ah Soomaaliya iyada oo digniin laga soosaaray waxyaabaha dhallin kara dabka sida Korontada, Gaaska wax lagu karsado iyo Dabka maadaama dabayluhu ay sii horinayaan haddii uu dadku kaco.

La soco wixii kasoo kordha

Golaha Wasiirrada oo maanta lakulmaya & MW Xasan Sheekh .

0

Isniin 5, Jan 2026 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulan gaar ah ka yeeshaan Xaaladda Dalka, Xadgudubka faragelineed ee Waddanka lagu sameeyay iyo qodobo kale sida ay ku warrameen ilo ku dhow kulankaan.

Shirka Golaha Wasiirrada waxaa lagu wadaa in uu ka qaybgalo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhagaysan doonna warbixinnada isla xisaabtanka ee Xukuumadda Dan-Qaran.

Qorshaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo Amniga, la Dagaalanka AS, Xaaladaha Abaaraha ee Dalka ka jira, Iskaashiga Dalalka ilaalinaya midnimada Soomaaliya & qodobo kale oo Mustaqbalka Dalka muhiim u ah.

Marka uu soo dhammaado kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu wadaa in war laga soosaaro qodobada shirkooda kasoo baxay.

Halkaan kala soco wixii kasoo kordha

{DAAWO MUQAALKA} Waa maxay Heshiiska Abraham accords oo Soomaaliland u saxiixeyso Isra…IL.?

0

IsniinĀ  5, January 2025 {HMC}Ā  Waa maxay Heshiiska Abraham accords oo Soomaaliland u saxiixeyso Isra…IL.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Dad isku qoys ahaa oo ku geeriyooday Dab

0

IsniinĀ  5, January 2025 {HMC} Dad isku qoys ahaa oo ku geeriyooday Dab

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Trum oo mar kale digniin Adag u diray Venezuela.

0

IsniinĀ  5, January 2025 {HMC} Trum oo mar kale digniin Adag u diray Venezuela.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

Maxeeyihiin Labada qodob ee ay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan iyo Shaiikh shariif.?

0

Axad 4, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho hoygiisa ugu yimid Madaxweynihii hore ee dalka ahna hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen tabashooyin shaqsi ah iyadoona arrimahaasi laga heshiiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulanka ku muujiyay rabitaankiisa ku aadan qabashada shir wadatashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradku horay ugu baaqeen, isaga oo ka dalbaday Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed inuu door muuqda ka qaato sidii shirkaasi u noqon lahaa mid guul ku dhammaada oo lagu gaaro heshiis qaran.

Dhankiisa, Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa adkeeyay in uu diyaar u yahay ka qayb-qaadashada dadaal kasta oo horseedi kara in ay Soomaali isku timaado, laguna xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira, isaga oo tilmaamay muhiimada ay leedahay midnimo, isku-tanaasul iyo wada-hadal dhab ah.

– Dhammaad –

Botswana to open embassy in Moscow.

0

Sunday 4, Jan 2026 {HMC} Botswana plans to open an embassy in Moscow soon and has invited Russian investors to cooperate on rare earths and diamonds, Russia’s TASS state news agency quoted Botswana’s foreign minister as saying on Sunday.

Russia is seeking to strengthen its foothold in Africa amid the wider confrontation with the West.

“We firmly believe that Botswana is the best place for investment, considering its political and economic stability. Therefore, we strongly encourage Russian investors to come to Botswana,” Botswana’s Phenyo Butale was quoted as saying by TASS.

Diamonds normally contribute around one-third of Botswana’s national revenues and three-quarters of its foreign exchange receipts.

Russia’s Norilsk Nickel, the world’s largest producer of palladium and high-grade nickel, settled its dispute with the government of Botswana and BCL Group in 2021 about a transaction for the sale of Nornickel’s assets in Africa to BCL Group.

SOURCE and TRT Africa Reuters