Home Blog Page 225

Xaalad cakiran oo ka dhex taagan Maraykanka iyo Venezuela.

0

Talaado 23, Dec 2025 {HMC} Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Maraykanku laga yaabo inuu sii haysto ama iibiyo shidaalka ku jira maraakiib ay bishan ka qabsadeen xeebaha waddanka Venezuela. Waxa kale oo uu sheegay in ciidanka ilaalada xeebaha Maraykanku ay weli daba joogaan markab saddexaad.

Isaga oo la hadlayay wariyeyaasha ayaa waxa uu u sheegay in ay caqli-gal noqon lahayd in madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, xilka ka dego — inkastoo uu taageero siyaasadeed ka helayo Shiinaha iyo Ruushka.

Mr Trump waxa uu hadalladan sheegay kaddib markii uu ku dhawaaqay in ciidanka badda Maraykanku dhisi doonaan nooc cusub oo markab dagaal ah oo isaga loogu magac dari doono. Waxa uu sheegay in maraakiibtan ay noqon doonaan astaamo si cad u muujinaya awoodda Maraykanka.

Ciidanka Booliska Gobolka mudug oo Sameeyay Howlgal Dad lagu soo qab qabtay.

0

Talaado 23, Dec 2025 {HMC} Ciidanka Qeybta Booliska Gobolka mudug ayaa caawa Hawlgal amniga lagu sugayay Kasameyay Qayba Kamid Ah Xaafadaha Magalada Galkacyo

Hawlgalkaan waxaa hormuud u ahaa Xoghayaha Degmada, Mudane Eng. Shaafici Cawil Maxamed, oo uu wehlinayay Taliyaha Hawlgalinta Booliska, Mudane Carab Dhuubane, iyadoo ay ka qeyb qaateen saraakiisha saldhigyada xaafadaha, xildhibaanno, guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah xaafadaha iyo masuuliyiin kale.

Intii uu socday hawlgalka, ayaa gacanta lagu Soo Dhigay Kooxo ku hawlaneyd khalkhalgelin amni iyo furashada taleefannada
Ciidamada Ayaa Qabtay Eedaysanayaashaan oo kala ah
1. Abdirahman Barre Ahmed 19 jir Ina Saynab Yusuf abdi
2. ⁠jaamac Mohamed Ahmed Boore
22 jir Ina Fadumo Yasin
Halka Uu Baxsad Yahay
3. ⁠Mohamed Sanyare Ibrahim 22jir Ina Ikran Canada
Eedeysanayaasha ayaa lagu Qabtay QORI BEE BEESHEE AH oo aan dhicin iyo 3 cagadood oo khamri ah iyo Mooto Bajaaj gaduud ah oo daba Malay ah oo aan Puntland kadiiwaangashanayn.

Dhamaan Eedeysanayaashaaas
Saraakiisha Ayaa Sheegay In Edaysanayaasha Lahor Gayn Doono Hay’adaha Sharciga

Farmaajo oo War culus ka soo saaray Mowqifkiisa siyaasada iyo Xaalada Soomaaliya.

0

Talaado 23, Dec 2025 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Caawa soo saaray War sxaafadeed ka kooban Afar bog kaas oo uu kaga hadlaayo Xaalada dalka uu maraayo.

Isbahaysi difaac oo u dhaxeeya Israa’iil, Giriigga oo Caawa lagu dhawaaqay,

0

Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Netanyahu ayaa caawa ku dhawaaqay in la dhisay isbahaysi difaac oo u dhaxeeya Israa’iil, Giriigga iyo Qubrus oo ujeeddadu tahay inay ka hortagaan wax uu ugu yeeray is ballaarin Turkiga , inta lagu jiray shir jaraa’id oo wadajir uu ula qabtay hoggaamiyeyaasha Giriigga iyo Qubrus.

Isagoo sii hadlaya wuxuu Netanyahu yiri; “ Waxaa ka go’an inaan difaacno mid kasta oo ka mid ah dalalkeenna, sidoo kalena inaan difaacno marinnada badda iyo arrimo kale oo wadaag ah, kuwaas oo hoos yimaada xeerarka caalamiga ah.

Waxaan rajaynaynaa in isbahaysigeenna aan la tijaabin.”

Ruushka oo billaabay inuu qoysaska diblomaasiyiintiisa ka saaro Venezuela.

0

Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Dowladda Ruushka ayaa billaabay inuu qoysaska diblomaasiyiintiisa ka saaro dalka Venezuela.

Xukuumada Moscow ayaa qiimeyneyso xaaladda si isa soo taraysa oo loo arko mid aad u xun, xilli Trump uu maalin ka hor sheegay inay suragal tahay Mareykanka duullaan toos ah inuu ku qaado, sida ay werisey wakaaladda wararka ee AP.

FESOJ oo tababar ku saabsan Xorriyadda Hadalka iyo Badqabka Warbaahinta ku qabatay Dhuusamareeb.

0

Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, waxaa uu si rasmi ah uga furmay tababar ku saabsan Xorriyadda Hadalka iyo Badqabka Warbaahinta oo socon doona muddo labo maalin ah, kaas oo ay ka qaybgalayaan suxufiyiin gaaraya ilaa 25 Wariye.

Tababarkan waxaa furay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Mudane Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko), isaga oo adkeeyay muhiimadda ay xorriyadda hadalku u leedahay horumarinta dimuqraadiyadda, isla markaana waxa uu xusay doorka warbaahintu ku leedahay wacyigelinta bulshada.

Casharada la baran doono labada maalin ayaa diiradda saaraya xorriyadda hadalka, la-dagaallanka wararka been abuurka ah, iyo kor u qaadidda saxaafad waarta oo mas’uul ah.

Ka qeyb galeyaasha ayaa inta tababarka uu socdo si weyn u falanqeyn doona si loo xoojin karo badqabka saxafiyiinta loona abuuri karo jawi warbaahineed oo ammaan ah, xor ah, kana shaqeeya danaha guud ee bulshada.

Hoggaamiyayaasha qabiilka Carabta ee Suuriya oo isku raacay in ay ka hortagaan ciidanka Kurdida.

0

Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Hoggaamiyeyaasha qabiilooyinka Carabta Suuriya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka hortagaan ciidanka Kurdida ee SDF oo duullaan ku qaaday saldhigyada ciidanka dawladda Suuriya ee magaalada Xalab

Ciidamada kurdiga oo lagu eedeynaya in ay weerarro ku hayaan rayidka magaalada Xalab, isla markaana ballanqaadaya daacadnimo ay u hayaan dawladda Suuriya.

“Waxaan ku dhawaaqeynaa diyaar garowgeenna iyo rabitaankeenna inaan garab istaagno dowladdeenna si loo joojiyo gardarrada loona jebiyo maleeshiyaadka argagixisada ah ee SDF.

Waxaan diyaar u nahay inaan nafteena iyo nafsaddeenna u hurno… ilaa ay dawladda Suuriya si buuxda ula wareegto gacan-ku-haynta dhammaan dhulka Suuriya.”

SOMA Condemns NIEBC Interference in Media Coverage of Benadir Local Council Elections.

0

Monday 22 Dec 2025 {HMC}  Members of the Somali Media Association (SOMA) convened for a membership meeting on Gender in Media and broader challenges facing the Somali media sector.

The meeting provided a platform for discussion on gender equality, newsroom practices, and the conditions necessary for independent and professional journalism.

At the conclusion of the meeting, the Secretary General of SOMA delivered a press statement expressing serious concerns regarding recent actions by the National Independent Electoral and Boundaries Commission (NIEBC) that threaten media freedom and journalistic independence ahead of the Benadir Region local council elections scheduled for 25 December.

SOMA is deeply concerned about the establishment of a media committee composed of nine individuals nominated by the NIEBC, tasked with overseeing media operations during the election period through a proposed Code of Conduct.

This committee conducted training for journalists ahead of the upcoming elections. Ultimately, journalists were threatened with arrest if they failed to comply with the Code of Conduct, and they refused to sign the contract, resulting in the cancellation of the meeting.

The Commission does not have the legal authority to set or enforce a media code of conduct, as this responsibility lies with Parliament under the Interim Constitution, in consultation with media stakeholders.

These actions represent clear interference in the independent work of journalists and media houses, contradicting constitutional guarantees and international standards on freedom of expression and press freedom.

The mandate of the NIEBC is to ensure free, fair, credible, and transparent elections, not to control editorial decisions or journalistic content.

Attempts to do so blur institutional boundaries, undermine democratic norms, and erode public trust in both the electoral process and state institutions.

The Secretary General of SOMA strongly condemns these actions, describing them as inconsistent with internationally recognized standards governing democratic elections and media freedom. He stated:

“Any attempt to control or influence media coverage during elections undermines democratic principles and puts the credibility of the electoral process at serious risk. We call on all institutions to respect the independence of journalists and uphold international best practices.”

SOMA calls on the NIEBC to focus on its core responsibilities, particularly safeguarding electoral integrity and transparency, and to fully respect the independence and professionalism of journalists and media institutions.

The Somali media will continue to report on the elections independently, guided by professional ethics, accuracy, balance, and journalistic integrity, without undue interference from any institution.

SOMA reiterates that a free, independent, and pluralistic media is essential for credible elections and democratic governance. Any attempt to undermine media freedom violates democratic principles and erodes public confidence in the electoral process.

SOMA urges the NIEBC to reconsider its approach, engage constructively with media stakeholders, and uphold press freedom, transparency, and accountability throughout the electoral period.

In conclusion, SOMA emphasizes that security agencies must respect and protect journalists, ensuring they can carry out their work safely at poll stations across the region.

Journalists must be able to report freely without fear, enabling citizens to access accurate and timely information during the elections.

Xilka ka qaaday Lagu sameeyay Safiirkii Mareeykanka u fadhiyay Soomaaliya.

0

Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa dib ugu yeertay ku dhowaad 30 dublamaasi oo sare, kuwaas oo uu ku jiro Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, tallaabadan oo qeyb ka ah dib-u-habeyn lagu sameynayo siyaasadda dibadda ee Mareykanka, si ay ula jaanqaaddo ajendaha “America First”.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, madaxda safaaradaha ee ugu yaraan 29 dal ayaa toddobaadkii hore lagu wargeliyay in xilalkooda ay dhammaanayaan bisha Janaayo ee soo socota.

Diblamaasiyiintan ayaa dhammaantood xilalka la wareegay xilligii madaxweyne Joe Biden.

Qaaradda Afrika ayaa ah tan ugu saameynta badan, iyadoo safiirro laga qaaday 13 dal, oo ay ka mid tahay Soomaaliya, Nigeria, Niger, Rwanda, Senegal, Uganda iyo dalal kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa difaacday tallaabadan, iyadoo sheegtay in safiirku yahay wakiil gaar ah oo madaxweynaha matala, isla markaana uu madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu doorto shaqsiyaad si buuxda u taageeraya siyaasaddiisa.

Inkasta oo safiirrada xilka laga qaaday aysan luminayn shaqadooda guud ee dublamaasiyadeed, haddana waxaa lagu wargeliyay inay ku laaban karaan Washington si ay xilal kale uga qabtaan, haddii ay doortaan.

Go’aankan ayaa walaac ka abuuray qaar ka mid ah Mareykanka iyo ururka metela diblomaasiyiinta, kuwaas oo ka digay in isbeddelladan degdegga ah ay saameyn ku yeelan karaan xiriirka Mareykanka iyo dalalka ay khuseyso oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Trump oo Shaqada ka saaray 30 diblomaasi oo ay ku jiraan safiirrada dalal ay ku jirto Soomaaliya,

0

Isniin 22 Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa shaqada ka saaray 30 diblomaasi oo ay ku jiraan safiirrada dalal ay ku jirto Soomaaliya oo kala ah ; Burundi, Cameroon, Cape Verde, Gabon, Ivory Coast, Madagascar, Mauritius, Niger, Nigeria, Rwanda, Senegal, Somalia, iyo Uganda.

Safiirradan ayaa lagu amray inay dib ugu soo laabtaan Washington, iyadoo ujeeddada xilka looga qaaday lagu sheegay inay qeyb ka tahay siyaasadda maamulka Trump ee America First.