Home Blog Page 2272

{DAAWO MUUQAALKA} Dhakhtarkii iyo qoraagii Islaamka ugu caansanaa uguna saamaynta badnaa ee xaafidul Qur’aanka ahaa

0

Axad june,23 2024 {HMC} Dhakhtarkii iyo qoraagii Islaamka ugu caansanaa uguna saamaynta badnaa ee xaafidul Qur’aanka ahaa

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Dowladda Soomaaliya oo CIIDAMO horleh geysay gobolka GEDO + Qorshaha socdo..

Axad june,23 2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh u dirtay gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgeli doono gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ciidamadan oo ah milatari ayaa laba diyaaradood lagu geeyay degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha gobolka joogta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay ciidamada howlgalka ATMIS kala wareegaan fariisamaha ay ku leeyihiin magaaladaas oo la filayo inay ka baxaan.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee la wareegitaanka amniga Ceelwaaq ayaa haatan ka socota halkaasi waxaana goobta ku sugan madax ka socota Jubbaland iyo dowladda dhexe.

Ceelwaaq ayaa waxaa muddo dheer ku sugnaa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo haatan baxaya, wuxuuna qorshahan qayb ka yahay bixista ATMIS.

Horay ciidamada shisheeye ayaa uga baxay xerooyin dhowr ah, waxaana ugu dambeysay oo ay maalin kahor banneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle.

Sida uu qorshuhu yahay dhammaadka sanadkan ayaa lagu wadaa inay dalka isaga baxayaan ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga dalka, waxaana beddeli doono ciidamo cusub, sida ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo Ururka Midowga Afrika.

Howlgalka cusub oo ay hugaamin doonaan Midowga Afrika ayaa noqon doono mid diiradda lagu saarayo, sidii Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa baabi’inta ururka AS.

Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalkaan uu si gooni ah u noqon doona “mid amni ku soo dabaala Soomaaliya, muhiimadiisuna tahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka ah.”

Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa oo aano qabiil loogu dilay Galgaduud…

Axad june,23 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dila argagax leh uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, kaas oo loo gaystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Allaha u naxariistee Macallinka iyo Xaaskiisa oo ku sugnaa gurigooda ayaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Bulacle oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaad hubeysan ay toogasho ku dileen labada marxuum, iyaga oo ku dilay gogoshooda, waxayna kadib ka baxsadeen goobta.

Dilkan foosha xun ayaa lala xiriiriyay aano qabiil oo ka taagan deegaano dhaca bariga magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay isku geysanayaan beelaha wada daga halkaas.

Dhacdadan ayaa sidoo kale argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada, iyada oo dadweynuhu ay tilmaameen inay tahay wax laga xumaado.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halka ay mashaqadu ka dhacday, waxaana haatan ay howlgallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadka dhibaatada geystay ka bilaabeen agagaarka Dhuusamareeb.

Falkan argagaxa leh ayaa kusoo beegmay, ayada oo haatan Dhuusamareeb ay taallo gogol nabadeed oo ay dhigtay Galmudug, taas oo lagu heshiisinayo beelo dhowaan ku dagaalamay waqooyiga gobolka Galgaduud, kuwaas oo ay iska dilay in ka badan 50 qof.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa ku badan colaadaha beelaha, waxaana horay dhacdo tan lamid ah ay uga dhacday isla gobolka Galgaduud, kadib markii lagu dilay Macallin Dugsi Qur’aan iyo Dhaqtar walaalo ahaa, inkastoo lasoo soo qabtay raggii ka dambeeyay dilkaasi oo la maxkamadeeyay, kadibna ay dil toogasho ku fulisay Galmudug.

{DAAWO MUUQAALKA} Nolosheedoo dhan waxay keydineysay lacagtii ay Xajka ku aadi lahayd, Balse ugu Dambeeyn maxaa dhacay

0

Axad june,23 2024 {HMC} Nolosheedoo dhan waxay keydineysay lacagtii ay Xajka ku aadi lahayd, Balse ugu Dambeeyn maxaa dhacay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Itoobiya oo Xad gudub ka Billaabay Gobolka HIiraan.

0

Axad june,23 2024 {HMC} Ciidamada Itoobiya oo Xad gudub ka Billaabay Gobolka HIiraan.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa ka Jira in Xuutiyiin ay hubsiiyaan AS.?

0

Axad june,23 2024 {HMC} Maxaa ka Jira in Xuutiyiin ay hubsiiyaan AS.?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa ka Jira in Xuutiyiin ay hubsiiyaan AS.?

0

Axad june,23 2024 {HMC} Maxaa ka Jira in Xuutiyiin ay hubsiiyaan AS.?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Kalluumeeysato in Muddo ah la raadinayey oo ugu Dambeyn Meeydkooda la helay.

0

Axad june,23 2024 {HMC} Kalluumeeysato in Muddo ah la raadinayey oo ugu Dambeyn Meeydkooda la helay.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

IRAN oo lagu eedeeyey inay ka shaqaynayso qorshe halis ah Soomaaliya.

Axad june,23 2024 {HMC} Iiran ayaa lagu eedeeyay inay gadaal ka riixayso isku dayga socda ee wada-shaqeyn ay ku yeelanayaan kooxda ay taageerto ee Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda AS ee Soomaaliya.

Sirdoonka Maraykanka ayaa dhowaan sheegay in ay ogaadeen in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee AS.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo qariyay magacooda in la xuso ayaa hadda wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Iiran ay qeyb ka tahay qorshaha Xuutiyiintu hub ku siin karaan kooxda AS.

Warbixin ayaa lagu sheegay in Iiran ay doonayso inay xoojiso saamaynteeda gacanta Cadan, si weerraro ka dhan Maraykanka looga geysto halkaas.

Maraykanka waxa uu sheegay in qorshaha Iiran ay ku doonayso in Xuutiyiintu ay al-Shabaab siiyaan ilo cusub oo hub ah, ay keeni karto in AS ay gacanta u galaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si ay ugu weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.

Hadda, kooxda Soomaalida waxay heli karaan oo keliya gantaallo, hoobiyeyaal iyo miinooyin, oo ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto dawladda Soomaaliya – hub yar balse dilaa ah. Xuutiyiinta, marka la barbardhigo, waxay haystaan hubka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, oo ay ku jiraan kuwa biyaha hoostooda mara.

Mareykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka. Dalalka Afrika ayaa sidoo kale billaabay in ay si firfircoon ula soo xiriiraan Mareykanka, si ay u gudbiyaan walaacooda, oo ay u helaan macluumaad dheeraad ah.

“Tani waa wada hadallo joogto ah oo aan la yeelanayno dalalka labada dhinac ee Badda Cas,” ayuu yiri qof xog-ogaal ah. “Oo waxaa loo eegayaa si dhab ah.”

Heshiiska suurtagalka ah wuxuu dhaqaale cusub u yaboohi karaa Xuutiyiinta.

“Inaad awood u yeelato inaad iibiso hubka qaar waxay ku siineysaa dakhli aad loogu baahan yahay,” ayuu yiri sarkaalka sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.

Dhanka AS, waxay siin kartaa fursad ay ku hesho ilo cusub oo hub ah – oo ay ku jiraan suurta-galnimada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) – kuwaas oo aad uga casrisan hubkooda hadda, waxayna siin kartaa kooxda awood ay ku weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.

Ruushka oo bam ku laayay dad badan oo udhashay dalka Ukraine.

Axad june,23 2024 {HMC} Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 52 kalana ay ku dhaawacmeen kaddib marki bambooyinka nuuca la hago lagu qarxiyay dhisme ay dad rayid ah daganyihiin oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa tusiyay burbur xoog leh oo soo gaaray qeybo ka mid ah dhisme ka kooban shan dabaq oo ku yaalla magaalada Kharkiv. Weerarkaasi ayaa dhaliyay in markiiba uu madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ku baaqo in lala soo gaaro gargaar iyo saanadaha hubka si ay isaga difaacaan halista Ruushka.

Qoraal uu ku baahiyay barta Telegram ayuu madaxweynaha Ukraine ku yiri “Bambaanooyinka la hagayo ee Argagaxisada Ruushka waa in la joojiyaa waana la joojin karaa, waxaan u baahanahay go’aano adag oo ka yimaada saaxiibadayada si ay noogu suurtagasho inaan joojino argagixisada Ruushka ”

Kharkiv ayaa ah magaalo kaliyah 30 km u jirta xadka Ruushka. Waxaa ku nool 1.3 oo ruux, waxay ka mid tahay magaalooyinka dhibanah u ah weerarada Ruushka ee Ukraine.

Ruushka ayaa weeraray Ukraine bishi Febraayo ee sannadki 2022-ki. Muddo 28 bil kaddib, waxaanan wali muuqan dhamaadka dagaalka Ruushka iyo Ukraine, kaas oo ay ku dhinteen tobnaan kun oo ruux.