Sabti 15 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhulka Qubaaraha Iskool Buluusiya
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhulka Qubaaraha Iskool Buluusiya
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Abdulllaahi.”Kuwa Magaca Hiiraan State Sarafanayo Gacan Bir ah ayaan ku qabaneyna”
Sabti 15 June 2024 {HMC} Madaxweyne Abdulllaahi.”Kuwa Magaca Hiiraan State Sarafanayo Gacan Bir ah ayaan ku qabaneyna”
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Ahlu Suna”oo baaq Nabadeed u dirtay Beelahii Ku Dagaalamay Galgaduud.
Sabti 15 June 2024 {HMC} Ahlu Suna”oo baaq Nabadeed u dirtay Beelahii Ku Dagaalamay Galgaduud.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Aragtida shacabka Laascaanood iyo Socdaalka SSC KHAATUMO Sanaag iyo Sool
Sabti 15 June 2024 {HMC} Aragtida shacabka Laascaanood iyo Socdaalka SSC KHAATUMO Sanaag iyo Sool
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shirka Nabadda iyo Ganacsiga Switzerland
Sabti 15 June 2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shirka Nabadda iyo Ganacsiga Switzerland
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
Maxeey Ka Tiri Wasaaradda Waxbarashada warar lagu baahjiyay Baraha Bulshada?
Sabti 15 June 2024 {HMC} Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa si adag u beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in shirkad gaar ah lagu wareejiyay in ay qaado lacagaha tasdiiqinta shahaadada ..
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaana lagu sheegay in aysan jirin shirkad gaar loo leeyahay oo ay heshiis lacag qabasho kula jirto, waxa ayna sheegeen kaliya in wasaaradda Maaliyadda ay xafiis lacag qabasho ku dhex leedahay xarumaha adeegga tasdiiqinta.
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaana sheegtay in aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid lacagihii horey wasaaradda u qaadi jirtay oo gaareysa 25-dollar sida qoraalka wasaaradda lagu sheegay.

Hoggaamiyaha Ahlu-sunna Macallin Maxamuud oo war culus kasoo saaray dagaalka Galgaduud
Sabti 15 June 2024 {HMC} Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaal beeleedka lagu hoobtay ee kasoo cusboonaaday waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka..
Macallin Maxamuud ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay inay is laayaan dad walaalo ah oo haddana muslimiin ah, ayna iska dilaan dad badan oo aan waxba galabsan.
“War Maxaa la’isku leynayaa maxaa dadka loo dilayaa maxaa dhibaatadaas loo gaysanayaa hadda wax aan cid ka xanuunsaneyo la arag ugu yaraana dhowr boqol oo qof ay ku dhimanayaan waa dhibaato xaqiiqi ah” ayuu yiri Macallin Maxamuud Sheekh Xasan.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in culimada Soomaaliyeed ay ka gaabiyeen doorkii ay ka qaadan lahaayeen colaadaasi, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan xalka.
“Dhibaatada jirto ayaa waxa ay tahay doorkii culimada ayaa meesha laga waayay, waxaana leeyahay culimada doorkoodii hasoo celiyaan” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu yiri “Waxaan leeyahay qaddiyooyinka noocaas oo kala ah waxaan waydiisaneynaa mar dambe in aysan ka dhicin dadka muslimiinta ah waa dad aan meel kala aadeyn”.
Hoggaamiyaha Ahlu-sunna ayaa ugu dambeyntii baaq culus u diray beelaha dagaalamaya, wuxuuna ka dalbaday inay ka waantoobaan dagaalka ay isku laynayaan.
“Waxaan soo jeedineynaa oo magaca Ahlu-sunna Waljamaaca kusoo jeedineynaa ummaddu inay ka waantowdo waxaan oo kale, dib dambana aysan uga dhicin” ayuu yiri.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay socdaan dadaallada lagu heshiisiinayo beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamayaa agga deegaanka Laadheer oo u dhexeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga gobolka Galgaduud.
weerar khasaare lagu gaarsiiyay AS oo ka dhacay Gobalka Galgaduud
Sabti 15 June 2024 {HMC} Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo ku sugan bariga gobolka Galgaduud ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Xuseen Cagey oo hoostagta magaalada Masagawaa.
Ciidamada oo ka war helay dhaq-dhaqaaq ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka wadeen halkaas ayaa weerar kala hortegay, waxaana kadib halkaas ka dhacay dagaal culus.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay inay waddada u galeen xubnaha Al-Shabaab, xilli ay qorsheynayeen inay weerar soo qaadaan, kadibna ay halkaas ku gaarsiiyeen khasaare lixaad leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dhankooda aanu soo gaarin wax khasaare ah, isla markaana ay is xirfadeysan u fuliyeen howlgalka lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka dhex-maray labada dhinac uu ahaa mid xoogan, waxaana looga adkaaday Al-Shabaabka ku socdaalayay waddada, kuwaas oo kasoo baxay dhinaca deegaanka Xuseen Cagey oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.
Galgaduud ayaa waxaa haatan isku haya labada dhinac, waxaana ahayd todobaadkii hore markii ay Al-Shabaab weerareen degmada Ceeldheer, balse laga hortegay.
Weerarkaas oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogleh oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana mid kastaa uu soo bandhigay khasaaraha uu gaarsiiyay kan kale.
Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weli deegaano iyo degmooyin ka jooga gobolladaas oo hoostaga Galmudug.
{DAAWO MUQAALKA} Maxaad ka Taqaana 114 Neef oo Edo ah oo Sanad walba Lagu qalo deegaanka Comaad ee Gobolka Hiiraan?
Sabti 15 June 2024 {HMC} Maxaad ka Taqaana 114 Neef oo Edo ah oo Sanad walba Lagu qalo deegaanka Comaad ee Gobolka Hiiraan?
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
Somali government announces construction of new airport in Mogadishu
Sabti 15 June 2024 {HMC} Somalia’s federal government has announced plans to build a new airport in Mogadishu, aiming to alleviate congestion at Aden Adde International Airport. Ahmed Moalim Hassan, the Somali Civil Aviation Authority {SCAA} general manager, revealed that the new airport would be located in El Ma’an. The decision follows a thorough five-year environmental and safety survey that found the site suitable for construction.
“Mogadishu will soon have a new airport capable of accommodating all aircraft types,” Hassan said. “We have assessed the land and found it suitable for construction. Over the past five years, we have been evaluating the site’s environment.”
advertisements
According to Hassan, the construction is expected to start soon, marking a significant step in modernizing Somalia’s infrastructure.
Mogadishu’s population is rapidly growing, with projections indicating substantial increases over the next decade. This demographic trend, coupled with poor roads, enhanced security and economic stability, has increased demand for air travel. The city’s economic development is further boosting the need for improved aviation infrastructure.
Details about the new airport are scarce, but aviation experts say it should have at least two parallel runways, each 4,000 meters long, to accommodate large international flights. It should also have separate international and domestic terminals that can expand to accommodate increased passenger traffic. The airport should also include a modern cargo terminal with advanced logistics and storage systems. Maintenance hangars, fuel farms, a modern air traffic control tower, and security installations are among the available support facilities. A new airport could cost more than $1 billion, which includes construction, equipment, and operations.
Originally established in 1928 during Italian colonial rule, Aden Adde International Airport (MGQ) in Mogadishu is Somalia’s primary hub for civilian and military aviation. After years of conflict, significant rehabilitation efforts began in 2010, transforming the airport into a modern facility with advanced technology and amenities.
The current airport features a primary runway (05/23) that is asphalt-paved, 3,150 meters long, and 45 meters wide, capable of handling large commercial and military aircraft. The international terminal, recently renovated, includes modern amenities such as duty-free shops, restaurants, and VIP lounges. A smaller domestic terminal handles local flights. A dedicated cargo terminal is equipped with storage and handling facilities, and the upgraded air traffic control tower ensures efficient air traffic management.
Aden Adde International Airport hosts international airlines like Turkish Airlines, Ethiopian Airlines, Qatar Airways, FlyDubai, and Air Arabia. It also serves domestic airlines such as Jubba Airways, Daallo Airlines, and Somali Airlines. The airport offers direct flights to various international destinations in the Middle East, Africa, and Europe and domestic connections to key Somali cities.
Significant efforts have been made to modernize Aden Adde International Airport’s infrastructure and facilities. With over 40 daily flights, the airport handles about 1.5 million passengers annually and around 30,000 tons of cargo.



