Khamiis 30, May 20224 {HMC} Soomaalida ku nool Dalka K/Africa oo ka hadlay Doorashada Wadankaas.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30.05.2024}
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii :Abdi Qani Osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
{DAAWO MUUQAALKA}Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS iyo Culimada Soomaaliyeed oo si kulul u
Khamiis 30, May 20224 {HMC} Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS iyo Culimada Soomaaliyeed oo si kulul u
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Deegaano ka tirsan Hirshabelle oo laga hirgaliyay biyo xereeno.
Khamiis 30, May 20224 {HMC}Deegaano ka tirsan Hirshabelle oo laga hirgaliyay biyo xereeno.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Booliska Soomaaliya oo shaaciyay Sababta ay xirxireen Dhaliyaro Badan
Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Booliska magaalada Muqdisho ayaa soo xiray dad ka badan 40 qof toddobaadkii ugu dambeeyay, kuwaasi oo ku eedeysan falal lidi ku ah amniga, kicin dadweyne iyo faafin anshax xumo.
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qoraal soo saaray ayaa shaaciyay in sababta ka dambeysa inay soo xiraan dadkaas aadka u badan maalmo gudahood, taasi oo uu ku sheegay inay qeyb dowladnimada kamid tahay.
“Sababta aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada ayaa ah inaan aamisanahay in asuubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Taliska Qaybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir.
Dadkan oo dhammaantood horey uga soo muuqday telefishano maxali iyo baraha bulshada ayaa jeediyay haddallo ay ku durayaan go’aanno maxakamadeed oo soo baxay, hanjabaado loo jeediyay madaxda dowladda iyo warar u muuqaday kicin qabyaaladeysan.
Dadka 40-ka qof ka badan ee boolisku soo xiray, intooda badan waxa lagu soo xiray isla dharkii ay xirnaayeen markii ay muuqaalladooda soo dhigayeen barraha bulshada, taasi oo fal-celin badan ay ka sameeyeen dad kale duwan.
Hoos ka aqriso qoraalka booliska
Sababta aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada ayaa ah inaan aamisanahay in asluubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada.
Waana qeyb kamid ah shaqooyinka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, sidaas darteed Waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda, waana in ay la xisaabtamaan kalana shaqeeyaan Ciidanka Booliiska sidii loo suuli lahaa falalka nuucaas ah
Ciidanka Booliiska waa Hooyada Ciidamada Qalabka sida, waana ciidankii ugu horeeyay ee dalkeennu yeesho, ciidanka Booliisku waa Barbaariye, dhise iyo Badbaadiye.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Bilaabay Furista Waddooyinka xiran
Khamiis 30, May 2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ee maamukada degmooyinka Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaana looga hadlay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda oo ay ugu horeeyaan dhismaha waddooyinka, goobaha adeega bulshada iyo qorshaha maareynta bulaacadaha.
Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sii wadida furista wadooyinka sida sharci darrada loo dhistay si bulshada loogu fududeeyo isku socodka, La-dagaalanka ama suulinta Geed Yahuudka oo dhibaato xoogan ku haaya Bulshada & Bay’adda, iyadoona la iskula xisaabtami doonno Nadaafada iyo Bilicda Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa madaxda Degmooyinka kula dar-daarmay in bulshada loo turo adeeg hufanna la gaarsiiyo, asigoona faray in loo diyaar garoobo weyneynta Maalmaha Xorriyadda.
Netanyahu oo Ciidankiisa Kala Baxay xerada Jabalia ka dib jab weyn oo loo geystay
Khamiis 30, May 2024 {HMC} Israa’iil ayaa bilowday inay ciidankeeda kala baxdo xerada Jabalia ee magaalada Gaza halkaasoo dhowaan askar badan looga dilay, kuwa kalana in nolasha lagu qabtay ay sheegeen Xamaas.
Wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth, ayaa ku warramay guutada Paratroopers in laga saaray Jabalia.
Siddeed bilood ka hor Israa’iil ayaa sidan oo kale ugala baxday ciidankeeda xerada Jabalia ee waqooyiga Qasa, mar kale oo ay Israa’iil sheegtay inay dib halkaa ugu laabatay dhowaan waxayna ku andacootay inay burburinayaan ‘dib usoo laabashada awoodda Xamaas’, laakin mar kale ayay xeradan noqotay goob lagu burburiyay Israa’iil.
Dhinaca kale, Taliyihii hore ee ciidanka Israa’iil oo hadda ah Wasiir ka tirsan Golaha dagaalka ayaa si adag u dhaleeceeyay Netanyahu oo uu ku sheegay inuu Israa’iil ku hoggaaminayo guul-darro,
Waxaa uu intaa ku daray; “Qofkii yiraahda waxaan kala diraynaa guutooyinka Xamaas ee Rafah, kadibna waxaan soo celinayna dadkii la afduubtay,wuxuu ku hadlaya dhalanteed— Waxaan u baahanahay 3 ama 5 sanno si aan u helno xasillooni, Xamaas waa urur fikir, haddii ay maanta doorasho ka qabtaan Qasa, way guulaysan lahaayeen.” ayuu yiri wasiirka.
Maxeey Kawada Hadlayaan Shekh Shariif iyo Fahad yasiin?
Khamiis 30, May 2024 {HMC} – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Fahad Yaasiin, agaasimihii hore ee hay’adda NISA iyo la-taliyihii amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, ayaa wada-hadal ku leh dalka Turkiga, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayo sidii isbaheysi siyaasadeed ay u sameysan lahaayeen labada dhinac kaasi oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda mudo xileedkiisu galay sanadihii dhammaadka.
Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu kulankan uga wakiil yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Haddii labada dhinac ay si rasmi ah u dhistaan isbaheysi, waxa uu wax weyn ka beddeli karaa saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna caqabad xooggan ku noqon karaa madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastaba ma cadda, haddii isbaheysigan uu ku egyahay kaliya kahor doorashada iyo haddii uu labadii madaxweyne ee hore uu mid tanaasuli doono si loo dhiso midka kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan waxaa u billowday sanadkii saddexaad ee muddo xileedkiisa, inkasta oo ay muuqdaan calaamado muujinayaa inuu doonayo muddo kororsi.
Labadii sano ee uu xilka haye madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa hareeyey eedo ku saabsan isku day muddo kororsi iyo dhul boob, halka dagaalkii Al-Shabaab ee bilihii hore dardarta ku billowday uu u muuqdo in laga tanaasulay. Si kastaba, amniga caasimadda ayaa mudadaas soo hagaagay.
Farmaajo iyo Shariif ayaa la sheegayaa inay diiradda saarayaan xeelado siyaasadeed oo mideysan oo lagu wajaho Xasan Sheekh.
{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Caawa Wacdaro Ka dhigay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobia
Khamiis 30, May 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga bulshada Soomaaliyeed ee ku yaala Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waqti la qaatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugnaa goobahaasi.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay ganacsatada uu kula kulmay halkaasi fursadaha maalgashi, soo kabashada amni iyo horumarada uu xilligaan ku tillaabsaday dalkeennu, isaga oo kula dardaarmay in ay u hoggaansamaan sharciyada dalalka ay ku noolyihiin.

Soomaaliya ayaa ka digtay dabeyllo iyo mowjado ka soo socda badweynta Hindiya
Arbaco 29, May 20224 {HMC} Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda Soomaaliya ayaa ka digtay in ay jiraan mowjado xoog leh iyo dabeylo kuwaas oo waxyeello u geysan kara gaadiidka badweynta Hindiya.
Wasaaradda waxay sheegtay in xiliga bad-xiranka uu bilowday una sii soconaya ilaa iyo bisha sagaalaad ee sanadkan.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha Mudane Saadaam Maxamuud Cabdi ayaa shirjaraa’id uu qabtay kaga hadlay arintaan. Wuxuuna uga digay dekadaha badweynta Hindiya in ay jiraan mowjado xoog leh iyo dabeylo kuwaas oo waxyeelo u geysan kara kalluumeysatada iyo noockasta oo gaadiid badda ah.
“Waxaan uga digayaa ganacsatada Somaaliyeed in aysan hantidooda soo saaran gaadiidka aan iska caabin karin mowjadaha badda iyo dabeylaha”
Sidoo kale shirka jaraa’id ayaa lagu sheegay in waalidiinta deggan xeebaha ay la socdaan ubadkooda aadaya badda.



