Home Blog Page 2367

{DAAWO MUQAALKA} kulan ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Xuddur oo war laga soo saaray.

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC} kulan ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Xuddur oo war laga soo saaray.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Masuuliyiin gaaray Gaalkacyo si ay ugu kuur galaan shaqada socota iyo baahiyaha jira.

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Masuuliyiin gaaray Gaalkacyo si ay ugu kuur galaan shaqada socota iyo baahiyaha jira.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Sucuudiga oo muddo ka dib danjire cusub u magcaabay dal uu horay xiriirka ugu jaray.

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Sucuudiga oo muddo ka dib danjire cusub u magcaabay dal uu horay xiriirka ugu jaray.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Deeqo Cabduqaadir “Waxaan diyaar u nahay in aan la shaqeyno ciidanka Qaranka

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC}  Deeqo Cabduqaadir “Waxaan diyaar u nahay in aan la shaqeyno ciidanka Qaranka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Sarkaal Jarmal ah oo Ruushka basaas u ahaa ayaa la xiray

Isniin 27, May 2024, {HMC} Askari ka tirsanaa ciidamada Jarmalka ayaa lagu xukumay saddax sano iyo bar oo xabsi ah kaddib markii lagu helay inuu u basaasayay Ruushka.

Kabtan hore oo lagu magacaabo Thomas H ayaa qirtay in uu Kremlin-ka u jaajuusay kaddib markii uu ka dhageystay kooxaha midigta fog ee Ruushka taageera warkooda beenta ah ee baraha bulshada sida TikTok, wuxuu sheegay in markaa kaddib uu la xiriiray safaaradda Ruushka ee Berlin una gudbiyay xog militeri.

Askarigaas hore ayaa ku sheegay waxa dhiirogeliyay cabsi uu ka qabay inuu dhaco dagaal Nukliyeer, wuxuuna yiri in uu hadda ka shaleynayo wixii uu sameeyay.

Bishii April labo nin oo haysta dhalashooyinka Ruushka iyo Jarmalka ayaa la xiray waxaana lagu eedeeyay in ay basaasayeen saldhigyaca ciidamada Mareykanka u uku leeyahay Jarmalka halkaasi oo askarta Ukraine lagu tababaro.

PUNTLAND oo beenisay warar shalay kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Maamul goboleedka Puntland ayaa ka horyimid qoraal shalay kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgal culus oo ka dhacay buuraha Calmadow ee maamulkaasi, kaas oo ay dowladdu sheegtay inay fuliyeen ciidanka Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, laguna dilay in ka badan 20 ka tirsan Shabaab.

“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland” ayaa lagu yiri bayaanka shalay kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa beenisay sheegashada dowladda ee fulinta howlgalkaasi, waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta maamulkaasi lagu sheegay in uusan jirin howlgal ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanada Puntland.

“Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland, waxay bulshada Puntland, guud ahaan Soomaaliya iyo Adduunkana la wadaagaysaa in an waxba kama jiraan tahay wararka ay faafisay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo ay ku sheegeen in ciidanka SNA ay howlgal amni ka fuliyeen deegaanada Calmadow ee Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa ku dooday in amnigeeda ay ku filan tahay, isla markaana deegaanadeeda aysan joojin ciidan ka tirsan dowladda dhexe.

“Dowladda Puntland iyadaa amnigeeda ka shaqeysa, waxaana deegaanada Calmadow ku sugan ciidanka difaaca dowladda Puntland, sidaas darteed ma jiro wax ciidan SNA ah oo ka howlgala ama ku sugan Puntland” ayaa mar kale lagu qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay ” Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u taagan tahay in dalka laga caribtiro Argagxisada”.

Dowladda dhexe iyo Puntland ayaa waxaa horay uga dhexeeyay khilaaf siyaasadeed oo saameeyay wada shaqeynta labada dhinac, ayada oo gebi ahaan uu go’an xiriirkooda.

GUBADLEEY oo looga dabaal-degay aqoonsigii uu siiyay madaxwayne Xasan Sheekh.

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu dabaal-dagay aqoosiga degmonimo ee uu bixiyay madaxweynaha Soomaaliya, taas oo xalay ka dhacay degmada cusub ee Gubadley.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay duqa magaalada Muqdisho, ra’iisul wasaare hore Cali Maxamed Geedi, golayaasha dowladda, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha maamulka deegaanka Gubadley, Cabdullaahi Nuur Kaalibey oo madaxda qaranka uga mahadceliyay aqoonsiga degmnimo, wuxuuna sheegay inay tahay guul wayn oo usoo hoyatay reer Gubadley.

Cali Maxamed Geeddi oo isna hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa ka sheekeeyay marxaladaha ay soo martay degmadan oo la aas aasay sanadkii 1985, wuxuuna sheegay in macno wayn ay ku fadhiso in Gubadley loo magacaabo degmo rasmi ah, isaga oo ku boggaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh, duqa Muqdisho iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Intaas kadib Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hadalka qaatay ayaa qiray in shacabka Gubadley ay dulqaateen, balse ugu dambeyn ay guuleysteen, wuxuuna kula dardaamay inay ka wada shaqeeyaan horumarinta degmada.

“Deegaanka Gubadley waa dulqaatayoo caawa degmo ayuu u dabaal-dagayaa. Xamar waa isku cakiran tahaye aan u wada duubano” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Todobaadkii hore ayaa madaxweynaha Soomaaliya ansixiyay saddex degmo oo kala ah Gubadley, Garasbaaley iyo Daarusalaam oo gobolka Banaadir ka dhigay 20 degmo, waxayna tallaabadan kusoo aaday, xilli loo diyaar garoobayo doorasho qof iyo cod ah.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimop ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.05.2024}

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Maanta ka dib lama arki karo Geel iyo Ari lagu ilaalinayo Qori”Korneyl Xasan Dhicisoow”

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Maanta ka dib lama arki karo Geel iyo Ari lagu ilaalinayo Qori”Korneyl Xasan Dhicisoow”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} “Eedihii loo haystay Koofi waa lagu waayey, waa in shahaado la siinayo ” Cali-xidig”

0

Isniin 27, May, 2024 {HMC} “Eedihii loo haystay Koofi waa lagu waayey, waa in shahaado la siinayo ” Cali-xidig”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA