Home Blog Page 2398

DFS oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii dalka Iiran oo ku geeriyooday shil diyaaradeed

ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Abdollahian iyo masuuliyiintii kale ee la socotay diyaarad Helicopter ah oo shil naxdin leh ku gashay gobol ka mid ah dalka Iran.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xuseen Caamir-Abdollahian iyo mas’uuliyiintii kale ee la socotay ka dib musiibadii naxdinta lahayd,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la socday 3 ka mid ah diyaaradaha Iran, waxaana la sheegay in cimillada oo xumaatay ay sababtay in diyaaradii gaarka aheyd ee siday Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Iran ay ku dhacday dhulka buuraleyda ah ee gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Azerbaijan.

Warbaahinta gudaha ee dalka Iran ayaa ku warameysa in ilaa toddoba qof ay gaareyso tirada masuuliyiinta iyo saraakiisha shilkaas kula geeriyootay Madaxweyne Ibraahim Raisi.

Maxaa Ka Jiro in Mareykanku uu Sabab u Ahaa geerida ku timid Madaxweynaha Iran

ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Wakaaladda Wararka Iran IRNA oo soo xiganeysa wasiirkii hore arrimaha dibadda Iran Maxamed Javed Zarif ayaa sheegtay in Mareykanka uu yahay sababta keentay in ay dhintaan madaxweynaha Iran iyo dadkii kale ee la socday.

Wasiir Maxamed Javed Zarif ayaa sababta Mareykanka ugu lug leeyahay shilka diyaaradeed ku sheegay in ay ka timid xayiraadda la saaray dowladda Iran ee ah in aan laga iibin diyaarado casri ah.

Zarif waxa uu intaas ku daray in dadka reer Iran ay soo wajaheen duruufo adag 45-tii sano ee la soo dhaafay. Waxaana ka mid ah duruufahaasi sida uu sheegay wasiirka cunaqabteynta adag ee saaran dowladda Iran.

Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Iran wuxuu ku tilmaamay mid ka mid ah sababaha keenay shilka in ay tahay mamnuucidda Mareykanka ee ah in aan Iran laga iibin diyaarado taasna ay tahay sababta geerida madaxweyne Raisi.

Wuxuu sheegay wasiirka in dambiyada dowladda Mareykanka ay gali doonaan diiwaanka maskaxda dadka reer Iran iyo taariikhda dalkooda, waxa uuna sheegay in lagala xisaabtami doono Mareykanka waxa uu Iran ku sameeyay.

 

RW Xamse oo furay shir ku saabsan kobcinta Karaanka Aadanaha

ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay shir ku saabsan kobcinta Karaanka Aadanaha, ayaa sheegay in bulsho karaankeedu hooseeyo aysan la loolami karin caalamka intiisa kale, si aan dunida ula tartannana ay muhiim tahay in la horumariyo awoodda dadkeenna.

“Bulsho karaankeedu hooseeyo, lama loolami karto caalamka intiisa kale, iskamana celin karto cadowga muuqda ee lidka ku ah iyo midka qiiqa isku qariya ee dibindaabyeynaya, Waxaase intaa oo dhan ka muhiimsan in la maalgeliyo lana dhiso karaanka iyo kartida bulshada

Waxa uu hoosta ka xarriiqay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay hiigsanayso isbeddel xooggan oo ku dhisan awoodda bulshada, taas oo horseedi karta isbeddel muuqda oo ku yimaadda caqliga iyo xoogga dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Bulsho aan lahayn dabaqad aqoon iyo xirfad sare leh, ma gaari karto nolol wanaagsan, qeyrkeedna lama tartami karto, mana hiigsan karto himilooyinka sarreeya ee ay madaxdeedu ku taamayaan, sidaa awgeed, waa in bulshadeennu ay heshaa waxbarasho loo siman yahay, fursado shaqo oo loo siman yahay, iyo adeeg caafimaad oo tayo leh”.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in dalkeennu uu yahay mid hodan ku ah kheyraad kala duwan, dhisidda kartida iyo karaanka bulshaduna uu qeyb libaax ka qaadan karo kobaca, horumarka iyo sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dalkeenna ceegaaga.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasaaradaha Adeegga Bulshada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Safiirro iyo Madax ka socotay hey’adaha caalamiga ah.

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo ee Hiiraanweyn 20-5-2024

Isniin May, 20, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo shugri Bartare Maxamuud & Abdiraxmaan Macali Muuse

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha iiraan iyo masuuliyiin kale oo shil Diyaaradeed ku Geeriyooday.

0

Isniin 20 May 2024 {HMC} Madaxweynaha iiraan iyo masuuliyiin kale oo shil Diyaaradeed ku Geeriyooday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Fatahaada Baladweyne iyo Dadka oo Bilaabay…

0

Axad 19 May 2024 {HMC}  Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Fatahaada Baladweyne iyo Dadka oo Bilaabay…

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxaad Ka Taqaana Taariiqda Madaxweenihii Geeriyooday ee Iran Ebrahim Raisi…

ISNIIN 20 May 2024 {HMC}  Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi, wasiirkii arrimaha dibadda iyo xubno kale ayaa shalay ku geeriyooday shil diyaaradeed , waxa ayna geerida Madaxweynaha saameyn xooggan ku yeelatay dalka Iran.

Haddaba waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa qeybo kamid ah taariikhda Madaxweynaha geeriyooday, shaqooyinkii iyo xilalkii uu kasoo qabtay dalka Iran kahor inta uusan Madaxweynaha noqon.

Madaxweyne Ebrahim Raisi wuxuu sanadkii 1960 ku dhashay Mashhad, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Iiraan isla markaana hoy u ah Shiicada. Aabbihiis oo wadaad ahaa, wuxuu dhintay makrii uu Raisi shan jir ahaa.

Raisi, oo xirta dharka dhaqanka Shiicada ayaa raacay raadka aabbihiis wuxuuna isgaoo 15 jir ah bilaabay in magaalada Qom uu u aado waxbarasho.

Isagoo arday ah ayuu ka qeyb qaatay dibadbaxyo looga soo horjeeday maamulkii Shah ee ay Galbeedku taageerayeen, kaas oo xilka looga qaaday kacdoon Islaami ah oo uu hoggaaminayayAyatollah Ruhollah Khomeini.

Kaddib kacdoonka wuxuu ku biiray garsoorka wuxuuna dhowr magaalo ka noqday dacwad-ooge iyadoo isla markaana uu tababar ka qaadanayay Ayatollah Khamenei, oo noqoday madaxweynaha Iiraan sanadkii 1981.

Raisi ayaa noqday ku xigeenka dacwad-oogaha ee Tehran xilli uu markaas jiray 25 sano.

Isagoo xilkaas haya ayaa wuxuu noqday mid ka mid ah afar xaakim oo ka howl-geli jiray maxkamado qarsoodi ah oo la sameeyay sanadkii 1988 kuwaas oo loo aqoonsaday “Guddiga Dhimashada”.

Maxkamadahan ayaa “dib u maxkamadeeyay” kumannaan maxaabiis oo hore loogu xukumay xabsi sababo la xiriira inay howlo siyaasadeed ku lug lahaayeen. Badankood waxay ka tirsanaayeen kooxda mucaaradka ee Mujahedin-e Khalq (MEK), oo sidoo kalena loo yaqaanno Ururka Mujahedin ee Dadka Iiraan (PMOI).

Tirada saxda ah ee dadka ay maxkamaddu ku xukuntay dilka lama hubo, balse kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ilaa 5,000 oo rag iyo dumar isugu jira la dilay laguna aasay xabaalo aan la calaamadeyn taas oo loo arkay dembi ka dhan ah bani’aadannimada.

Hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ma beeniyaan in dilalkaasi la fuliyay, balse faahfaahin kama bixiyaan kiisaska shaskhsiyaadkii la dilay.

Raisi ayaa dhowr jeer beeniyay inuu ku lug lahaa xukunnadaas dilka. Balse wuxuu sidoo kale sheegay in arrintaas uu amray hggaamiyihii hore ee Ayatollah Khomeini isla markaana loo eegay dhanka fatwada iyo diinta.

Raisi wuxuu noqday dacwad-oogaha Tehran, kaddibna ku xigeenka madaxa garsoorka, kahor intaan loo magacaabin dacwad-oogaha guud ee Iiraan sanadkii 2014.

Labo sano kaddib, Ayatollah Khamenei ayaa u magacaabay madaxa mid ka mid ah ururrada diimaha ee ugu muhiimsan Iiraan uguna dhaqaalahabadan ee Astan-e Quds-e Razavi.

Ka madaxa garsoorka ahaan, Raisi wuxuu hirgeliyay isbedello horseeday yareynta tirada dadka lagu xukumo dilka. Si kastaba, Iiraan ayaa si wadday inay dil ku fuliso dad aad u badan marka loo eego dalalka kale.

Waaxda garsoorka ayaa sii wadday la shaqeynta waaxaha ammaanka si loo ugaarsado oo eedeymo basaasnimo ahna loogu so oogo dad badan oo Iiraan u dhashay isla markaana heysta labo dhalasho amaba degganaansho rasmi ah ka heysta dal shisheeye.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Raisi sababo la xiriira taariikhdiisa xuquuqda bani’aadamka ee sanadkii 2019, isagoo ku eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa dilka dad aan qaan gaarin xilligii la sheegay inay ka qeyb qaateen dibadbaxayad ay soo abaabuleen mucaaradka dhaqaqaaqda Cagaarka ah kaddib doorashadii lagu murmay ee dhacday sanadkii 2009.

Waxyar ayaa laga yaqaannaa nolosha gaarka ah ee Raisi marka laga reebo in xaaskiisa Jamileh ay wax ka dhigto Jaamacadda Shahid Beheshti ee Tehran, iyo inay isu dhaleen labo gabdhood. Soddoggii waa Ayatollah Ahmad Alamolhoda, wadaadka mayalka adag ee salaadda Jimcaha ka tujiya Mashhad.

Intii uu xukunka dalka Iiran hayey waxaa uu madaxdii ka horeysay kala mid ahaa sida adag ay isku diidan yihiin siyaasadda Maraykanka iyo Xulufadiisa

Iran oo shaacisay Geerida Madaxweyne Raisi iyo Masuuliyiin kale

ISNIIN 20 May 2024 {HMC} Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u sheegtay inuu geeriyooday Madaxweyne Ebrahim Raisi iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Hossein Amir-Abdollahian oo ay weheliyeen 7 xubnood oo kale , sida u sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Iran ee Arrimaha fulinta, Mohsen Mansouri.

Si la mid ah, telefishinka dawladda Iran ayaa xaqiijiyay inuu madaxweyne Raisi ku geeriyooday shilka diyaaradeed, Waxaana meydadooda saaka aroornimadii laga helay dhul buuraley oo ay kula burburtay dayuuradii ay la socdeen markii ay ku xumaatay cimilada

Sida ku cad qodobka 131 ee Dastuurka Iran, ku xigeenka koowaad ee Madaxweynaha Iran, Mohammad Mokhber waxa uu si ku meel gaar ah ula wareegayaa xilka Raisi isagoo ogolaansho ka helaya hoggaamiyaha sare. Golaha sare ee Iran waa in uu diyaariya doorasho madaxweynaha cusub 50 maalmood gudahood.

Kooxda samatabbixinta Bisha Cas ee Iran ayaa gaaray, halka ay ku dhacday diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran, kaddib markii diyaaradda aan duuliyahan lahayn ee Turkiga Bayraktar “Akıncı” ay soo bandhigtay muuqaalka goobta u muuqata inay diyaaradda ku dhacday.

{DAAWO SAWIRADA} Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Qeybo kamid Xaafadaha Baladweyne.

Axad 19 May 2024 {HMC} Xaafadaha Xaawa taako iyo Kooshin ee magaalada Baledweyne ayaa Xalay iyo maanta waxaa ka jira barakaci ugu badnaa, kadib markii uu karkaarada ku jabsaday Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne.

Dadka ka barakacay xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ayaa inoo sheegay in meelo badan oo horay biyaha looga xiray in kooxo ka macaasha barakaca fatahaada ay so fureen biyaha, taasina ay sababtay in qoysaskii ugu badnaa guryahooda biyaha uga barakacaan.

Qaar kamid ah Dadka ku nool xaafadaha Buundaweyn iyo Howlwadaag ayaa haatan wajahaya cabsidii ugu xooganeyd, maadama wabiga heerkiisu uu gaaray halkii ugu sareysay, islamarkaana ay jiraan kooxo doonaya iney biyaha kusoo furaan dadka shacabka ah si ay u barakacaan.

Sanad walba marka uu wabiga Shabeelle keeno biyo aad u farabadan waxaa jira kooxo caadeystay iney soo furaan biyaha wabiga, mana jiro maamul awood leh oo wax ka qaban kara kooxaha soo fura biyaha wabiga xiliyada habeenkii.

Arsenal beat Everton but miss out on Premier League title

Sunday 19 May 2024 {HMC} Arsenal missed out on a first Premier League title since 2004 despite beating Everton as Manchester City took the glory.

To be crowned champions, the Gunners needed to beat the Toffees and hope City failed to win against West Ham.

Arsenal suffered a setback when Idrissa Gueye’s deflected free-kick put Everton in front, although Takehiro Tomiyasu equalised three minutes later.

While Arsenal did eventually hold up their end of the bargain with Kai Havertz’s late winner, ultimately City’s victory over West Ham took matters out of their hands.

Phil Foden’s early double for City at Etihad Stadium effectively ended the lingering hopes Arsenal had of a first title in 20 years.

The Gunners were further frustrated as Everton took the lead in north London despite the home side’s dominance.

After Thomas Partey fouled Dwight McNeil 25 yards out, Gueye’s free-kick took a huge deflection off the forehead of Declan Rice and flew into the net past the wrong-footed David Raya.

Arsenal responded quickly, Tomiyasu equalising with a fine low finish from the edge of the area following a pull-back from Martin Odegaard.

Havertz and Emile Smith Rowe both struck the woodwork in the second half, as belief visibly drained at the end of a long, losing battle for silverware.

Arsenal did find the winner, however, although it came in controversial circumstances.

After Havertz tucked the ball in from close range, the video assistant referee recommended that the goal should be disallowed for a Gabriel Jesus handball in the build-up.

But after reviewing the footage at the side of the pitch, referee Michael Oliver allowed the goal.

Emotional rollercoaster as Arsenal fall short

At kick-off, it was unlikely Arsenal would deny City a record fourth successive Premier League title, but the faint hope remained.

The task for Mikel Arteta’s side was further complicated by Bukayo Saka being ruled out because of a muscle issue.

When City scored twice in the first half, though, the Gunners effectively needed snookers.

Arsenal could not have done much more on the day. They could have been out of sight early on against Everton had it not been for a series of fine saves from Jordan Pickford, most notably when one on one with Gabriel Martinelli.

And the crowd, which had fallen flat within minutes of the start as news of Foden’s strikes filtered through, was re-energised both by Tomiyasu’s equaliser and reports that Mohammed Kudus had pulled it back to 2-1 at Etihad Stadium.

There were even widespread suggestions that West Ham had pulled level, with fans caught on camera celebrating a phantom Hammers equaliser. Some supporters were even asking journalists at Emirates Stadium for confirmation of the real score in Manchester.

Those celebrations turned to defiance when Rodri restored City’s two-goal advantage.

It summed up the emotions, and the cruelty, of the Premier League title race – one in which Arsenal have come up just short.

One small upside was the return of Jurrien Timber from a serious knee injury, coming on in the second half for his first appearance since the opening day.

Everton push Gunners close

Although they secured their Premier League safety well in advance of the final day – despite points deductions – Everton did not go on holiday early.

While Arsenal dominated possession, the visitors were dangerous on the counter. Dominic Calvert-Lewin struck the post following an incisive attack, shortly before Gueye’s opener.

Despite this defeat, Everton’s form since the start of April provides hope for the future despite ongoing uncertainties, as Sean Dyche attempts to build solid foundations on Merseyside.

Veteran full-backs Seamus Coleman and Ashley Young, both now out of contact but offered new deals, started this game – although it was Young’s loose pass which led to the winning goal.

SOURCE BBC