Home Blog Page 2425

Gabar Ardayad eheed oo Lagu Toogtay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho,

Talaado-14-May-2024 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta ka dhacday agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, taas oo loo gaystay gabar ardayad ahayd oo mareysay waddadaas, sida ay xaqiijiyeen ehellada.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Muno Maxamed Xiirey ayaa waxa ay ku dhimatay rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda, xill ay marayeen Warshadda Caanaha.

Gabadhan oo 22 sano jir ahayd ayaa goobta ku geeriyootay, waxaana baxsaday askartii ka dmabeysay falkaasi, sida ay sheegeen ehellada iyo dadka deegaanka.

Nabadoon u hadlay ehellada ayaa ka warbxiyay sida ay uga dhaceen dilka gabadhooda, wuxuuna sheegay in lagu dilay meel ay Kaamirooyin ku xiran yihiin, ayna rabaan baaris.

“Gabadhaas waxay ku dhimatay meel Kaamiro leh, meel ay joogaan ciidanka dowladda, si xaq darro ah aa loo dilay, ayada oo nolosheeda cusub tahay ayaa la dilay” ayuu yiri.

Isaga oo ka warbixiyay xaaladdeeda waxbarasho ayuu sheegay in marxuumadda ay sanadkan ka qalin-jabineysay Jaamacadda Soomaaliya, balse saaka la dilay.

“Buuggeeda qalin-jebinta ayay diyaarsaneysay waxa u dhimanaa lama arko, xittaa Jaamacadeeda waxeeda way u dhameystiray” ayuu sii raaciyay.

Ugu dmabeyn wuxuu nabaddoonku sheegay in aysan aasi doonin maydka Muno inta laga soo qabanayo dambiilayaasha, si loo horkeeno cadaaladda.

“Hadda waxay ku jirtaa isbitaalka Madiino, la aasi maayo illaa aan ka helno gacan ku dhiiglayaashii dilay ee xabadda iska riday” ayuu mar kale yiri.

Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar dilal ka gaysta ciidamada dowladda, kuwaas oo ay dhibanayaal u yihiin qoysas badan oo ehelladooda la toogay ama la dhaawacay.

Somali President opens National Consultative Council meeting in Mogadishu

Tuesday , 14, May, 2024 {HMC} Somali President Hassan Sheikh Mohamud chaired the National Consultative Council meeting in Mogadishu on Tuesday.

Federal and Federal Member state leaders will discuss various issues, including the country’s political situation, security, and federal and regional elections.

According to a brief statement from the Somali Presidency, “The heads of the federal and state governments are discussing the security situation in the country, especially the fight against al-Shabab.”

The NCC summit was initially planned for April but was postponed due to “technical reasons” linked to escalating tensions among federal and regional leaders.

 

Prime Minister, Hamse Abdi Barre, along with regional state leaders including Jubbaland’s Ahmed Mohamed Islam, South West’s Abdizais Hassan Mohamed Laftagaren, Galmudug’s Ahmed Abdi Kariye, and Hirshabelle’s Ali Gudlawe Hussein are attending the meeting.

 

Puntland State leader Said Deni boycotted the summit following recent constitutional amendments that enhanced the President’s powers and aimed to establish direct universal suffrage in the upcoming national elections.

Maxaa Ka Jiro in Xamaas Saldhig Aay Ka sameeysaneeyso Turkiga

Talaado-14-May-2024 {HMC} Israa’iil ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigtay dukumentiyo muujinaya qorshe ay Xamaas ku diyaarinayso inay saldhig ka sameystaan dalka Turkiga , sida u sheegay wargeyska The Times.

Sida ku cad sheegashada Israa’iil, dukumeenti cinwaankiisu yahay “Saldhig laga dhisayo Turkiga” ayaa laga helay guriga Hamza Abu Shanab, oo ka mid ah gacanyarayaasha Yaxye Sinwar.

Qorshaha ay sheegeen Israa’iil inay arkeen waxaa lagu sheegay inay muujiyeen xarumo ciidan oo u adeegi doona saldhigyo hawlgallo gaar ah oo xoojin kara dagaalyahannada iska caabinta ciidan ahaan, hab diblomaasiyadeed iyo goobo lagu dhiso farsamada iyo moraalka dagaalyahannada.

Qorshaha wuxuu dhigayaa in dalal badan oo gobolka ah laga sameeyo “unugyo ciidan iyo guryo ammaan ah,iyadoo unugyadani ay awood u leeyihiin in ay fuliyaan falal kharibaad iyo dil ah oo ka dhan ah saraakiisha Mossad iyo Israa’iiliyiinta saamaynta leh, kaddib markii ay tababar dheeraad ah ku qaataan saldhigga laga hirgelinayo gudaha Turkiga. Sida ku cad sheegashada Israa’iil, dukumeentiyada waxaa sidoo kale ku jira faahfaahinta xubnaha Xamaas ee loo diri doono Turkiga iyo sida loo maalgeliyo. Israa’iil waxay sheegtay in aan la ogeyn in qorshahaas uu hirgalay iyo in kale.

Israa’iil ayaa doonaysa inay sare u qaadaan eedeymaha ka dhanka ah Turkiga , kaddib markii shalay uu qiray madaxweynaha Turkiga in dagaalyahanno ka tirsan Xamaas lagu daweynayo gudaha Turkiga.

xubno Ajaaniib ah kana tirsanaa Daacish oo Dalalkooda Dib Loogu Cilinaayo

Talaado-14-May-2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb.Catriona Laing oo laga beddelay shaqadii ay hore u haysay ee Qaramada midoobay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa uga mahadnaqay Amb Laing muddadii ay soo wada shaqeeyeen iyo hawlihii muhiimka ahaa ee u dhexeeyey Qaramada midoobay iyo Somaliland ee qabsoomay muddadii ay shaqada gacanta ku haysay.

Dhinaceeda, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb. Catriona Laing ayaa madaxweynaha uga mahadnaqday sidii wanaagsanayd ee ay xukuumaddiisu ula shaqaysay muddadii ay xilka haysay iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay usoo wada shaqeeyeen.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Dhinaca weftigana waxa ku wehelinaayey Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid tahay Nikolai Rogosaroff, oo ah madaxa xafiiska Hargeysa, Katherine Brooks, Axmed Qalinle, Mustafe Khayre iyo Daahir Maxamed.Puntland oo Dalalkooda ku celineysa

Muuse Biixi kulan sagootin ah la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud QM ee Soomaalia

Talaado-14-May-2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb.Catriona Laing oo laga beddelay shaqadii ay hore u haysay ee Qaramada midoobay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa uga mahadnaqay Amb Laing muddadii ay soo wada shaqeeyeen iyo hawlihii muhiimka ahaa ee u dhexeeyey Qaramada midoobay iyo Somaliland ee qabsoomay muddadii ay shaqada gacanta ku haysay.

Dhinaceeda, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb. Catriona Laing ayaa madaxweynaha uga mahadnaqday sidii wanaagsanayd ee ay xukuumaddiisu ula shaqaysay muddadii ay xilka haysay iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay usoo wada shaqeeyeen.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Dhinaca weftigana waxa ku wehelinaayey Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid tahay Nikolai Rogosaroff, oo ah madaxa xafiiska Hargeysa, Katherine Brooks, Axmed Qalinle, Mustafe Khayre iyo Daahir Maxamed.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

 

Talaado-14-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwetn 05/14/2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ninkii ugu horreeyay ee loo galiyay Kelli doofaar oo geeriyooday iyo hadal kasoo baxay dhaqarkiisi”

0

Talaado-14-May-2024 {HMC} Ninkii ugu horreeyay ee loo galiyay Kelli doofaar oo geeriyooday iyo hadal kasoo baxay dhaqarkiisi”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xeradaJeneraal Gordan

0

Talaado-14-May-2024 {HMC} Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xeradaJeneraal Gordan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}Waxaan markii labaad Muqdisho yimid Hogaamiyaha SSC Khaatumo C qaadir Firdhiye

0

Talaado-14-May-2024 {HMC} Waxaan markii labaad Muqdisho yimid Hogaamiyaha SSC Khaatumo C qaadir Firdhiye

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dhaq dhaqaqyada maaliyaded ee soo gudbiyeen X/Ilaalinta waa kuwa Is Khilaafsan”.Abuukate M ,Xasan “

0

Talaado-14-May-2024 {HMC} Dhaq dhaqaqyada maaliyaded ee soo gudbiyeen X/Ilaalinta waa kuwa Is Khilaafsan”.Abuukate M ,Xasan ”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA