Home Blog Page 2429

{DAAWO MUUQAALKA} Muxu yahay Cudurka ka Dillaacay Magaalada Baladweyne Saameeyne ku yeeshay Bulshada.

0

Talaado, 14, May, 2024 {HMC} Muxu yahay Cudurka ka Dillaacay Magaalada Baladweyne Saameeyne ku yeeshay Bulshada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan so dhaweyn ah oo manta lagu qabta magalada Baladweyne

0

Talaado-14-May-2024 {HMC} Kulan so dhaweyn ah oo manta lagu qabta magalada Baladweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} DFS oo Shaacisay Sababta ay u Xireyso Xafiiska Qaramada Midoobay

0

Talaado, 14, May, 2024 {HMC} DFS oo Shaacisay Sababta ay u Xireyso Xafiiska Qaramada Midoobay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan so dhaweyn ah oo manta lagu qabta magalada Baladweyne

0

Talaado, 14, May, 2024 {HMC} Kulan so dhaweyn ah oo manta lagu qabta magalada Baladweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmaya iyo qadobo xasaasi ah ay wataan madaxda qaarkood.

Talaado, 14, May, 2024 {HMC} Waxaa maanta la filayaa in uu furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo lagu balansanaa inuu furmo bishii hore ayaa arrimo farsamo darteed dib ugu dhacay, waxaana maanta lagu wadaa inuu ka furmo Villa Somalia.

Sanad kahor, bishii May 2023 ayay ahayd markii golaha ay soo saareen war-murtiyeed ay ku heshiiyeen oo ahaa; 1- in la qabto doorasho qof iyo cod oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed, 2- in bisha June ee sanadkan 2024 ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah golaha deegaanka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, 3- dhammeystirka dastuurka iyo 4- in nidaamka madaxtinimada dalka ay noqoto madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Inkasta oo dooddii baarlamaanka labada Aqal ee afarta cutub wax ka bedelka dastuurka waxa ka beddel lagu sameeyay qodobada qaar ee heshiiskaas, lagana dhigay in nidaamka madaxtinimada madaxweyne iyo ra’iisul wasaaraha awoodihiisa la dhimay oo madaxweynuhu eryi karo.

Shirka Golaha Wadatashiga ee maanta lagu wado inuu furmo ayaa waxaa kasoo qeyb-gali doonin madaxweynaha Puntland Saciid Deni, oo ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka.

Dowlad-goboleedka Puntland oo illaa afar shir ka maqneyd ayaa horay u qaadacday hannaanka wax ka bedelka dastuurka ee afarta cutub, waxaana ay aqoonsiga kala laabteen dowladda federaalka.

Madaxda afarta dowlad-goboleed Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle ayaa la hadal hayaa inay doonayaan in shirka maanta furmaya inay ka helaan muddo kororsi, taasi oo ku jaan go’an muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa hadda heysata labo daran mid dooro, inuu dowlad-goboleedyada waqtiga u kordhiyo oo muddo xileedkiisa la simo iyo in maamul kasta iskiis ugu madax-bannaanaado qabashada doorashooyinka.

Maxaa sababay in la hakiyo gargaarkii bini’aadanimo ee la geyn jiray marinka Qaza

Talaado, 14, May, 2024 {HMC} Gargaarka bini’aadanimo ee ay ahayd in la geeyo marinka Qaza ayaa sii yaraanaya, ka dib markii la xidhay, labadii goobood ee ugu waaweynaa ee gargaarku ka geli jiray Qaza, kuwaas oo ku yaallay agagaarka magaalada Rafax.

Goobahan ayaa weli xidhan, waxaana ururada samafalku ay dedaal ugu jiraan, sidii ay u qaybin lahaayeen, gargaarka bini’aadanimo ee aadka u yar ee yaalla gudaha Qaza, iyaga oo isku deyaya inay gaadhsiiyaan, boqolaal kun oo qof oo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

Ku xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay, Farxan Haq, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii ku sheegay, inuu hakad ku yimi, gargaarkii bini’aadanimo ee laga qaybin jiray marinka Qaza.

Wuxuu sheegay, inay weli xidhan yihiin, marinadii muhiimka ahaa ee la marsiin jiray gargaarka loo wado gudaha Qaza, wuxuu intaas ku daray, inaanay weli jirin marino ammaan ah oo la mariyo sahayda loo wado gudaha Qaza.

Farxan Haq ayaa sheegay in la dilay mid ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ee qaabilsan dhinaca ammaanka, halka mid kalena la dhaawacay, xilli gaadhigoodu uu ku xannibmay waddada isaga oo u socda cusbitaalka Midawga Yurub ee ku yaalla Rafax.

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay Qaraxyo iyo raggii waday.

Talaado, 14, May, 2024 {HMC} Ciidamada PMPF ee ka howlgala deegaanada Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxaha AS ee ku dhuumaaleysta dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Ciidanka ayaa soo bandhigay nin iyo qaraxyo la sheegay inay u diyaarsanaayeen iyo gaari miineysan oo la aaminsan yahay inuu u diyaariyey inuu isku qarxiyo.

Cutubyada sida gaar ka ah u tababaran ee Ciidamada PMPF Puntland ayaa ninkaan ku qabtay hawlgallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka PMPF ee Puntland ayaa lagu sheegay in ninkaas uu damacsanaa dhagar weyn, balse ay ka hor tageen, kuna guuleysteen inay qabtaan isagoo badqaba oo qaraxyo ay u diyaarsan yihiin.

Goobta waxaa lagu bandhigay gaari Langarusal ah oo la sheegay inuu isku qarxi rabay iyo miinooyin aad u badan, balse lama sheegin hadii ay jiraan weerarro uu ninkaani horay u geystay.

“Howlgalkan ay fuliyeen Ciidanka PMPF ayaa qabtay Bambooyinka nooca sababa qaraxyada waa waaweyn, gaadiidkii lagu waday iyo sharwadihii doonayay inuu shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso ku dhibaateeyo,” ayaa lagu qoraalkaan ka soo baxay taliska ciidamada PMPF-ta Puntland.

Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ciidanka fuliyey howlgalkaan ay bixiyeen, ninkaan meesha uu ka yimid, magaciisa iyo goobaha bartilmaameedka u ahaa, midna laguma shaacin warbixintaan.

Qeybo ka mid ah Puntland waxaa ka dagaalama AS, qeyb kale waxaa joogta Daacish, kuwaas oo mararka qaar ayagu is weerara, maadaama Shabaab iyo Daacish aysan heshiis aheyn, dhulka ay joogaan Puntalnd, waa buuraley aan lagu weerari karin oo deegaano fog fog ah.

Maraykanka iyo Shiinaha oo ka wada hadlay Arrimo muhiim u ah labada dal.

Talaado, 14, May, 2024 {HMC} Masuuliyiin sarsare oo ka kala socota Maraykanka iyo Shiinaha ayaa qorshaynaya inay ku kulmaan dalka Switzerland, maalinimada Salaasada, si ay uga wada hadlaan, walaaca isa-soo taraya ee ku saabsan Garaadka Macmalka ah ama Artificial Intelligence.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay, in wadahadalada ka dhacaya magaalada Geneva, inaanay fursad u siin doonin in Shiinuhu uu saamayn ku yeesho siyaasadaha lagu hagayo farsamada casriga ah.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay, in qodobada miiska yaalla ee laga wada hadlayo inay ugu muhiimsan yihiin, sidii ay labada dal uga wada xaajoon lahaayeen, hababka hoos loogu dhigi karo, khataraha ku gedaaman isticmaalka Garaadka Macmalka ah ee horumarsan.

Beijing iyo Washington ayaa ku jira tartan aad u xooggan oo la xidhiidha, cidda gacanta sare yeelanaysa, marka laga hadlayo Artificial Intelligence

Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta lagu caano shubay deegaanka Dahara Ugaas ee hoos-taga Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Ugaaska in uu u fududeeyo masuuliyadda-dhaqan ee loo duubay, waxa uuna tilmaamay mudnaanta ay siinayso dowladdu arrimaha dhaqanka, dib u heshiisiinta iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kula dardaarmayaa Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle Yuusuf Ugaas Xasan in uu sii ambaqaado kaalinta soo jireenka ah ee dhaqan ee loo duubay Ugaaska, oo door wanaagsan ku leh guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada PMPF oo gacanta ku dhigay Hub iyo Ragii Watay.

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Ciidamada PMPF ee Puntiland oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan kooxaha Argagixisada ah.

Cutubyada sida gaar ka ah u Tababaran ee Ciidamada PMPF Puntland oo hawlgallo ka sameeyey magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay sharwade ka tirsan kooxaha argagixisada ah , kaasi oo ku hubaysana walxaha qarxa.

Howlgalkan ay fuliyeen Ciidanka PMPF ayaa qabtay Bambooyinka nooca sababa qaraxyada waa waaweyn , gaadiidkii lagu waday iyo sharwadihii doonayay inuu shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso ku dhibaateeyo.