Home Blog Page 2437

Maxeey Tahay Sababta keentay inuu isbeddelo mowqifka DF ee xiritaanka UNSOM?

Axad,12 May, 2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib ula laabatay warqad ay dhawaan u qortay Qaramada Midoobay oo ay ku dalbatay in la xiro xafiiska QM ee Soomaaliya ku yaalla ee la yiraahdo UNSOM.

Warqad uu ku saxiixna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa 5-tii bishan loo diray Qaramada Midoobay, taas oo Soomaaliya ay ku dalbatay in xafiiska UN-ka la xiro, xilli ay Soomaaliya sheegtay inay horumar ka sameysay arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Laakiin warqaddii mid ka duwan ayay habeen hore gudbisay Soomaaliya, oo luuqad ahaan ka dabacsan tii hore, iyada oo Soomaaliya ay dalbatay guddi qiimeyn ku sameeya arrinta xiritaanka xafiiskan oo wada-tashiyana sameeya.

Haddaba, sababta isbeddelka Soomaaliya iyo waxa isbeddelkan cusub ka dhalanaya ayaa warbixintan kusoo koobeyna. Laba qodob ayaa lagu saleeyay isbeddelka ku yimid go’aankii Soomaaliya.

Mid waa in warqaddii koowaad aanay marin wada-tashiyadio loo baahna, waxaana la isku khilaafay luuqadii ay ku qorneyd iyo waqtiga.
Aragtida waa jirtay oo illaa haddana madaxweyne Xasan Sheekh waa qabaa in xafiiskaas la xiro, laakiin goorma ayaa arrintaasi lala wadaagaya Qaramada Midoobay iyo sidee loo dhigayaa hab qoraalka la iskuma waafaqin, buuq ayaa arrintaasi ka dhashay, sida aan kasoo xiganay xubno kamid ah dowladda federaalka.

Qodobka labaad waa cadaadis fuulay nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.
Marka la qaadayo tallaabooyin culeyskaan leh waa inaad talada wax ka siisa dowladaha waaweyn ee daneeya arrimaha Soomaaliya ee sida dhabta ah u caawiya dalkaaga.

Waxaa la sheegay in aanay dowladda arrintaan kusii wargelin saaxiibadeeda caalamiga ah, ayna arrintani dhaka-faar ku noqotay dowladaha Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Turkiga.

Kadibna waxaa madaxweyne Xasan Sheekh ku laabtay doodo ah in arrintaan ay qiimeyn iyo wada-tashiyo ka horreeyaan, in AS  weli xooganyihiin oo tallaabooyinka qaar ay sababi karaan inuu dalka iyagu gacanta u galo iyo in Soomaalida aanay isku waafaqsaneyn hab xukunkiisa waqtigaan, uuna u baahan yahay markii uu tallaabadan qaadayo inuu ku jiro marxalad dhaqaalaha dalka fiican yahay, dowladda is-bixin karto, AS 80 boqolkii laga adkaaday, siyaasad ahaan ay Soomaalida is ogoshahay.

Dhamaan arrimahaas waa kuwo calowsan hadda. Cadaadiskan iyo qaladka ka dhacay qorsheyntii koowaad ayaa lagu fasiray dib u gurashada Soomaaliya ka sameysay xiritaanka xafiiska Qaramada Midoobay.

Warqaddan cusub ee ay Soomaaliya dirtay waxaa ka dhalanaaya dhismaha guddi, shaqo qiimeyn la yiraahdo oo sanado badan socon doonta iyo wada-tashiyo lala yeelanayo dhamaan dhinacyada Soomaalida sida; dowladda federaalka, maamul goboleedyada, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

Mana cadda inay dhamaan dhinacyadaasi madaxweyne Xasan Sheekh ku raaci doonaan in xafiiskan la xiro, maadaama ay badan yihiin dhinacyada aaminsan inuu Xasan Sheekh hal ujeedo ka leeyahay arrintaan, taas oo ah inuu boobo doorashada soo aadan oo ay meesha ka baxaan dhamaan dhinacyada caalamiga ah ee hor istaagi kara sida; ATMIS iyo Qaramada Midoobay.

{DAAWO SAWIRADA} MD Galmudug & Catriona Lainga oo kormeeray xarunta Q/Midoobay ee Dhuusamareeb

Axad,12 May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Dhuusamareeb ku qaabiley wakiilka xoghayaha Qarammada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeyneysa shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafiga la socday marwo Catriona Lainga ayaa kormeer ku tagay dhismaha xarunta Qarramada Midoobe ee Galmudug oo meel wanaagsan uu maraaya dhismaheedu, iyadgoo sidoo kale ay ka wada hadleen amniga iyo la dagaallanka AS, arrimaha doorashooyinka iyo qaybintooda iyo guud ahaan siyaasadda dalka.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeynaysa hawsheeda bishan Maajo.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto isla markaana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan dowrka muhiimka ah ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda waddada nabadda iyo xasilloonida – shakhsi ahaan, Soomaaliya waxay ii tahay goobta rajada iyo saaxiibtinimada, waana sii wadi doonaa taageerada iyo u qareemidda Soomaaliya meel kasta oo aan joogo,” ayay tiri Mw. Laing, oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Hawshii loo xilsaaray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee halka sano ahayd waxay ku egtahay 21ka bisha Maajo.

{DAAWO MUUQAALKA} Odayaasha dhaqanka Degmada Halgan oo soo dhaweeyey Ugaas Yuusuf Ugaas xasan

0

Axad,12 May, 2024 {HMC} Odayaasha dhaqanka Degmada Halgan oo soo dhaweeyey Ugaas Yuusuf Ugaas xasan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Yuusuf Dabageed ”Ceel dheer AS ayaa joogo Ugaas Yuusuf laguma Duubi karo”

0

Axad,12 May, 2024 {HMC} Yuusuf Dabageed ”Ceel dheer AS ayaa joogo Ugaas Yuusuf laguma Duubi karo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Sadaali oo ku guuleyso 30$ Manchester United 🆚 Arsenal

0

Axad,12 May, 2024 {HMC} Sadaali oo ku guuleyso 30$ Manchester United 🆚 Arsenal

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {12.05.2024}

Axad, 12, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimaahid Abduraxmaan & Shugri Baryare maxamuud

Farsamadii :Abdiqani osoble

{DAAWO SAWIRADA} Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Oo Gaaray Degmada Halgan.

Axad,12 May, 2024 {HMC} }  Wafdi Balaaran ee Hogaaminayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ugaas Khaliif ayaa manta si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan .Odoyaal dhaqameed, Dhalinyaro, Haween iyo Maamulka Degmada Halkan ayaa soo dhaweeyn heer Sare ah u sameeyey Wafdiga Ugaaska oo Safar dhullka ah ua soo amba baxay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan,

Wafdiga Ugaaska ayaa Soo dhaweeyn kadib la dajiyay Goob gaar ah oo Magaalada halgan looga diyaariyay. Odoyaasha dhaqanka Degmada ayaa sheegay in aay aad ugu faraxsan yahiin Soo dhaweeynta Ugaas Yuusuf Ugaas Khiif oo bire oo Taariikhda ku began tahay 13 may lagu Caano Shubayo Daara-Ugaas oo ah Duleedka degmada Halgan.

Masuuliyiinta Ugaaska la socday ayaa Dhankooda ka mahad Celiyay Soo dhaweeynta Ugaaska loogu sameeyey Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan. Boqolaal dadweyne ah iyo Ciidamo doonayo In ay ka qeeyb galaan Caleema-saarka Ugaaska ayaa manta ka baxay Magaalooyinka Baladweyne, Buulo Bure , Jalalaqsi, Maxaas iyo Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

 

Maxkamadda Racfaanka oo soo gabagabeysay dhageysiga kiiska Sayid-Cali

Axad,12 May, 2024 {HMC} Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiska loo haysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud, oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed, ayadoo maanta maxkamadda ay ka yeelatay fadhigii saddexaad.

Fadhigan oo ahaa kii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka qayb-galay dhinacyada u dhexeyso doodda oo ah xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha iyadoo dadweyne kale oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac.

Maxkamadda ayaa maanta fursadda uga badan siisay qareennada difaaca eedeysanaha, kuwaas oo lasiiyay fursad ay kusoo bandhigeen cadeymahooda iyo doodahooda, maadaama horay loo dhageystay xeer ilaalinta qaran oo iyadu soo oogtay dacwaddan.

Sidoo kale waxaa maanta maxkamadda kasoo muuqday howlwadeeno iyo dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo ay marxuumadda ku geeriyootay, waxaana wax laga waydiiyay qaabka ay ula tacaaleen marxuumadda iyo sida ay ahayd xaaladdeeda.

Eedeysane Sayid Cali oo isna ka hadlay goobta wuxuu dalbaday in aan la siyaasadeyn kiiskiisa, loona eego dhanka cadaaladda oo haddii uu dambe leeyahay la xukumo.

“Aniga ma dilin xaaskeyga, haddii uu dambigaan igu cadaado isla berri hala’ii dilo” ayuu yiri eedeysane Sayid-Cali Macallin Daa’uud.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka oo ku dhawaaqay in lasoo gabageeyay dhageysiga kiiskan ayaa sheegay in go’aanka rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonto fadhiga xiga, ayna soo muddeyn doonto maalinta la shaacinayo xukunka.

{DAAWO SAWIRADA} Dad boqolaal kun gaaraya oo ka qaxaya Rafah ka dib duulaanka ay qaaday Israel

Axad,12 May, 2024 {HMC} Israa’iil ayaa tobanaan kun oo kale oo Falastiiniyiin ah u sheegtay in ay isaga baxaan Rafah, xilli ay sii xoojisay hawlgallada milatari ee koonfurta Qaza.

Warqado hawada lagasoo daadiyay iyo fariimo lagu qoray baraha bulshada ayaa loogu sheegay dadka deggan degmooyinka bari ee magaalada inay aadaan al-Mawasi – oo ah dhul xeebeed ciriiri ah kaas oo ay Israa’iil ugu yeertay “aag bani’aadannnimo oo fidsan”.

Qeybo ka mid ah magaalada Rafah oo ahayd meel ay wadooyinku buux dhaafiyeen dad shacab ah iyo dad barakacayaal ah maalmo ka hor ayaa hadda u muuqata magaalo ay dadku ka qaxayaan.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada qorsheysan ee Rafax, inkastoo Mareykanka iyo xulafada kale ay ka digayaan in duullaanka dhulka uu horseedi karo in khasaare soo gaaro dad badan oo rayid ah ayna ka dhalan karto dhibaato bini’aadantinimo.

Sabtidii, madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in xabbad joojin laga sameeyo Gaza ay suurtogal tahay isla maalinta xigta, haddii Xamaas ay sii daayaan la haystayaasha.

 

Maxaa Ka Jiro in tirada suxufiyiinta lagu dilay Dagaalkii Gaza tan iyo 7-dii October ay gaartay in Ka Badan 100?

Axad,12 May, 2024 {HMC}  Xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza ayaa sheegay in tirada suxufiyiinta la dilay tan iyo 7-dii October ay gaartay 143, ka dib markii uu habeen hore dhintay sawir qaade Bahaa Okasha.

Okasha ayaa u shaqeynayay shabakadda Al-Aqsa, waxaana la dilay markii guriga qoyskiisa oo ku yaalla xerada Jabalya lagu weeraray weerar xagga cirka ah, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta.

Waxay ahayd xilligii ugu dhimashada badnaa ee suxufiyiinta tan iyo 1992-kii, markaasoo guddiga difaaca suxufiyiinta ay bilaabeen ururinta xogta.

Waxay diiwaangelisay dhimashada ugu yaraan 97 wariye iyo shaqaale warbaahin ah oo Gaza ku dhintay tan iyo bishii Oktoobar – 92 ka mid ah waxay ahaayeen Falastiiniyiin.

Saxafiyiin badan oo ku sugan Gaza ayaa naftooda biimeeya si ay uga warbixiyaan waxa halkaasi ka dhacaya.

Qaar ayaa lagu qasbay inay guryahooda ka cararaan iyaga oo aan haysan qalab ama qalab ilaalin, iyagoo ku tiirsan telefoonadooda si ay warar u tebiyaan. Kuwo kale waa in ay u safraan dhul sare marka ay soo gudbinayaan muuqaalada, si ay ugu dadaalaan in ay ka gudbaan go’itaanka korontada iyo isgaarsiinta iyadoo duqeymaha Israa’iil ay sii socdaan. Wariyeyaasha barokacay ee ka shaqeeya teendho ka samaysan cooshadaha ayaa halis ugu jira inay la kulmaan weerarrada Israel.