Home Blog Page 2455

Ra’isul Wasaare Xamse oo laga qaaday sawir hadal hayn badan dhaliyay ma siyaasada ayaa badashay?

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada si weyn loogu hadal hayay sawir magaalada Nairobi looga qaaday, Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo safar shaqo u jooga dalka Kenya.

Sawirkan ayaa la qaaday xilli Ra’isul Wasaare Xamse Barre lagu soo dhaweenayay magaalada Nairobi , waxa uuna salaamay uu gacanta galiyay haweeney katirsan dowladda Kenya, taas oo dad badan aad ula yaabeen ayna abuurtay hadal heyn.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa horey loogu yaqaanay in uu ka gaabsado in haweenka gacanta galiyo, waxaana horey u baahay sawirro laga qaaday isaga oo diidaya in uu gacanta galiyo haweeney ajnabi ah xilli ay gacanta usoo taagtay.

Dad badan oo ka falceliyay sawirkan cusub ee laga soo qaaday Ra’isul Wasaare Xamse Barre lana dhinac dhigay sawir hore ayaa sheegay in uu isbadal ku yimid hab-dhaqanka Ra’isul Wasaaraha , uuna hadda bilaabay in haweenka gacanta galiyo.

Qaar kamid ah dadka sawirkan ka falceliyay ayaa sheegay in markii hore uu Xamse diidayay in haweenka salaamo uu ku cusbaa siyaasadda, balse hadda markii uu muddo ku jiray uu isbadalay uuna is fur furay.

Madaxda Soomaalida ayaa inta badan looga bartay in ay gacanta iyo laabta galiyaan dadka ay la kulmayaan ama soo dhaweenayaan ayna ku jiraan haweenka, waxaana madax horey culumo u aheyd marar badan la arkay iyaga oo gacanta galinaya haween ajnabi ka ah.

Militariga Soomaaliya oo duqeymo ku dilay dad shacab ah.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in duqeymo mataano ah oo ay fuliyeen militariga Soomaaliya, oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, lagu dilay 23 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 14 carruur ah, bishii Maarso, iyadoo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo “dambiyo dagaal.”

Sida ay sheegtay Amnesty, duqeymahan oo dhacay 18-kii bishii Maarso ayaa lagu weeraray beer ku taal agagaarka tuulada Baqdaad ee koonfurta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ku dhintay ku dhawaad labaatameeyo qof, ayada oo ku dhaawacmeen 17 kale oo caruur u badan.

Hay’adda Amensty International ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay u sheegeen in “weerarada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay daba socdeen dagaal culus oo dhanka dhulka ah” oo u dhexeeyay al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Amnesty ayaa wareystay 12 qof oo ay ku jiraan dhibanayaal, qaraabadooda iyo goobjoogayaal, waxayna hay’addu eegtay oo falanqeysay sawirada dayax gacmeedka iyo sawirada jajabyada hubka si loo ogaado isticmaalka bambooyinka ay soo saarto Turkey iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal lagu beegsaday Al-Shabaab ay ka fuliyeen isla deegaanka tuullada Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, balse ma aysan sheegin dad rayid ah oo ku dhintay.

“In ka badan 30 (maleeshiyaad ah) ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta 19-kii Maarso.

Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 ka mid ah al-Shabaab lagu dilay howlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska, halka 15 kale lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday Baqdaad.

Amnesty ayaa sheegtay in ay ka codsatay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga in faah faahin dheeri ah laga bixiyo balse aysan wax jawaab ah ka helin.

Soomaaliya iyo Turkey ayaa bishii February ee sanadkan kala saxiixday heshiiska difaaca badda.

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kawada hadlay arrimaha dalxiiska.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Talyaaniga ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagey qorshaha dowladda ee horumarinta dalxiiska, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in la furo machad lagu barto culuumta dalxiiska, taas oo qeyb ka ah mashruuca heer qaran ee dib u soo nooleynta dalxiiska iyo in la abuuro fursado shaqo oo ay ka dhalinyarada ka faa’iideystaan.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa sidoo kale Safiirka Talyaaniga uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarka adeegyada kala duwan ee ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

Danjiraha Talyaaniga Mudane Pier Coppi ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya sameyneyso, dowladdiisuna ay si buuxda u garab taagan tahay hawlaha muhiimka ah ee ay hayso Dowladda Soomaaliya, isagoo dhanka kalena xusay in Talyaaniga uu taageersan yahay madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xogo kasoo kordhay Masjidkii ay isku haysteen Soomaalida Amsterdam.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Dacwadii u dhexeysay guddiga maamulka masjid QUBA, ee ku yaal magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa mar kale guux ka dhex abuurtay mushtamaca Soomaalida ee ku dhaqan waddankaasi, kaddib markii labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyay qolo waliba ay dhinaceeda sheegatay guul-hordhac ah.

Khilaafka u dhexeeyay guddiga maamulka masjidka QUBA ayaa si rasmi ah u soo shaac-baxay bishii Febraayo 2021, markii saddexdii xubnood ee hayay maamulka masjidka QUBA oo dhulkiisa iyo dhismihiisa ba lagu bixiyay lacago laga soo uruuriyay dad muxsiniin ah oo ku nool dacaladda dunidda, dadka ugu badan ee ka qeybqaatay na ay ahaayeen Soomaali.

Khilaafka gaaray in hormuudka Soomaalida NL ku dhaqan dhexdeeda wax xal ah ka gaari waayaan, wuxuu u dhexeeyay iimaam-kii iyo guddoomiyihii guddiga Shiikh Suldaan Gasle oo dhinac ah iyo Guuleed Wayrax iyo Shiikh Abuu-Khadiija oo ka tirsanaa maamulka oo isku dhinac ah, iyada oo 14-kii bishii September (2021) ciidamo boolis ah ay gudaha u soo galeen masjidka, laguna wargeliyay Shiikh Suldaan inuu masjidka dibed-joog ka noqdo, waxeyna tillaabadaasi ka careysiisay inta badan dadka Soomaalid ah, oo ku tillmaamay Shiikha Suldaan inuu bud-dhig u ahaa aasaasida iyo dhismaha masjidka Quba.

Khilaafka masjidka ayaa maraaxilo kala duwan soo maray, iyada oo markii ugu horreeysay khilaafkaasi ay ku soo baxeen dad isugu jiray samadoonno, culimo, waxgarad iyo aqoonyahanno muddo 4 billood ah dhexdhexaadin ka dhex waday 2da dhinac, iyada oo natiijadii ka soo baxday dhex-dhexaadintooda ay noqotay in Shiikh Suldaan laga saxan yahay, masjidka maamulkiisana lagaga dambeeyo ragga hadda masjidka maamulkiisa haya, inkastoo Shiikhu ka horyimid go’aankaasi kuna tilmaamay raggaas kuwa dhinac u raran.

“Odayaasha Tilburg waxaan kula kulanay Hoofddrop waxaan la fadhinay 8 ilaa 10 saacadood, waxaan kala hadalnay in Shiikh Suldaan waxyaabaha iyaga uu ku diidan yahay ee qaladaadka ah ka mid tahay; qoddobo aan heshiiskii hore ku jirin oo ragga masjidka ku haray ay gacantooda ku soo qorteen in la saxo, Shiikhuna warqadaas markuu arkay ayuu dib u noqday, guddiga qaar ka mid ah oo Shiikhu xiriir la sameeyey waxeey u sheegeen warqadaasi in ay iyaga ka imaanin oo dhinaca kale ay soo qoorteen sax na aysan aheyn, siddaas awgeed wuxuu arkay meesha in ay jirto is hoosaasin, wuxuu kala noqday kalsoonidii iyo u qoor dhiibashadii guddiga” Ayuu yiri mid ka mid ah guddiga Amsterdam oo magaciisa diiday in la shaaciyo, isaga oo intaasi ku daray in ay soo jeediyeen guddigooda Amsterdam in 6-dii qoddob dib loogu laabto, hasse ahaatee guddigii Tilburg ay ku adkeysteen in go’aanka ay soo gaareen in ay Soomaalida la wadaagi doonaan.

Markii wax xal ah oo heshiis lagu yahay laga gaari waayay dacwadii u dhexeysay guddiga masjidka ayaa waxaa mar keliya laga war-helay in dacwadii u gudubtay Maxkamad ku taal Amsterdam, oo qaadigeeda iyo ashqaasta kale ee go’aanka gaareysa ba aysan aheyn dad muslim ah, ayna u kala dab-qaadayaan dad muslimiin ah, iskuna haysta maamulka iyo maareynta masjid.

Durba, waxaa la is weydiiyay cidda dacwadii masjidka geysay maxkamadda Amasterdam; Darafkii ku haray masjidka ayaa iska fogeeyay eedaasi, halka Shiikh Suldaan uu sheegay in sababta uu bannaanka u jooga ay tahay isaga oo xaq u leh inuu masjidka tago inuu diidan yahay khilaaf sababi kara in masjidka la xiro.

“Anigoo ka tanaasulay xaqii aan u lahaa inaan masjidka tago ayaa ka baaqsaday, siddeey ku dhici kareysaa inaan maxkamad dacwad geeyo.?” Ayuu yiri Shiikh Suldaan Gasle.

Mid ka mid ah ragga ku xiran masjidka oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ka dhursugayaan natiijada dacwada, wuxuuna tilmaamay in taageerayaasha Shiikh Suldaan ay ku doodayaan in waddaadka la masabitay, ayna rag ka tirsan kuwa maamulka haya ay sameeyeen marqaati fur been ah, balse wuxuu ku nuuxnuuxsaday in xaaladu aysan aheyn sida ay ku doodayaan taageerayaasha Shiikha.

“Marqaati looma baahna, arrintaasi way dhamaatay, Shiikh Suldaan codkiisii ayaa duuban, qofkii arrinkaasi uu shaki kaga jiro ha dhageysto hadalkii uu ka jeediyay markii uu joogay jaaliyada, afkiisa wuxuu ka qirtay shirkaasi inuu joogay” Ayuu ku gaabsaday mid ka mid ah dadka taageersan darafka masjidka ku haray, isaga oo ku bogaadiyay raggaasi sida ay ugu cadaalad faleen habsami u socodka howlaha masjidka.

Dhinaca kale, C/fitaax Cabdullaahi oo ka mid ah taageerayaasha Shiikh Suldaan, ayaa isaga oo ka hadlayay halka ay dacwadu mareyso waxa uu sheegay in maxkamaddu ka dalbatay kooxda masjidka maamusha in ay keenaan caddeymo muujinaya in Sheekhu aanu goob joog aheyn shirkii 10-kii maarso, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in masjid dhulkiisa iyo dhisidiisa-ba aysan Soomaali meel kasta oo ay joogto u kala harin in masiirkiisa ay sheegtaan dhowr qofood.

“Waxeey ka mid tahay mucjisooyinka taariikhda galay ee jiilkeygu ay goob jooga u yihiin, in masjidkii Soomaali aysan u kala harin dhismihiisa, in taladiisa 2 qofood ay ka go’do, oo ciddii ka aragti duwanaatana ay yiraahdaan; masjidka ayaad dumineysaan” Ayuu yiri Cabdifitaax, isaga oo dhinaca kale na nasiib darro ku tilmaamay in rag ka mid ah odayaasha magaalada Amsterdam lagu yiraa masaajidka ma soo geli kartaan.

“Waxaan “social media” ka aragnay rag ka mid ah odayaasha magaalada oo hortaagan albaabka masaajidka, iyaga oo leh waxaa sidaa nagu yiri mid ka mid ah howl-wadeenada masaajidka” Ayuu yiri C/fitaax, wuxuuna ugu dambeyntii u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee dhibsaday khilaafka masjidka in ay soo jeedinayaan in talada masjidka lagu celiyo bulshada si looga gaaro go’aan kama dambeys ah.

{DAAWO MUQAALKA} R/ Hamza Abdi Barre ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay maalgashtan dalka

Arbaco 8 May, 2024 {HMC} R/ Hamza Abdi Barre ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay maalgashtan dalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha ciidanka dhulka CXDS oo Howlgalo culus oo AS lagula dagaalamayo kaga dhawaaqay Laba ka mid ah Goboladda Dalka.

Arbaco 8 May, 2024 {HMC} Taliyaha ciidanka dhulka CXDS oo Howlgalo culus oo AS lagula dagaalamayo kaga dhawaaqay Laba ka mid ah Goboladda Dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Militariga Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay duqeymo ku dileen dad badan oo shacab ah.

Arbaco 8 May, 2024 {HMC} Militariga Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay duqeymo ku dileen dad badan oo shacab ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wa kuma Gudoomiyaha cusub ee Xiriirka kubadda cagta Baladweyne?

Arbaco 8 May, 2024 {HMC}  Wa kuma Gudoomiyaha cusub ee Xiriirka kubadda cagta Baladweyne?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Jowhar waxaan kala soo laabtay natiijo la’aan iyo waji gabax ”Cabdi Casiis Jaburi”

Arbaco 8 May, 2024 {HMC}  Jowhar waxaan kala soo laabtay natiijo la’aan iyo waji gabax ”Cabdi Casiis Jaburi”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07-05-2024}

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO