Home Blog Page 2464

{DAAWO MUUQAALKA} Qaar kamid ah Ardayda Puntland oo loo diidey imtixaanka shahaadiga

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Qaar kamid ah Ardayda Puntland oo loo diidey imtixaanka shahaadiga

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Nisa oo Gacanta ku dhigay 12 Xubnood oo ka tirsan AS

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Ciidamada Nisa oo Gacanta ku dhigay 12 Xubnood oo ka tirsan AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gaadiidkii ugu badnaa oo ku Xayirnaa Wala-weyn oo la Fasaxay.

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Gaadiidkii ugu badnaa oo ku Xayirnaa Wala-weyn oo la Fasaxay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Duqa Baladweyne”majirto Qof aan Xawaadle aheyn oo Gobolka Hiiraan wax Laga Weydiin Karo.”

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC}  Duqa Baladweyne”majirto Qof aan Xawaadle aheyn oo Gobolka Hiiraan wax Laga Weydiin Karo.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Yuusuf Madaale iyo madax kale oo kormeeray koontaroolada laga soo galo Muqdisho

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Yuusuf Madaale iyo madax kale oo kormeeray koontaroolada laga soo galo Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Hay,ada SoDMA oo 1,200 Qooys gargaar u qeybisay

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa degmada Ceel-baraf ee gobolka Shabeelladda Dhexe waxa ay gargaar ugu qeybisay 1,200 oo qoys oo Bilo ka hor ka soo barakacay colaadii ka dhacday degaanka Eji oo dhaca soohdinta ay wadaagaan gobolada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Qoysaskaan ayaa la gaarsiiyey gargaar iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka iyo Teendhooyin, si dib u dajin loogu sameeyo, waxana maalmihii danbe ay wajahayeen xaalad adag waxaana Jimcihii Toddobaadkii hore ka jawaabay qeylo dhaantaan Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA.

Goobta lagu qeybinayey gargaarkaan waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, waxana ay u mahadnaqeen hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka oo deqdaan shacabkaan soo gaarsiisay.

 

Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 767 Cargo Plane oo Shil ku gashay garoonka Diyaaradaha magaalada Istanbul.

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 767 Cargo Plane oo ay leedahay shirkadda FedEx Express ayaa lagu soo waramay inay si degdeg ah ugu degtay garoonka diyaaradaha ee magaalladda Istanbul ee dalka Turkiye, kadib, markii uu u bixi waayey Taayarka hore.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ayaa waxaa la arki karaa diyaaradda oo foolka hore dhulka herdiyey, markii ay sida deg dega ah uga degtay garoonka Istanbuulo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee dalka Turkiye, Abdulkadir Uraloglu ayaa sheegay in aysan cidna wax ku noqonin shilkaasi iyaaradeed, iyadoo shaqaalihii diyaaradda si nabbad ah loo daad-gureeyey.

Diyaaradda oo tirsiga duullimaadkeeda ahaa (Flight Number) FX 6238 ayaa waxay isaga kala gooshaysay garoonka Charles de Gaulle ee caasimadda dalka Faransiiska ee Paris iyo garoonka magaalladda Istanbul ee dalka Turkiye.

Diyaarada waxay horaadka hore dhigatay dhabaha ay diyaaradaha ka hinqadaan, kuna soo degaan ee Runway 16R ee garoonka magaalada Istanbul, waxaana si KMG ah loo xiray duullimaadkii garoonkaasi.

Docda kale, kooxaha gurmadka garoonka iyo dab-damiska ayaa waxay ku hawlan yihiin sidii diyaarada cilladaysan ee dhorkadda FedEx looga qaadi lahaa dhabaha Runway 16R iyo inay dib u bilowdaan duullimaadyadii garoonka Istanbul.

Dab Xoogan oo Ka Kacay Suuq Ku Yaalo Hargeeyso

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab maanta ka kacay suuq ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo ay kuu guuleysteen inay damiyaan ciidanka dab-damiska Somaliland oo faah-faahiyay sida ay wax u dhaceen.

Dabka ayaa ka kacay suuqa hoose ee degmada 26 June, wuxuuna ka kacay mehrad ganacsi oo ku taalla halkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidanka Dab-damiska.

“Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay Dab ka kacay meherad ku taala suuqa hoose ee degmada 26 june oo lagu magacaabo ZamZam Solar Tech” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamada Dab-damiska oo qaaday howlgal deg-deg ah ayaa isla markiiba damiyay dabkaas, kahor inta uusan ku fidin xarumaha kale ee ka agdhowaa goobta uu ka kacay, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, waxaana la bad-baadiyay hantida ganacsatada.

“Hawlgal adag kadib Ciidanka ayaa damiyay dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey meheradii gubatay iyo meheradihii u dhawaa, waxaana badbaaday dhamaan mehradihii ka ag dhawaa” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Dhinaca kale ciidanka Dab-damiska maamulka Somaliland ayaa baaq u diray shacabka iyo ganacsatada oo ay ka dalbadeen inay soo wargeliyaan kahor inta uusan waynaan dabka.

“Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay soo sheegaan dabku intuu yaryahay, sidoo kale ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, khaasataan korontada” ayaa lagu yiri farriinta loo diray bulshada.

Waxaa kale oo lagu yiri qoraalka “Hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadoodba”.

Somaliland waxaa horay dab xoogan uu ka kacay suuqa wayn ee Waaheen, kaas oo gebi ahaan basbeelay, waxaana ka dhashay khasaare hantiyeed oo baaxad leh & burbur xoogan.

{DAAWO SAWIRADA} AS-Kii Ugu Badnaa oo Aay Ciidanka Nabadsugida Soo Bandhigeen

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Baydhabo dee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed, kusoo qab qabtay xubno badan oo la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab.

Taliska ciidanka Nabad sugida ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 12 xubnood oo la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab , kuwaa oo ciidanka siyaabo kala duwan kusoo qabteen.

Saraakiisha ciidanka NISA ayaa sheegay in kooxdan katirsan Al Shabaab lagu soo qabtay howlgalo kala duwan ay ciidanka ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhabo iyo sidoo kale deegaannada kale ee ku xeeran.

Raggan ay ciidanka nabad sugida soo bandhigeen ayaa la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaayeen jabhadaha iyo sidoo kale aruurinta canshuuraha, waxa ayna raggan qaarkood qirteen in Al Shabaab katirsan yihiin.

Ciidanka nabad sugida Soomaaliya ayaa marar badan gacanta ku dhigay xubno badan oo katirsan Al Shabaab , kuwaa oo si dhuumaaleysi ah shaqadooda uga waday deegaanno dowladda maamusho.

{DAAWO MUUQAALKA} Mareeykanka oo Diiday hub inuu siiyo Israa’iil.

Khamiis, 9, May, 2024 {HMC} Mareeykanka oo Diiday hub inuu siiyo Israa’iil.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA