Home Blog Page 2496

qasaaro la duwan oo ka dhashay dagaal dhaxmaray ciidaamada dowladda iyo koxda AS.

Arbaco-01-may -2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xalay kooxda AS ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee goboka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray AS-kii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen AS-kii weerarka soo qaaday, ayna dib u celiyeen.

Dhanka kale, war kasoo baxay kooxda AS ayaa waxaa lagu sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa saldhigga deegaanka Sabiid, isla markaana ay ku jabiyeen dagaalka ay la galeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa AS waxa ay kordhisay weerarada gaadmada re ay aroortii hore ku qaado ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose oo kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay kooxda AS ayaa waxaa badanaa ka dhaco weeraro iyo dagaallo gaysta khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu G/Madaale dhalinyarada sida isxilqanka ah uga shaqeeyo Nadafada xeebaha Muqdisho u qalanqaaday

Arbaco-01-may -2024 {HMC}Muxuu G/Madaale dhalinyarada sida isxilqanka ah uga shaqeeyo Nadafada xeebaha Muqdisho u qalanqaaday

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Kooxda Kasaraani ee Magaalada Baladweyne oo Daah Furatay Agab Kubada Cagta ah.

Arbaco-01-may -2024 {HMC}Kooxda Kasaraani ee Magaalada Baladweyne oo Daah Furatay Agab Kubada Cagta ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01-05-2024}

Arbaco-01-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed

farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Shir xasaasi oo lagu bahdilay Itoobiya, looguna hiiliyey Soomaaliya oo ka dhacay Qatar.

Arbaco-01-may -2024 {HMC} Shir xasaasi oo lagu bahdilay Itoobiya, looguna hiiliyey Soomaaliya oo ka dhacay Qatar.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Kooxda Kasaraani ee Magaalada Baladweyne oo Daah Furatay Agab Kubada Cagta ah.

Arbaco-01-may -2024 {HMC} Kooxda Kasaraani ee Magaalada Baladweyne oo Daah Furatay Agab Kubada Cagta ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaan ka naqaana gabadha doonaysay inay soo aragto hooyadeed balse ku geeriyootay daadadka GAARIZA.

Arbaco-01-may -2024 {HMC} Maxaan ka naqaana gabadha doonaysay inay soo aragto hooyadeed balse ku geeriyootay daadadka GAARIZA.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Uganda oo cunaqabateyn la saaray.

Arbaco-01-may -2024 {HMC} Dowladda Ingiriiska ayaa cunaqabateyn dhinaca safarka iyo dhaqaalaha kusoo rogtay afhayeenka Baarlamaanka dalka Uganda, Anita Among iyo labo xildhibaan oo kale oo katirsan Baarlamaanka dalkaasi.

Xubnahan dowladda Ingiriiska kusoo rogeen cunaqabateynta ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceen musuqmaasuq iyo xatooyo , waxaana si gaar ah loogu eedeeyay afhayeenka in ay xaday lacago loogu tala galay Baarlamaanka Uganda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Britain ayaa sheegtay labo wasiir oo hore, haddana ah xildhibaanno Mary Goretti Kitutu iyo Agnes Nandutu, in ay xadeen malaayiin lamayeeri oo loogu talo galay bulshooyinka saboolka ah ee ku nool gobolka Karamoja.

Afhayeenka Baarlamaanka dalka Uganda, Anita Among ayaa beenisay eedeymaha musuqmaasuq ee loo jeediyay, waxa ayna sheegtay in kaliya lagu heesto taageerada xooggan ee siisay sharciga looga soo horjeeday dadka isku jinsiga ah ee isku taga.

R/Wasaare Xamze oo ballanqaaday in loo abuuri doono fursado shaqo dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax bartay.

Arbaco-01-may -2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed maskaxda iyo muruqa ay geliyeen horumarinta dalkeenna, ayaa xusay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan sidii dalkeennu uga soo kaban lahaa dib-u-dhicii gaaray.

“Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ku shaqeeya duruufo adag, waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka soo gudbay caqabado badan, si ay u xaqiijiyaan rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dib u soo kabashada dalka”.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo badqabka shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dowladda u shaqeeya iyo kuwa aan dowladda u shaqaynba.

Waxa uuna Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ballanqaaday in la abuuri doono fursado shaqo oo ay ka faa’iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax bartay, kuwaa oo hadda qeybo badan oo dalka kamid ah shaqo la’aan ku heyso.

Shir garab istaag iyo taagero loogu muujiyay soomaaliya oo ka dhacay Qatar.

Arbaco-01-may -2024 {HMC} Waxaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar lagu soo gabagabeeyey shirka ‘Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta’ kaas oo qodob ka mid ah bayaankii laga soo saaray si weyn loogu taageeray Soomaaliya, iyadoo Itoobiya lagu tilmaamay mid ku soo gardarootay badda, wadajirka iyo madax-banaanida Soomaaliya oo ah lama taabtaan.

Shirkaas waxaa isugu yimid Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Carabta iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, waxaana si weyn loogu garab istaagay qadiyadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Itoobiya, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa shirkaas uga qeyb galay Soomaaliya.

Wasiirradu waxay caddeeyeen inay taageerayaan Amniga, Xasiloonida, Midnimada, Qaranimada iyo wadajirka Geyiga Soomaaliyeed, waxayna ku taageereen dawladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax bannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirka.

Sidoo kale waxay caddeeyeen in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda sida ku cad qodobka (51) ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qodobbada khuseeya Axdiga Jaamacadda Carabta, ayna taageerayaan dhismaha hay’adaha Dawladda Soomaaliya.

“Wasiirradu waxay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka Dawladda Soomaaliya dhammaan hay’addeeda, kaas oo looga soo hor jeestay ‘Is-afgaradkii’ 1-dii January 2024 ay wada saxiixdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Deegaanka (Somaliland) mid aan waxba ka jirin oo aan la aqbali karin, kana dhigan xadgudub bareer ah oo ka dhan ah mabaadi’da qaanuunka caalamiga ah iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaankaan caalamiga ah.

Sidoo kale warsaxaafadeedka wasiiradaan Carbeed waxaa lagu sheegay in damaca Itoobiya uu meesha ka saaray xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

“Wasiirradu qoraalkaan waxay ku muujiyeen diidmadooda wax kasta oo sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidan oo ka soo baxay is-afgaradkii 1-dii Janaayo Addis Ababa ku dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka caalamia inay cambaareeyaan oo ay diidaan qorshahaas.

Sidoo kale wasiiradu waxay diideen isku dayo lagu abuurayo xaqiiqo-siyaasadeed cusub oo ka jirta Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, waxaana loo arkaa tallaabo khatar ku ah amniga Carabta iyo socdaalka Badda Cas iyo Gacanka Cadan.