Home Blog Page 2583

Kooxda Arsenal malaga yaabaa in ay hoggaanka horyaalka sii hayso ?

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Horyaalka Ingiriiska waxa uu galayaa sabtiga toddobaadkii 33-aad. Waxaana dhacaya lix kulan halka Axadda la cayaarayo saddex kulan.

Arsenal ayaa lagu dhaliilay kulankii iyaga iyo Bayern Munich inkastoo aysan sidaa u sii xumeyn hadana Gunnersa way guuleysan kareen hadii Bukayo Saka uu isku dayi lahaa in uu gool dhaliyo halkii uu kaga dhacay Maneul Neur. Kulanka iyo iyaga iyo Villa waa mid adag balse Villa ma garaaci karto Gunners.

Tottenham iyo Newcastle ayaa is arkaya. Newcastle waxay ka timid meel hoose kaddib markii ay ka soo adkaadeen West Ham toddobaadkii hore. Tottenham ma dooneyso kulankan barbardhac.

Manchester City in ay ka guuleysto Luton waxay siineysaa fursad ay ku cadaadiso kooxaha kale ee horyaalka hoggaaminaya balse Luton si fudud iskuma dhiibeyso. Meel fog ayey ka yimaadeen .

Way adag tahay in la saadaaliyo natiijada Manchester United marka la fiiryo tayada ciyaatoyda ay haystaan.

Ciyaar aad u adag ayaa la filayaa in ay noqoto kulanka Liverpool iyo Crystal Palace. Maxamed Saalax sidii hore ma ahan gool dhalintiisa ilaa iyo markii uu ka soo laabtay dhaawaca.

Dowladda Iiraan oo Weerar deg deg ah ku qaadeysa Israel

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Iyadoo laga walaacsan yahay in xiisadda u dhexeysa Iran iyo Israel ay kororto ayey safaaradda Mareykanka ee Israel xaddiday safarka shaqaalaheeda iyadoo Faransiiska ay kala baxeen dibolomaasiyiintooda Tehran.

Telefishinka CBS ayaa ka soo xigtay labo sarkaal oo Mareykan ah in Iran degdeg u weerari doonto Israel.

CBS waxay sidoo kale sheegeen in ay ka soo xigteen saraakiisha in Iran qorsheyneyso weerar ay qaado sida ugu dhaqsiyaha badan.

Shiinaha ayaa ka dalbaday Mareykanka in ay door wax ku ool ah ka qaataan mushkiladda ka taagan bariga dhexe.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa Khadka taleefoonka kula hadlay Wang Yi oo ah sarkaalka ugu sareeya siyaasadda dibadda Shiinaha isagoo ka dalbaday inuu adeegsado saameynta Shiinaha si xiisadda loo qaboojihyo. Wang Yi waxa uu cambaareeyay weerarka qunsuliyadda Iran.

Reuters ayaa sheegtay khamiistii in Mr Blinken uu xiisadda kala hadlay wasiirada arrimaha dibadda Turkiga, Shiinaha iyo Sucudiga. Wuxuuna u sheegay in aysan cidi dan ugu jirin xiisadda oo sii kororta.

{DAAWO SAWIRADA} Maxaa ka taqaana Filimka lagu jilay Soomaaliya ee safka hore ka galay Filimaanta Ugu Wanaagsan Aduunka

Sabti 13 April , 2024 {HMC} “Tuulo Janno” waa qisada iyo sumadda uu wato Filimkan lagu jilay Soomaaliya kaas oo soo jiitay culimada Aflaanta kala saarta ee Mahrajaanka CANNES ee dalka Faransiiska.

Filimkan ayaa lagu jilay magaalooyinka Eyl iyo Garoowe ee Puntland, laakiin wuxuu hadda safka hore ka galay ilaa dhowr iyo tobban filim oo loo xushay inay ugu wanaagsan yihiin kuwii la soo bandhigay sanadkan 2024-ka.

Nuux Muuse Berjeeb oo ka mid ah soo saarayasha Filimka am ‘Line Procuder’ ayaa BBCda u sheegay in samaynta iyo hindisaha Filimkuba qaatay muddo ka badan hal sano.

“Magaca aan dooranay iyo jilayaasha ayaa ahaa wax cajiib ah, dabcan sidoo kale deegaanka lagu jilay filimka waxay ahayd wax aan is oran karo waa soo jiitay Mahrajaanka Cannes” ayuu yuru Nuux.

Nuux, wuxuu sheegay in xulashada Filimka uu rumaysan yahay inay sababta ugu weyn tahay sida dunida looga xiisaynayo filimaanta lagu sameeyo Soomaaliya.

“Xilli waxaa jirtay aad adduunka looga jeclaa filimaanta lagu sameeyo bariga dhexe, laakiin hadda filimkan iyo kuwii hore aan samaynay waxay muujinayan xiisaha loo qabo filimaanta lagu sameeyo dhulka Soomaalida iyo qisooyinka ay xambaarsan yihiin” ayuu BBCda u sheegay Nuux Birjeeb.

Samaynta Filimka cusub ee ‘Tuulo Janno’ ayaa la bilaabay samayntiisa bishii June ee sanadkii 2023-kii iyadoo soo saarista filimku qaadatay muddo toddobo bilood ah.

Qisida filimka ayaa ka turjumayo ayaa ah qoys Soomaali ah oo halka ay ku nool yihiin ay dhinacyada ka yaalan dhammaan wixii aadane u baahnaa oo xagga nolosha ah balse iyagu saboolnimo kaga nool.

Sidoo kale Filimka waxaa soo saare ka ahaa Maxamed Harrawe oo ah Soomaali kaalin sare kaga jiray soo saarayasha filimada ee caalamka.

Jilayaasha Filimka

Cidda ka caawisa dhaqaalaha Filimka ku baxay
Filimka ‘Tuulo Janno’, Soo saarayaasha iyo jilayaashuba waa Soomaali sida BBCda u sheegay Nuux Muuse Birjeeb oo ka mida soo saaraasha Filimka, wuxuu xusay in tani ka marag furayso sida dad badan dhalinyaro oo hibo leh ay ku dhex habowsan yihiin bulshada.

Nuux, wuxuu sheegay in bandhigyada iyo mahrajaanadu duniddu ay la yaaban sida dhalinyaro yar yar oo ku nool dal soo kabanaya ay u leeyihiin awood jilitaan oo xoog leh iyo sida ay u dhigayaan qisooyinka ay ka turjumayaan ee filimka.

Axmed Faarax, oo ah soo saare Filimo lagu jilay Soomaaliya iyo Kenya ayna jilayaal ka ahaayeen Soomaali, kuwaas oo qabsaday masraxyada filimada ee dunida ayaa BBCda u sheegay in la joogo waqtigii laga faa’iidaysan lahaa soo bandhiga filimo ka turjumaya dhulka,dhaqanka iyo Soomaalida ee loo bandhigo caalamka.

Faarax, wuxuu la qabaa Nuux in laga faa’idaysto hibada ku jirta jilayaasha Soomaalida iyo soo sarayaasha kuwaas oo sida uu xusay cajiib la noqda dadyowga kale markay tagaan bandhigyada filimada caalamka.

Nuux, ayaa qaba in hadda wixii ka danbeeya ay dunida Filimadu arkeen in la heli karo dhalinyaro kaalin jilitaan ka ciyaari kara filimada ay soo saaraan dadka ajnabiga ee qayb ka mida quseeya Soomaalida basle horey ay u jili jireen ajaanib Af-soomaliga jajabinaya.

Sida uu BBCda u sheegay Nuuh Muuse, caqabada ugu weyn ee ay la kulmaan dhalinyarada doonaya inay filimo soo saaraan ay tahay dhaqaale inay u helaan maadaama filimadu ku baxdo lacago malaayiin dollar ah.

Filimkan cusub ee ‘THE VILLAGE NEXT TO PARADISE’ ama Tuulo Janno’ ayeyey maalgalisay shirkada filimada ee FreibeuterFlim taas oo laga leeyahay dalka Austria.

“Shirkadaha Soomaali kuma baraarugsana in filimaantu yihiin wax la maalgashto oo ay dib ugu heli karaan lacago ka badan kuwii ay ku maalgaliyeen, sidoo kale dowladda Soomalaiya kuma baraarugsana in waxa ay sidan filimada lagu sameeyo Soomaaliya ay yihiin quruxda iyo dhaqanka Soomaalida kuwaas oo beddelaya kuwii hore looga sameyey Soomaalida oo sawir xun ka bixin jiray” ayuu BBCda u sheegay Nuux Muuse.

Filimkan cusub ayaa soconaya muddo hal saac iyo afartan daqiiqo ah waa kii ugu waqtiga dheeraa ee lagu sameeyo Soomaaliya kaas oo si calaami ah u soo jiitay caalamka.

Kooxdan ayaa hore u soo saaray filimo hore oo bilado ka helay bandhigyada iyo mahrajaanada caalamka.

Waxaa soo kordhaya soo saarayasha iyo jilayaasha Soomaalida ee soo saaraya filimada kuwaas oo taageero ka helay dunida.

XIGASHO BBC

Kenya among countries to benefit from new efforts to end cholera outbreaks

0


by JOHN MUCHANGI
Friday April 12, 2024

Kenya is expected to benefit from a global programme that will see millions of cholera test kits distributed around the world.

Shipments of the first kits, about 1.2 million, were distributed this week in 14 high risk countries.

The donor, Gavi, said countries that will receive kits in the coming weeks include those currently severely impacted by cholera outbreaks.

The list excludes Kenya, which has expressed interest for the kits, but is currently not facing an outbreak.

Gavi said countries that expressed interest but were not included in the first shipments will receive the kits in the future.

This programme, the largest such effort in the world, will improve the timeliness and accuracy of outbreak detection and response by boosting routine surveillance and testing capacity and helping rapidly identify probable cholera cases.

“Critically, it will also help countries monitor trends and build an evidence base for future preventive programmes, supporting the achievement of national cholera control and elimination targets,” Gavi said.

Kenya last reported cholera outbreak last year.

In August last year, Medical epidemiologist at the Ministry of Health Emmanuel Okunga said 11,897 cases were reported in 26 counties since the outbreak began in October 2022. It claimed 194 lives.

“Timely detection of cholera cases and prompt initiation of treatment is key in reducing morbidity, mortality and containing transmission,” Okunga said.

The ongoing global cholera diagnostics programme is funded and coordinated by Gavi while procurement and delivery to countries is led by Unicef in collaboration with the Global Task Force on Cholera Control and World Health Organization.

“These initial shipments signal the start of the programme, which aims to see partners deploy RDTs to additional countries that have expressed interest in the future. Long-term sustainability of the programme depends on successful fundraising for Gavi’s next strategic period, from 2026 to 2030,” Gavi said.

The 14 initial countries are Cameroon, Democratic Republic of the Congo, Ethiopia, Malawi, Mozambique, Nepal, Nigeria, Pakistan, Sierra Leone, Somalia, Syria, Uganda, Zambia and Zimbabwe.

Cholera has been surging globally since 2021, with high case fatality rates despite availability of simple, effective and affordable treatment.

The large number of outbreaks has led to unprecedented demand for vaccines from impacted countries.

Kenya started Cholera vaccinations in February last year and by August, the Ministry of Health said it had surpassed its target of vaccinating 1.59 million people in eight high-risk counties.

Cholera is an acute intestinal infection that spreads through food and water contaminated with faeces containing the bacterium Vibrio cholerae. The rise in cholera is driven by continued gaps in access to safe water and sanitation and failure to quickly detect outbreaks and limit their spread.

While global oral cholera vaccine supply has increased eighteen-fold between 2013 and 2023, the large and sustained spike in demand compared to the current availability has put a strain on the global stockpile.

“Preventive vaccination campaigns have had to be delayed to preserve doses for emergency outbreak response efforts,” Gavi said.

“Recurring outbreaks in countries where emergency vaccination campaigns have already been implemented further highlight the need for improved speed and accuracy in identifying areas with new or persistent transmission – enabling these areas to be targeted during initial outbreak response efforts.”

In February, Migori county confirmed a cholera outbreak after an infected mourner crossed over from Tanzania and fell sick in Kenya.

County health services executive Awuor Nyerere said they are on high alert and they have put in place community health volunteers, ward admins, village elders, chiefs and their assistants to help in report cases and trace contacts.

Shariif Shiikh Axmed oo Sheegay in ay Isfahmi Waayeen Madaxweyne Xasan Shiikh Kulankii ka dhacay Nairobia

0

Friday 12 April , 2024 {HMC} Shir wadashi ah ayaa magaalada Nairobi ku dhaxmaray  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Ujeedka shirka ayaa ah sidii looga tashan lahaa arrimaha dastuurka, xoojinta la dagaalanka Argagixisada iyo sidii is-faham looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh axmed ayaa Caawa shaaciyay in ay isfahmi waayeen Madaxweyne xasan shiikh is la markaana uu shirkooda ku dhamaaday is fahmi waay.

 

Ethiopian Consulates in Garowe and Hargeisa Remain Open Despite Somalia’s Closure Order

0

Friday 12 April , 2024 {HMC} In a bold move, Ethiopian consulates in Garowe and Hargeisa defy Somalia’s directive to shut down, highlighting the escalating tensions between the two neighboring nations. Despite Somalia’s order to close the consulates, Ethiopia maintains their operations, sparking a diplomatic standoff.

 

The closure order issued by Somalia comes amidst strained relations between the two countries, exacerbated by territorial disputes and political disagreements. Ethiopia’s refusal to comply with the closure order underscores its firm stance on maintaining a presence in these regions.

 

The decision to keep the consulates open signifies Ethiopia’s strategic interests in the Horn of Africa, particularly in Somalia’s semi-autonomous regions of Puntland (where Garowe is located) and Somaliland (where Hargeisa is situated). These regions hold significant geopolitical importance for Ethiopia, serving as trade routes and offering strategic access to the Red Sea and the Gulf of Aden.

 

Ethiopia’s defiance of Somalia’s directive is likely to further escalate tensions and could potentially lead to diplomatic repercussions between the two nations. The international community closely watches this development, concerned about the implications for regional stability in the Horn of Africa.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo shaaciyay faa’idada ugu jirto Soomaaliya qaadista cunaqabateynta hubka.

0

Jimco 12 April , 2024 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sannaD guurada 64-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in qaadista cunaqabataynta hubka oo dowladdu ay dadaal ku bixisay ay horseedi doonto qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna ka soo kaban doonaan, haddii Alle idmo, dhaawacii ka soo gaaray burburkii dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay muhiimadda weyn ee qarankeenna ay u leedahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, kana difaaca dadkeenna khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dalkooda, waxa uuna bogaadiyey nafhurnimada ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixiaadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed.

Walaac weyn Ayeey Abuurtay Soo laabashada burcad badeedda Soomaalida.

Jimco 12 April , 2024 {HMC} Guud ahaan 33 dhacdo oo burcad badeed oo loo geystay maraakiibta ganacsiga, ayaa laga diiwaan galiyay caalamka sadexdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2024, taasoo ka badan 27 dhacdo oo isku mid ah isla mudadaas 2023, sida uu sheegay xafiiska badaha caalamiga ah (ICC).

 

Xoghayaha guud ee ICC John Denton ayaa yiri,” Dib u soo noqoshada dhaq-dhaqaaqa burcad-badeedda Soomaalida waa mid welwel leh. Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo ganacsiga, la ilaaliyo waddooyinka, iyo badqabka badmaaxiinta. Waa in la qaado dhammaan tillaabooyinka lagu hubinayo qulqulka xorta ah ee badeecadaha.

 

Soo laabashada burcad badeedda Soomaalida ayaa ku soo aadeysa xilli Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale rasaas ku furaan maraakiibta ganacsiga, iyadoo lixdii bilood ee la soo dhaafay la bartilmaameedsaday ku dhawaad 80 markab.

 

Sidoo kale, qiimaha ilaalada gaarka ah ee maraakiibta, ayaa kor u kacay sanadkan, sida laga soo xigtay rugta caalamiga ah ee ganacsiga isaga kala goosha badaha adduunka.

 

Khubarada ku taqasusay amniga ee fadhigoodu yahay magaalada London ee la yiraahdo Subrosa Group, ayaa bilaabay qayb cusub oo amniga badda ah, si looga jawaabo baahida muhiimka ah ee ilaalinta maraakiibta waaweyn ee mara biyaha khatarta ah ee adduunka oo dhan.

ATMIS ENDF troops commended for securing Southwest State during Ramadan

0

Baidoa, 12 April 2024 {HMC} – The South West State administration has commended the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) troops for ensuring the safety and security of civilians during the just concluded holy month of Ramadan.

At a joint post-Ramadan security assessment meeting in Baidoa, South West State Minister for Internal Security, Hassan Mohamed Abdiqadir, applauded the ATMIS Ethiopian National Defense Forces (ENDF) troops for facilitating the peaceful observance of Ramadan in the region.

ATMIS Sector Three Commander, Maj Gen Besfat Fente Tegegn, and senior ATMIS military and South West State administration and security officials, attended the meeting at the Sector Three Headquarters.

“We extend our sincere gratitude to ATMIS ENDF troops for their outstanding efforts in securing the region in collaboration with our regional security teams. They effectively conducted operations and patrols to counter the threat of Al-Shabaab insurgents and ensured the safety of the local community,” said Minister Hassan, commending the troops for their unwavering dedication to peace and stability in the region.

The meeting, part of the regular joint engagements between ATMIS and key security partners in the region, evaluated the implementation of security integration, cooperation, and coordination efforts during the month-long Ramadan period and Eid-al-Fitr celebrations.

“We pledged to enhance security in the region before Ramadan, and we are here to assess the outcomes and challenges. We can proudly say that we have successfully achieved that feat, thanks to the close coordination between ATMIS and South West State security organs,” said Brig Gen Besfat Fente Tegegn, the ATMIS Sector Three Commander.

 

He highlighted the significance of the close collaboration between ATMIS, the South West State administration, and the local community in achieving the Mission’s objectives.

The ATMIS ENDF troops and the South West regional troops – Darawish, were deployed to bolster security on the outskirts of Baidoa and Forward Operating Bases (FOBs). The police and intelligence agencies operated within the city, effectively countering Al-Shabaab menaces.

 

“We have had a very successful Ramadan period due to the concerted efforts of ATMIS, SNA, NISA, South West Darawish, and police personnel. We sincerely commend ATMIS troops for maintaining security in Baidoa and the entire region,” said Abdullahi Ali Watin, Baidoa District Mayor.

Under the African Union peace support operation, Ethiopian National Defence Forces troops are responsible for Gedo, Bay and Bakool regions of South West State in Somalia.

 

Ma dhaqan galay Amarkii Lagu Xiray qunsuliyadaha Itoobiya ee Magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.

0

jimca 12, April ,2024 {HMC}  Waqtigii ay dowladda federaalka Soomaaliya u qabatay in lagu xiro qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Garowe (Puntland) iyo Hargeysa (Somaliland) ayaa ku ekaa khamiistii shalay.

Sida aan xogta ku helayno, labada qunsuliyadood ayaa si caadi u shaqeynaya haatan, mana jiraan wax saamayn ah oo ku yeeshay go’aankii kasoo baxay xukuumadda fedeaalka Soomaaliya.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa horey u diiday go’aanka Muqdisho kasoo yeeray, iyagoo sheegay in go’aannada dowladda federaalka aanu ka shaqaynayn degaanadooda.

Labada maamul ayaa mid walba gaarkiisa u sheegay inay Itoobiya laleeyihiin xiriiro saaxiibtinimo iyo mid ganacsi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay xad gudub qaawan ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Go’aankii todobaadkii hore kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ayay dowladdu sheegtay haddii uu dhaqan gali waayo inay qaadayso tallaabo kaste oo ay ku ilaalinayso madax banaanideeda dhuleed.

Warar aanu kasoo xiganay ilo diblumaasiyadeed waxay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay diyaarinayso dacwad ay u gudbinayso Qaramada Midoobay, taasoo ah eedayn ka dhan ah faragalinta Ethiopia.