Home Blog Page 2610

Sheekh Cali Wajiis oo sheegay in madaxwayne xasan sheikh uu weeraro madax goboleedyada

Axad 7, April ,2024 {HMC} Sheekh Cali Wajiis ayaa si cajiib ah uga hadlay khilaafka ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka, isagoo tusaaleyn ka bixiyey waxa uu muteysanayo maamulkii ka hor yimaada amarrada dowladda dhexe.

Sheekh Cali ayaa sheegay in wadankaan loo dhaariyey oo dadka Soomaaliyeed ee malaayiinta ah ay doorteen madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku taliyey in looga dambeeyo xukunka dalka.

“Hoggaanka umadda Soomaaliyeed ee sharciga ah waa Dr. Xasan Sheekh, cid ka hor imaa karta ma jirto, maamul goboleed, baarlamaan iyo xukuumad wax diidi kara amarkiisa ma jiraan, federaalku waa nidaamyada dowliga ah ee ugu casrisan caalamka, laakiin sida hadda aan u dhaqmeyno maaha federaal,” ayuu yiri Sheekh Cali.

Wuxuu soo hadal qaaday khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka, ugu horeyn wuxuu ka digay in khilaafkaas la qabiileeyo, sidoo kale wuxuu Sheekh Cali ku taliyey in qof kasta dembiga uu geysto lagu xisaabo oo dad kale aan la garaafeyn.

“Maamul goboleedkii diida amarka dowladda, waxay xaq u leedahay dowladda dhexe inay weerarto oo awood adeegsato, soona xirto ninka ugu sareeya ee amar diidada sameynaya, dalkana kala jaraya,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Wuxuu sheegay in federaal la qabyaaladeeyey ay ku dhaqanto Soomaalidu, isagoo bogaadiyey qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda ku saxaayo waxyaabihii ka qaldanaa dastuurka dalka.

“Puntland ayaa maalmahaan la hadal hayaa, dadka reer Puntland waa kuwa ugu wadanisan, uguna dowlad aqoon iyo kala dambeyn badan Soomaalida, marka dembi hal qof leeyahay umad dhan looma saari karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Cali Wajiis.

Sheekh Cali Wajiis ayaa caan ku ah in mar kasta uu taageero madaxweynaha xukunka jooga, sidoo kale hadalkiisaan wuxuu ku soo aaday iyadoo Puntland ay sheegtay inay xiriirka u jartay dowladda federaalka.

Madaxwayne xasan sheikh oo abaal-mariyey Macawiisleyda Xarardheere

Axad 7, April ,2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lacag abaal marin ah u diray ciidanka macawiisleyda ah ee degmada Xarardheere ka difaacay kooxda AS.

Lacagtaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u wakiishay taliyaha ururka 3-aad ee Gorgor Gaashaanle Cali Cagey ayaa maanta lagu qeybiyey fagaare ku yaalla duleedka magaalada Xarardheere oo difaac ay uga jiraan ciidamada deegaanka.

Inkastoo aan la shaacin cadadka ay dhan tahay lacagtaas, hadana waxaa la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhiirigeliyey ciidamada xaq u dirirka ah ee deegaanka oo ku guuleystay inay ku faro-adeygaan magaalada Xarardheere.

Boqolaal askari oo macawiisley ah ayaa maanta lagu feyliyey fagaarihii lagu qeybiyey lacagtaas oo loogu talo galay inay carruurtooda ku ciidsiiyaan.

Taliyaha ayaa markii uu lacagta ku wareejiyey ciidanka wuxuu kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan howlgallo adag oo AS looga xoreynayo deegaanada hoos taga degmada Xarardheere.

Macawiisleyda ka soo jeeda degmada Xarardheere ayaa aad loogu amaanay si ay ugu jilib dhigeen wixii weerar uga yimid dhanka AS, maadaama ay kooxdu dooneysay inay awood kula wareegto degmadaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hors afar ku tegay degmada Xarardheere, xiligaas ciidamadii uu la kulmay oo uu soo xogwareystay ayey ku jireen ciidamada maanta la gaarsiiyey lacagta uu bixiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa maalinkii uu tegay Xarardheere wuxuu hal darajo dalacsiiyey dhamaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka eek u sugnaa magaalada Xarardheere, kuwaas oo AS ka difaacay dadka iyo deegaanka.

AS ayaa marar badan isku dayey inay awood kula wareegay magaaladaas muhiimka ah, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xarardheere ku tilmaamay astaanta halganka AS iska xoreynta ah ee ka socda Soomaaliya.

Ma sii jiri doonaa hanaanka awood qeybsiga 4.5 kadib anisixinta qodobada dasuurka

Axad 7, April ,2024 {HMC} Xildhibaannada Soomaaliya ayaa dhawaan u codeeyey wax ka beddelka dastuurka oo muddo dheer aan la qabyo tirin. Waxaa taas dhinac socday in Soomaaliya ay ku dhaqmaysay nidaam awood qaybsi, oo ku salaysan afar beelood iyo bar.

Qodobbada dastuurka ee wax laga beddelay waxaa ka mid ah doorashada madaxweynaha oo ay shacabka toos u soo dooran doonaan, iyo in madaxweynuhu uu magacaabi karo xilkana ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha isagoo aan baarlamaanka soo marsiin, iyo in seddex xisbi ay dalka ka jiri doonaan, waxaana sida muuqata ay taasi saamayn ku yeelan doontaa nidaamkii xildhibaannada sida tooska ah ay qabaa’ilku u soo xuli jireen.

Sidoo kale waxay shacabku soo dooran doonaan hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka dawlad goboleedka, golaha wakiillada dawlad goboleedka, iyo golaha deegaanka, duqa magaalada iyo ku xigeenkiisa, iyo dawladaha hoose.

Hanaanka 4.5 ayaa la soo billaabay sannadkii 2000, markii ay madaxda Soomaalidu isugu tageen dalka Jabuuti, si loo helo “Xal” ay qabaa’ilku isaga dhex arkaan haykalka siyaasadeed ee dalka ee awoodda lagu qaybsanayo.

Dadka siyaasadda indha-indheeya way ku kala argti duwan yihiin in isbeddelka dastuurka uu saamaynayo nidaamka awood qaybsiga, iyo guud ahaan mustaqbalka hanaanka qabaa’ilku awoodda ku qaybsanayeen dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey.

Haddaba dastuurka dhawaan loo codeeyey sidee u saamaynayaa hanaankii awood qaybsiga ee 4.5.

“Nidaamka 4.5 waa nala fogaaday, waxaa markiisii hore loogu tala galay inuu muddo gaaban shaqeeyo, faa’iido iyo khasaarena waa watay. Marka ugu horreysay waxaa lagu soo dhisay dawladnimada, qabaa’ilka qaarkoodna waa ka faa’iideen oo wax aysan weligood arag ayey ku heleen, qaarna dadka ayey la sinmeen, dadna dareen ayey galisay oo waxaa la dareensiiyey in ay dadka kale ka xuquuq yar yihiin,” ayuu yiri Maxamed Nuur Qalimow oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya.

Saamaynta ugu weyn ee dastuurka uu awood qaybsiga ku yeelan doono ayuu kutilmaamay Qalimow dhinaca doorashada oo baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka doorasho lagu soo geli doono.

“Maadaama ay dadweynuhu soo dooran doonaan murashaxiinta, waa in guddiga doorashada uu cayimo xuduuddo iyo deegaan doorashooyin, ayna shuruudaha doorashada xildhibaanka ku saleeyaan tirada dadka ku nool deegaan doorashada iyo baaxadda dhulka deegaan doorashada, waayo meelaha qaar dad badan ayaa ku nool, qaarna dad yar, suurtogalna maaha in isku si loola macaamilo meel ay ku nool yihiin 1,000 qof iyo meel ay ku nool yihiin 100,000 oo qof,” ayuu sii raaciyey Qalimow. Nidaamkaas wuxuu meesha ka saarayaa sida muuqata soo xulista odayaasha qabaa’ilka ay soo xuli jireen xildhibaannada Baarlamaanka.

Dhinaca nidaamka xisbiyada ee dastuurku dhigayo marka la eego ayaa isna ka mid ah arrimaha cusub ee sii fogeynaya awood qaybsiga qabaa’ilka.

“Haddaan caalamka kale eegno, siyaasadda waxaa isku haya mucaarad iyo muxaafad, Soomaaliyana lama yaabayno in xisbiyada aan talada haynin ay xisbiga talada haya u shirkoobaan, ama u xisbiga talada haya mid ka mid ah labada xisbi ee kale soo jiito, inay laba is raacdana la yaab ma lahaanayso,” ayuu sii raaciyey Qalimow oo ku tilmaamay in nidaamkaas xisbiyada uu meesha ka saari doono awood qaybsiga qabiilka ku dhisnaa.

Dhinac kale marka laga fiiriyo, Qalimow iyo siyaasiyiin kale waxay rumaysan yihiin in aan qabiilkii weli laga wada guurin.

Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo muddo dheer soo ahaa xildhibaan baarlamaan oo lagu soo xuli jiray 4.5 wuxuu weli aaminsan yahay in siyaasadda qabiilka ku dhisan ay sii jiri doonto, oo hadda uun ay sii xoogaysatay.

Wuxuu sheegay in beelaha uu ka soo jeedo ay yihiin kuwo ku dhib qabay nidaamka 4.5, wuxuuna intaa ku daray in marka laga yimaado dastuurka qoran ay beelaha “waaweyn” qaadan doonaan xubnaha muhiimka ah “madaxweyne reerki qaadan jiray ayaa qaadanaya, ra’iisul wasaare reerkii qaadan jiray ayaa qaadanaya, golaha wasiirradana sidaas ayaa loo qaybinayaa. Magaca uun baa la beddelay mooyee qaab dhismeedka iyo heykalka waxba iskama beddelin,” ayuu yiri Prof. Dhalxa.

“Qabiilka waa ku sii dhex jiri doonaa siyaasadda Soomaaliya. Dalalka Soomaaliya jaarka la ah ee madaxda tooska loo s doorto ama dalalka Afrikaanka ah badankood weli waxaa siyaasadooda xoog badan ku leh miisaanka qabiilka. Qabiilka ma dhamaanayo laakin saamayntiisa ayaa la yarayn karaa,” ayuu yiri Maxamed Nuur Qalimow.

Wuxuu u arkaa tani inay tahay talaabadii ugu horreysay ee meesha ka saaraysa in qabiilku uu siyaasiga soo doorto “Waxay dhaamaysaa in oday dhaqameed uu wax soo doorto, waxayna abuuraysaa fursad ay dadku ku helayaan xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay wax dooran karaan, lana soo dooran karo, waana billow fiican,” ayuu yiri Qalimow.

Maraykanka, Qatar iyo Masar oo isku deyaya inay markale heshiis dhex dhigaan Xamaas iyo Israa’iil

Axad 7, April ,2024 {HMC} Ergada wadahadalada ayaa gaadhay magaalada Qaahira ee dalka Masar Sabtidii, iyada oo la filayo inuu halkaas ka furmo kulan lagaga wada hadlayo, sidii loo gaadhi lahaa heshiis xabbad-joojineed oo lagu soo afjaro dagaalka socda muddada lixda bilood ah, isla markaana loo sii dayn lahaa lahaystayaasha kala duwan.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA Bill Burns ayaa isaguna gaadhay magaalada Qaahira, sidoo kale wufuudda soo gaadhay magaalada Qaahira waxaa ku jira Wasiirka arrimaha debedda ee Qatar Sheikh Mohammed bin Cabdiraxmaan al-Thani iyo wefti ka socda Israa’iil, sida ay baahisay warbaahinta al-Qahera ee laga leeyahay dalka Masar.

Xamaas ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay Qaahira u diri doonto guddoomiye ku xigeenka Qaza Khalil al-Hayya. Xamaas ayaa markale ku celisay dalabkooda, oo ay ugu horreeyaan, in la gaadho heshiis xabbad-joojin ah oo dhamaystiran iyo in ciidamada Israa’iil ay gebi ahaanba ka baxaan marinka Qaza.

Afhayeenka golaha amniga Qaranka ee Maraykanka John Kirby ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu waraaqo u kala diray madaxweynaha Masar Cabdel Fattax al-Sissi iyo amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Xammad al-Thani, isaga oo ku boorriyey inay ka keenaan dhinaca Xamaas inay u hoggaansami doonaan heshiiska.

Biden ayaa sidoo kale u sheegay Netanyahu inuu awood dheeri ah siiyo ergada ku metelaya wadahadalada Qaahira, si loo gaadho heshiis xabbad-joojineed, sida ugu dhakhsaha badan, kaasoo ogolaanaya in gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo marinka Qaza.

Dagaalka ay Israa’iil ku qaadday marinka Qaza ayaa loo arkaa inuu yahay, mid ka mida dagaalladii ugu khasaaraha badnaa uguna dhimashada badnaa qarnigan 21aad.

Ruushka oo daadgureeyey in ka badan 4,400 oo qof ka dib markii uu qarxay biyo-xidheen aad u weyni

Axad 7, April ,2024 {HMC} Ruushka ayaa Sabtidii wuxuu daadgureeyey illaa 4,500 oo qof oo ku nool gobolka Orenburg ee ku yaalla xuduudda Koonfureed ee Ruushka, ka dib markii uu derbiyada jabsaday biyo xidheen halkaas ku yaallay.

Kooxaha gurmadka degdgegga ah ayaa habeenkii oo dhan ka shaqaynayey sidii u samatabixin lahaayeen dadweynaha ku nool agagaarka biyo xidheenka fatahay, kaas oo ku yaalla meel u dhow magaalada Orsk oo u dhow xuduudda Ruushka iyo Kazakhstan.

Xafiiska warbaahinta ee guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in illaa haatan la samatabixiyey illaa 4,402 qof oo ay ku jiraan 1100 caruur ah, waxaana khasaare soo gaadhay illaa 6,000 oo guri. Arrintan ayaa timi ka dib roobab xooggan oo halkaas ka da’ayey maalmahan.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray wasiirka xaaladaha degdegga ah inuu wax ka qabto xaaladda gobolka, sida uu sheegay afhayeenka aqalka Kremlin xilli dambe oo Sabtidii ah.

WFP oo muddo lix bilooda markii ugu horraysay cunto geysay Darfur

Axad 7, April ,2024 {HMC} Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dagaalka ka socda Suudaan uu halis ugu jiro in uu abuuro dhibaatadii ugu darnayd ee macaluul ah, waxayna haatan sheegaysaa inay ugu dambayn ku guulaysatay in ay cunto gargaar ah oo baahi weyn loo qabay ay geyso gobolka Daarfuur, taasoo noqonaysa gargaarkii ugu horreeyey ee halkaas la geeyo muddo lix bilood ah.

Hay’adda cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in illaa laba kolonyo oo gaadiid ahi in ay ka soo tallaabeen dhinaca xadka dalka Chad oo ay soo gaadheen gobolka Darfur dabayaaqadii todobaadkii hore, kuwaas oo siday cunto gargaar ah oo loogu talo galay illaa rubuc milyan qof oo ku nool woqooyiga, galbeedka iyo badhtamaha Darfur.

WFP ayaa sheegtay in hawsha gargaarka lagu gaadhsiinayo Darfun, in dib loo dhigayey muddo dheer, hase ahaatee ugu dambayn la fasaxay, ka dib wada-xaajood dheer oo lala galay dhinacyada ay khusayso.

Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Sudan, muddo haatan sannad laga joogo, waxaa Qaramada Midoobay ay sheegtay inay ku barakaceen in ka badan 8.5 million oo qof, taas oo 6.5 million oo ka mid ahi ay ku sugan yihiin gudaha dalkaas.

WFP ayaa sheegtay in 18 million oo qof inay haatan qarka u saaran yihiin macaluul, halka 90% ay ku sugan yihiin goobo ay adag tahay in la gaadho.

Climate activist Greta Thunberg detained twice at Dutch protest

Sunday 7, April ,2024 {HMC} Climate activist Greta Thunberg was detained twice by police at a demonstration in the Netherlands, after she and a group of marchers blocked a main road to protest against fossil fuel subsidies.

Police said more than 400 people were arrested on Saturday, including 12 for incitement. Activists later said Thunberg had been freed.

The 21-year-old Swedish activist was initially detained by local police and held for a short time along with other protesters who tried to block a major highway into The Hague.

After being released, Thunberg quickly rejoined a small group of protesters who were blocking a different road leading to the railway station. There, she was detained a second time and driven off in a police van.

Hundreds of protesters were marching from The Hague’s city centre to the nearby A12 arterial highway that connects the seat of the Dutch government with other cities including Amsterdam, Rotterdam and Utrecht.

The march was organised by the Extinction Rebellion (XR) environmental group and was part of a plan to pressure the Dutch government in the run-up to another planned debate about fossil subsidies in June.

Dozens of police officers, including some on horseback, blocked the group from accessing the motorway, warning that “violence could be used” should the marchers try to get onto the road.

Carrying XR flags and placards saying, “Stop fuel subsidies now!” and chanting “The planet is dying!”, protesters were then locked in a tense standoff with police who formed a wall.

 

Before she was temporarily detained, Thunberg joined in with the chants and slogans.

She told journalists she was protesting because the world is facing an existential crisis.

“We are in a planetary emergency and we are not going to stand by and let people lose their lives and livelihood and be forced to become climate refugees when we can do something,” she said.

In recent months, the A12 road has been blocked for several hours dozens of times by activists demanding an end to all subsidies for the use of fossil fuels.

At previous protests, police drove detained protesters to another part of town, where they were released without further consequences.

Thunberg told the Netherlands’s ANP national news agency by telephone that her arrest had proceeded “calmly”.

“It’s not about the arrest. I am here for the climate,” she added.

SOURCE: NEWS AGENCIES

“‘Xaramka waa in loo tagaa cibaado ee igu sawir ma fiicna’”Shiikh Cabdi Xayi

Axad 7, April ,2024 {HMC} Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa si weyn loogu arkayey waayadii ugu danbeeyey dad u cimro iyo acmaal tagaya bogcadaha barakaysan ee Makkah iyo Madina, kuwaas oo hadda soo bandhiga muuqaalo iyo sawiro inta ay ku sugan yihin dhulkaas barakaysan.

Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo kamid ah cullimada Soomaaliyeed oo BBCda la hadlay ayaa ka digay in arrintaasi ay wax u dhimi karayso acmaasha qofku uu tagay masaajidada barakaysan.

“Qofka waxaa laga rabaa in hadafka uu mesha uga inuu xaqiijoyo, waxyaabaha dheerigaana iska dhaafo, arrintan waa mid cibaado ah oo ruuxa iyo rabbigiis ka dhaxaysa ,marka waxaa loo baahan in cibaadu mid uu alle ula gaar noqo ay noqoto” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

“Ha lagu arko,ha lagu maqlo ama há lagaa sheego, waxay ka mid tahay waxyaabaha acmaasha buriya ama aadka iyo aadka u baabi’iya ayey arrintaasi ka mid tahay, marka waxa loo baahan yahay in Ikhlaas ama gaar yeelid cibaado mesho loo tago saasna loo guto” ayuu BBCda u sheegay Sheekh Cabdi Xayi.

Waa fursad aysan muslimiinta oo dhami wada helin inay booqdaan dhulka barakaysan, laakiin Sheekh Cabdi Xayi, waxaa uu tilmamay in qofka muslimka ah ay tahay inuu diiradda saaro sidii ugu faa’iidaysan lahaa maalmaha kooban ee halkaa joogo inuu ku nooleeyo cibaado iyo acmaal waqtigiisa oo dhan

Sheekh Cabdi Xayi, wuxuu sheegay in waxyaaba waayadan soo baxay ee baraha bulshada laga arkayey ee dadka cibaadaadka ka mashquulinyaaan waxaa ka mid ah, “Qofku cibaadadiina wuu rabaa, wax kale oo dadka la wadaagana inuu ku dhex wato ayuu rabaa, marka qofkii meesha u aadanay inuu dano kale ku samaysto meesha waxaa ka baxaysa cibaadadii. Haddi alle dartis u aadayna inuu sidag ugu quruxda badan ayaa fiican” ayuu intaas ku daray.

Isagoo ka hadlayey Sheekh Cabdi Xayi, sawirada iyo muuqaallada lagu mashquulo inta qofku ku sugan yahay Masaajidada barakaysan ayuu sheegay inay tahay halka shaydaanku ka so gala dadka loona baahan yahay in la iska ilaaliyo.

Wuxuu sheegay in baraha bulshadu hadda dadka jaahweerinayaan, “ Kacbadan Tagay, ama halkaas maryey iyo halkaas ayaan tagay, waa wax runtii dadka ehlu khayrkaa aysan aad u jeclayn, marka waxaa laga yaabaa in cibaaddada qofka wax gaarsiiso.”

“Waxaa laga yaaba in la iska ilaalo wixii meesha loo tagay oo waxyaabo kale lagu mashquulo sida View, iyo like ii saar ama shareta ii taabo inay kacbadii la gasho ayaa dhici karta, haddii marka mesha in View lagu soo badsado loo tagay wuxuu mesha u tagay ayey noqonaysaa ” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

Maxay tahay in qofku sameeyo markuu tago dhulka barakaysan?

 

Khadiibka masaajiddada barakaysan ee Xaramka iyo Masjidu Nabewi, Sheekh Cabdiraxmaan Al.-sudaysi ayaa qudhiisa ka digay muuqaalada iyo sawirda inta qofka muslimka uu ku jiro cibaado gudashada.

Sheekh Sudaysi oo la hadleyey barmaajik warbaahinta Al-Akhbaariya ee afka carabiga ayaa sheegay in maalmaha lagu guda jiro bisha barakaysan ay muhiim tahay in lagu mashquulo akhrinta quraanka iyo acmaasha kahyrka leh inta la joogo guriga Eebe.

Sheekh Cabdi Xayi ayaa sidaas oo kale sheegay in muhiimada loo booqdo dhulka barkaysan ay tahay in acmaal cimro ama xaj loo tago oo cibaado ah sidaas owgeedna ay muhiim tahay in iyada xooga la saaro.

Wuxuu sheegay in dadka an Soomalida ahayn ee Muslimiinta ah markay Xaramka tagaan la arko buu yiri iyagoo aad u ooya ama cibaado uun u banbaxay balse wuxuu intaa ku daray in isagu xitaa la yaabo sida dadka waqti ugu helaan waxaan cibaado ahayn

“Soomalideenii qalbi adayg baa ku dhacay, marka la kala garayo inay kacbadii joogaan iyo inay guryahoodii joogaa, meshaas maaha meel tamashle,maaha meel loo tagayo igu sawir, maaha meel loo tagayo ha laga arko, waa meel loo tagayo cibaado, waxyaahihii bananada iyo magaanada lagu hayey yaan la gayn meshaas barakaysan ” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

Cimrada iyo gargaarka dadka danyarta ah

Sida uu BBCda u sheegay Sheekh Cabdi Xayi, in cimrada iyo Xajkaba dadka gutaa ay tahay kuwa awood u leh inay gutaan balse hadiii sida uu hadalka u dhigay in qofku hal mar soo cimraysto ku noq noqoshadeeda ay ka muhiimsan tahay gargaarka dadka danyarta ah.

“Qofku waa intuu karo, ama cimor há ahaado ama Xajj, intaas wixii ka danbeeya kharaashaad ku baxay ku noq noqashada gaar ahaan Soomaaliya waxaa laga yaaba qofka cimrada ku noq noqaya in dariskiisu uusan haysan waxay ku afuraan, taas ayaa ajar badan.”ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

XIGASHO BBC

Sierra Leone declares emergency over drug kush – made from human bones

Sunday 7, April ,2024 {HMC}  Sierra Leone’s president has declared a national emergency over rampant drug abuse.

Kush, a psychoactive blend of addictive substances, has been prevalent in the country for years.

President Julius Maada Bio called the drug a “death trap” and said it posed an “existential crisis”.

One of the drug’s many ingredients is human bones – security has been tightened in cemeteries to stop addicts digging up skeletons from graves.

Groups of mostly young men sitting on street corners with limbs swollen by kush abuse is a common sight in Sierra Leone.

With a bandage around his ankle, one recovering addict told the BBC the drug has a tight grip on him.

“I don’t like doing this, but I cannot leave it because I enjoy it,” he said.

There is no official death toll, but one doctor told the BBC that “in recent months” hundreds of young men had died from organ failure caused by kush in the capital, Freetown.

The psychoactive substance also takes a toll on mental health – the Sierra Leone Psychiatric Hospital, the country’s only institution of its kind, says between 2020 and 2023, admissions linked to kush surged by almost 4,000% to reach 1,865.

 

And the spike in kush use has seen Freetown’s main cemeteries request police security to protect themselves from young men digging up skeletons – ground-up human bone is one of the many ingredients used to make kush, although it is not clear why.

In a nationwide broadcast on Thursday night, President Bio said: “Our country is currently faced with an existential threat due to the ravaging impact of drugs and substance abuse, particularly the devastating synthetic drug kush.”

He added that there had been “escalating fatalities” among kush users.

The president also directed officials to set up a National Task Force on Drugs and Substance Abuse, which will primarily focus on “combatting the kush crisis”.

He said centres will be set up in every district and “adequately staffed by trained professionals to offer care and support to people with drug addiction”.

At present, Freetown is home to the country’s only functioning drug rehabilitation centre. The 100-bed facility was hurriedly set up in an army training centre earlier this year.

Experts have described it as “more of a holding centre than a rehab” because of its lack of adequate facilities.

As well as addressing treatment, the president said law enforcement agencies should “dismantle the drug supply chain through investigations, arrests, and prosecutions”.

Deputy Mayor of Freetown Kweku Lisk told the BBC that his office had requested security from the police in order to tackle gravediggers.

At the moment, there is a night-time police deployment at the Kissy Road cemetery, a large unfenced site in an eastern suburb.

Mr Bio’s administration has been criticised by people who say it lacks the strategy and drive to respond to kush abuse.

“Such is the vacuum left by the lack of adequate response that communities have often had to take the law into their own hands and have responded to the crisis sometimes in a disjointed and crude manner”, said a foreign diplomat in Sierra Leone.

This sentiment has been echoed by callers on some local radio talk shows and on social media.

Dr Abdul Jalloh, head of the Sierra Leone Psychiatric Hospital, said Mr Bio’s emergency declaration is “the right step” and will be “crucial in addressing drug use”.

“It signifies the prioritisation of resources, attention and intervention to combat this growing epidemic,” he said.

Some 63% of the hospital’s current patients were admitted with kush-related problems.

Marie, a mother who lost her 21-year-old son to kush, said: “There is a lot the authorities must do beyond the president’s address last night to combat this scourge.”

SOURCE BBC

{DAAWO SAWIRADA} Maxaa ka taqaanaa Daroogada laga sameeyo lafaha Dadka bani aadamka ?

Axad 7, April ,2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Sierra Leone ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo heer qaran ah oo la xiriirta isticmaalka daroogada dalkaasi oo aad u batay.

Kush, oo ah waxyaabo la’isku farsameeyay isla markaana ah sidoo kale waxyaabo la qabatimo, ayaa dalka ku baahday sanado badan.

Madaxweyne Julius Maada Bio ayaa dawadan ku tilmaamay “dabin dhimasho” wuxuuna sheegay inay keentay “dhibaato jirta”.

Mid ka mid ah maaddooyinka faraha badan ee ay ka kooban tahay dawadan ayaa ah lafaha bini’aadamka, taasina waxa ay sababtay in aad loo adkeeyo ammaanka xabaalaha si looga hortago dadka balwadda leh ee qodaya qabuuraha isla markaana qaadanaya qalfoofka qofka dhintay.

Waxaa inta badan la arkaa kooxo dhallinyaro u badan oo fadhiya hareeraha waddooyinka oo ay luguhu bararsan yihiin, isla markaana ay ka muuqdaan saameynta daroogada loo yaqaanno Kush taas oo arrin caadi ah ka noqotay dalka Sierra Leone.

Isagoo faashad ay uga dheggan tahay lugta qaybteeda hoose ee anqawga, mid ka mid ah kuwa isticmaala balwaddan balse haatan ka soo kabanaya ayaa BBC-da waxaa uu u sheegay in daroogadu ay si adag u qabatay isaga.

“Ma jecli inaan tan sameeyo, laakiin kama tagi karo sababtoo ah waan ku raaxeeystaa,” ayuu yiri.

Ma jirto tiro rasmi ah oo dhimasho, balse mid ka mid ah dhakhaatiirta ayaa BBC-da u sheegay in “bilihii la soo dhaafay” ay boqollaal dhallinyaro ah u dhinteen hawlgabka xubinta taranka daroogada Kush awgeed caasimadda Freetown.

Daroogadan ayaa sidoo kale dhibaato ku ah caafimaadka dhimirka, Cisbitaalka dhimirka ee Sierra Leone, oo ah hay’adda kaliya ee nooceeda ah ee ka jirta dalkan, ayaa leh inta u dhaxaysa 2020-kii iyo 2023-kii, qaabilaadda waxay gaartay 1,865.

Kororka isticmaalka Kuushka ayaa keentay in maamulka xabaalaha ugu waaweyn ee Freetown ay booliska ka codsadaan ammaanka qabuuraha si ay isaga difaacaan ragga dhallinyarada ah ee qodaya lafaha bini’aadamka oo ah mid ka mid ah maaddooyinka badan ee loo isticmaalo samaynta daroogada Kush, inkastoo aan la garanayn sababta.

Madaxweyne Bio ayaa farriin dalka oo dhan lagu baahiyay habeenimadii Khamiista, waxa uu ku yiri, “Dalkeenna hadda waxaa soo food saaray khatar jirta oo ay ugu wacan tahay saameynta xun ee daroogada iyo isticmaalka mukhaadaraadka, gaar ahaan kuwa waxyeellada leh ee daroogada kush.”

Waxa uu intaa ku daray in ay jiraan “dhimasho sii kordhaysa” oo ay la kulmeen isticmaalayaasha Kush.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faray mas’uuliyiinta in ay dhisaan guddi heer qaran ah oo ka hortaga maandooriyaha, kuwaas oo marka hore diiradda saari doona “la-dagaalanka daroogada Kush”.

Waqtigan xaadirka ah, Freetown waxay hoy u tahay xarunta kaliya ee dhaqan celinta daroogada ee dalka ka shaqeysa.

Ku xigeenka duqa magaalada Freetown Kweku Lisk ayaa BBC-da u sheegay in xafiiskiisu uu ka codsaday booliska in ay sugaan ammaanka si wax looga qabto dadka qabuuraha qoda.

Xilligan, waxaa jira ciidamo boolis ah oo habeenkii la geeyo qubuuraha Kissy Road, oo ah goob weyn oo aan darbi lahayn oo ku taal duleedka bari.

 

 

Maamulka Mr Bio ayaa waxaa dhaleeceeyay dad sheegay in dowladda ay ka maqan tahay istaraatiijiyad iyo dadaal ay uga jawaabaan dhibaatooyinka Kush.

“Taas oo kale waa khasaaraha cad ee jira waana jawaab celin ku filan oo ay bulshooyinku inta badan ku qasbanaadeen inay sharciga gacmahooda ku qaataan,” ayuu yiri diblumaasi ajnabi ah oo ku sugan Sierra Leone.

Dr Abdul Jalloh, oo ah madaxa cisbitaalka dhimirka ee Sierra Leone, ayaa sheegay in ku dhawaaqida deg-degga ah ee Mr Bio ay tahay “tallaabada saxda ah” ayna noqon doonto ” mid muhiim u ah wax ka qabashada isticmaalka daroogada”.

“Waxay ka dhigan tahay mudnaanta koowaad, fiiro gaar ah iyo faragelinta lagula dagaallamayo arrintan sii kordheysa,” ayuu yiri.

Ilaa 63% bukaannada cusbitaalka hadda kujira waxaa loo seexiyay dhibaatooyin la xiriira Kush.

Marie, oo ah hooyo wiilkeeda oo 21 jir ah ku weyday Kush, ayaa tiri: “Waxaa jira wax badan oo ay tahay in maamulku sameeyo oo ka baxsan khudbadii madaxweynaha si loola dagaallamo aafadan.”

XIGASHO BBC