Home Blog Page 286

1,000 ruux oo ku geeriyootay Shilal ka dhacay Somaliland 5tii sano u danbaysay!?

0

Wasaarada Gaadiidka & Jidadka Somaliland ayaa soosaartay tira-koobka diiwaanka galay shantii sanno lasoo dhaafay ee la xiriira shilalka ka dhacay Deegaannada maamulkaas, waxaana lasoo bandhigay dadka dhintay, inta shil ee dhacday, dhaawaca & hantida ku burburtay.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland Cismaan Ibraahim Nuur Afgaab ayaa Warbaahinta u sheegay in 37,000 oo shil uu ka dhacay guud ahaan Deegaannada Maamulkaas, waxaa ku dhintay oo la xaqiijiyay 1,000 qof halka ay ku dhaawacmeen 25,000 oo ruux.

Hantida ku baaba’day shilalka ka dhacay ee diiwaanka Wasaaradda Gaadiidka Somaliland gashay waa $200 oo milyan oo Doollar, waxaa intaas dheer dhaawacyada qaarkood oo la dhigay Isbitaallo halka kuwo kale oo dhibaatada gaartay fududeyn guryahooda dib ugu laabteen.

Inta badan shilalka waxaa loo sababeeyaa waddooyinka oo burbursan, Wadayaasha oo si mas’uuliyad ku dheehan tahay u kaxayn Gawaarida & wacyiga Hay’adaha ku shaqada leh Nabadgalyada waddooyinka oo hooseeya.

{DAAWO MUQAALKA} RFS oo xabad joojin Aqbashay xilli ay xasuuq Dhawaan geeysatay.

0

Talaado  25, Nov 2025 {HMC} RFS oo xabad joojin Aqbashay xilli ay xasuuq Dhawaan geeysatay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo u ambo-baxay Marooko,

0

Talaado 25, Nov 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saakay u ambo-baxay dalka Marooko, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Madasha sanadlaha ah ee MEdays.

Madasha oo sanadkan ay ka soo qeybgalayaan 120 waddan, is lamarkaana uu martigelinayo Boqorka Marooko, ayaa Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka, dadaallada dowladdu ku xoojinayso amniga iyo dowladnimada.

MEdays oo sanadkan la qabanayo Shirkiisii 17-aad, ayaa waxa uu diiradda saaraya isbeddellada xawliga ku socda ee siyaasadda caalamka, mustaqbalka amniga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka dalalka adduunka.

Xoogagga RSF oo ku dhawaaqay xabad joojin hal dhinac ah.

0

Talaado 25, Nov 2025 {HMC} Xoogagga Taageerada Degdega ah ee Sudan, ayaa Isniintii ku dhawaaqay xabbad joojin bini’aadantinimo oo saddex bilood ah, maalin ka dib markii taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan uu diiday hindise xabbad-joojin caalami ah o la soo bandhigay.

Taliyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah, Maxamed Xamdaan Dagalo, oo loo yaqaan “Hemedti,” ayaa muuqaal la duubay ayaa yiri: “Iyada oo ku saleysan mas’uuliyadda qaran ee naga saaran iyo ka jawaabista dadaallada caalamiga ah, oo ay ugu horreeyaan hindisaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dadaallada dalalka afarta ah … waxaan ku dhawaaqeynaa xabbad joojin bini’aadannimo oo ay ku jiraan joojinta colaadaha muddo saddex bilood ah” waxaana ku heshiinnay sameynta habka kormeerka caalamiga ah.

Dagalo ayaa shaaca ka qaaday in xabad joojintan bini’aadantinimo ay ka mid tahay, joojinta colaada, loogana gol leeyahay in lagu difaaco dadka rayidka ah iyo in la xaqiijiyo in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo deegaanada ay colaaduhu saameeyeen.

Hadal uu jeediyay oo lagu daabacay baraha bulshada ee Ciidamada Taageerada Degdegga ah, ayuu ku sheegay in tallaabadani ay jawaab u tahay wax uu ku tilmaamay “dadaal caalami ah oo loogu talagalay dadka Suudaan”,

Waxaa uu xaqiijiyay in ciidamadiisa ay ka go’an tahay fududeynta howlaha bini’aadantinimo, iyadoo la xaqiijinayo dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha gargaarka, hubinta in si aan caqabad lahayn loo gaaro gargaarka, ilaalinta xarumaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa qaranka, iyo awood la siinayo kooxaha caafimaadka si ay u gutaan waajibaadkooda.

12-kii bishii Sebtembar, heshiiska afar geesoodka oo ka kooban Mareykanka, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa soo bandhigay qorsheyaal lagu soo afjarayo colaadda Suudaan, taasoo qeexaysa xabbad joojin bani’aadamnimo iyo hannaan siyaasadeed oo horseedaya xukun rayid ah.

Dhanka kale, shalay, taliyaha ciidamada Sudan ayaa soo jeedintii ugu dambeysay ee ay soo bandhigeen Mareykanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha gobolka si loo soo afjaro dagaalka sokeeye, ku tilmaamay in ay tahay tii ugu xumeyd ee abid la soo bandhigo.

Muqaal laga duubay Janaraal Abdel Fattah al-Burhan, ayuu ku sheegay in qorshaha xabad joojinta ah ee lala galayo ciidamada taageerada degdegga ah ee RSF, uu baabi’in doono doorka Ciidamada Qalabka Sida, isla markaana u ogolaan doono maleeshiyada inay ku sii sugnaadaan goobahooda.

Taliyaha ciidamada ayaa ku eedeeyay ergayga Mareykanka, Massad Boulos, inuu ku hadlayo afka Imaaraadka Carabta, oo ah mid ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha kale, kaasoo uu ku eedeeyay inay taageeraan RSF.

Shil Sababay Dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay Garoowe,

0

Talaado 25, Nov 2025 {HMC} Magaalada Garoowe xarunta Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa ka dhacay shil sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawac qof kale oo la sheegay in uu ahaa askari kaddib markii Gaari nooca raaxada ah uu ku dhacay mooto Bajaaj.

Ciidamada ammaanka Magaalada Garoowe oo goobta tagay ayaa gacanta ku dhigay wadaha Gaariga oo noociisu lagu sheegay Toyota Harrier isla markaana uu xawaare xad-dhaaf ah uu ku waday kolkii uu shilka galayay.

Booliiska Gobolka Nugaal ayaa tilmaamay in uu baarayo Darawalka Gaariga waday oo qudhiisa dhaawac soo gaaray, hay’adaha ammaanka ayaa su’aalo ka weydiin doonna shilkaas sida uu u dhacay iyo wararka sheegaya in uu xiligaas soo isticmaalay walxaha maanka dooriya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shilkaas kaddib israsaasayn ka dhacday Magaalada Garoowe uu ku dhintay askari katirsan ciidanka cusub ee Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Suudi Shire.

La soco wixii kasoo kordha

Wararkii ugu Dambeeyay Ruushka oo weerar culus iyo qaraxyo ku ekeeyay Ukraine.

0

Talaado 25, Nov 2025 {HMC} Ruushka ayaa weerar kale oo culus oo dhanka cirka ah ku qaaday Kyiv, iyadoo qaraxyo laga maqlay caasimadda Ukraine, xilli diblomaasiyiinta ay sii wadaan wada-hadallada lagu soo afjarayo dagaalka.

Dadka ayaa loogu baaqay inay dhismooyinka ka baxaan ayna isaga fogaadaan goobaha bannaan.

Magaalada Geneva ayaa waxaa ku shiraya dalalka Yurub ee xulafada la ah Ukraine, kuwaasoo ka arrinsanaya soo afjaridda colaadda Ruushka.

Maxuu yahay Go’aanka ka dhan ah Trump ay ku dhawaaqday Ilhaan Cumar.?

0

Talaado 25, Nov 2025 {HMC}  Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo madaxda kale ee xisbiga Dimuqraadiga-Farmer-Labor ayaa cambaareeyey beegsigii dhawaan Madaxweyne Donald Trump iyo xisbiga Jamhuuriga ay ku sameeyeen jaaliyadda Soomaalida Maraykanka ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

“Kuma eedayno sharci-darrada hal shakhsi bulsho dhan,” ayay tiri Ilhaan, iyada oo tixraacaysa dilal badan oo ka dhacay Minnesota iyo kiisas musuq ah oo ku saabsan adeegyada bulshada, kuwaas oo qaar badanoo ka mid ah ay ku lug lahaayeen Soomaali-Maraykan lagu eedeeyay inay boqollaal kun oo doollar inay ka qaateen barnaamijyada dowladda ee loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta gaajaysan, lagu caawiyo dhalinyarada autismka qaba iyo in ay dadka ka caawiyaan helitaanka guri.” Ayay tiri.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay Jimcihii inuu si degdeg ah u joojinayo barnaamijka difaaca siinaya Soomaalida Maraykanka ee (TPS) isaga oo ku andacooday inay koox Soomaali ah ay argagax galinayaan dadka gobolka Minnsota. Barnaamijkan ayaa soo bilowday 1991 oo uu xilligaasi uu talada hayay madaxweyne xisbiga Jamhuuriga.

”Koox Soomaali ah ayaa argagax galinaya dadka gobolkaasi weyn, waxaana la waayay balaayiin doolar,” ayuu Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social.

”Aniga, ka madaxweynaha Maraykanka ahaan, halkan ayaan ku joojinayaa, iyada oo dhakhso loo dhaqan galinayo, barnaamijka ilaalinta ku meel gaarka ah (TPS) ee Soomaalida Minnesota,” ayuu yiri.

Barnaamijka TPS ee Soomaalida ayaa la bilaabay wakhtigii madaxweynihii hore George H.W. Bush, bishii September 1991. Waxa ay siisaa difaac dowladeed dadka ajaanibka ah ee u qalma, kuwaas oo dalkooda si nabad ah ugu noqon karin, sababo la xiriira dagaal sokeeya ama musiibooyin dabiici ah.

Ila iyo 17 dal ayaa u qalma barnaamijkan, waxase maamulka Trump uu ku dhawaaqay inuu ka joojinayo TPS dhow dal oo ay ku jiraan Venezuela iyo Nicaragua.

Maamulka madaxweynihii ka horeeyay Trump ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa kordhiyay u qalmidda Soomaalida ee barnaamijka isaga oo gaarsiiyay ilaa bisha Maarso 17, 2026.

Soomaalida Minnesota badankood waa muwaadiniin Maraykanka ah, waxaana jira oo kali ah 705 dad Soomaali ah oo haysta TPS, sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay adeegga cilmi-baarista baarlamanka ee dhinacna u janjeerin. Haddii la barbar dhigo, in ka badan 330,000 oo u dhashay Haiti oo haysta TPS iyo 170,000 oo ka soo jeeda El Salvador.

Jaylani Hussein oo ah agaasimaha fulinta ee golaha xiriirka Maraykanka-Islaamka ee Minnesota ayaa isaga oo ay soo xiganayo wakaalada wararka Reuters sheegay in go’aanka Trump uu niyad-jab ku yahay, maaddaama Soomaalida su’aasha la galiyay ay ahaayeen muhaajiriin sharci ah, waxaana uu intaa ku daray in tallaabada Trump ay kala kaxayn karto qoysas.

”Kuwani waa muhaajiriin sharci ah mana ahan inay la kulmaan dhibaato ka dhalatay ciyaar siyaasadeed oo lagu ciyaaro bulshada muslimka ah.Dadkani waxaa ay raacayeen sharciga,” ayuu yiri.

Abshir Cumar oo ah xeeldheere siyaasadeed oo isagana ay soo xiganayso Reuters, horayna u taageeray Trump doorashadii madaxweynanimo ee 2024 ayaa sheegay inuu filayo go’aanka in la horgeeyo maxkamad.

Waxa uu sheegay in go’aankaasi uu dhaawici karo xiriirka dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee muddada dheer ee Soomaaliya la leedahay oo Maraykanka u soo bandhigay Maarso, maamulid gaar ah oo hawadeeda iyo Dekedeheeda ah, ayna isla markaas muujisay danaynta iskaashiga shirkadaha Maraykanka si loo sahmiyo keydadkeeda shidaalka ee waaweyn.

Musharraxii dhowaan u tartamay duqa magaalada Minneapolis, ahna senator heer gobolka ah Cumar Faatax ayaa go’aanka kadib bartiisa bulshada ku soo qoray ”madaxweynuhu ma haysto awood uu kaligiis ku joojin karo barnaamijkan”.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Deegaanka oo fuliyay howlgal qorsheysan.

0

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Deegaanka ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka, oo loo diyaariyay loona fuliyay si qorshaysan, ayaa lagu khaarijiyay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, laguna magacaabi jiray Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal, oo ahaa horjoogaha jabhadaha Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kana mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo door ku lahaa isku-duwidda dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka iyo qaraxyada ay Khawaarijtu ka fulin jireen gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka waxay bogaadinayaan geesinimada iyo naf-hurnimada ciidanka, waxayna mar kale caddeynayaan in howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ay si joogto ah u socon doonaan illa laga ciribtiro haraadiga cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Ciidanka DFS oo qaaday howlgallo lagu burburinaayo goobo Fariisimo u ahaa AS.

0

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyey goobaha fariisimaha u ahaan Kooxda Al shabaab ka fuliyey tuulooyin hoos yimaada Degaanka Baladul aamiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo ka dhacay degaanka Baladul aamin iyo tuulooyinka kala nuur Dhicisow,Beerta Shariif Muqtaar iyo Beerta Shacab dile ayaa waxaa fuliyey cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS,

Ciidamada oo si xeeladeysan u beegsaday goobaha ay Al shabaab ku dhuumaleysanayeen iyo Baraha lagu dhibaateeyo Dadka Shacabka miinooyinka ay ugu tala galeen inay ku waxyeelleeyaan shacabka Soomaaliyeed sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha Ciidamada Soomaaliya.

Taliyaha ururka 251 ee Guutada 25 aad ee Qeybta 27 Aad Ciidanka Dhulka XDS Dhal dheere , ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyey goobihii Gabaadka u ahaa Al shabaab
Taliyuhu waxa uu xusay in howlgalada ay sii socon doonaan, ilaa laga xaqiijinayo badbaadada shacabka iyo xoraynta dhammaan deegaannada ay Al shabaab isku dayaan in ay kaga dhuuntaan ciidanka xoogga dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Itoobiya oo lagu eedeeyay in dhalinyarada ay si qasab ah ugu qoreyso ciidamada”

0

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Itoobiya oo lagu eedeeyay in dhalinyarada ay si qasab ah ugu qoreyso ciidamada”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA