Home Blog Page 3048

WAR DEG-DEG AH: Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo goordhaw geeriyootay dalka Jabuuti

Arbaco-December-20-2023-{HMC}  Allaha u naxariistee waxaa goordhaw isbitaal kuyaalla dalka Jabuuti ku geeriyootay Wasiirkii Arrimaha Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo Jabuuti xanuun kula soo booday.

Masuuliyiin katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo ehelkeeda ayaa goordhaw xaqiijiyay in ay geeriyootay Wasiir Khadiija Diiriye, waxaana geerideeda si weyn uga naxay madax iyo shacab badan oo si weyn u yaqaanay.

Khadiija Diiriye ayaa soo aheyd in ka badan 23-sanno xildhibaan katirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay sidoo kale wasiir kasoo noqotay xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray.

{DAAWO SAWIRADA} Ra’isul Wasaare Xamse Abdi bare oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Arbaco-December-20-2023-{HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen, xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha

 

Xamsa Barre ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay doorka ay ka qaataan dowlad dhiska iyo amniga Soomaaliya, xilliyadii kala duwanaa ee la soo maray, isaga oo xusay in Jabuuti ay tahay walaal iyo saaxiib muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay

 

Dhankiisa, Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay guulaha waaweyn ee ay ka soo hoysay muddada kooban, dagaalka ay ku ciribtireyso Khawaarijta , qaadista Cunaqabateynta hubka, ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika iyo cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn { 20 12 2023}

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Shugri baryare maxamuud iyo Mustaf ali adoow

Farsamadii :Abdi maajid abdirxmaan aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

{DAAWO SAWIRADA} DFS oo ku biirtay Waddamo Iskaashi wadaag la yeelanaya Midowga Yurub

Dowladda Faderaal Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah si buuxda ugu biirtay wadamada qeybta ka ah heshiis iskaashi wadaag oo dhexmara xubnaha Ururka Africa oo qeyb ka ah Midowga Yurub {EU}

 

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalalka la isku yeraado Benelux iyo Midowga Yurub, Ambassador Yoonis Yaasiin Xaashi {Ooga-Cadde}, ayaa heshiiskaaas ku saxiixay Munaasabad ka dhacday Xarunta Ururka Africa, ee Brussels

 

Heshiiskan ayaa dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya Africa iyo Midowga Yurub, waxa ayna labada dhinac isaga kaashan doonaan nabadda iyo amniga, hormarka bulshada, kobaca dhaqaale, xuquuqul Insaanka, iyo arrimo kale

 

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay qeyb ka noqotay ururo iyo hay’addo caalami ah, waxa ayna dowladda xoojineysa xiriirka kala dhaxeeyo caalamka intiisa kale, iyagoona waxyaabo badan ka faa’iidi doonto ku biirista ururadaasi

 

Hay’adda Lacagta Adduunka IMF oo Soomaaliya u Deeqeysa lacag maaliyeed oo dhan $100 Milyan

Hay’adda Lacagta Adduunka ee loosoo gaabiyo IMF ayaa ansixisay hannaan cusub oo Soomaaliya lagu taagaarayo si ay u hesho lacago ay ku kobciso dhaqaalaheeda isla markaana saddex sanno qorshahaas uu yahay

 

Lacagta IMF ay ansixisay waa $100 Milyan oo doollar oo 3 sano lagu siinayo Dowladda Soomaaliya oo dhowaan si rasmi ah looga cafiyay dayntii waqtiga dheer lagu lahaa kaddib markii ay kasoo baxday shuruudihii la hordhigay

 

Soomaaliya ayaa horumar muuqda ka samaysay hagaajinta hannaanka Maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha Dalka, sare u qaadista Miisaaniyadda iyo dhammaystirka barmaanijka ay kula dagaalamayso Musuqa {Wax isdaba-marinta}

 

Barnaamijkaan cusub ayaa ujeedkiisu yahay in wax laga qabto caqabadahaan iyada oo la taageerayo istaraatiijiyadaha dib u habaynta ee lagu xoojinayo dhaqaalaha Soomaaliya ee marxaladda Dayn cafinta kasoo gudbay

 

Hay’adda Lacagta Adduunka IMF ayaa ku qanacday hannaanka Maaliyadda Soomaaliya, dib u hagaajinta iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Hay’adaha ka shaqeeya dhinaca Lacagta ee Dalka oo sanadihii u dambeeyay kordhiyay dedaalka xooggan oo ay sameynayaan

Faah faahino laga helayo Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamo huwan ah iyo A,S oo hadda socda Magaalooyinka Caad iyo Camaara ee Koofurta gobolka Mudug

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka oo is garabsanaya iyo A.S ayaa ka socda deeganka jeexjeex iyo Buurta Yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka Caad iyo Camaara ee Koofurta gobolka Mudug

 

Weerarka dagaalka ku bilowday waxaa qaaday ciidanka xoogga iyo xoogagga deegaanka oo is kaashanaya, kaddib markii ay heleen xogta dagaaltahanno katirsan A,S o isku aruursanayay deegaanadaas

 

Saraakiisha Ciidanka xoogga hoggaamineysa ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in dagaalka lagu jabiyey A,S, waxa ayna xuseen in wali sii baacsanayaan firxadka kooxd A,S

 

Howlgalka ayaa qeyb ka ah halganka sifeynta A,S ee ka socda Koofurta Mudug oo dhul ballaaran looga xoreeyey kooxda A,S oo horey u heesatay deegaanno badan oo dhaca koonfurta gobolka Mudug.

{DAAWO MUUQAALKA} Guddomiye Aadan Madoobe waa soo dhamaaday waqtigii AS

0

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Guddomiye Aadan Madoobe waa soo dhamaaday waqtigii AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Sodma oo la wareegtay Gargaarkii labaad oo kaga Yimid Hay’adda Bisha Cas

0

Arbaco-December-20-2023-{HMC} Sodma oo la wareegtay Gargaarkii labaad oo kaga Yimid Hay’adda Bisha Cas

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Chinese embassy hands over 1 mln USD to help flood victims in Somalia

0


Wednesday December 20, 2023

The Chinese Embassy in Somalia on Tuesday handed over one million U.S. dollars in humanitarian aid to the Somali government to help victims of the recent floods in the Horn of Africa nation.

Chinese Ambassador to Somalia Fei Shangchao said the latest humanitarian assistance from Beijing will bring some respite to victims of flooding caused by El Nino rains.

“When the floods hit Somalia, China was the very first country this year to reach out to Somalia. This is already the fourth time this year for the Chinese government to reach out to Somalia in times of need, as we all know the long history of our friendship,” Fei said.

Mohamud Moallim Abdulle, the commissioner of the Somali Disaster Management Agency, thanked China for the timely assistance to the flood victims. “The Chinese government supports Somalia directly; the assistance is tangible and reaches people.”

Flooding in southern and central Somalia has killed more than 100 people and displaced 1.7 million, according to government statistics.

Failure to charge Somali national leaves officer reeling in straits

0


By Alvin Mwangi  and Oliver Musembi
Wednesday December 20, 2023

The Director of Immigration Services is on the spot over failure to charge Osman Ahmed Kahia, an alleged Somali national despite authorizing police officers to arrest him for being in Kenya without legal documents.

In a letter seen by People Daily, the lobby group Commission for Human Rights and Justice says the Immigration Services through Anti-Terror Police Unit (ATPU) Mombasa arrested the said individual and a charge sheet was prepared but the case has never been expedited.

“The Commission has come to the knowledge that sometime in 2020 the department of Immigration came to the knowledge of the presence of Osman Ahmed Kahia, Somali national who apart from being in Kenya unlawfully had obtained registration by false pretences. Your office through the ATPU arrested the individual and a charge sheet prepared,” reads the letter signed by Judy Ogogoh, the CHRJ Executive Director.

In the letter, the Commission wants the State to explain whether the said individual was ever charged in a court of law, convicted or acquitted and if he was convicted whether he was deported to his country of origin.

The Commission wants to know if any meaningful action was ever taken to bring the culprit to justice and demands that the immigration office should take appropriate measures against the foreigner with a view of securing the safety of the people and public property.