Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC} DF oo la wareegtay deeq lacageed oo gaaraysa hal milyan oo Dallar.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC} DF oo la wareegtay deeq lacageed oo gaaraysa hal milyan oo Dallar.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC} Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha gudaha iyo Amniga xildhibaan Nuur Axmed Diiriye xaaladda
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC} Wasiirka Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys “Saxafiyintu waa in ay ka digtonaadaan xogaha been aburka ah
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; abdimajiid Iyo abdisamad
Farsamadii :mohamed baryare haamud
Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC} DF oo Maanta la wareegtay deeq lacageed oo gaaraysa hal milyan oo Dallar.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC} Dagaalka ka socda gobalka Sool oo xoogeystay, khasaaro badan oo jira iyo SSC oo dhul hor leh la wareegtay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC} Maxay looga haday kulankii qarsoodi aha ee MW Deni & guddi gaar ah oo baarlamaanka Puntland ka tirsan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC} Ciidamada RSF ee Sudan ayaa sheegay in ay qabsadeen saldhig ciidan oo afaraad oo ku yaala Darfur, halkaas uu ka dhacay mid kamid ah dagaalladii ugu adkaa ee ka dhaca qeybo kamid ah dalka Sudan.
RSF waxa ay sheegtay in ay la wareegeen saldhigii ku yaalay magaalada El Daein ee xarunta gobolka Darfur, halkaasi oo ay ka qaxeen dad badan oo deganaa maalmihii lasoo dhaafay rabshado ka dhacay halkaasi awgeed.
Ciidamada milatariga Suudaan ayaa horay u lumiyay gacan ku haynta saldhigyada Koonfur, Galbeedka, iyo Bartamaha Darfur, waxaana halkaasi awoodooda kusii xoogeesaneysaa ciidamada RSF..
RSF ayaa lagu eedeeyay dilal isir ku salaysan oo ka dhacay gobolka Darfur. In ka badan shan milyan oo qof ayaa barokacay tan iyo markii ay colaaddu ka dillaacday Suudaan bishii April ee la soo dhaafay.
Waxaa jira calaamado muujinaya in nabadgelyo-xumadu ay sii fidayso iyada oo rabshadihii u dambeeyay ay sidoo kale ka dhaceen deegaanka saliidda hodanka ku ah ee Abyei oo u dhow xudduudda Koonfurta Suudaan.
Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC} Cabdixamiid Maxamed Cali Wasiirka hub ka dhigista & Dhaqancelinta Maleeshiyaad ee Dowlad-Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay in deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo lagu xoojinayo nabadeynta deegaannadaas.
Waxa uu tilmaamay in waxba kama jiraan uu yahay war la faafiyay oo ah in Beelaha Qaar la beegsanayo si hubka ay heystaan looga qaado, digniin ayuu Wasiir Cabdixamiid u diray shakhsiyaadka arrintaas ku howlan sida uu hadalka u dhigay.
Howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Dhexe ayuu ku sifeeyay in uu yahay mid lagu soo celinayo Amniga iyo is dhexgalka Bulshada si arrintaasi loo xoojinaya loo baahan yahay in loo dhabar-adeego howshaas socota sida uu yiri.
“saddexdii bilood ee lasoo dhaafay wixii halkaan ka dhacayay waad wada ogtihiin oo dagaalku waxa uu isku baddelay ‘Dagaal Mindhicireed’ waxa aan ka shaqeyneynaa in aan gacan adag kusii heyno Amniga, warka ku tiri kuteenta ah ee sheegaya qoys degen Cadale in la beegsanayo waa been abuur, Dadka waxaa laga dhex qabanayaa kuwa fidnada wada ee ku dhex jira” Wasiirka Hub ka dhigista & Dhaqancelinta Maleeshiyaadka DG Hir-Shabeelle.
Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo kaashaneysa Dowladda Federaalka ayaa diiradda saartay xal u helista dagaal beeleed kusoo noqnoqday deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana goobihii ugu badnaa ee dagaalladaas la dejiyay Ciidamo Booliis & Nabadsugid ah.
Arbaco Nofembar 22, 2023 {HMC} Xildhibaannada waddanka Koonfur Afrika ayaa Talaadadii u codeeyay in la xiro safaaradda Israa’iil ee Pretoria, lana joojiyo dhammaan xiriirkii diblamaasiyadeed ilaa laga gaarayo xabbad-joojin dagaal Gaza.
Qaraarkan ayaa ah mid inta badan fulintiisu ay hortaal xukuumadda Madaxweyne Cyril Ramaphosa; iyada oo afhayeen u hadlay madaxtooyada uu sheegay in Ramaphosa “uu xusay inuu qaddariyo” qaraarka baarlamaanka ee ku aaddan xiriirka diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika iyo Israa’iil, gaar ahaan maqaamka safaaradda.
“Madaxwaynaha iyo golaha wasiiradu waxay ku hawlan yihiin arrintan, taas oo weli ah fulinta mas’uuliyadda qaranka,” ayuu yiri Vincent Magwenya.
Ramaphosa iyo saraakiisha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa si bareer ah u dhaleeceeyay hoggaanka Israa’iil intii uu socday dagaalka Marinka Gaza, iyaga oo ugu baaqay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada inay baaritaan ku sameyso dambiyada dagaal ee suurtagalka ah.
Safaaradda Israa’iil markiiba kama jawaabin codsi ahaa inay ka hadasho arrintan.
Isniintii, safiirka Israa’iil ee Pretoria ayaa looga yeeray Tel Aviv si uu wadatashi ula yeesho dowladdisa kahor codbixintan, taasoo Talaadadii lagu ansixiyay codadka 248 xildhibaan, halka 91 xildhibaan ay diideen qaraarkan.
Isha: VOA SOMALI