Home Blog Page 3166

Baladweyne”Dad ay qaadeyn Biyaha Fatahaada oo meydkooda la helay iyo kuwa la baadi-goobayo Caawa.

0

Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Xaalado Magaalada Baladweyne ahaa ah Mid Qatar ah kadib markii Wabiga Shabelle uu si weyn ugu fatahay Xaafadaha Magaalada Baladweyne 24 saac ee ugu dambeeyay, biyaha ayaa qaaday manta ilaa labo qof oo shacab ah kuwaas oo ilaa iyo hada meeydkooda la baadi goobayo.

Sidoo kale kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa manta soo saaray meeydka Wiil dhalinyaro ah kaasi oo shalay ay biyaha fatahaada ay qaadeyn, waxaana meeydkiisa la dhigay xaafada xaawo taako manta. Halis mida ugu weyn ayaa ka jirto halka loo yaqaano Buundada Nuurxawaad oo ah marin halis ah, halkaasi oo ay joogan boqolaal qof oo daawasho u aaday halkaasi.

Majirto Maamul gobol, Mid degmo iyo Ciidan ku sugan Buundada Nuurxawaad , si Bulshada looga badbaadiyo qataraha biyaha fatahaada Wabiga Shabeelle.

dadka ku haray Magaalada ayaa xiligan Dareemayo Cabsi aad ubadan madaama guryahii qaar ee dadkaasi ay dageeyn ay biyaha galeeyn manta ilaa xalay. Sidoo kale biyaha fatahaada ayaa gaaray qeeyb kamid ah deegaanka Ceeljaale oo ay dageeyn dadkii Gudaha Magaalada ka barakacay, taasi oo sababtay in mar labaad ay barakacaan.

Biyaha fatahaada ayaa kor usii socda saacadba saacada ka dambeeyso, waxaana jiro qataro badan oo ay sababi karaan, sida ay sheekeyn Maamulka degmada Baladweyne.

{DAAWO MUQAALKA} Taliska guutada 9aad ee Ciidanka xoogga dalka qeybta gobalka Bakool oo maanta lagu warejiyay deeq xoolo ah .

0
Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Taliska guutada 9aad ee Ciidanka xoogga dalka qeybta gobalka Bakool oo maanta lagu warejiyay deeq xoolo ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 13.11.2023

0
Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay ee soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn 13.11.2023

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Sida ay qoyskan ugu dhacday labo geeri oo ka dhalatay youtuber

0
Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Sida ay qoyskan ugu dhacday labo geeri oo ka dhalatay youtuber

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} “Markaan iska xoreynay AS ayaan dareennay Xornimo” Gudoomiyaha deegaanka Biyo-cade

0
Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} “Markaan iska xoreynay AS ayaan dareennay Xornimo” Gudoomiyaha deegaanka Biyo-cade

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka ganacsiga oo komeer ku tagay xarunta warshada Coca Cola

0
Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Wasiirka ganacsiga oo komeer ku tagay xarunta warshada Coca Cola

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ku howlan u gurmashada Shacabka Soomaaliyeed

0
Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ku howlan u gurmashada Shacabka Soomaaliyeed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wasiirad ka hor timid dibed baxyada lagu taageerayo Falastiin oo shaqada laga eryey

Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman ayaa shaqada laga eryay, iyadoo Ra’iisul Wasaare Rishi Sunak uu isku shaandheyn ku sameyn doono golihiisa wasiirada

Ms. Braverman ayaa dhowaan waxay ku eedaysay booliiska London inay ay dhinac la safteen” marka la eego sidii ay u maareeyeen dadkii taageersanaa Falastiniyiinta ee dibadbax ka dhigay London.

Wasiiradan ayaa dooneysay joojinta mudaharaadyada lagu taageerayay falastiiniyiinta, xillia ay wali socdaan duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysanayaan marinka Qasa

Mudaharaadkaas oo Laba maalmood ka hor, London lagu qabtay wuxuu ahaa dibadbaxii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Falastiiniyiinta ee ka dhaca caalamka.

Wasiiraddan shaqada laga eryey ayaa marar badan waxay ku baaqday in xakameeyo dadka soo galootiga ah ee dalka Ingiriiska, taas oo dad badan ku dhaliileen arrintaas.

Dagaalo culus oo ka socda agagaarka Isbitaalka Al-Shifa & Milateriga Israel oo..

Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in dagaal xooggan uu ka socdo agagaarka isbitaalka Al-Shifa.

Xaaladaha gudaha cisbitaalka al-Shifa waa “masiibo” maadaama adeegyadii muhiimka ahaa ay dameen sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka Mohammad Abu Salmiya.

Ku dhawaad ​​7,000 oo qof ayaa hadda ku hoyda Isbitaalka, oo ay weheliyaan 1,500 bukaan iyo shaqaale caafimaad.

“Isbitaalku waxa uu waydiistay ciidanka Israa’iil 600 oo litir oo shidaal ah saacad kasta si ay u kiciyaan mishiinada, balse wali ciidanku wax jawaab ah kama bixin” ayuu raaciyay.

Axadii, militariga Israel ayaa sheegay in 300 oo litir oo shidaal ah ay dhigeen albaabka laga galo dhismaha isbitaalka, balse waxa ay sheegeen in Xamaas ay ka hor istaagtay in isbitaalka la siiyo.

Abu Salmiya ayaa u sheegay Al Araby TV in shaqaaluhu aad uga cabsadeen inay dibadda u baxaan si ay shidaalkaas u soo qaadaan sababo la xiriira dagaalo culus oo ka socda agagaarka isbitaalka.

“Waxaan u sheegnay ciidanka Israa’iil in 300 oo litir oo shidaal ah aysan ku filneyn in lagu shaqeeyo isbitaalka wax ka badan 30 daqiiqo,” ayuu mar kale yiri agaasimaha “Ma jiraan biyo dheeraad ah, cunto, caano” ayuu intaas ku daray.

Isbitaalka Al-Shifa wuxuu hoos yimaadaa Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza, oo ay maamusho Xamaas. Israa’iil ayaa ku andacoonaysa in Xamaas ay xarunteedu tahay meel ka hoosaysa dhismaha isbitaalka. hase ahaatee Dhakhaatiirta isbitaalka iyo Xamaas way diideen sheegashadaas, iyagoo dalbaday in loo soo diro isbitaalka kormeerayaal caalami ah si ay baaritaan u sameeyaan.

Wariye ka tirsan shabakadda Al Carabiya, Khader al Zaanoun oo ku sugan gudaha isbitaalka ayaa xaalada halkaas ku tilmaamay mid argagax leh.

“Xiriirku aad buu u xun yahay, waana wax aan macquul ahayn in aan soo sheegno waxa ka dhacaya Isbitaalka iyo deyrarkiisa, waxa aan haysanaa khadadka gacanta laakiin ma haysanno internet,” ayuu yiri.

“Qofna ma dhaqaaqi karo, kumana dhiiran karo inuu isbitaalka ka baxo, waxaan aragnaa qiiq ka baxayay dhismayaasha ku yaalla agagaarka isbitaalka, waxaana ognahay inay jiraan dad ku sugan dhismayaashaas qaarkood laakiin ambalaasyadu kama bixi karaan isbitaalka sababtoo ah maalmihii ugu dambeeyay ayaa ambalaas lagu dhuftay gantaal xilli ay ka baxaysay Isbitaalka, hareeraheena oo dhan waxaa ka socda dagaalo qaraar, qaraxyada iyo rasaastu kala joogsi malaha, mana garanayo wax aan ku tilmaamo xaalada” ayuu yiri weriyaha.

Israel waxay sheegtay iney jirto wado dhanka bari ka xigta isbitaalka oo ay isticmaali karaan dadka lugeynaya, iyo ambalaasyada. hase ahaatee dad isku dayey inay isticmaalaan waddadaas si ay uga baxaan ayey ciidamada Israel toogteen, kuwaasoo xitaa la sheegay in la awoodi waayey meydadkooda in la soo qaado sida uu sheegay maamulka Isbitaalka.

Al Zaanoun wuxuu sheegay in dadka ku jira cisbitaalka ay gaajoonayaan, ma jiraan cunto ama biyo la cabbi karo, “Waxaan si dirqi ah u helnaa biyaha tuubada hal saac maalintii.” ayuu yiri

{DAAWO MUQAALKA} Ganacsatadeenu waxay ku dhiiradeen in dalka ay maalgashi ku sameeyaan xilli xaaladu ay adagtahay.

0

Isniin Nofembar 13, 2023 {HMC} Ganacsatadeenu waxay ku dhiiradeen in dalka ay maalgashi ku sameeyaan xilli xaaladu ay adagtahay.

  HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA