Home Blog Page 3184

{DAAWO SAWIRADA} Dagaal culus oo Sababay Dhimasho,Dhaawac, Hub iyo Maxaabiisna lagu kala qabsaday oo dhaxmaray Soomaaliland iyo SSC Khaatumo

0

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} Deegaanka Buq-Dharkayn ee dhaca gobolka Sool ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada maamulka SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland, waxaana ka dhashay khasaare aan weli la shaacin baaxadeeda.

Ciidamada maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan taliyihii saadka ee maamulka Somaliland, waxaana ciidamadan u suurtagashay in ay sidoo kale la wareegaan labo gaari oo nooca dagaalka ah.

 

Soomaaliya – Deegaanka Buq-Dharkayn ee dhaca gobolka Sool ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada maamulka SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland, waxaana ka dhashay khasaare aan weli la shaacin baaxadeeda.

 

Ciidamada maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan taliyihii saadka ee maamulka Somaliland, waxaana ciidamadan u suurtagashay in ay sidoo kale la wareegaan labo gaari oo nooca dagaalka ah.

 

Sawiro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya maxaabiis iyo qalab ay ciidamada SSC-Khaatumo gacanta ku dhigeen.

 

Dagaalo goos-goos ah ayaa weli socda oo u dhaxeeya labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka labada dhinac aysan wax war ah ka soo saarin.

{DAAWO SAWIRADA} Qoysaskii Ugu Badnaa oo ka barakacay Jiinka Wabiga Shabeelle ee Magaalada Baladweyne

0
Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} Qoysaski ugu badna ayaa ka baracay Deeganada dhaca jijnka wabiga shabelle ee waqooyiga gobolka Hiiraan kadib markii ay ka cabsi qabaan in uu si lama filaan ah u sameyso fatahada taas oo halis gilin karta noloshooda.

 

Dadkii ka barakacay deegaanada Jiinka Wabiga Shabelle ayaa ka cabanaayo xaalad Nolol xumo oo ku haaysato deegaanada ay u barakaceen.

 

Qaar kamid ah dadka barakacayaasha ayaa la hadlay warabaahinta hiiraanweyn ayaa codsaday in kaalmo deg deg ah lala so gaaro madaama aysan hooy iyo hu,

 

 

Dadka qaar ayaa dhistay guryo ka kooban ulo yar yar ah baakado kuwaas oo aan celin karin roobabka xoogan ee ka da”ayo qeybo kamid ah Soomaaliya.

 

{DAAWO MUIQAALKA} Dagaal culus oo dhaxmaray Soomaaliland iyo SSC, khasaaro ayaa jira xili labada dhinac ay ka hadleen.

Arbaco Nofembar 08, 2023 {HMC} Dagaal culus oo dhaxmaray Soomaaliland iyo SSC, khasaaro ayaa jira xili labada dhinac ay ka hadleen.

 

{DAAWO MUIQAALKA} Baladweyne biyaha fatahaada waxay moogaaneysaa saacado oo kaliya”Cabdullahi qoofiyoow”

Arbaco Nofembar 08, 2023 {HMC} Baladweyne biyaha fatahaada waxay moogaaneysaa saacado oo kaliya”Cabdullahi qoofiyoow”

 

{DHAGEYSO} Warka habeenimo ee warbahinta Hiiraanweyn 08/11/2023

Arbaco Nofembar 08, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Abdi Rahman Muse Osman

Farsamadii :Abdimajiid aweys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABENIMO

 

Muxuu yahay Mowqifka Turkiga ee ururka Xamaas?

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} ANKARA —  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taageero xooggan u muujiyay Ururka Xamaas iyo dagaalka uu kula jiro Israel, isagoo Xamaas ugu yeeray dhaqdhaqaaq xorriyad doon ah.

 

Dadka arrimahan ka faalooda ayaase qaba in Turkiga uu weli yahay dariiq muhim ah shidaalka iyo Tamarta Isreal.

 

Sida ay qabaan dadka arrimaha Turkiga odorosa, Faraqa u dhaxeeya hadalada kulkul ee afka laga yirahdo iyo Ficilka waa qeyb ka mid ah doorka diplomaasiyadeed ee ay Ankara ku dooneyso inay ka qaadato colaadda Qaza.

{DAAWO SAWIRADA} Roob xoogan oo ka adaay Muqdisho oo saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka

0

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} Roob xoogan oo maanta ka adaay magaalada Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka

 

Roobka oo mudo kooban da”ayay ayaa biyo farabadan ku so rogay qaar kamid ah wadaayinka dagmooyinka Gobolka Banaadir kuwaas oo sababay in uu istaako isku socodka dadka iyo gaadiidka.

 

Biyaha faraha Badan ee uu ku so rogay Wadooyinka  Magaalada Muqdisho ayaa sababay in ay qaar kood bur buraan sida ka muuqato sawirada ay Hiiraanweyn ka qaaday goobaha ay bur buriyeen daadadka ka so rogmada roobabka maanta da ay.

{DAAWO SAWIRADA} Nasri Warsame Oo Looga Adkaaday Kursiga Golaha Deegaanka Xaafada 10-Aad Ee Minneapolis

0

Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC}  Wararka ka imanaya wadanka Mareykanka ayaa Sheegayo in Nasri Warsame looga adkaaday Kursiga xaafada 10-aad ee golaha deegaanka Minneapolis waxaana kaga guuleystay gabadha lagu magacaabo Aisha Chughtail.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, waxaa ka adkaatay Nasri warsame oo kursigan ku guuleysatay gabadha asalkeedu yahay Hindi ee lagu magacaabo Aisha Chughtail.

Wiilkan Dhalinyarada ee Soomaaliga ah ee lagu magacaabo Nasri warsame ayaa olole xoogan waday waayadan, isagoo Soomaalida iyo ajaanibta kaleba ka dalbanayay iney codka siiyaan si uu ugu guuleysto kursiga uu mudada dheer u ololeynaayay.

Death toll from rains, floods in Somalia rises to 29

0

Mogadishu (HMC) – At least 29 people have been killed and more than 305,000 people displaced following heavy rains and flash flooding in south-central Somalia, officials said on Tuesday.

The Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SoDMA), Mahamud Moallim Abdulle, stated that the El Nino rains had the most severe impact on Jubbaland and the South West regional states, particularly in the Gedo, Bay, and Bakool regions.

In Jubbaland, the flooding of the Jubba River in the Gedo region affected major districts, including Luuq, Dolow, Garbaharey, Bardher, and El Wak. The rains also affected the Afmadow and Jamame districts in the Lower Juba region of Jubbaland State.

In South West State, the downpours took their toll on districts such as Baidoa, Burhakaba, Bardale, Qansah Dhere, Hudur, and Rabdhure. In Hirshabelle state, Beledweyne and Jowhar towns, along with nearby villages, were affected, and in Galmudug state, Galkacyo, Dhusamareb, and Adado towns witnessed the impact of the relentless rains.

In response to this dire situation, the Somali federal government declared a state of emergency on Monday. Emergency responders have been working to reach those still trapped by floodwaters in various districts of Jubbaland and South West States.

The federal government swiftly mobilized various supplies, including food and water, for over 300 affected families. SoDMA agency, in collaboration with the United Nations, delivered one boat and two engines to the Luuq district to assist those stranded by the flood disaster. The agency also prepared essential medicines to prevent waterborne diseases.

SoDMA agency urged the Somali people, businesses, scholars, and humanitarian-focused non-governmental organizations to expedite their assistance and support in this challenging situation facing the Somali community.

El Nino, a naturally occurring weather phenomenon, causes surface waters of the central and eastern Pacific to warm, affecting weather patterns worldwide.

The heavy rains came one year after the Horn of Africa suffered its worst drought in around 40 years, which, along with rising prices in food due to war in Ukraine, caused 43,000 people to die, according to the U.N., and put Somalia on the brink of famine.

 

Source Hiiraan Online

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Ciidanka XDS la Kulmay Masuuliyiin ka Socda Midowga yurub

0
Arbacoo Nofembar 08, 2023 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya  Gen, ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow iyo Taliyaha Ciidanka Hawlgalada Midowga yurub iyo saraakiil kale ayaa ka wadahadlay xoojinta dhismaha ciidamada iyo Taageerada Ciidamada Soomaaliya.

 

Arimo  badan ayaa looga hadlay intii uu socday kulankaan waxaana ka mid ah tababarka Ciidamada, kaabayaasha, qaab dhismeedka ciidamada, qorista ciidanka , isgaarsiinta, dhimista ATMIS iyo arima kale oo muhiim ah.

 

Dowladdaha Midowga Yurub waxa dadka iyo Dalka Soomaaliyeed ku taageeraa mashaariicdooda iyo howlgalladooda ay ka wadaan Soomaaliya