Home Blog Page 321

Yaa Awood badan milateri ee Itoobiya iyo Masa.?

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Warbixin la daabacay 2020-kii ayaa tilmaamaysa in marka ay timaado awoodaha milateri ee dalalka Masar iyo Itoobiya, milateriga Masar lagu qiimayn karo in uu kamid yahay tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka, dhanka milateriga.

Shabakadda The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sanadkan 2020 ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 9-aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 60-aad ee ugu awoodda badan dunida.

Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka bariga dhexe marka laga soo tago Turkiga oo ah dalka ugu awodda badan gobolkaas.

Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof.

Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari.

Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba.

Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Abiy Ahmed, Raysalwsaaraha Itoobiya Xigashada Sawirka,Getty Images
Itoobiya oo kamid ah dalalka geeska Afrika ugu awoodda badan ayaa tirada dadka ku nool waddankaas waxa ay gaarayaan 108 milyan oo ruux.

Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee hataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaarayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari.

Milateriga dalka Itoobiya ayaa GFP uu kusoo wariyay in uu heysto 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 oo ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska.

Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaaradood oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, 9 diyaarad oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeya.

Maxaa keenay in Saacaddan lagu iibinayo $1.3 Milyan oo Doolar.?

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Saacad laga helay jeebka maydka mid ka mid ah rakaabkii ugu taajirsanaa markabka Titanic ayaa la filayaa in lagu xaraasho 1 milyan ginni oo u dhiganta 1.3 milyan oo dolar.

Isidore Strauss iyo xaaskiisa Ida ayaa ka mid ahaa in ka badan 1,500 oo qof oo ku dhintay markabka oo ka yimid Southampton kuna sii jeeday New York, kaddib markii uu jiiray baraf 14-kii April, 1912-kii.

Maydkiisa ayaa laga soo saaray badweynta Atlantic maalmo kadib masiibadaas, waxaana hantidiisa ka mid ahaa saacad dahab ahayd oo dhan 18 karat oo uu sameeyay Jules Jorgensen, taas oo la xarashi doono 22-ka November.

Mr. Strauss waxa uu ahaa ganacsade Maraykan ah iyo siyaasi asal ahaan ka soo jeeda gobolka Bavarian, iyo milkiilaha dukaanka Macy ee New York.

Dowladda Shiinaha oo u hanjabay Japan.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Shiinaha ayaa uga digay Japan in ay la kulmi doonto jab culus haddii ay isku daydo in ay awood u adeegsato faragelinta muranka ka taagan yahay ee maqaamka Taiwan.

Hanjabaadda ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Shiinaha ayaa jawaab u ah hadallo uu jeediyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Japan.

Sanae Takaichi ayaa todobaadkii hore sheegay in weerar hubaysan oo lagu qaado jasiirada Taiwan ay keeni karto jawaab militari oo ka timaada Japan.

Xigasho BBC

Mareykanka oo ka walaacsanyahay in uu ka iibiyo diyaaradda F-35 Sacuudiga, kadib markii uu ka cabsooday Shiinaha.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Wargeyska New York Times , ayaa ku warramay inuu Mareykanka ka walaacsanyahay haddii uu diyaaradda F-35 ka iibiyo Sacuudiga , inay ka dhalan karto Shiinaha inuu helo xog ama farsamo ka mid ah tiknoolajiyada horumarsan ee diyaaraddan, maadaama xiriirka amniga ee Sacuudiga iyo Shiinaha uu sii xoogeysanayo.

Tani waxay u muuqataa bilowga cududaar lagu raadinayo sidii dib loogu dhigi lahaa diyaaradahan inay hesho Sacuudiga ama tallaabo lagu cadaadinayo boqortooyadda si loogu qasbo xiriirka diblomaasiyadeed ee Israa’iil, xilli gudaha Mareykanka ay ka wadaan loobbiga Israa’iil in diyaaradahan lagu wareejiyo Sacuudiga.

 

Milatariga Suudaan oo Maanta ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Kooxda RSF.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Hoggaamiyaha milatariga Dowladda Suudaan, Cabdifatax Burhaan ayaa maanta ku dhawaaqay inuu milatariga billaabayo duullaan ay dib ugu qabsanayaan galbeedka gobolka Darfur.

Go aankan ay maanta gaareen hogaanka Meleteriga dalka Suudaan ayaa yimid si meesha looga saaro xasuuqa iyo gumeysiga ay ka geysanayaan geysaneyso kooxda RSF.

 

FAAH FAAHIN Banaanbax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka taagnaa xaalad ku saabsan gabadh yar oo la sheegay in la dilay habeen hore taasoo ay ka caroodeen bulshada ku nool magaalada gaarahaan dhanka maamulka Puntland.

Gabadha yar ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saabiriin Saleebaan Cabdulle , waxaana la sheegay in si arxan darro ah loo jir dilay.

Taliyaha howlgelinta booliska gobolka Mudug Kabtan Carab Dhuubane oo faah-faahin ka bixinayay dhacdadaan ayaa sheegay in dhacdadaan loo qabtay laba qof isla markaana qof ka mid ah uu qirtay dambiga loo haysto ee ah dilka gabadha yar.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in cadaaladda la mar-siin doono tuhmanayaasha haddii dembiga lagu helo.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Sharci dejinta Bariga Afrika ee 2025-2026.

0

Jimco, 14, Nov 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan Magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa halkaasi uga qeyb galay shirweynaha 20-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo sanadkan looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib u eegista go’aanadii kasoo baxay kulankii kan ka horreeyey iyo natiijadii kasoo baxday shirkii xoghayaasha baarlamaanada urur goboleedka, dib u eegista iyo ansixinta qawaaniinta mashruuc ee guddiga baarlamaanadda ururka iyo sidoo kale qodobo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shirka ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika, Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda, iyo sidoo kale xoghayaha Baarlamaanka Bulshada bariga Afrika, dadaalkooda ku aadan qabsoomida shirka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in shirka uu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay dalalka Bulshada Bariga Afrika ay dadaal badan ku bixinayaan inay xoojiyaan nabadda iyo is-dhexgalka, iyagoo raacaya himilada mideysan ee bulshada, sidoo kalena Soomaaliya ay ku taagantahay ballanqaadkeeda ahaa inay si firfircoon uga qaybqaadato, isla markaana door wax ku ool ah ka cayaarto Bulshada Bariga Afrika oo ay ka tirsan tahay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa guddoomiyaasha baarlamaanadda urur goboleedka la wadaagay in Soomaaliya, ka dib muddo dheer oo la sugayey, ay si guul leh u dooratay xubnaha sagaalka xildhibaan ah oo ku matalaya Golaha Sharci-dejinta Baarlamaanka urur goboleedka, taasina ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay si dhab ah ugu soo laabatay ka qaybgalka iyo iskaashiga gobolka, iyadoo xoogga saaraysa diblomaasiyadda baarlamaaniga ah iyo horumarinta wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn sheegay in Soomaaliya sanadkan dhammaadkiisa, markii ugu horreysay muddo 56-sano ah ka dib ay isu diyaarinayso qabashada doorashooyin toos ah oo dowladaha hoose ah islamarkaana la filayo in shacabka Soomaaliyeed ay toos u doortaan hogaankooda, taasoo ka mid ah horumarada ay hiigsaneyso dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale inta shirka uu socday waxaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Sharcidejinta ee Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee 2025-2026.

Inta shirka uu socday ayaa la isku raacay in Soomaaliya ay marti galin doonto kulanka kan xiga ee gudoomiyayaasha baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika oo dhici doona Bisha May sanadka 2026, waxaana guud ahaan shirweynaha 20-aad ee guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ku uu saabsanaa horumarinta iskaashiga, maamulka, iyo hagaajinta habraacyada baarlamaannada gobolka iyadoo la kaashanayo madaxda baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah.

Ruushka oo soo bandhigay robot-yo hubeysan oo ka qeyb galaayo Dagalada.

0

Jimco, 14, Nov 2025 (HMC) Dowladda Ruushka ayaa markii u horreysay soo bandhigay robot-yo hubeysan oo loo diyaarinayo inay dagaallada ka qeybgalaan.

Arrintan uu sameeyay ruushka ayaa markiiba walaac xoogan laga muujiyay, xili uu dagaal kula jiro Dalka yugreen.

Kenya’s miraa sector hit by 17% export slump to Somalia in first half of 2025

Friday November 14, 2025 (HMC) Kenya’s miraa exports to Somalia fell 16.9 percent in the first half of 2025, dropping to 1.7 million kilograms from 2.1 million kilos a year earlier, as rising competition from Ethiopian producers and restrictions in Somalia disrupted shipments, according to the Agriculture and Food Authority.

AFA data shows that February recorded the lowest exports at 199,860 kilograms, while May posted the highest volume at 356,427 kilograms. Exporters say the trade has grown more unpredictable as Ethiopia strengthens its hold in key Somali markets, cutting into Kenya’s long-standing dominance in the region.

The downturn has renewed concerns about Kenya’s heavy reliance on Somalia as its primary miraa market. The sector has faced sustained volatility due to shifting policies in Mogadishu, fluctuating demand, and the growing appeal of Ethiopian suppliers offering competitive prices and faster supply chains.

In response, Kenya has intensified efforts to diversify its export destinations. In July 2025, Djibouti formally opened its market to Kenyan miraa after a series of bilateral missions in late 2024. The agreement requires Kenyan traders to comply with Djibouti’s permit system and product standards. AFA Director General Dr. Bruno Linyira hailed the deal as “a crucial milestone” for expanding the country’s export footprint.

Kenya’s dependence on Somalia has posed risks in recent years. The country only resumed miraa exports to Somalia in 2022 after Mogadishu lifted a two-year ban imposed during a diplomatic dispute under former President Mohamed Abdullahi Farmaajo. Although trade later normalized, exporters warn that the sector remains vulnerable to political shifts and regional competition.

Source Hiiraan Online

Muxu yahay Warka Ay beenisay Galmudug Oo Kusaabsan Dowladda Federaalka ?

vJimco, November 14, 2025 (HMC) Galmudug ayaa beenisay eedeymo kasoo baxay Puntland oo ku saabsan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ku tababarto koonfurta magaalada Gaalkacyo si loogu adeegsado qalqal galinta amniga Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in hadalladaasi aanay sal iyo raad toona lahayn, ayna wax u dhimayaan xiriirka iyo kalsoonida maamulada deriska ah.

Waxay Puntland ugu baaqeen inay soo bandhigto caddeymo ku saaabsan in ciidamo ka soo jeeda Puntland lagu tababarayo Koonfurta Gaalkacyo. Sidoo kale, waxay sheegeen in eedeyntani ay tahay gef ka dhan ah maamulkooda, kuna baaqay in laga bixiyo raali-gelin.

“Haddii ay wax tabasho ahi jirto, waxaan rabnaa guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland inuu caddeymo keeno. Waan diyaar u nahay inaan kaxayno, si uu noo soo tuso xeryooyinka lagu tababaro ciidanka lagu burburinayo Puntland.” ayuu yiri Xildhibaan Bashiir Sheikh Axmed oo katirsan baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali (Jifojabsade), ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Galmudug loo maro qorshayaal wax u dhimaya xasilloonida Puntland. Wuxuu ku adkeystay in ay jiraan xeryo ciidan oo ku yaalla Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo lagu diyaarinayo maleeshiyaad loo adeegsanayo amniga Puntland.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, uu dhowaan sheegay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku tababarto deegaano ka baxsan Puntland, balse ay yihiin ciidan qaran oo aan wax xiriir ah la lahayn dano gaar ah oo Puntland ka dhan ah.