Home Blog Page 324

{DAAWO MUQAALKA} Gabar 14 jir ah oo si naxariis daro ah looga dilay G/mudug.

0

Qamiis 13,Nov 2025 {HMC} Gabar 14 jir ah oo si naxariis daro ah looga dilay G/mudug.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Kenya ayaa sheegtay in in ka badan 200 oo muwaadiniinteeda ah ay ku biireen ciidamada Ruushka.

0

Qamiis 13,Nov 2025 {HMC} Kenya ayaa sheegtay in in ka badan 200 oo muwaadiniinteeda ah ay ku biireen ciidamada Ruushka.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Saraakiil Mareykan ah iyo Sacuudiga oo wada-hadallo adag ku yeeshay magaalada Riyadh.

0

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Saraakiil Mareykan ah iyo Sacuudiga ayaa wada-hadallo adag ku yeeshay magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, kuwaasoo lagu diyaarinayo heshiiska difaac oo Sacuudiga uu ku doonayo inuu helo dammaanada amni ee Mareykanka oo ay ku jirto weerar kasta oo Sacuudiga la kulmo inan loo baahneyn ansixinta golayaasha sharciga ee Mareykanka, mid la mid ah heshiiska difaac ee Mareykanka iyo Qatar,sida ay sheegtay Axios.

Wada-hadalladan waxay dhaceen ka hor booqashada rasmiga ah ee Aqalka Cad uu ku tagayo dhaxal-sugaya boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, taa oo noqonaysa middii u horreysay tan iyo markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilkii Jamal Khashoggi ee sanadkii 2018.

Mareykanka, waxaa wada-hadallada ku matalayay wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner, kaa oo hoggaamiyaha heshiiska Carabta iyo Israa’iil ay ku yeelanayaan xiriirka diblomaasiyadeed.

Iran oo Sameysay Bandhig dadweyne oo ay ku soo bandhigtay gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

0

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa markii u horreysay dadweynaha u oggolaatay bandhig gaar ah oo lagu soo muujiyay hubka Iiraan ee isugu jira gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Bandhigga oo toddobaad soconaya ayaa lagu arki karaa toban nooc oo gantaallada riddada dheer ee gudaha Iiraan lagu sameeyay iyo noocyada diyaaradaha Shahed ee aan duuliyaha lahayn.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynaha Soomaaliya Oo Aljeeriya kala hadlay ka Hortaga Tahriibka dhalinyarada.

0

Qamiis 13,Nov 2025 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya Oo Aljeeriya kala hadlay ka Hortaga Tahriibka dhalinyarada.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Uk oo Soo Saartay Go’aan ka Careeysiiyay Soomaaliland ee dhinaca Socdaalka ah.

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Dowladda Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa soo saartay warbixin cusub oo ku saabsan socdaalka Soomaaliya, taas oo ay muwaadiniinteeda ku wargelisay inay qaataan dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya oo Somaliland ku jirto lakiin marka ay u socdaan magaalada Hargeysa looga baahanaandoono in ay markale garoonka ku qataan dal-ku-galka Somaliland, halka dadka u socda caasimadda Muqdisho aan looga baahnayn dal-ku-gal labaad.
Tilmaantan cusub ayaa lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee dowladda UK, waxaana lagu sheegay in ay khusayso dadka sita baasaboorka buuxa ee muwaadiniinta ah ee doorta in ay u safraan Soomaaliya. 

“Muwaadiniinta u socda Madaarka Caalamiga ah ee Muqdisho waa inay hore u dalbadaan E-Visa ka hor inta aysan iman dalka. Laakiin dadka u socda Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa waxaa laga yaabaa in lagu waydiiyo fiisahaas marka ay diyaaradda raacayaan, balse laguma aqbalayo marka ay Hargeysa tagaan.”

 

Sida lagu caddeeyay warbixinta, dadkaas waa inay iibsadaan fiise hal-mar ah (single-entry visa) marka ay gaadhaan garoonka Hargeysa, kaas oo shaqaynaya muddo bil ah. Dowladda UK waxay sheegtay inaan weli la hubin in fiise lagu siiyo meelaha kale ee laga soo galo Somaliland, sidaas darteedna lagu taliyay in dadka safaraya ay xogtooda u gudbiyaan hay’adaha maxalliga ah ama ururka martigelinaya.

Waxaa intaa dheer in qofka socdaalka ah laga yaabo in la waydiiyo warqad martiqaad (invitation letter) oo muujinaysa sababta safarkiisa, taas oo inta badan laga helo goobta shaqada ama hay’adda uu u socdo. Haddii aan la keenin warqaddan, waxaa dhici karta in laguu diido gelitaanka Somaliland.

 

Warbixinta ayaa sheegaysa in qofka doonaya inuu galo Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, uu leeyahay baasaboor ay dhicistiisa ka hadhsantahay ugu yaraan lix bilood.

 

Dowladda UK waxay ku boorisay dadka safaraya inay hubiyaan in baasaboorkoodu buuxiyo shuruudaha lagama maarmaanka ah, isla markaana ayna isticmaalin baasaboorrada lumay ama la soo sheegay in la xaday.

 

Xiisada maamulka hawada ee u dhaxaysa Somaliland iyo Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa meel adag maraysa, iyada oo dhinac waliba uu isku dadayo in uu gacanta ku dhigo maamulka hawada. Dowlada Soomaaliya ayaa doonaysa in ay maamusho hawadeeda oo ay Somaliland ku jirto, halka Somaliland ay doonayso in ay gacanta ku dhigto maamulka hawada deegaanadeeda.

Ku dhowaad 50 qof oo ku geeriyooday xeebaha Liibiya.

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC} Afartan iyo laba qof ayaa lagu soo waramayaa in la la’yahay, ka dib markii doon siday muhaajiriin ay ku degtay xeebaha Liibiya.

Toddoba qof ayaa la badbaadiyey, kadib lix maalmood oo ay ku dhex lumeen badda.

Sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM), inta badan dadka doonta saarnaa ayaa u dhashay dalalka Suudaan, halka kuwa kalena ay ka yimaadeen Soomaaliya, Kameruun, iyo Nayjeeriya.

Waxaa la badbaadiyay kaliya toddobo nin – afar ka yimid Sudan, laba ka socotay Nigeria, iyo mid ka yimid Cameroon. Nasiib darro, 42 qof ayaa weli maqan waxaana loo malaynayaa inay dhinteen, kuwaas oo ay ku jiraan 29 ka yimid Sudan, siddeed ka soo jeeda Soomaaliya, saddex ka yimid Cameroon, iyo laba ka yimid Nigeria.

Sida ay sheegeen dadkii ka badbaaday, doonta, oo siday 49 qof oo tahriibayaal iyo qaxooti ah (47 rag ah iyo 2 dumar ah), ayaa ka ambabaxday Zuwara 3-dii November abaare 03:00 subaxnimo. Qiyaastii lix saacadood ka dib, doonta ayaa rogmatayo oo dhammaan rakaabkii saarnaa ayaa ku daataay badda gudaheed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo ka degay Muqdisho

Khamiis 13, Nov 2025 {HMC}– Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya kii labaad ee uu ku tego Soomaaliya, tan iyo markii uu baneeyay xilka madaxtinimo.

Wuxuu sidoo kale ku soo beegnayaa iyadoo siyaasiin hore ay sameysteen isbahaysi siyaasadeed oo ay ku doonayaan inay kaga qeyb galaan doorashada soo socota.

Farmaajo ayaa ahaa madaxweynihii sagaalaad ee soo mara dalka Soomaaliya, isagoo xukunka hayay intii u dhaxeysay 2017-2022-kii.

{DAAWO MUQAALKA} Qaban qaabada Soo dhaweeynta M/Farmaajo oo Muqdisho ka Socoto.

0

Qamiis 13,Nov 2025 {HMC} Qaban qaabada Soo dhaweeynta M/Farmaajo oo Muqdisho ka Socoto.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA