Home Blog Page 3275

Puntland oo ku eedeysay Somaliland inay ciidamo kusoo daabushay magaalada Ceerigaabo

0

Talaado , October -10- 2023-{HMC} Maamulka Puntland ayaa wuxuu ku eedeysay Somaliland inay ciidamo kusoo daabushay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo dhawaan ay ka dhacday is rasaasayn dhexmartay ciidanka booliiska iyo koox maleyshiyaad ah.

Israsaasayntaas ayaa salka ku haysay markii ciidanka booliiska Somaliland ay xireen rag lagu sheegay inay ahaayeen kuwo ka ganacsada maandooriyaha. Walow warar kale ay sheegayeen in ragga la xiray ay kasoo qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay Laascaanood.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash wuxuu ugu baaqay Somaliland inay ciidamada ka saarto koonfurta magaalada Ceerigaabo.

“Waxaan ugu baaqaynaa Maamulkaas inay si deg deg ah uga saaraan Ciidamada ay kasoo abaabuleen deegaanka Oog ee ay geeyeen Koonfurta Ceerigaabo si ay ugu dhibaateeyaan shacabka halkaas degan,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Axmed Karaash wuxuu sheegay haddii ay Somaliland dhegaha ka furaysto in ay qaadan doonaan masuuliyadda ka dhalata arrintaan.

Tan iyo markii Laascaanood colaaduhu ka dhaceen, magaalada Ceerigaabo tiro dhowr jeer ah ayay shaqaaqooyin ka dhaceen, inkastoo odayaasha degaanka ay ku guulaysteen inay xal ka gaaraan.

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya oo Kormeer ugu Tagay Ciidamo ku sugan deegaanka cali fool dheere

0

Talaado , October -10- 2023-{HMC} Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta kormeer shaqo ugu tagay kumaandooska ilaalo qaran oo howlgallo sifayn ah maalmahaan ka waday ciid ciidka oo u dhaw deegaanka cali fool dheere ee gobolka shabeelada dhexe.

Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyay sida ay waajibkoodi ciidaneed uga guteen khawaarijtii ku dhuumaalysanaysay ciid ciidka ,isagoona xusay ineey tahay waxay ku mudanyihiin bogaadin iyo amaan gooni ah.

Sidookale taliyaha ayaa ciidanka iyo saraakiishaba kula dar daarmay ineey sii laba jibaaran dadaaladooda ku aadan baacsiga iyo sifaynta khawaarijta ee goobaha duurka ah ee ay isku dayaan ineey isku soo aruursadaan kana soo maleegaan weeraro fulaynimo ah.

 

Taliska ciidanka dhulka oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa wada dadaalo dheeraad ah oo lagu guubaabinaayo geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira khawaarijta ,isagoo taliyuhu ku sugan yahay furumaha horre ee dagaalka.

{DHAGEYSO } {DHGAYESO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn -10 – 10 – 2023

0

Talaado, October -9- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Mustaf vAli Cadoow iyo iqra abdullahi

Farsamadii :C/kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

Ahmed Mousa Mohamud oo Maanta Lagu dilay Muqdisho.

0

Allaha u naxariistee Kooxo hubaysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Ahmed Mousa Mohamud.

Sarkaalkan oo ka tirsanaa ciidanka Booliska ayaa waxaa kooxaha hubaysan ku dileen degmada Kaxda ee gobalka Banaadir sida ay Warbaahinta u sheegeen goobjooga yaal ku sugnaa nawaaxiga uu falka ka dhacay.

geerida Marxuunka ayaa sababatay markii Kooxda hubaysan ay xabadda ama rasaasta uga dhuftay qeybta sare jirkiisa sida madaxa iyo feeraha taas oo keentay inuu u geeriyooday sida ay mar kale warbaahinta u sheegeen goobjoogayaasha.

dilalka saraakiisha Ciidanka booliiska ayaa maalmahaan ku soo badanayey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

War-saxaafadeed: Xisbiga Dan Qaran oo hoggaamiye KMG ah doortay.

0

Agoosto 15 2020 {HMC} War-saxaafadeed: Xisbiga Dan Qaran oo hoggaamiye KMG ah doortay.

Sargaal ka tirsan ciidanka Asluubta Somalia oo Muqdisho Lagu dilay .

Kooxa ka tirsan Al shabab Ayaa toogtay Osman warsame Rooti oo ahaa Sargaal ka tirsan ciidanka Asluubta Somalia .

Isaga oo ka baxay shaqadiisa oo u sii socdo Hoygiisa oo u ku yaala Dagmada wadajir ayaa lagu dilay xaafada Buul Xuubey oo ka mida isla dagmada wadajir .

Dowladda Somalia ayaa ka tacsiyeesya geeridiisa waxaana la shegay in lagu raad joogo ragii dilay .

In ka badan 35 sana ayuu ka shaqenayay arimaha ciidanka Osman warsame wuxuuna ahaa mid ka mida Saraakiisha ugu fiicnaa ee soo amray ciidanka Asluubta Somalia .

Dowladda Somalia waxay sheegtay in lagu raad joogo ragii dilay kuwaas oo ka baxsaday Goobta uu falka ka dhacay .