Home Blog Page 3282

Maamulka Puntland oo sharraxaad ka bixisay arrin buuq dhalisay

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland, Mudane Maxamed Musadaq Saadiq ayaa soo saaray war xasaasi ah oo buuq xoogan ka dhex dhaliyay baraha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeneka ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri Fudeed Siyasadeed , Qofka Siyaasiga ah waa in uu miisaamaa Hadalkiisa uuna Ka digtoonaadaa inuu ku degdego waxyaalo aan wali waqtigeedii lagaarin”

Hadalkan ayaa waxaa dad badan ay u fasirteen inuu ugu jawaabayo hoggaamiyaha SSC-Khaatuma oo isna ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah Puntland kadib markii uu shaaciyay in doorashada soo socota ee Puntland aysan ka dhici doonin deegaanada maamulkiisa.

Maxamed Musadaq Saadiq oo qoraal kale soo saaray ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeedka hadalkiisa wuxuuna sheegay inuu la hadlayay mucaaradka Puntland ee shalay shirka ku qabsaday magaalada Garoowe, kuwaas oo ku goodiyay inay burbureyso Puntland, haddii doorashada soo socota lagu qaban waayo xilligeeda.

Dadka Soomaaliyeed Fududaa war waxaan ka hadlayey Mucaaradka Puntland oo shalay ka hadlay Garowe Gaar ahaan Siyaasiyiinta Doonaya Xilka Madaxweyne oo Khudbadahooda u ekaayeen dagaal ogayaal” ayuu ku yiro sharraxaddiisa dambe wasiir ku xigeenku.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay mucaaradka inay si dajiyaan, maadaama ay weli doorashada ka harsan tahay saddex bil.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Firdhiye uu yahay mas’uul sare oo maamulka maamulka Khaatuma, isla-markaana arrintan ay u taalla reer Puntland oo dhan.

“Firdhiye ma aha Siyaasi oo xil hayn ee waa Masuul Maamula Khaatumo ,Siyaasi waxa ladhahaa waa Qof aan Xil hayn , waxyaalaha aan waqtigeeda lagaarina waa Doorashada sababtoo ah Dawlada Mandate Sadex bilood ah ayey haysataa ee Hala isdajiyo , Arinta Khatumo Waxa ay U taal waa Reer Puntland oo dhan waana arin lagu xalin karo Wadatashi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Puntland.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo adag, waxaana ugu sii darsantay arrinta SSC, maadaama go’aanka ay qaadatay uu sameynayo doorashadeeda.

 

Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka oo isku raacay musharaxa u taagan afhayeenka aqalka wakiillada

Khamiis , October -12- 2023-{HMC}  Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ayaa iska dhex doortay musharaxa u tartami doona jagada afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka, ka dib markii toddobaadkii hore si lama filaana xilka looga qaaday afhayeenkii hore Kevin McCarthy.

Mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa cod qarsoodi ah ku doortay xildhibaan Steve Scalise, waxaana xisbiga dhexdiisa kula tartamayey Jim Jordan oo haatan ah guddoomiyaha guddi hoosaadka guddida Garsoorka ee aqalka wakiillada.

Xildhibaan Steve Scalise ayaa hortegi doona fadhiga guud ee aqalka wakiillada Maraykanka, isaga oo xilkaas ku guulaysan doona haddii uu helo aqlabiyadda mudanayaasha golaha.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa tiro aad u yar ku hoggaaminaya aqalka wakiillada, iyaga oo haysta 221 mudane, halka xisbiga Dimoqraadigu haysto 212 mudane.

Waa Kee Dalka reer galbeed ah ee ka hor yimid xasuuqa Israel ka wado Gaza?

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}  Raisul Wasaaraha Scotland Humza Yousaf ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay sida bani aadamnimada ka baxsan ee ciidamada Israel u duqeynayaan shacabka Falastiin ee ku dhaqan magaalada Go’doonsan ee Gaza.

“Xaaladda Qaza waa mid aad u xun, mana aha in ciqaab wadareed lagu sameeyo in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku sugan Gaza” ayuu yiri wasiirka koowaad ee Scotland Humza Yousaf.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay si siman in loola dhaqmo shacabka Israel iyo Falastiin, isagoo xusay inuu ka walaacsan yahay xaalada sodohdiis iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa oo ku go’doosan degaanada ay weerartay Xamaas ee Israel.

“Waxa aan u baahanahay hoggaamiyeyaasha inay sameeyaan waa inay ula dhaqmaan nolosha Israel iyo nolosha Falastiin si siman. Sida aan uga walaacsanahay soddohdayda, waxaa jiri doona dad ka tirsan bulshada Yuhuudda ee Scotland oo ka welwelsan qoysaskooda Israa’iil,” ayuu yidhi.

Waxaa uu sheegay in Xamaas ay tahay koox yar oo aan qalmin in loo ciqaabo shacabka Falastiin oo dhan.

“Ciqaabta wadajirka ah ee ragga, haweenka iyo carruurta si fudud looma caddeeyo. Aqlabiyadda tirada badan wax shaqo ah kuma lahan Xamaas.”

Ka dib weerarkii Xamaas Israel ayaa duqeyn aan kala sooc laheyn ka wada Gaza, iyadoo ka jartay korontada, biyaha, cuntada, Korontada iyo waxyabaha kale ee daruuriga, waxaana duqeymaha Yuhuuda ku dhintay illaa hadda dad ka badan 1000 qof, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan shan kun.

Raisul Wasaaraha Scotland Humza Yousaf ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyey dalalka reer galbeedka ee Israel ku dhaleeceeya xad gudubka ay ku heyso shacabka Gaza, iyadoo madaxda reer galbeedka ay horey si buuxda taageero ugu muujiyeen Israel ka dib weerarkii Xamaas.

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Jubbaland oo soo bandhigay rag AS ula goostay gaari iyo hub ay leedahay Jubbaland.

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}  Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay rag Al shabaab ula goostay gaari iyo hub ay leedahay Maamulka Jubbaland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye ku Xigeenkii Gobolka Hiiraan oo is casilay kuna Biiray Hiiraan State

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}   Gudoomiye ku Xigeenkii Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabelle ayaa Caawa is casilay kuna Biiray Hiiraan State.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu danbeyay Soomaaliya iyo Caalamka

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}  Wararkii ugu danbeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn .

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARARKA 

{DHGAYESO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn – 10– 11 – 2023

Arbaco , October -10- 2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinaya: Cabdiraxmaan Macalin Muuse

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo gudaha u galay deegaanka Ciid ciidka Degmada Mahadaay

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka ayaa gudaha u galay dhulka howdka ah ee degaanka Ciid ciidka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe oo maalmihii la soo dhaafay ay ku jireen Maleyshiyaad ka tirsan Kooxda Al Shabaab kuwaas oo dagaal adag la galay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

 

Warbaahinta ku hadasho afka Dowladda ayaa lagu baahiyay sawiro lagu sheegaayo in laga so qaaday godadkii al Shabaab ay ku jireen in muda ah oo ay ka dagaalamaayeen.

 

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xooga dalka soomaaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale oo katirsan Ciidamada Xooga dalka  ayaa maanta kormeeray degaanka Ciidka oo dhawaan laga saaray godod ay ku jireen Kooxda Al Shabaab.

 

In kabadan 15 maalin waxaa ku dagaalamayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka Degaanka Ciid ciidka Dagmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada dhaxe.

 

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay isbadalka Muqaal ee madaxweyne Xasan Sheekh

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay isbadal ku yimid muuqaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal heyn badan ka dhaliyay baraha bulshada, kadib sawiro laga baahiyay madaxweynaha oo muujinaayay isbadalo laga dheehan karay muuqaalka madaxweynaha.

Sawirada hadal heynta badan dhaliyay ee muujinaayay isbadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ahaa kuwa la xariira timaha madaxa iyo garka oo si weyn ugu baxay, kuwaas oo laga qaaday dhawaan maruu korneer ku tagay xeryaha ay ku jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo uu tababar uga socda dalka Eretariya.

Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige oo ka hadlay sawirada hadal heynta badan dhaliyay ayaa sheegay in tahay masuuliyada qaran ee saaran madaxweynaha oo ah mid marwalba keeni karta isbadal.

“Madaxweynaha waxaa loo igmaday shaqo qaran oo adag, mas’uuliyadaha saran awgood waxaa imaan kara walwalka, iyo murugada ka dhalata awgeed is beddel ayaa ku yimaada, madaxweyneheennana waxa uu madaxda caalamka kaga duwanyahay, shaqada qaran iyo in uu muddo ku sugnaa furin dagaal muddo kabadan labo bilood” ayuu yiri Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugnaa labadii bilood ee lasoo dhaafay magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, halkaas oo uu ka hoggaaminaayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, taasoo la tilmaamay iney qeyb ka tahay isbadalka muqaalka madaxweynaha.

“Ciidamada xoogga dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab, ayuu kula noolaa, deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle ayuu madaxweynuhu ku tagay safarro dhulka ah, madaxweynaha shaqadiisa iyo howsha mugga weyn ee uu hayo oo kaliya ayaa ka muuqata ee waxkale majiraan” ayuu sii Afhayeen Dige.

Wuxuu sidoo kale sheegay afhayeenka in madaxweynaha Soomaaliya uu ka tanaasulay waxyaabo badan oo uu heli karay sababo jira aawadeed.

“Madaxweynaha waxyaabo badan oo uu awoodo ayuusan sameynin sababo la xiriira ciidamada uu la joogo in uu noloshooda kula noolaado awgeed, goobaha uu la joogo ciidanka meelo ka qabow oo ka qurux badan ayuu heli karaa, laakiin waxa uu tusaale u noqday xaaladda ciidamada iyo dadka deegaanka ee dagaalka ku jira, marka madaxweynaha waxyaabo badan oo uu heli karo iyo wax loo heli karo ayuu ka tanaasulay” ayuu yiri Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige.

Dowladda Qatar oo War ka soo Saartay Dagaalka ka dhanka ah AS eek a Socdo Soomaaliya.

0

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Dowladda Wadanka Qatar ayaa soo dhaweysay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii loo gaari lahaa nabad, xasillooni, la dagaallanka Alshabaab, horumarinta xaaladaha bini’aadantinimo, dhaqaale iyo bulsho,

Sheikh Jassim bin Abdulrahman Al Thani Xoghayaha Xafiiska Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Caalamiga,, ayaa hadalkan sheegay, intii uu socday wadahadal uu la yeeshay khabiirka madaxa banaan ee xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, iyadoo qayb ka ahayd kalfadhiga 54-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Geneva.

War-saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay siyaasadda ee ay dejisay dowladda Soomaaliya si loola dagaallamo isbeddelka cimilada, loo yareeyo saameyntiisa, loogana hortago saameynta xun ee ay ku leedahay xuquuqda aadanaha.

Waxay sidoo kale ku dhiirigelisay dowladda Soomaaliya inay sii waddo wadahadallada lagu xoojinayo dib-u-heshiisiinta qaranka ee dalka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Dalka Qatar ay aad u daneyneyso in Soomaaliya ay siiso taageerooyin kala duwan si ay u sii joogteyso guulihii ugu dambeeyay ee la gaaray.

Bishii la so dhaafay ee June ee sanadkii hore, Doha waxay martigelisay shirkii saddexaad ee kooxda Quint Group on Somalia, iyadoo looga hadlay xaaladda Soomaaliya ee hadda, iyadoo ay barbar socoto sidii kor loogu qaadi lahaa isku-xirnaanta iyo sidii loo heli lahaa xasilloonida dalka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Dowladda Wadanka Qatar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaana loogu baaqay beesha caalamka in ay kordhiyaan taageerada bini’aadantinimo iyo kuwa horumarineed iyo sidoo kale kaalmo farsamo oo lagu xoojinayo xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya.