Home Blog Page 359

{DAAWO MUQAALKA} Yaa ku Guuleeystay Doorashadii Madaxtinimo ee ka Dhacday Tanzania.?

0

Sabti 1 Nevember  2025 {HMC} Yaa ku Guuleeystay Doorashadii Madaxtinimo ee ka Dhacday Tanzania.?

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Itoobiya oo laga Cabsi qabo inuu ka qarxo Dagaal Culus.

0

Sabti 1 Nevember  2025 {HMC} Itoobiya oo laga Cabsi qabo inuu ka qarxo Dagaal Culus.

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo lagu eedeyey In Garoomadeeda laga Daabulo Hubka ay ku Dagaalamaan RSF.

0

Sabti 1 Nevember  2025 {HMC}  Puntland oo lagu eedeyey In Garoomadeeda laga Daabulo Hubka ay ku Dagaalamaan RSF.

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} saciid Dani ”Puntland Dhawaan wxay soo afjareeysaa dagaalka ay kula jirto Daacisho iyo AS”

0

Sabti 1 Nevember  2025 {HMC} saciid Dani ”Puntland Dhawaan wxay soo afjareeysaa dagaalka ay kula jirto Daacisho iyo AS”

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

 

Warka Subaxnimo ee Radio Hiiranweyn 11-1-2025

0

Sabti 1 Nevember  2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::C.Raxmaan Maaskaro

Farsamadii ::Abdirahman Muse Osman

Dowlada Japan oo casriyaynta Kaabayaasha Kalluunka Soomaaliya

Sabti 1,NOV 2025 {HMC} Dowladda Japan ayaa $2 Milyan oo Doollar ku bixinaysa casriyaynta kaabayaasha Kalluunka Soomaaliya, deeqsaan waxa ay Xukuumadda Tokyo soo marinaysaa Hay’adda Cunnada & Beeraha Qaramada Midoobay u qaabilsan ee FAO

 

Mashruucaan waxaa ku jira Dhismaha xarun ay Dowladda iy Kalluumaysatada ku howlgali doonnaan oo laga dhisayo Magaalada Muqdisho, Suuq Kalluun oo ilayska Qorraxda ku shaqeeya oo leh Qaboojiye weyn iyo xarun muhiim u ah adeegga doomaha

 

Safiirka Japan ee Soomaaliya Matsuura Hiroshi ayaa sheegay in qorshahaan uu qayb ka yahay xoojinta Dhaqaalaha Buluugga ah si loo gaarana Dowladda Federaalka ay u baahan tahay in laga gacansiiyo waxyaabaha ay doonayso in laga caawiyo

 

Danjire Matsuura Hiroshi ayaa sheegay in Dalkiisa ay ka go’an tahay garab istaagga Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uu ballanqaaday in uu xoojinayo iskaashiga labada Dal inta uu yahay Danjiraha Dalkaas ee Soomaaliya

 

Dowladda Soomaaliya waxa ay doonaysaa in ay tartan u gasho sidii dalalka kala duwan ee Caalamka ugu iibgayn lahayd khayraadkeeda si ay u hesho dhaqaale abuuri kara fursado kala duwan sida shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka.

TPLF oo ka digtay dagaal ba’an oo ay mar kale la galaan dawladda Itoobiya

Sabti 1,NOV 2025 {HMC} Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray {TPLF} ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareyneyso hadalkii Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu toddobaadkan bilowgiisii ka sheegay Baarlamaanka Federaalka ee dalkiisa

 

Bayaanka TPLF ayaa lagu sheegay in hadallada dowladda federaalka ee sii socda ay keeni karaan xiisad dagaal oo cusub, islamarkaana haddii wareeg dagaal oo kale uu qarxo ay taasi keeni karto khatar weyn iyo dhibaato ba’an oo dalka soo wajahda

 

Bayaanka kooxdaasi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay “ka shaqeynayso sidii ay heshiiskii Pretoria uga dhigi lahayd mid aan wax micno ah lahayn,” ka hor inta aanay wadahadal la yeelan dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah

 

Bayaanku wuxuu intaas ku daray: “Iyadoo la jebinayo heshiiskii Pretoria, dowladda ayaa halkii ay hubka uga saari lahayd xoogagga hubaysan ee ku sugan gobolka Tigray, waxay si xoogan u hubaynaysaa ciidammadeeda.

 

Si kastaba ha ahaatee, bayaanku wuxuu timaamay in shacabka Tigray iyo TPLF ay si dhammaystiran ugu shaqaynayeen sidii heshiiska nabadeed loo hirgelin lahaa dhammaan dhinacyadiisa

 

Bayaanku wuxuu xusay in kaddib dagaalkii ka dhacay Tigray, aqoonsigii sharci ururka laga qaaday, islamarkaana loo aqoonsaday in uu yahay “urur argagixiso.”

 

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa hore u sheegay in uu ka qaaday aqoonsigii sharci ee TPLF, isagoo ku sababeeyay in ururku ku lug lahaa dagaal hubeysan

 

Waxa kale oo bayaanku lagu xusay in kaddib wada-hadallo soo noqnoqday oo lala yeeshay dowladda federaalka, la isla gaadhay heshiis lagu soo celinayo aqoonsiga sharci ee ururka

 

Hase yeeshee, guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in si TPLF mar kale loo aqoonsado, ay khasab tahay inay dib isu diiwaangeliso sidii xisbi siyaasadeed cusub, maaddaama ururka oo jiray in ka badan soddon sano aanu sharci ahaan sii wadan karin aqoonsigii hore. Sidaas awgeed, arrintu weli waa mid muran sharci ahi uu ka taagan yahay

isha BBC

Maxaa ka soo kordhay qalalaase siyaasadeed oo ka taagan dalka Tanzania ?

Sabti 1,NOV 2025 {HMC} Dowladda Tanzania ayaa sheegtay in aanay awoodin in ay xaqiijiso tirada dadka ku dhintay mudaharaadyadii dhacay kaddib doorashada Arbacadii toddobaadkan, iyadoo rabshadaha doorashadau ay galeen maalintoodii saddexaad

 

“Waqtigan xaadirka ah cidna ma sheegi karto inta qof ee dhimatay ama dhaawacantay. Waxaan weli helaynaa warbixinno ku saabsan hanti gaar ah oo la burburiyey, gaadiid, hanti dadweyne, iyo gaadiidkii shirkadda korontada ee TANESCO oo la gubay. Waqtigan ma hayno tirakoob dhammaystiran, ilaa dowladda ay hesho warbixin buuxda, markaas ayaana la heli karaa tiro sax ah,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda, Mahmoud Thabit oo la hadlay BBC-da

 

Kooxo mucaarad ah ayaa sheegay in boqolaal qof la dilay, halka Qaramada Midoobay ay sheegtay in toban qof la dilay, balse Thabit Kombo wuu beeniyay sheegashadaas

 

Sidoo kale, dowladda Tanzania ayaa sheegtay in tallaabooyinka lagu xaddiday internet-ka aanay ujeeddadoodu ahayn in lagu caburiyo muwaadiniinta, balse ay yihiin kuwo lagu sugayo amniga, iyadoo shacabka ku wargelisay in adeegyada internet-ka ay si dhow dib ugu soo laaban doonaan.

Xaalad adag oo ka taagan magaaladii ay dib u qabsadeen RSF

Sabti 1,NOV 2025 {HMC} In ka badan 60,000 oo qof ayaa ka cararay magaalada El-Fasher ee Suudaan, kaddib markii ay qabsadeen Ciidamada gurmadka Degdegga (RSF) dhammaadkii toddobaadkan, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay {UNHCR}

 

Waxaa jiray warar ku saabsan dilal tira badan iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha markii dagaalyahannada RSF ay magaalada qabsadeen, kadib 18 bilood oo ciriiri, gaajo iyo go’doon ay ku jirtay

 

qulqulka dadka ka cararaya rabshadaha ee u socda tuulada Tawila, oo qiyaastii 80km {50 mayl} galbeed ka xigta El-Fasher, ayaa kordhay maalmahii la soo dhaafay, ayay BBC u sheegtay Eujin Byun oo ka tirsan UNHCR

 

Waxay sheegeen sheekooyin argagax leh oo ku saabsan xadgudubyo, oo ay ku jiraan kufsi, halka hay’adda qaxootigu ay la tacaaleyso sidii loo heli lahaa hoy iyo cunto ku filan dadkaasi

isha BBC

Isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika & Xulka 17 jira Soomaaliya oo kulan adag ciyaarayo

Sabti 1,NOV 2025 {HMC} Waxaa maanta la sameeyay isku aadka tartanka Isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika ee Da’yarta jirta 17ka sano, waxaana xulka Soomaaliya uu galay qaanadda koowaad {A} isaga oo kahortagi doonna Ethiopia, Kenya, South Sudan & Rwanda

 

Da’yarta Soomaalida oo tartamadii lasoo dhaafay wacdaro muujiyay ayaa diyaargarow xooggan u galay sidii uu dhibco wanaagsan uga heli lahaa xulalka ay wajahaan kaddib isku aadka maanta la sameeyay ee afarta ah

 

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa dhiirrageliyay Ciyaartoyada, Macallimiinta iyo cid weliba oo ka shaqeyneysa sidii dhallinyaradaan ay guullo muhiim ah u gaari lahaayeen isla markaana meelo wanaagsan gaarsiin lahaayeen astaanta ay wataan

 

Soomaaliya oo sidoo kale loogu yeero Xiddiga Badweyne haddii ay hesho dhibcaha laga doonayo xulka soo gudbaya waxa ay ciyaartoydu usii gudbi doonnaan wareegyada kale ee tartanka oo kasii xamaasad badnaan doonno heerkaan.