Home Blog Page 361

Mareykanka go’aansaday in uu weeraro goobaha milateri Dalka Venezuela.

0

Jimco 31, Oct 2025 {HMC} Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Miami Herald, ayaa waxyar ka hor baahiyay inuu Mareykanka go’aansaday weerarro uu ku qaadayo goobaha milateri ee gudaha Venezuela, iyadoo warbixintan lagu sheegay in duqeymaha xagge cirka ah ay bilaaban karaan saacadaha ama maalmaha soo socda, iyadoo ujeedadu tahay in la beegsado hoggaanka kooxaha daroogada ka ganacsatada.

Weerar kasta oo ka dhaca gudaha Venezuela, taasi waxay ka dhigantahay ku dhawaaqis dagaal , xilli madaxweynaha madaxweynaha Venezuela ,Nicolas Maduro uu horey u sheegay in weerar kasta oo gudaha dhulkiisa uu Mareykanka ka fuliyo inay yeelanayso jawaab cawaaqib xun laga dhaxlo, wuxuuna markaa tilmaamay inay u diyaarsanyihiin 5 kun oo gantaal oo awood u leh inay garaacaan maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka oo ku sugan biyaha ku dhow xeebaha Venezuela.

Bartii Tiktok ee Abu Lulu oo hawada laga saaray.

0

Jimco 31, Oct 2025 {HMC}  Barta bulshada TikTok ayaa mamnuucday akoonkii xiriirka la lahaa dagaal yahanka xooggaga gurmadka degdega ee Abu Lulu.

RSF ayaa soo dhigtay muuqaalka dagaal yahanka oo la xirayo, ka dib markii BBC Verify ay aqoonsatay inuu ahaa midkii masuulka ka ahaa dilka ugu yaraan 10 qof meel u dhow magaalada el-Fasher.

Tiktok ayaa sidoo kale u xaqiijiyay BBC Verify in muddadii u dambaysay uu akoonku diiwaan gelinayay dhaqdhaqaaqiisa, loona saaray inuu ku xadgubay sharciyada uga degsan bartaasi rabshadaha iyo hab dhaqamada dambiyada.

Ma cadda in Lulu uu gacanta ku hayo akoonka Tiktok ee magaciisu ku qornaa. Bogga akoonka ayaa hadda muujinaya qoraal sheegaya: ‘’Akoon la xannibay.’’

XIGASHO BBC

in kabadan 100 qof oo ku dhintay Banaanbaxyo Rabshado wato oo ka dhacay Tanzania.

0

Jimco 31, Oct 2025 {HMC} Qaramada Midoobeey ayaa ugu baaqday ciidamada ammaanka Tansaaniya in aysan u adeegsan awood aan loo baahnayn ama mid xad dhaaf ah oo ka dhan ah dadka mudaharaadaya ee ka cabanaya natiijooyinka doorashooyinka.

Afhayeen u hadlay QM ayaa sheegay in la sameeyo dadaal kasta oo lagu dejinayo xiisadda, isla markaana uu ugu baaqayo mudaharadayaasha inay si nabad ah u muujiyaan dareenkooda.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Chadema ayaa sheegay in mudahradayaashu ay ku sii jeedaan bartamaha magaalada Dar es Salaam oo ah caasimada ganacsiga ee Tansaaniya.

Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa sheegay ugu yaraan boqol qof lagu dilay labada maalmood ee iska hor imaadyadu socdeen (Mucaaradku waxa ay sheegeen tiro intaasi ka badan, in kasta oo hakadka internet-ka ayaa ka dhigaya mid adag in si madax-bannaan loo xaqiijiyo tirada dhimashada iyo dhaawaca) Dowladda ayaa isku dayday yaraynta cabbirka rabshadaha.

Trump oo aad u dhimay tirada qaxootiga galaya Maraykanka.

0

Jimco 31, Oct 2025 {HMC} Maamulka Madaxweyne Trump ayaa xaddidaya tirada qaxootiga ee loo oggolaanayo inay galaan Maraykanka isaga oo ka dhigay 7,500 bilowga sannadka dambe, waxaana uu muhiimadda siiyay caddaanka Koonfur Afrikaanka.

Talaabadan ayaa looga dhawaaqay bayaan aqalka cad uu soo saaray Khamiista, waa talaabo ka hoosaysa tiradii 125,000 ee u qoondeeyay qaxootiga madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden.

‘’Waxaa jira walaacyo bini’aadanimo waxayna ku jirtaa danaha qaranka,’’ ayaa lagu yiri bayaanka, in kasta oo aan la sababayn waxa keenay yaraynta tirada.

Maxeey RSF xasuuq uga geysanayaan Magaalada Al-Fashir ee Dalka Suudaan.?

0

Jimco 31, Oct 2025 {HMC}  Muhiimada istaraatijiga ah ee Al Fashir iyo waa maxay waxa ay lumiyeen milatariga iyo faa’iidada RSF?

Al-Fashir waa magaalo qadiimi ah oo ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Suudaan, waxayna ahayd caasimadda gobolka waqooyiga Darfur, dhul taariikh dheer leh, hodan ku ah dhaqamo iyo qabiilooyin kala duwan, isla markaana mar ahaa wadnaha ganacsiga iyo xiriirka u dhexeeya galbeedka Afrika iyo Bariga dhexe.

Magaalada waxay qiyaastii 800 kiloomitir u jirtaa caasimadda Khartuum, waxayna ku fadhidaa dhul iska darka buuraley , carro midabkeedu casaanka yahay iyo dhul beereed bacrinta ku habboon oo deegaannada ku xeeran ay si weyn ugu tiirsan yihiin.

Dadka deegaanka, oo lagu qiyaaso boqollaal kun, waa kuwo nolol fudud ku nool ,xoolo dhaqato, beeralay iyo ganacsato yar-yar, halka magaalada gudaheeda ay ku yaalaan suuqyo waaweyn oo isku xidha dalagyada miraha, galleyda iyo xoolaha nool ee laga keeno tuulooyinka Darfurta kale.

Taariikh ahaan Al-Fashir waxay ahayd xarun uu boqoradii Darfur ku lahaa qalcad iyo qasri, halkaas oo ay safarradii ganacsiga ee ka imaan jiray Fezzan, Chad, iyo Masar ay marayeen, ka hor inta aan saldanaddii Darfur lagu darin dawladnimadii Suudaan ee casriga ah qarnigii 20-aad.

Waxa maanta ka dhigay Al-Fashir mid muhiim ah ayaa ah isku dhafka taariikh, juqraafi iyo istiraatiijiyad militari.

Magaalada waxay tahay albaabka waqooyi ee Darfur iyo xarun maamul oo muhiim u ah dawladda dhexe.

Waxa ay sidoo kale tahay meel xiriirisa magaalooyinka kale ee muhiimka ah sida Nyala iyo El Geneina.

Sidaas darteed, cid kasta oo gacanta ku dhigta Al-Fashir waxay si dhab ah u xakameynaysaa jihada waqooyi ee Darfur.

Taasi waa sababta ay ciidamada RSF ugu taamayeen in muddo dheer ay gudaha u galaan magaalada, maadaama ay tahay calaamad awood iyo xasillooni siyaasadeed oo ay SAF, ciidanka qaranka Suudaan, weli ku haysteen gobolka.

Muddo bilooyin ah Al-Fashir waxay ahayd goob go’doon ah oo RSF ay hareeraysay, iyadoo la gooyey waddooyinka sahayda, la jaray isgaarsiinta, lana kordhiyay weerarrada cirka iyo madaafiicda dhulka , taas oo ugu dambeyntii sababtay in magaalada ay ku dhacdo gacanta RSF.

Qabsashada RSF ee Al-Fashir ma ahayn oo keliya guul milatari, balse waxay ahayd calaamad weyn oo muujinaysa isbeddelka awoodda ee ka socda Suudaan.

Ciidamadan ka soo farcamay Janjaweed-kii Darfur ee caan baxay intii lagu jiray dagaalladii sokeeye, waxay magaalada u arkayeen xarun istiraatiiji ah oo ay ku xoojin karaan gacanta ay ku hayaan Darfur oo dhan.

Marka ay Al-Fashir ku guuleystaan, RSF waxay heli karaan laba faa’iido oo waaweyn; mid milatari iyo mid siyaasadeed.

Dhinaca milatariga, waxay si buuxda u xakameyn karaan waddooyinka sahayda ee isku

xira woqooyiga iyo bartamaha Suudaan, halka dhinaca siyaasadda ay ku kasbanayaan kalsooni beelaha qaar iyo awood ay ku sheegan karaan maamulka gobolka.

Waxaa sidoo kale jira arrin kale oo RSF u aragto muhiim; Al-Fashir waa magaalo ay ku yaalaan kumannaan xarumo barakacayaal ah oo kasoo qaxay dagaalladii hore ee Darfur, taas oo macnaheedu yahay in cidda maamusha magaalada ay gacanta ku hayso nolosha boqollaal kun oo rayid ah.

Si kastaba ha ahaatee, qabsashada magaalada waxaa dhinac socotay khataro waaweyn oo bani’aadamnimo.

Warbixino caalami ah iyo kuwa maxalli ahba waxay sheegayaan in RSF ay fulisay dilal xasuuq ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, iyadoo lagu eedeeyay in ay beegsatay qabiilooyin gaar ah oo aan Carab ahayn, kuwaas oo ku nool waqooyiga Darfur.

Xogaha laga helay hay’adaha samafalka iyo warbaahinta caalamka waxay tilmaamayaan in kumannaan qof lagu laayay duleedka Al-Fashir, iyadoo meelo ay rayidku isku dayayeen in ay ku dhuuntaan la weeraray ama la gubay.

UNICEF iyo Qaramada Midoobay waxay ku tilmaameen xaaladda magaalada mid argagax leh , maadaama in ka badan 800,000 carruur ah ay halis ugu jiraan gaajo iyo cudurro ka dhashay go’doonka iyo dagaalka.

Dhakhaatiirta deegaanka ayaa sheegay in isbitaalladii magaalada ay ka dhammaadeen dawo, halkii dadkii dhaawaca ahaanna ay isbitaallada uga daba yimaadeen dagaalyahannada RSF oo toogasho ka geystay gudaha isbitaallada.

Su’aasha muhiimka ah ayaa ah maxay RSF dadka rayidka u beegsanaysaa haddii ay magaalada qabsadeen?

Jawaabta waxaa laga raadin karaa dhaqanka dagaalka ee kooxdan oo muddo dheer lagu eedeeyay in ay isticmaasho cabsi gelin iyo nadiifin qowmiyadeed si ay u xoojiso xukunkooda, laakin qabsashada Al Fashir ayaa dunidda oo dhan tustay dagaalyahannada RSF inay yihiin kuwa ka fog bani’aadanimada oo arxan darran, qof walbana wuxuu arkay wajiga wasaqda ah ee kooxdan oo aan anshax barin dagaallamayaashooda.

Al-Fashir waxaa ku badan beelaha Zaghawa iyo Fur qowmiyado aan Carab ahayn oo taariikh ahaan xiriir adag la lahaa ciidanka caadiga ah ee Suudaan (SAF).

RSF, oo ay hoggaaminayaan madax u badan beelaha Carabta ee reer koonfureedka Darfur, waxay u arkayeen in ka saarista kooxahan ay muhiim u tahay in ay xasiliso xukunka magaalada iyo in ay jabiyaan meel kasta oo taageero ka heli karto SAF.

Sidaas darteed, weerarrada lagu qaaday xaafadaha dadka aan Carabta ahayn waxaa loo arkaa qayb ka mid ah xeelad dagaal ah oo lagu burburinayo dhidibka taageerada cadowgooda.

Dhanka kale, ciidamada qaranka Suudaan waxay lumiyeen wax ka badan magaalo , waxay lumiyeen calaamaddii ugu dambeysay ee awoodda dawladnimada ee gobolka Darfur.

Ilaa hadda Al-Fashir waxay ahayd magaaladii ugu dambeysay ee nidaam dawladeed ka jiro oo ka tirsan Darfur oo ay haysteen.

Halkaas waxaa ku yaallay xarumo ciidan, isbitaallo dawladeed, iyo maamul goboleedyo hoos imanayay Khartuum.

Marka RSF ay gacanta ku dhigto magaalada, waxay ka dhigan tahay in milatariga Suudaan uu ka baxay gobolka oo dhan, isla markaana ay waayeen meel ay ku keydiyaan sahay, hub iyo ciidamo.

Waxaa sidoo kale saameyn ku yeelatay sumcadda ciidamada qaranka, maadaama luminta Al-Fashir ay muujisay daciifnimadooda difaac iyo isku xirnaanta hoggaankooda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maalmo ka hor inta aysan RSF gudaha u gelin, ciidamada qaranka ay isaga baxeen qaybo ka mid ah magaalada, iyagoo ka cabsi qaba in ay hareereeyaan RSF oo hub iyo ciidamo badan haysta.

Faa’iidada RSF ka hesho gacan ku haynta Al-Fashir waa mid aad u ballaaran. Marka hore, waxay helayaan meel dhexe oo ay kaga dhaqaaqi karaan hawlgallo kale oo Darfur ah, isla markaana ay ku urursan karaan sahay, hub iyo dhaqaalaha lagu xakameeyo suuqyada iyo canshuurta deegaanka.

Marka labaad, waxay awood u leeyihiin in ay abuuraan maamul maxalli ah oo ay ku magacaabaan saraakiishooda, taas oo siinaysa muuqaal dawladnimo oo iyaga gaar ah. Marka saddexaad, waxay kasbanayaan sumcad siyaasadeed oo ka dhigaysa in ay isu arkaan awood la mid ah dawlad.

Haddii ay sii hayaan Al-Fashir muddo dheer, RSF waxay noqon karaan xoog siyaasadeed oo ka madax bannaan dowladda dhexe ee Khartuum, taas oo keeni karta kala go’ ama nidaam laba dawladood ah oo dalka Suudaan kusoo food leh.

Ugu dambeyntii, Al-Fashir waa indhaha Darfur, qalbiga waqooyiga Suudaan, iyo imtixaanka ugu adag ee muujinaya halka uu u socdo mustaqbalka Suudaan.

Qof kasta oo doonaya inuu fahmo Suudaan maanta waa inuu fahmaa waxa ka socda Al-Fashir ,sababtoo ah halkaas ayaa laga arki karaa isbeddelka ugu weyn ee awoodda, kala qaybsanaanta, iyo dagaalka cusub ee ku saleysan cidda u qalanta in ay xukunto dhulkaas qadiimiga ah.

Dagaalkaas, sida muuqata, wali ma dhammaan, balse Al-Fashir waxay horey u noqotay calaamaddii ugu weynayd ee beddeshay taariikhda dagaalka Suudaan.

W/Q Iman Jamac

Madaxweynaha Suuriya oo walaalkiis Jamaal Sharac ka mamnuucay in uu wax shaqo ah qabto.

0

Friday 31, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa ka mamnuucay inuu wax shaqo ah qabto walaalkiisa Jamaal Sharac, kaa soo dhawaan xafiis ka furtay magaalada Dimishiq , mashaariic uu ku helay awoodda madaxweynahana ka shaqeynayay, wuxuu sidoo kale Axmed Sharac , kulan wada jir ah la qaatay qoyskiisa oo uu ku jiro Aabbihii, isagoo uga digay in magaca qoyska loo adeegsado dano shaqsiyadeed ama faa’iido gaar ah , sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay inay arrintan ku dhalisay Axmed Sharac inuu la kulmo saaxiibbadiisa ku dhow , wuxuuna ka xareeyay dhowr gaari oo qaali ah oo qaarkood ay adeegsanayeen, isagoo kala hadlaya inay ka fogaadaan si qaldan inay saaxiibnimadiisa u adeegsadaan, wuxuu yiri ; “ Ma hilmaanteen inaad tihiin wiilashii kacaanka? Ma sidaas dhakhsada ah ayuu idin qaaday damacii iyo raaxadii?”

 

Sudan: Abu Lulu arrested after videos showed him enjoying executions of his victims.

0

Friday 31, Oct 2025 {HMC} The Rapid Support Forces (RSF) in Sudan announced on Thursday that they had arrested several suspects involved in violations committed in the city of El Fasher, the capital of North Darfur State, including a man known as Abu Lulu.

In a statement published on Telegram, the RSF, which has been fighting the Sudanese army since April 2023, said: “In compliance with the leadership’s directives, and in adherence to the law, military conduct, and discipline during wartime, our forces have arrested a number of suspects involved in violations that occurred during the liberation of El Fasher, including a man called Abu Lulu.”

The statement added that “the relevant legal committees have begun investigations with the detainees in preparation for bringing them to justice.”

The RSF explained that “these measures are being taken to prevent any violations that offend human dignity, contradict moral values, or violate international conventions, especially the Geneva Conventions.”

The statement further stressed that the forces are acting with full responsibility to ensure true justice, away from any propaganda or political exploitation by what it described as “the defeated Islamic movement’s media platforms, which are attempting to use such incidents to serve their malicious agendas and cover up their historical failures.”

The RSF reaffirmed its commitment to upholding the rule of law and to holding accountable anyone proven to be involved in any violations or misconduct, regardless of their rank or whether the acts were individual in nature, stressing that “no one is above the law.”

SOURCE middleeastmonitor

Puntland oo lagu eedeeyay in garoomadeeda lagu adeegsaday duulimaadyo hub lagu geeyo Dalka Suudaan.

0

Jimco  31, Oct 2025 {HMC} Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisiciid Muuse Cali, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uu noqday meel hakad ku sameeyaan diyaarado si joogto ah uga duulayay Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo u sii socday dalalka Liibiya iyo Suudaan.

Cabdisiciid ayaa sheegay in duulimaadyadan aysan ahayn kuwo ganacsi caadi ah, balse ay ahaayeen kuwo qorshaysan oo hub loogu gudbinayay ciidamada RSF ee Suudaan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay geysteen xasuuqyo ka dhacay magaalada Al-Fasher iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Daafuur.

Wuxuu tilmaamay in qaar ka mid ah diyaaradahaasi ay marayeen hawada Soomaaliya ama ay ku hakadeen garoomo ku yaalla gudaha dalka, gaar ahaan Boosaaso, taas oo uu ku sheegay mid dhalin karta eedeyn iyo fadeexad caalami ah haddii ay run noqoto.

“Haddii dowladda Soomaaliya ama maamul goboleed ka tirsan dalka uu oggolaansho siiyay duulimaadyadan, taasi waxay noqonaysaa masuuliyad darro weyn ama ka qaybqaadasho toos ah oo lagu taageerayo ciidan lagu eedeeyay dambiyo dagaal,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda.

Cabdisiciid ayaa ku baaqay in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaanayo cidda bixisay oggolaanshaha duulimaadyadan, iyo in la hubiyo dhammaan duulimaadyada xamuulka ee maray hawada Soomaaliya tan iyo bartamihii 2025.

Wuxuu uga digay dowladda Soomaaliya in haddii la caddeeyo in dalka uu qayb ka yahay rarista hubka, ay suurtogal tahay inay wajahdo cunaqabatayn caalami ah, ciqaab dhaqaale iyo lumis kalsooni caalami ah.

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo joojisay mushaarkii iyo raashinka ciidama kasoo jeeda Sool iyo Cayn

0

Jimaca 31, October  2025 {HMC} Puntland oo joojisay mushaarkii iyo raashinka ciidama kasoo jeeda Sool iyo Cayn

 

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 31-10-2025.

0

Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 31-10-2025.

 

HOOS KA DAAWO MUUQALKA