Home Blog Page 39

Soomaalida ee ku nool Maraykanka oo la kulmaya hanjabaado iyo cunsuriyad joogta ah

0

Arbaco 11 March 2026 {HMC}  Warbixin ay daabacday The Guardian ayaa iftiimisay cabsi iyo cadaadis sii kordhaya oo ay wajahayaan qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus ee Maraykanka, iyaga oo la kulmaya hanjabaado cunsuriyadeed, hadallo nacayb ah iyo cadaadis siyaasadeed oo la xidhiidha arrimaha socdaalka.

Warbixintu waxay sheegtay in golaha sharci-dejinta ee gobolka Ohio uu dhawaan soo jeediyay qorshayaal dhowr ah oo ku qasbi kara ciidamada ammaanka inay si buuxda ula shaqeeyaan hay’adda socdaalka ee Immigration and Customs Enforcement (ICE). Tallaabadan ayaa walaac ku abuurtay bulshada muhaajiriinta, gaar ahaan Soomaalida ku nool gobolkaas.

Dhanka kale, golaha magaalada Columbus ayaa 23-kii February meel mariyay sharci ka mamnuucaya booliska magaalada inay fuliyaan hawlgallada socdaalka ee federaalka, sidoo kalena ka joojinaya shaqaalaha magaalada inay la shaqeeyaan ICE ama ciidamada ilaalinta xuduudaha Maraykanka iyaga oo aan oggolaansho ka helin golaha magaalada.

Kawther Musa oo ah sarkaal ka shaqeeya xidhiidhkaa bulshada ee magaalada Columbus, isla markaana Soomaaliya ka soo haajirtay iyadoo 15 jir ah, ayaa sheegtay in bulshada Soomaalidu ay tahay bulsho dadaal badan oo u hoggaansan sharciga. Waxay sheegtay in marka ay bulshooyinku koraan oo ay muuqdaan, mararka qaar ay la kulmaan falcelin nacayb iyo weerarro afka ah, kuwaas oo ay muhiim tahay in si dhab ah loo baadho.

Bulshada Soomaaliyeed ee Columbus ayaa la aasaasay kaddib markii tobanaan kun oo qaxooti Soomaaliyeed ay ka carareen dagaalladii iyo qalalaasihii ka dhacay Soomaaliya sanadihii 1990-meeyadii. Maanta, Soomaali badan ayaa ka shaqeeya qaybaha caafimaadka iyo xarumaha qaybinta alaabada ee badhtamaha Ohio, halka qaar kalena ay leeyihiin ganacsiyo badan.

Xasan Cumar oo ka tirsan ururka Somali Community Association of Ohio ayaa sheegay in Soomaalidu ay ku leeyihiin qiyaastii 500 ganacsi oo badankoodu ku yaalla agagaarka Cleveland Avenue ee waqooyiga Columbus. Cumarboo magaalada yimid sanadkii 1998 ayaa sheegay in toddobaadyadii u dambeeyay uu helay hanjabaado dil iyo fariimo cunsuriyadeed oo loogu soo diray telefoonkiisa.

Cumar wuxuu sheegay in xafiiska ururkooda oo ku yaalla meel u dhow suuq yar oo ganacsi uu sidoo kale badhtilmaameed u noqday dad ka tirsan kooxo xag-jir ah oo sawirro ka qaadaya dhismaha ururka. Wuxuu xusay in mararka qaar dad aan la aqoonsan ay saacado badan ku sugnaadaan albaabka xarunta iyaga oo duubaya muuqaal.

Arrin kale oo walaac leh ayaa ah mustaqbalka ku dhowaad 2,500 oo Soomaali ah oo ku sugan Maraykanka kuwaas oo haysta barnaamijka Temporary Protected Status (TPS), kaas oo la qorsheeyay inuu dhammaado 17-ka March. Go’aankaas ayaa imanaya xilli ay hay’adaha caalamiga ahi sheegayaan in Soomaaliya ay wajahayo gaajo baahsan iyo xaalado amni oo halis ah, iyadoo weli ay jirto khatar ka imanaysa kooxda Al-Shabaab.

Iiraan oo ku hanjabtay inay weerari doonto bangiyada Mareykanka iyo Israa’iil e Bariga Dhexe

0

Arbaco 11 March 2026 {HMC} Afhayeen u hadlay Khatam al-Anbiya, oo ah guddiga ugu sarreeya ee isku-dubaridka militariga Iiraan, ayaa ku hanjabay in Iiraan ay weerari doonto bangiyada Israa’iil iyo kuwa Mareykanka ee gobolka, si ay uga aargudato waxa uu ku sheegay “weerar lagu qaaday bangi ku yaal Iiraan”.

Ebrahim Zolfaghari, ayaa ka digay in “dadka ku nool aaggaas aysan u dhawaan bangiyada masaafo dhan hal kiiloomitir,” sida uu ku warramay telefishanka dawladda Iiraan, IRNA.

“Cadowgu wuxuu na siiyay xorriyad aan ku weerarno hay’adaha dhaqaalaha iyo bangiyada” oo ay leeyihiin Mareykanka iyo Israa’iil, ayuu yiri Zolfaghari.

IRNA waxay sidoo kale sheegtay in la weeraray dhisme uu leeyahay Bank Sepah, oo ah bangi ay dowladdu leedahay oo ku yaala magaalada Texraan.

Talaadadii, warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in ay jiraan caqabado ka jira howlaha bangiga Sepah iyo bangi ay dowladdu leedahay oo lagu magacaabo Melli.

Madaxweyne Somalia oo u safray dalka Jabuuti

0

Arbaco 11 March 2026 {HMC}  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u safray dalka Jabuuti, halkaasi oo la filayo inuu kulamo kula yeesho dhigiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa la filayaa in looga hadlo xiriirka labada dal gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale la qorsheynayaa in ay ka wada hadlaan arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xiisadda ka taagan qeybo kamid ah Caalamka sida Bariga Dhexe.

Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee uu ku tago dalka dibadiisa tan iyo markuu saxiixay Dastuurka dalka.

Jabbuuti ayaa kamid ah dowladaha sida dhow Soomaaliya uga taageera dagaalka AS iyo ilaalinta Madaxbannaanida dalka.

Dhawaan Jabuuti ayaa si adag u diiday aqoonsi ay Israa’iil sheegtay in ay siisay Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya Caalamka 11-03-2026

0

Arbaco 11 March 2026 {HMC} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya Caalamka 11-03-2026

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaanka Xawaadleey

0

Arbaco 11 March 2026 {HMC} Ciidamada Dowladda oo la wareegay Deegaanka Xawaadleey

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Mareeykan oo Duqeeymo Culus ka Fuliyey Puntland

0
Arbaco 11 March 2026 {HMC} Mareeykan oo Duqeeymo Culus ka Fuliyey Puntland

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Mareeykan oo Duqeeymo Culus ka Fuliyey Puntland

0

Arbaco 11 March 2026 {HMC} Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Daacish oo farriisimo ku leh togga Baallade ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay howlgalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka dhacday meel qiyaastii 70 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

 

AFRICOM, oo garab ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan howlaha lagu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia, si looga hortago khatar ay ku yeeshaan gudaha Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dibadda.

Maraykanka wax faahfaahin kama bixin khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhanka ah talisyada Daacish-ta ku dhuumaalaysata meelo ka mid ah buuraleyda Calmiskaad.

Duqayntan ayaa kusoo aadday xilli ay Puntland hoos u dhigtay howgalladii lagula dagaalamay Daacish, iyadoo Calmiskaad kasoo saartay ciidamadii halkaaa kula dagaalamayay kooxd Daacish.

Puntland ayaa aaminsan in tiro oo firxad ah ay ku go’doosan yihiin Calmiskaad, kuwaas oo ay sheegtay in laga jaray sahaydii ay ka heli jireen dad u shaqeeya oo si qarsoodi ah ugu gudbin jiray raashinka iyo xoolaha.

Maraykanka ayaa taageero weyn oo dhanka duqeynta iyo xogta ah, Puntland ka siiyay dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish oo muddo hal sano ka badan ka socda Calmiskaad.

 

Markab U leyahay Mareykanka oo lagu weeraray Marin-biyoodka Hormuz

0

Arbaco 11 March 2026 {HMC} Markab saddexaad oo nooca xammuulka qaada ah ayaa waxaa ku dhacay “walax aan la garanayn”, sida ay sheegtay hay’adda ganacsiga badda ee UK (UKMTO).

Waxaa la sheegay in saacaddu markii ay ahayd 02:05 GMT in markabka lagu dhuftay waxaldaasi meel 93km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Dubai, iyadoo shaqaalihii markabka la sheegay in ay bad qabaan oo aysan jirin wax saameyn ah oo dhanka deegaanka ah.

UKTMO ayaa goor sii horeysay sheegtay Arbacadii in markab lagu duqeeyay xeebaha Imaaraadka, markab kalena laga daad gureynayo kaddib markii weerar lagu qaaday waqooyiga dalka Cumaan.

Darawallada kaxaysa Mooto Bajaajta oo Dibadbax kawada Muqdisho

0

Arbaco 11 March 2026 {HMC} Darawallada kaxeeya mooto Bajaajta ayaa dibadbax cabasho ah kawada Magaalada Muqdisho gaar ahaan Inta u dhaxaysa Isgoyska Taleex iyo Kiilo-mitir afar (KM4) iyaga oo ka cabanaya qiima kororka ku yimid shidaalka.

Wadayaashaan ayaa sheegay in qiimaha la iibinayo uu ka badan yahay labo laab intii la iibinayay 11 cisho kahor, waxa ay dalbadeen in mas’uuliyiinta Dowladda ay soo kala dhex galaan si xal looga gaaro lacagahaas lagu kordhiyay.

Waxa ay ku doodeen in muddo ay ka warsugayeen Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir balse markii ay hadal ka waayeen isla markaana qiimaha kusii kordhay in ay qabteen dibadbaxaan sida ay hadalka u dhigeen.

Ganacsatada waxa ay kordhinta shidaalka qiil uga dhigteen colaadda ka jirta bariga dhexe maadaama marinka Hormuuz ay xirtay Iiraan, halka Mootooleydu ay ku doodeen in shidaalkii yaallay ay lacago badan ka siinayaan Ganacsatada.

Ma jiro mas’uul dowladood oo hortagay darawalladaan kaxeeya mooto Bajaajta, inta badan marka ay sidaan oo kale dibadbax dhigaan waxaa u taga mas’uuliyiin u badan hay’adaha ammaanka oo kala hadla cabashadooda si dib loogu furo waddooyinka ay xirteen.

Ciidamada Dowladda oo la wareegay Xawaadleey

0

Arbaco 11 March 2026 {HMC} Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, Ciidanka ayaa dhowr jid ka galay Deegaankaan oo ah mid muhiim u ah howlgalladooda.

Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay dagaalameen xubno katirsan ‘AS’ kuwaas oo isku dayay in ay iska caabbin kala hortagaan ciidamadaan balse ugu dambayn isaga baxay deegaanka Xawaadleey.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay sawirrada Deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana socda howlgallo ay ciidamadu ku sheegeen in ay ku raadjoogaan ‘AS’ oo duleedka Deegaankaas u baxay.

Xawaadley waxa ay gacanta ciidamada Dowladda uga baxday June 2025, waxaana deegaankaan uu Muqdisho u jiraa 50 Kiilomitir dhanka Waqooyi, waxa ay muhiim u tahay isu socodka Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.