Qamiis 16. October 2025 {HMC} Mareykanka oo War Kasoo Saaray Xiisada Itoobiya iyo Masar
Qamiis 16. October 2025 {HMC} Mareykanka oo War Kasoo Saaray Xiisada Itoobiya iyo Masar
Khamiis, 16, Oct 2025 {HMC} ’Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa maanta kala saxiixday heshiis ka dhaafaya fiisaha baasaboorada diblumaasiga ee labada dal, taasoo xoojinaysa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee labada dowladood.
Heshiiskan ayaa lagu kala saxiixday magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Balcad), uu is-afgarad rasmi ah la galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Samir Sharifov.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, iskaashiga dhaqaale iyo midka horumarineed, iyadoo lagu ballamay in la sii amba-qaado wada-shaqeyn cusub oo labada dal ka dhexeeya.
Heshiiskan cusub ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay xoojineyso xirirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Dowladda Azerbaijan.
Khamiis, 16, Oct 2025 {HMC} Dowladda Federaalka ayaa saacadihii la soo dhaafay isku dayaysay in Ciidamo dheeraad ah la geeyo magaalada Doolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin askar Itoobiyaan ah iyo kuwa Maamulka Jubbaland.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in 24 saac gudahood diyaarad siday Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Hay’adda NISA ay isku dayeen in ay ku dagaan Garoonka degmada Doolow, balse aysan u suurta-galin.
Wafdigaan oo uu qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka ayaa tagey Doolow dhinaca Itoobiya, halkaasi oo ay kula kulmeen saraakiisha Ciidanka AUSSOM ee Itoobiyaanka ah.
Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in kulamada Saraakiisha Soomaalida iyo kuwa Itoobiya looga hadlay amniga gobolka Gedo, gaar ahaan sidii la isaga kaashan lahaa nabadeynta gobolkaasi.
Dhaqdhaqaaqyada waxaa ay ku soo aadayaan xilli maalmihii la soo dhaafay soo baxayeen warar la xiriira in maamul cusub loo dhisayo deegaannada Jubbaland, kaasi oo looga dhawaaqayo gobolka Gedo.
Khamiis, 16, Oct 2025 {HMC} Kooxda Xamaas ayaa sheegtay inay ka go’an tahay fulinta shuruudaha heshiiska xabad joojinta ee ay la gashay Israa’iil, laakiin waxay sheegtay inay u baahan tahay caawimaad si ay uga soo saarto meydadka burburka Gaza.
Labo meyd oo kale ayaa la wareejiyay Arbacadii, waxaa ayna Israa’iil muujisay caro ah in lagu guul dareystay in la soo wareejiyo 19 kale.
Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil ayaa sheegay inuu ku baaqay “qorshe dhammaystiran” oo lagu jabiyo Xamaas.
In kasta oo xabad joojintu ay u muuqato mid sii daciifaysa, hay’adaha gargaarka ayaa rajaynaya in xadka Rafah ee Masar ka soo gala Gaza ay dib u furi doonto Israa’iil Khamiista.
Boqolaal gaari oo xamuul ah ayaa sugaya inay galaan dhulka Qaza.
Arbaco, 15, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee maanta ay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u doorteen in ay Soomaaliya ku matalaan Baarlamaanka Bariga Afrika.
Madaxweynuhu ayaa sheegay in ka mid noqoshada Xildhibaannadan ee Golaha Baarlamanaka Bariga Afrika ay tahay guul Soomaaliyeed oo ka tarjumaysa dib u kabashada dalka iyo kobaca doorka bulsho ee Soomaaliya, waxa uuna ku booriyey xubnahan in ay si firfircoon uga shaqeeyaan danaha iyo codka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Xildhibaannadan laga sugayo in ay kor u qaadaan magaca iyo doorka Soomaaliya ee siyaasadda, dhaqaale iyo bulsho ee Bariga Afrika, isla markaana ay ku dadaalaan mideynta iyo horumarka gobolka.
DHAMMAAD
Arbaco, 15, Oct 2025 {HMC} Trump ayaa ansixiyay hawlgal sirdoon oo qarsoodi ah oo ay CIA ka fulinayso gudaha dalka Venezuela, sida uu sheegay wargeyska New York Times.
Warbixinta , waxaa kaloo lagu sheegay in go’aankan cusub uu yimid xilli ciidanka Maraykanka ay diyaarinayaan qorshayaal uu Trump ka fiirsanayo, kuwaas oo ay ku jiraan suuragalnimada weerarro toos ah oo lagu qaado Venezuela.
Oggolaashaha hay’ad sirdoon inay howlgal ka fuliso gudaha dal kale, taasi waxay ka dhigantahay in loo fasaxay fulinta dilal, abaabulka kacdoon iyo ficillo dhaawacaya dalka ay ka howlgallayaan.
Arbaco 15 Oct 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay hambalyo u diraysaa xubnaha cusub ee Soomaaliyeed ee maanta loo doortay inay dalka ku metelaan Baarlamaanka Urur-Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EALA).
Wasaaraddu waxay muujineysaa kalsooni buuxda oo ay ku qabto in xubnahan cusub ay si hufan, daacadnimo iyo karti leh u gudan doonaan waajibaadkooda, iyagoo si wax ku ool ah u matali doona danaha iyo mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee gudaha ururkaas.
Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay in ay sii xoojiso ka qaybgalka iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay Urur-Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, si looga guul gaaro barwaaqo wadaagga, horumarka iyo iskaashiga gobolka.

Arbaco, 15, Oct 2025 {HMC} Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta kulan kula yeeshay dhiggiisa dowladda Hindiya, Mudane Kirti Vardhan Singh, magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahayd Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa diiradda lagu saaRray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya.
Soomaaliya iyo Hindiya waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi, is-ixtiraam iyo dan wadaag labada dal ah.
Kampala, 15, Oct 2025 {HMC} The State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation of Somalia, Hon. Ali Mohamed Omar, met on Wednesday in Kampala with Hon.
Kirti Vardhan Singh, India’s State Minister for External Affairs, and discussed with him ways to strengthen the longstanding bilateral relations between Somalia and India and explore new areas of cooperation.
The meeting took place on the sidelines of the 19th Mid-Term Ministerial Conference of the Non-Aligned Movement (NAM), hosted by Uganda under the theme “Deepening Cooperation for Shared Global Affluence”.
During the discussions, the two ministers focused on expanding collaboration in areas including people-to-people ties, trade, education, and diplomatic engagement.
Somalia and India share a historic partnership based on mutual respect, cooperation, and shared interests across various sectors.
Arbaco 15. October 2025 {HMC} Isku Socodka Nairobi oo maanta istaagay, iyo Wararka la xiriira Geeridda Raila