Home Blog Page 47

Iiraan oo ku dhawaaqday in ay joojisay weerarka ka dhanka ah Dalalka Khaliijka Carabta .

0

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay weerarrada gantaallada ah ee ka dhanka ah Dalalka Khaliijka Carabta, waxa ay ka raalligalisay gantaalladaas oo khasaara naf iyo mid maaliyadeed kasoo gaartay dalalkaas.

Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian oo muuqaal soo duubay lagana baahiyay Warbaahinta Dowladda waxa uu ku sheegay in Xukuumadda Tehran aanay marnaba jeclayn in ay beegsato Dalalka Carabta balse dantu sidaasi ka dhigtay.

“Dalalka Deriska waxa aan ka raalligelinayaa weerarkii aan ku qaadnay, Iiraan waxa ay go’aansatay in aysan mar dambe weerarin waa haddii aan duullaan dhankaas uga imaan, ma doonayno in aan ku duulno” ayuu yiri MW Iiraan Masoud Pezeshkian

Muuqaalkaan oo isbaddel degdeg ah watay ayuu Madaxweyne Masoud dhanka kale ku sheegay in Golaha kumeel-gaarka ah ee Iiraan uu ka fadhiistay arrintaan isla markaana uu go’aankaan ku gaaray, waxa uu dalalka carabta uga digay in dhexdooda laga soo weerarro.

Waxa uu caddeeyay in ay jiraan Dad dano gaar ah ka leh sidii Iiraan iyo deriskeeda isugu dhici lahaayeen balse Tehran ay ka feejigan tahay arrintaasi, waxa uu usoo jeediyay in ay iskaashi dhinaca nabadda ah samaystaan sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada Qalabka sida waxaa la faray wixii hadda ka dambeeya in aysan weerarin dalalka deriska ah, kuwa ka fikiraya in ay xiligaan ka faa’iidaystaan si ay u weeraraan Iiraan waa in aysan noqon calooshood u shaqaystayaal boqortooyo ah” ayuu yiri Madaxweyna Iiraan, Masoud Pezeshkian

Dalal badan oo Carab ah ayaa codsaday in kulan degdeg ah oo Ururka Jaamacadda Carabta ku yeeshaan aaladda fogaan aragga ah si ay uga arrinsadaan dhibaatooyinka haysta waddamadaan tan iyo 28kii Febaraayo sanadkaan 2026.

{DAAWO MUUQAALKA} IIRAAN oo ku Dhawaaqday ineeysan Dib Dambd u weerari Doonin Dalalka Carabta.

0

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC}  IIRAAN oo ku Dhawaaqday ineeysan Dib Dambd u weerari Doonin Dalalka Carabta.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan sheekh oo Safar Deg Deg ah Dalka Dibadiisa ugu Baxay

0

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC} Madaxweyne Xasan sheekh oo Safar Deg Deg ah Dalka Dibadiisa ugu Baxay

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUUQAALKA} Yaa Fududeeyey Weerarada IIRAAN ay ka Fulisay Kuweeyd.?

0

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC} Yaa Fududeeyey Weerarada IIRAAN ay ka Fulisay Kuweeyd.?

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUUQAALKA} IIRAAN oo Weerareeyso Warshadda Nukliyeerka Israa’iil

0

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC} IIRAAN oo Weerareeyso Warshadda Nukliyeerka Israa’iil

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUUQAALKA} Mareeykan oo sheegay in laga maarmo shidaalka Khaliijka Hishiis la Galayo Ruushka

0

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC} Mareeykan oo sheegay in laga maarmo shidaalka Khaliijka Hishiis la Galayo Ruushka

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay tahay Sababta Dowlad Goboleedyada qaar aysan ugu Hadlin Ansixintii Dastuurka.?

0

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC} Maxay tahay Sababta Dowlad Goboleedyada qaar aysan ugu Hadlin Ansixintii Dastuurka.?

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUUQAALKA} Mareeykan iyo Israa’iil oo Weeraro Culus Gordhow ka Fuliyey IIRAAN

0

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC} Mareeykan iyo Israa’iil oo Weeraro Culus Gordhow ka Fuliyey IIRAAN

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

Iiran ayaa hadda duqaysay Abu Dhabi iyo Kuwait

0

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC} Ciidammada millatariga Iiraan ayaa ku dhawaaqay weerarro cusub oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu qaaday saldhigyo Mareykanku ku leeyahay gobolka.

Milatarigu wuxuu sheegay in saaka ciidammada badda ay duqeymo drone ah ku beegsadeen saldhigyo Mareykanku ku leeyahay Abu Dhabi iyo saldhigga Al-Adiri oo ku yaalla dalka Kuwait.

AFP ayaa sheegtay in saaka qaraxyo laga maqlay Dubai iyo Manama, caasimadda dalka Baxrayn.

Manama gudaheeda, shiidhiga digniin ah ayaa la maqlay, waxaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn fariin ay ku daabacday barta X ay ku boorrisay dadka magaalada deggan “inay u tagaan goobta ugu dhow ee ammaan ah.”

Madaxweyne Xasan shiikh oo ka qeeyb galayo Shir madaxeedka EAC oo maanta ka furmaya Tanzania

0

Sabti 7 Maarso 2026 {HMC}  Magaalada Caruusha ee Dalka Tanzania waxaa maanta ka furmaya meertada 25aad ee shir madaxeedka Dalalka ku bahoobay Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxaa madaxda ka qaybgalaysa kamid ah Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka inta uu socdo waxaa dhinac soconaya kulamo gaargaar ah oo ay yeelanayaan Madaxda kala duwan ee EAC iyaga oo kawada arrinsanaya dhowr ajande oo miiska saaran kuwaas oo saamayn ku leh Mustaqbalka Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin doonno shirkaan isaga oo ka hadli doonna doorka Soomaaliya ee qodobada miiska saaran, ka qaybqaadashada horumarinta Dalladdaas waa marka la eego dhinaca Dowladda Federaalka.

Siddeeda Madaxweyne ee Shirkaan EAC ka qaybgalaysa ayaa kala ah Madaxweyneyaasha Tanzania, Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Democratic Republic of Congo & Somalia waxaana mas’uul weliba uu ku qoran yahay khudbad sida jadwalka ku xusan.