Home Blog Page 51

WAR DEG DEG AH: Shaqadii Safaaradda Maraykanka ee Dalka Kuwait oo la joojiyay.

Jimco 6 March 2026 {HMC} Maraykanku wuxuu joojiyay howlaha safaaradiisa caasimadda Kuwait, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka qoraal ay soo saartay.

Inkastoo aan la soo sheegin wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha Maraykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in badbaadada Maraykanka ku sugan dibadda ay tahay mudnaanta koowaad.

“Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Kuwait waa inay ka baxaan dalka, haddii ay si nabad ah u samayn karaan, iyagoo adeegsanaya gaadiid ganacsi ama habab kale oo la heli karo. Muwaadiniinta Maraykanka ee aan ka bixi karin waa inay meel gabaad ah tagaan,” ayay ku dartay warbixintu

Duuliye Mareykan ah oo Lagu la yahay Dagaalka Bariga dhaxe, iyo Hanjabaada Cusub ee Iiraan.

Jimco 6 March 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan Abbas Araghchi oo la hadlay Telefashinka NBC ee Mareykanka ayaa si weyn uga hadlay siyaasadda dagaal ee dalkiisu qaatay, waxa uu qiray in ciidamada Ilaalada Kacaanku u diyaarsanyihiin weerar kasta oo dhulka ah oo ay Iiraan wajahdo,

dhinaca kale, mar wax laga weydiiyay in Shiinaha iyo Ruushku taageerayaan ciidamo ahaan, laakiin ma uusan bixin jawaab dhammeystiran, hase-ahaatee, si xeeladeysan ayuu u sheegay in uu ka dhexeeyo iskaashi ku dhisan isfahan ku qotoma xeerarka diblumaasiyadda iyo in ay yihiin waddamo saaxiib ah.

Geesta Kale, Warbaahinta Bariga dhexe ayaa tebineysa in la la’yahay duuliye Mareykan ah oo la aamisanyahay in Iiraan ay toogatay diyaaraddiisa, gudaha Ciraaq ayaa laha baadi goobayaa.

{DAAWO MUUQAALKA} Iraan Oo Diyaarado Been Abuura Ku Qiyaantay Duqeeymaha Mareykanka

0

Qamiis 05-03-2026 {HMC} Iraan Oo Diyaarado Been Abuura Ku Qiyaantay Duqeeymaha Mareykanka

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa Weyn Soomaaliya Caalamka 05-03-2026

0

 

Qamiis 05-03-2026 {HMC}   Wararka Ugu waa Weyn Soomaaliya Caalamka 05-03-2026

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

Golaha Wasiirrada XFS ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa.

0

Khamiis 5 March 2026 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre. Kulanka ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga dalka, howlgalada ka dhanka ah argagixisada, gurmadka abaaraha iyo casriyeynta adeegyada dowladda.

Golaha ayaa dood iyo falanqayn dheer ka dib, cod aqlabiyad ah ku ansixiyey todobo (7) heshiis oo caalami ah iyo hal (1) siyaasad qaran, kuwaas oo kala ah:

Heshiis is-afgarad oo lala galay Pakistan oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka (Visa) Baasaboorka Diblumaasiga
Heshiis is-afgarad oo lala galay Ruushka, kaasi oo ku saabsan iskaashiga arrimaha caafimaadka.
Heshiis lala galay Spain ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed.
Heshiiska hey’adda Tamarta Atamka ee ka hortagga faafitaanka hubka niyuukleerka.
Heshiiska ka ganacsiga sharci darrada ah ee daawooyinka maanka dooriya (1988).
Heshiiska fududeynta socdaalka caalamiga ah ee gaadiidka badda (FAL 1965).
Heshiiska habraaca dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika (APRM).
Siyaasadda mideysan ee maareynta wax-qabadka hay’adaha dowladda.

Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey in Safiirnimo loo dalacsiiyo labada mas’uul ee kala ah: Aadan Isaaq Cali iyo Cabdifataax Sh Axmed Cabdimannaan, kuwaas oo ka mid noqon doona diblumaasiyiinta matalaya dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray amniga iyo dagaalka AS, isagoo faray wasaaradaha in la dardargeliyo adeeg bixinta shacabka.

{DAAWO MUUQAALKA} 85 Neef oo Ari ah oo ku Dhintay Biriq ku Dhufatay Wajir.

0

Qamiis 05-03-2026 {HMC} 85 Neef oo Ari ah oo ku Dhintay Biriq ku Dhufatay Wajir.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Ukraine Oo Fadeexeeyay Donald trump

0

Qamiis 05-03-2026 {HMC} Madaxweynaha Ukraine Oo Fadeexeeyay Donald trump

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Soomaliya Oo kulan isugu yeeray Labada Aqal ee BFS.

0

Qamiis 05-03-2026 {HMC}  Madaxweynaha Soomaliya Oo kulan isugu yeeray Labada Aqal ee BFS.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaanadii Hawada Garoowe Laga Soo Celiyay oo Manta loo Fasaxay Duulimaadkoodii.

0

Qamiis 05-03-2026 {HMC} Xildhibaanadii Hawada Garoowe Laga Soo Celiyay oo Manta loo Fasaxay Duulimaadkoodii.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Digniin adag u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

0

Khamiis 5 March 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha xilka haya, Xasan Sheikh Maxamuud, isaga oo uga digay in wax-ka-beddel dastuur oo hal dhinac ah iyo qorshayaal doorasho oo muran dhaliyay ay dalka gelin karaan xaalad khatar ah.

Farmaajo ayaa sheegay in marka uu dhammaado mudda xileedka madaxweynaha oo la sheegay inay ka harsan tahay qiyaastii laba bilood awoodda uu hadda haysto ay si toos ah u dhammaan doonto, isagoo xusay in awoodda hoggaamineed ay tahay mid ku meel gaar ah.

Madaxweynihii hore ayaa hadalkan ka jeediyay kulan afur ah oo uu la qaatay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Puntland, Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu “waaqica wajaho” isla markaana dib uga fiirsado go’aannada uu ku tilmaamay kuwo hal dhinac ah.

Farmaajo wuxuu si gaar ah u dhaliilay wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka, dib-u-dhacyada lagu eedeeyay arrimaha doorashooyinka, iyo xiisadaha siyaasadeed ee isa soo taraya,bWuxuu ku dooday in tallaabooyinkaasi ay halis gelin karaan xasilloonida dalka.

Wuxuu sidoo kale ka digay in ku dhegganaanshaha awoodda iyada oo aan la helin is-afgarad ballaaran ay keeni karto cawaaqib xun.

“Hoggaaminta waxaa jira waqtiyo aad isu aragto libaax sababtoo ah awood ayaad haysataa, balse waqtigaasi si dhaqso ah ayuu ku dhaafi karaa, Ha marin waddo qoomamo kuu horseedi karta—anigu horay ayaan u arkay jidkaas,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Farmaajo ayaa sidoo kale xusay cabashooyin weli taagan, oo ay ka mid yihiin khataraha amni ee dalka ka jira, isagoo adkeeyay baahida loo qabo dowlad loo dhan yahay iyo midnimo qaran, halkii laga abuuri lahaa kala qeybsanaan siyaasadeed.