Axad 21 Sep 2025 {HMC} Soomaaliya oo Qaramada Midoobay ku eedeeysay in lala Xisaabtami Waayey Israa’iil
Axad 21 Sep 2025 {HMC} Soomaaliya oo Qaramada Midoobay ku eedeeysay in lala Xisaabtami Waayey Israa’iil
Axad 21 Sep 2025 {HMC} Baaritaan lagu Sameeyey Cidda Dhaawacday Wakiil ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Jabuuti
Sunday 21 Sep 2025 {HMC} Prime Cabinet Secretary Musalia Mudavadi has cautioned that artificial intelligence (AI) is adding a new dimension to terrorism threats facing Kenya and the wider region.
Speaking during a meeting with Natalia Gherman, Executive Director of the United Nations Counter-Terrorism Executive Directorate (CTED), on the sidelines of the UN General Assembly in New York, Dr. Mudavadi said terrorist groups are increasingly exploring AI to advance their activities.
“AI tools could be used to generate propaganda, manipulate information through deepfakes, automate recruitment messaging, or support cyber-enabled crimes such as phishing and financial fraud,” he noted.
He stressed that Kenya continues to face persistent security threats, particularly from Al-Shabaab, which exploits instability in Somalia and porous borders to launch cross-border attacks. These include improvised explosive devices (IEDs), targeted killings, and ambushes on civilians and security personnel.
Dr. Mudavadi highlighted that extremist groups are using online platforms to recruit and radicalize youth, a trend worsened by the return and movement of foreign terrorist fighters across the Horn of Africa.
At the national level, he said Kenya has adopted a multi-dimensional approach to counter terrorism. This includes the Prevention of Terrorism Act, specialized units such as the Anti-Terrorism Police Unit, and intelligence-led border surveillance operations. He added that Kenya is implementing the National Strategy to Counter Violent Extremism (NSCVE), which empowers county forums to lead prevention, deradicalization, and rehabilitation initiatives.
Regionally, Kenya remains active in security mechanisms under IGAD, the African Union, and the Djibouti Code of Conduct. Investments have also been made in counter-IED capacity, cybersecurity, and intelligence-sharing with international partners.
Dr. Mudavadi commended CTED’s role in supporting member states through country assessments, technical assistance, and mobilizing expertise for counter-IED programmes. He emphasized the need for greater CTED engagement in technology transfer, sustainable financing, and the inclusion of African perspectives in shaping global counter-terrorism priorities.
Ms. Gherman said CTED last conducted an assessment in Kenya in 2016 and expressed readiness to undertake a new review this year, subject to Kenya’s approval.
“It is about time to conduct an assessment for Kenya. ICT is a useful tool in counter-terrorism, but in the hands of terrorists, it can be weaponized,” she said.
Dr. Mudavadi welcomed the proposal, affirming Kenya’s willingness to support the exercise. “We have been victims and continue to face threats. The technology space is evolving rapidly, and our legal frameworks need continuous review. Even in education, there is a need to introduce basic awareness from an early stage,” he said.
He reaffirmed Kenya’s commitment to deepening cooperation with CTED and international partners to strengthen resilience against terrorism and violent extremism.

Axad 21 Sep 2025 {HMC} Wasiir Nuura ”Waxaan ku faraxsanahay in Xaruntii wasaarada wabarashada dib loo Dhiso”
Axad, 20,Sep 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa si cad ugu muujiyey taageero Congress-woman Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, taasoo keentay fal-celin siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba laga dareemay.
Wasiir Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku qoray: “Haddii gabadheenna loo beegsanayo aqoonsigeeda, si adag ayaan u garab istaagi doonaa… Anigoo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, si cad ayaan u leeyahay Waxaan la jirayaa Ilhan.”
Fiqi wuxuu sidoo kale ku tilmaamay Ilhan “gabar tusaale fiican u ah bulshada,” isagoo xusay inay guul gaartay “iyada oo aan cidna ku tiirsanayn.”
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dadka dhaleeceynaya aysan xaq u lahayn in ay “Soomaaliya ku eedeeyaan ama u gafaan meesha ay ka dhalatay awgeed.”
Hadalka Wasiirka ayaa si degdeg ah u kiciyey dood ku saabsan hab-dhaqanka diblomaasiyadeed iyo faragelinta arrimaha gudaha ee waddan kale.
Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii Ilhan Omar ay dhaleeceyn adag ay kala kulantay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo wax ka sheegay Dalka ay kasoo jeedo ee Soomaaliya si lamid ah markii ay habka qaxootiga ah ay ku galaysay wadankaasi.
Ilhan Omar, oo ah gabadh Soomaali-Maraykan ah, kana tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, ayaa marar badan wajahday dhaleeceyn la xiriirta aragtideeda siyaasadeed iyo asalka dalka ay ka soo jeedo, Si kastaba ha ahaatee, waxay kaloo tahay si weyn taageero uga haysataa bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool iyo kuwa gudaha Soomaaliya.
Axad, 20,Sep 2025 {HMC} Magaalada New York ayaa martigelinaysa kalfadhiga 80aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo si rasmi ah u furmi doona berri, 22ka Sebtembar 2025, Kalfadhigan ayaa ah mid muhiim ah oo sannadle ah, waxaana ka qeybgali doona madaxda dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, si ay uga doodaan caqabadaha ugu waaweyn ee caalamka horyaalla.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada New York, si uu uga qeyb galo kalfadhigan heerka sare ah, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad rasmi ah oo uu kaga hadlayo arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, caqabadaha ay wajahayso, iyo kaalinta ay Soomaaliya ka qaadaneyso dadaallada beesha caalamka.
Doodaha sannadkan ayaa xooga saari doona arrimaha isbeddelka cimilada iyo saameynta taban ee uu ku leeyahay dunida, Hoggaamiyeyaasha ayaa raadin doona xalal waara oo lagu yareyn karo khataraha ka dhasha isbedelka deegaanka, iyadoo diiradda la saarayo tallaabo wadajir ah oo caalami ah.
Sidoo kale, ajandaha kulamada waxaa ku jira xoojinta nabadda iyo amniga caalamka, dib-u-habeynta hay’adaha caalamiga ah, wax ka qabashada saboolnimada, iyo horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay.
Inta uu socdo kalfadhigu, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu la kulmo hoggaamiyeyaal dhowr ah oo caalami ah, si uu uga wada hadlaan danaha labada dhinac, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iyo fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.
Axad, 20,Sep 2025 {HMC} Xog kasoo baxday baadhitaan lagu sameeyay weerar uu sheegay Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti in koox aan la garanayn kusoo qaaday laba jeer, ayaa lagu sheegay in wakiilku isagu xabado isku dhuftay, naftiisana dhaawac u geystay sababo aan illaa hadda la garanayn awgood.
Guddida Nabadgelyada ee Gobolka Awdal oo baadhitaan ku sameeyay weerarrada la sheegay in lagu qaaday Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti, Cabdifataax Cilmi Muxumed, ayaa sheegay in ay ogaadeen in wakiilku uu isagu is dhaawacay, kadib markii ay sameeyeen baadhitaan, isla markaana uu xabbad isagu isku riday.
Wakiilku waxa uu maalmo ka hor sheegay in koox hubeysan ku weerartay isagoo safar ku marayay jidka isku xidha Boorama iyo Gabiley, dhaawicii soo gaadhayna loo dhigay isbitaalka Boorama. Hase yeeshee markii uu kasoo bogsaday dhaawacii hore ee isbitaalka kasoo baxay, ayuu mar kale sheegay in gurigiisa lagu soo weeraray isla markaana xabbad afka kaga dhacday.
“Tani waxa ay ahayd, sida nooga muuqata baadhista, in uu baastooladda afka gashaday kadibna gudaha iskaga dhuftay, isagoo ciridkiisa ka ilaalinaya. Waa baastooladda nooca yar yar ee Turkiga sameeyo, waxaana noo soo baxday in rasaasta iyo baastooladdii la adeegsaday ay isleeyihiin,” ayuu yidhi Taliyaha Laanta Baadhista Dambiyada Gobolka Awdal, Dhamme Maxamed Cabdillaahi Muuse.
Guddidu waxa kale oo ay sheegeen in dhakhtarku xaqiijiyay in dhaawaca ka muuqday wakiilka aanu ka imaanin xabbad dibedda kaga timid, balse uu gudaha iskaga dhuftay. Sidoo kale, markii ay baadhis sameeyeen waxay sheegeen in ay ogaadeen in baastoolad uu haystay uu u adeegsaday dhaawacyadaas, isla markaana ay gurigiisa ka heleen kiniinno loo isticmaalo xanuunnada dhimirka.
Ilaa hadda lama oga sababta ku kalliftay falalkaas. Waaxda baadhistuna waxay sheegtay in wakiilku labada jeerba sheegay in aanu garanayn cidda xabbadda ku dhuftay, balse raadadka rasaasta oo laga helay gurigiisa ay caddeeyeen in aanu weerar dibedda kaga iman, isla markaana uu isagu isku dhuftay xabbaddaas, baastooladdana uu gurigiisa kaga tegay.
Axad, 20,Sep 2025 {HMC} Dowladda Masar ayaa markale xaqiijisay taageerada buuxda ee ay u hayso shacabka Soomaaliyeed, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay inay gacan ka geysato dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xaqiijiso nabadgelyo iyo xasillooni waarta.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Masar ay si firfircoon uga qeyb qaadanayso howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), Howlgalkan ayaa loogu talagalay inuu dhiso awoodda dowladda Soomaaliya si ay si buuxda mas’uuliyadda amniga dalka ugu wareegto, ayna u gaarto yoolkeeda ah mustaqbal xasilloon oo barwaaqo ah.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sidoo kale lagu xusay in hadalladaas ay yihiin kuwa ka tarjumaya xaaladda muhiimka ah ee gobolka Geeska Afrika, iyo sidoo kale isbeddellada gudaha Soomaaliya ka socda gaar ahaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xoojiso kala dambeynta, sharciyadda iyo la-dagaallanka argagixisada.
Masar ayaa si gaar ah u adkaysay xiriirka qoto dheer ee taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, waxayna ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada siyaasadeed, amni, iyo midka horumarineed ee ay siiso Soomaaliya. Taageeradan ayaa muhiim u ah xilligan, iyadoo Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah oo lagu dhisayo dowladnimo xooggan, loogana hortagayo khataraha amni ee ay wadaan kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo Daacish.
Axad 21 Sep 2025 {HMC} Ra’sil Wasaare Xamse oo dhagax dhigay Xaunta Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya
Axad 21 Sep 2025 {HMC} Dhibbane Falastiin ”15 Maalin ayaa Doon Saarneeynay Xaalad adagne waan Galnay”