Home Blog Page 519

Netanyahu oo Cabsi Xoogan ka muujiyay Masar,ayaa Codsi Deg deg ah u Diray Tramp.

0

Sabti, 20,Sep 2025 {HMC} Netanyahu oo Cabsi Xoogan ka muujiyay Masar, Codsi Deg deg ah u Diray Tramp.

Netanyahu ayaa codsi rasmi ah u diray Madaxweyne Trump, isagoo usoo jeediyay inuu soo farageliyo dhaqdhaqaaqyada Dowladda Masar ay ka wado gobolka Siinay ee xadka la leh dhulka ay Israa|l heysato,

Waxa uu sheegay Netanyahu in awoodda milatari ee Masar in la soo dhigay, tallaabadaasoo uu ku sheegay inay jebinayso heshiiska nabadda ee 1979.

Netanyahu ayaa intaa raaciyay in gobolka Siinay la soo dhigay nidaamyada Shiinaha ee HQ-9 oo ay weheliyaan gantaallo casri ah oo awood burburin leh, sida ay werisay warbaahinta Axiso.

DFS oo Shaacisay Waqtiga Dib loo galaayo Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee degmada Luuq.

Sabti, 20,Sep 2025 {HMC} Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargelineysaa ardayda, maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo waalidiinta degmada Luuq in dib loo gali doono Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare ee natiijadiisa horey loo baabi’iyey.

Imtixaanka dib u galitaanka waxa uu dhici doonaa 18-ka Oktoobar 2025.
Sidaa darteed, waxaa lagu boorinayaa dhammaan ardayda in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan muddada ka hartay taariikhda rasmiga ah ee imtixaanka.

Wasaaraddu waxa ay ku celinaysaa muhiimadda ay leedahay in ardaydu helaan fursad caddaalad iyo hufnaan ku dhisan, isla markaana imtixaanka loo maro si masuuliyad iyo dedaal leh.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 20-09-2025

0

Sabti 20 Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Bakistaan oo Hubkeeda Nukliyerka ku Difaaceeyso Sacuudiga.

0

Sabti 20 Sep 2025 {HMC} Bakistaan oo Hubkeeda Nukliyerka ku Difaaceeyso Sacuudiga.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Soomaaliya oo Turkiga ku bogaadisay qabanqaabada Teknofest 2025.

0

Sabti, 20,Sep 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Abdulkadir Maxamed Nuur, ayaa maanta magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Warshadaha iyo Teknoolajiyadda ee Jamhuuriyadda Türkiye,  Mehmet Fatih Kacir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada hal-abuurka, horumarinta teknoolojiyada casriga ah, iyo dhiirrigelinta dhallinyarada

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Türkiye ku leedahay qaban-qaabada TEKNOFEST 2025, oo ah bandhigga ugu weyn caalamka ee duulista hawada, dayax-gacmeedyada iyo teknoolajiyada casriga ah.

Wasiirku wuxuu xusay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta kaabeyaasha dekedaha iyo tayeynta adeegyada gaadiidka badda ee Soomaaliya.

Koofur Galbeed oo Sh/hoose ka Bilaawday Dardar gilinta Dagaalka ka dhanka ah AS.

0

Sabti, 20,Sep 2025 {HMC} Wafdi uu hoggaaminayo kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Faqi, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najah) iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray furimaha hore ee dagaalka degmada Awdhiigle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dhiirrigelinta iyo dardargelinta ciidamada Qalabka sida iyo kuwa saaxibada Soomaaliya ee ku sugan jiidaha hore, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay dagaallo culus kula jiray Khawaarijta.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay geesinimada iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca dadka iyo dalka, isaga oo ballanqaaday in Dowlada Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojin doonaan taageerada dhinacyada kala duwan ah ee ciidamada.

Sidoo kale, wafdiga ayaa kulan la yeeshay saraakiisha hoggaamineysa howlgalada ka socda degmada Awdhiigle, halkaas oo laga warbixiyay xaaladda dagaalka, guulaha la gaaray iyo caqabadaha taagan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najah), ayaa dhankiisa xusay in shacabka deegaanka ay garab taagan yihiin ciidamada, isla markaana ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabad ku soo dabaalidda gobolka.

Booqashada wafdigan ayaa imaneysa xilli howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socdo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana Dowlada Koonfur Galbeed uu sheegay in uu ka go’an yahay ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah.

Maraykanka oo Puntland ku bogaadiyay la dagaallanka Daacish iyo sugidda ammaanka xeebaheeda

0

Sabti, 20,Sep 2025 {HMC} Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Riley, Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee ka howlgala Afrika, Major General Claude Tudor, iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander, ayaa magaalada Boosaaso kula kulmay Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, si ay uga mahad celiyaan dadaallada Puntland ee la dagaallanka ISIS iyo sugidda ammaanka xeebaheeda.

Saraakiisha Maraykanka ayaa ku bogaadiyay Puntland doorka hormuudka ah ee ay ka qaadato dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyagoo xusay in khataraha argagixisadu aysan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, balse sidoo kale ay khuseeyaan gobolka iyo Maraykanka.

Dhinaca kale, Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo horumarinta.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Saraakiisha Hawlgalka Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika ay kulan doceed la qaateen Saraakiisha Hawlgalka Hillaac ee ka howlgala buuraleyda Calmiskaad.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya, maalmo kaddib markii uu Maraykanku duqayn ku dilay caaqil lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cumar Cabdi, kaasoo lagu eedeeyay inuu ahaa dulaal hubka u kala gudbin jiray kooxaha argigixisada, inkastoo uusan Maraykanka caddayn buuxda bixin.

Lama oga in Puntland iyo saraakiisha Maraykanku kawada hadleen duqaynta ka dhacday gobolka Sanaag, taasoo caro ka dhalisay gobolkaas, iyagoo dadku kasoo horjeesteen duqaynta lagu dilay caaqilka.

Minister of Ports Meets Turkish Industry and Technology Minister in Istanbul

satarday 20 Sep 2025 {HMC} The Minister of Ports and Maritime Transport of the Federal Government of Somalia, H.E. Abdulkadir Mohamed Nur, today held a meeting in Istanbul with Türkiye’s Minister of Industry and Technology, H.E. Mehmet Fatih Kacir.

The discussions focused on strengthening cooperation between the two countries in innovation, modern technology development, and youth empowerment.

Minister Abdulkadir praised Türkiye’s role in organizing TEKNOFEST 2025, the world’s largest aerospace, satellite, and technology exhibition, noting that enhanced cooperation will contribute to the development of Somalia’s port infrastructure and the improvement of maritime transport services.

Source Sonna

Somalia Participates in Global Transport and Culture Integration Forum in China

satarday 20 Sep 2025 {HMC} The Federal Government of Somalia, through the Ministry of Transport and Civil Aviation, is taking part in an international forum on integrating transport and culture, bringing together delegates from 12 countries.

The conference aims to connect technological advances in transport with the cultural values of diverse societies. Somalia’s delegation is focusing on building partnerships with other nations and gaining insights from global experiences in transport and civil aviation.

Siciid Abdullahi Mahmoud, Director of Personnel and Training at the Ministry, and Abdirizak Adam Gedi, Advisor to the Ministry, highlighted that Somalia’s participation reflects the government’s commitment to developing infrastructure, particularly in transport and aviation.

Source Sonna

Somalia’s Dekadaha FC faces Sudan’s Alzamala Sports Club in Nairobi

satarday 20 Sep 2025 {HMC}Somalia’s Dekadaha FC will face Sudan’s Alzamala Sports Club in the CAF competition on Sunday, 21 September 2025, at Nyayo National Stadium in Nairobi, with kick-off scheduled for 4:00 p.m.

Ahead of the team’s departure, the General Director of Mogadishu Port, Ambassador Mohamed Ali Nur “Ameriko,” hosted a farewell ceremony for the players and management. He urged the squad to represent the name and flag of Somalia with honour, stressing that any victory would be a symbol of national pride and reputation.

“Dekadaha FC carries the name of the nation, and we are committed to supporting any team that elevates Somalia’s image,” said Ambassador Ameriko, who previously served as Somalia’s ambassador to Kenya.

He recalled his past experiences in Nairobi when Somalia’s national team played there, highlighting how the Somali community filled the stadiums. He noted that even Kenyan newspapers reported at the time that the atmosphere in the stands felt “just like Mogadishu.”

Source Sonna