Home Blog Page 543

NATO oo isku diyaarinaysaa in ay ka difaacdo Ruushka dalka Poland.

0

Sabti 13, Sep 2025 {HMC}   Waddamo badan oo NATO ah ayaa ciidamadooda iyo diyaaradahooda dagaalka u dhaqaaqi doonaan dhanka bari si ay uga jawaabaan duullaanka aan horay loo arag ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ku qaadeen hawada Poland.

Denmark, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku biiray howlgalka cusub ee lagu xoojinayo isbaheysiga militariga ee garabka bari. Xulafada kale ee NATO ayaa la filayaa in ay ka qayb qaataan hadhow.

Waxay ku soo beegantay iyadoo Kremlin-ka uu sheegay Jimcihii in wadahadallada nabadeed ee Kyiv ay ku jireen “hakin”, afhayeen u hadlay Dmitry Peskov ayaa yiri: “Ma xiran kartid muraayadaha madow oo waxaad filaysaa in geeddi-socodka gorgortanku uu keeni doono natiijooyin degdeg ah.”

Xiisado siyaasadeed ayaa ka taagan guud ahaan Yurub kadib markii Poland ay sheegtay in 19 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay Arbacadii soo mareen hawadeeda. Qaarkood waa la toogtay, halka qaar kalena ay ku dhaceen beero iyo xitaa guri ku yaalla bariga Poland.

Milateriga Ruushka ayaa sheegay in aysan wax qorshe ah u haynin in ay beegsadaan xarumaha Poland balse hogaamiyayaasha Poland iyo Yurub ayaa aaminsan in duulaanku uu ahaa mid ula kac ah.

Sida laga soo xigtay wasaaradda difaaca Denmark, Denmark ayaa ku biirin doonta laba diyaaradood oo F-16 ah oo lagu taageerayo difaaca cirka ee Poland, iyo markab dagaal.

“Denmark waxay si buuxda u taageeraysa Poland xaaladdan,” ayay tidhi ra’iisul wasaare Mette Frederiksen. “Waa in aynaan nacasnimo noqon. Putin waxba kama joogsan doono, wuuna na imtixaamayaa. Sidaa darteed, waa muhiim… Danmark ayaa gacan ka geysata arrintan.”

Faransiiska ayaa ku deeqi doona saddex diyaaradood oo nooca Rafale ah, Jarmalkuna waxa uu siin doonaa afar diyaaradood oo Eurofighter ah.

Boqortooyada Ingiriisku waxay si buuxda uga go’an tahay inay gacan ka geysato xoojinta xerada bari, wasaaradda gaashaandhigga ayaa bayaan ku sheegtay, iyadoo intaas ku dartay inay faahfaahin dheeraad ah bixin doonto dhawaan.

Dowlada Soomaaliya oo War Cusub kasoo saartay Amaanka Muqdisho.

0

Sabti 13, Sep 2025 {HMC}   Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo la hadlay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa ka hadlay dhinacyada Amniga, Ganacsiga, Doorashooyinka, taageerrada la siiyo Dowladda Soomaaliya & arrimo kale.

Saalax Jaamac ayaa ugu horrayn waxa uu sheegay in Amniga Magaalada Muqdisho uu wanaagsan yahay maanta marka la eego sanadihii lasoo dhaafay, waxa uu xusay in tani ay ku timid dedaal wadajir ah oo Shacabka iyo Dowladdu sameeyeen.

“Amniga Muqdisho oo caasimadda dalka ah wuu hagaagsan yahay, weli waxaa jira caqabado inkasta oo Ciidamada ammaanka ay dagaal kula jiraan kooxaha Argagixisada, Dadka Soomaaliyeed waxa ay dagaal kula jiraan koox kamid ah kooxaha dunida ugu khatarta badan,” Ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac, RW ku xigeenka Dalka.

Dowladaha iyo ururrada garab taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ka xusay Maraykanka, Turkiga & Ururka Midowga Afrika oo ciidamo ka socda ay joogaan Dalka kuwaas oo ka caawinaya la dagaalanka ‘AS’ sida uu hadalka u dhigay.

Arrimaha Doorashooyinka

Doorashada Dowladdu sheegtay in ay dalka ka hirgalineyso ee qof iyo codka ah ayuu ku sheegay in ay tahay rabitaan Shacabka ah si ay ugu codeeyaan dadka ku metalaya Hay’adaha kala duwan ee maamulka dowladda si meesha looga saaro metalaad wax ku doorashada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa doorashada qof iyo codka ah ku sifeeyay haddii ay dhacdo hadaf wayn oo la gaaray, Dowladda Federaalka ayuu sheegay in ay dhankeeda qaadayso tallaabo weliba oo lagu gaari karo rumaynta rejadaas.

Markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xafiiska qabtay ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac tilmaamay in uu ballanqaaday in awoodda doorashada dib loogu celiyo Shacabka oo la micno ah “Doorasho qof & cod ah.”

Maalgashiga

Ka gudubka caqabadaha uu ugu horreeyo Amniga kuna xigto dejinta siyaasad sal adag leh ayuu xuddun uga dhigay soo jiidashada maalqabeennada doonaya in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya oo kasoo kabanaysa dhibaatooyinkii ay ka dhashay siyaasadihii is diidanaa.

“Haddii aadan lahayn Hay’ado sal adag waxaa adkaanaya soo jiidashada Ajaanibta Maalgashiga rabta balse haddii aad halkaas xal u heshid waxa aad heleysaa fursado, siyaasadda oo hagaagta waxa ay dhismo u tahay in aad dhisto Mustaqbal wanaagsan,” ayuu yiri RW ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

Waxa uu intaas ku daray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mar uu ka hadlay Mustaqbalka Soomaaliya in ay ka faa’iidaysaneyso khayraatka dabiiciga ah ee alle siiyay, “Mustaqbalka Soomaaliya waa mid muuqda sida cadceeddii oo kale, waxa aan ka faa’iidaysanaynaa khayraatkeenna, Baddeenna, Dhulkeenna & Xoolaheenna.”

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Kuuriyada waqooyi oo kordhisay dilalka ciqaabta ah.

0

Sabti  13, Sep 2025 {HMC} Dowladda Kuuriyada waqooyi oo kordhisay dilalka ciqaabta ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Tirada AS looga Dilay Dagaalkii Ceel dheer oo la shaaciyey.

0

Sabti 13, Sep 2025 {HMC}Tirada AS looga Dilay Dagaalkii Ceel dheer oo la shaaciyey.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Askartii ku dhawacantay Dagaalka Ceeldheere oo la geeyay Muqdisho

0

Sabti  13, Sep 2025 {HMC} Askartii ku dhawacantay Dagaalka Ceeldheere oo la geeyay Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

Nin lagu tuhmaayo in uu ka danbeeyay Dilka Charlie Kirk, oo loo qabtay.

0

Jimco 12, Sep 2025 {HMC}  Tuhmanaha oo lagu magacabay Tyler Robinson, oo da’adiisana lagu sheegay 22 sano jir ka soo jeeda gobolka Utah ayaa la xiray isagoo loo qabtay dilka Charlie Kirk, oo la toogtay xilli uu dad kula hadlay jaamacada Utah Valley.

Saraakiishu waxay cadeeyeey inuusan arday ka ahayn jaamacada Utah Valley University, basle waxay kaloo xaqiijiyeen inuu mar wax ka bartay sanadkii 2021-kii.

Waxay intaa ku dareen in xubin ka mida qoyskiisa uu cadeeeyey in Robinson uu noqday sanadihii dambe mid siyaasadda ku fooganaa mar sii horreysayna uu qarabaadiisa u sheegay inuusan jeclay Krik.

Sawirka tuhmanaha ayaa la sii daayey waxaana hadda uu ku jiraa gacanta dowladda.

Sanadkii 2021-kii ayuu sidoo kale la sheegay inuu isu diiwan geliyey coday.

Charlie Kirk, wuxuu ahaa 31 jir, ahna aasaasaha urur siyaasadeed la dhaho Barta Isbeddelka Mareykanka oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo faafiyaya afkaar dhaqameedka iyo waxbarashada kolejyada Maraykanka. Wuxuuna saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Trump.

Markii toogashadiisu dhacaysay waxuu ka hadlayay bandhig dadweyne oo ay kasoo qeyb galeen dad gaaraya 3,000 oo qof kuwaas oo ku sugnaa bannaanka jaamacadda Utah.

XIGASHO BBC

{DAAWO MUQAALKA} Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan oo kulan aaya ka tashi ah ku yeshay Muqdisho

0

jimco 12, Sep 2025 {HMC} Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan oo kulan aaya ka tashi ah ku yeshay Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 12-09/2025

0

jimco 12, Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.Somali history books

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Falastiin oo heleyso Dowlad Madax-banaan oo caasimadeedu tahay Bariga Quddus.

0

Jimco 12, Sep 2025 {HMC} Golaha Qaramada Midoobey ayaa meelmariyey qaraar ku saabsan hirgelinta laba dood oo Falastiin & Israa|l ah.

Arintan waxa ay ka dhigan tahay in Falastiin heleyso Dowlad Madax-banaan oo caasimadeedu tahay Bariga Quddus, qorshahan oo ay soojeediyeen Sucuudi-ga & Faransiiska waxa oggolaatay 142 dal oo ay ku jirto Soomaaliya.

10 waddan ayaa diiday oo ay ku jiraan; Dowladdaha Mareykanka, Hungary & Argentina.

Soomaaliya ayaa noqotay Dalka sida ugu adag ula hadlay Israaiil Kulankii Golaha Ammaanka.

0

Jimco 12, Sep 2025 {HMC} Soomaaliya ayaa noqotay wadanka sida ugu adag ula hadlay Israaiil Kulankii Golaha Ammaanka.

Hadalkii uu ka jeediyay Danjiraha Soomaalida ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa noqday midka ugu hadalhaaynta badan wadamada carabta iyo Warbaahinta Bariga-dhexe.

Danjire Baalle ayaa yiri “Waxa aan garab taagan nahay walaalaha Qadar oo xaq u leh in ay qaadaan tallaabo kasta oo ay kaga jawaabayaan gardarrada israaiil, waxana uu intaasi raaciyay, Waxqabad la’aanta Golaha Ammaanka aanu waxba ka qabanayn dulmiga israaiil waxa ay shuruucdii caalamka ka dhigtay Afka baarkiisa ama hadal oo Kaliyah.