Home Blog Page 550

VIDEO {DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo si kulul u Cabaareysay Weerarkii israa’iil ka Fulisay Dalka Qadar.

0

Arbaco 10, Sep 2025 {HMC}Dowladda Soomaaliya oo si kulul u Cabaareysay Weerarkii israa’iil ka Fulisay Dalka Qadar.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka Dhalan karo Biyo Xireenka wabiga Niil ee Itoobiya Sameeysatay.?

0
Arbaco  10, Sep 2025 {HMC}Maxaa ka Dhalan karo Biyo Xireenka wabiga Niil ee Itoobiya Sameeysatay.?

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qeybgalay kulan Looga hadlayay ladagaalanka AS.

0

Arbaco  10, Sep 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qeybgalay kulan Looga hadlayay ladagaalanka AS.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

Madaxweynaha Mareykanka Oo War Cusub kasoo Saaray Weerarkii qatar lagu qaaday.

Arbaco 10,September ,2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in go’aanka Israel ay ku weerartay Qatar Talaadadii uu ahaa mid uu si iskiis ah u gaaray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo uusan ahayn go’aan uu isagu la qabay.

“In si keligii-talisnimo ah loo duqeeyo gudaha Qatar, oo ah qaran madax-bannaan oo saaxiib dhow la ah Mareykanka, isla markaana si adag oo geesinimo leh noogala shaqeyneysa sidii nabad loo dhex dhigi lahaa, ma hormarinayso danaha Israel iyo kuwa Mareykanka,” ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in Trump, uu “aad uga xun yahay” weerarkii Israel ay la beegsatay bartilmaameedyo ay leedahay Xamaas oo ku yaalla dalka Qatar, uuna faray la-taliyihiisa sare, Steve Witkoff, inuu uga digo Qatar weerarkaas soo socda.

Ururka Xamaas, oo mas’uul ka ahaa weerarkii 7-dii Oktoobar, 2023, ee lagu qaaday koonfurta Israel kaasoo laga soo abaabulay Gaza, ayaa sheegay in shan ka mid ah xubnihiisa lagu dilay weerarka Israel ee ka dhacay magaalada Doha, waxaana ka mid ahaa wiil uu dhalay hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza ee masaafuriska ku maqan, Khalil al-Hayya.

Dowladda Mareykanka waxay Qatar u aragtaa saaxiib muhiim ah oo ay ku leedahay Khaliijka, waxayna ku tiirsanayd doorka dhexdhexaadinta ah ee ay Qatar ka qaadanaysay wada-xaajoodyada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin dagaalka Gaza.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in ciidanka Mareykanka ay subaxnimadii Talaadada maamulka ku wargeliyeen in weerarka Israa’iil uu dhici doono. Waxayse ka gaabsatay inay ka jawaabto su’aal laga weydiiyey ciddii wargelisay ciidanka Mareykanka.

Markii uu Trump arrintaas ka war helay, wuxuu faray Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka, Witkoff, inuu uga digo Qatar weerarka soo socda, sida ay sheegtay.

Si kastaba, Qatar ayaa sheegtay in weerarka lagu soo wargeliyey markii uu socday 10 daqiiqo kadib.

Weerarka kaddib, Trump wuxuu la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo sidoo kale Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayay tiri.

Wuxuu u xaqiijiyey hoggaamiyaha Qatar in “arrintan oo kale aysan mar dambe ka dhici doonin dhulkooda.” Waxay ku tilmaantay weerarka “dhacdo nasiib-darro ah” waxayna sheegtay in Trump uu “aad uga xun yahay” goobta uu weerarku ka dhacay.

Mareykanka ayaa isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo heshiis xabbad-joojin ah oo lagu sii deynayo la haystayaasha, si loo helo sii deynta maxaabiista harsan loona eego qorshaha mustaqbalka Gaza ee xilliga dagaalka kaddib.

 

Ciidamada Midowga Afrika oo loo Tababaray in ay hortagaan Weerarada AS.

Arbaco 10,September ,2025 {HMC} Ciidamo katirsan Kuwa Difaaca Kenya KDF ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa loo tababaray adeegsiga diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan si ay u helaan xogaha dhaqdhaqaaqa ku wajahan xeryahooda.

18 xubnood oo laga soo dhex xulay ciidanka Kenya ayaa lagu tababaray xero ku taalla Degmada Dhoobley, waxaa la baray qaabka loo adeegsanayo diyaaradaha Drones-ka ee yaryar si ay ula socdaan dhaqdhaqaaq weliba oo ka dhan ah saldhigyadooda.

Xafiiska taageerada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay UNSOS ayaa ku taageertay tababarkaan ciidanka Kenya si ay u xoojiyaan xirfadda lagu adkaynayo amniga xeryahooda, la socodka dhaqdhaqaaqa ka socda agagaarkooda & nabadgalyada ciidankaas.

Taliyaha howlgallada Ciidanka Kenya ee Magaalada Dhoobley Kornayl Morris Wasomi ayaa sheegay in adeegsiga Drones-ka ay u fududeyneyso in si dhow loo helo xogaha hareeraha xeryaha ciidankooda si looga hortago cid weliba oo halis ku ah.

Qaramada Midoobay oo Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM taageerta ayaa tababar joogta ah siisa qaybaha kala duwan uu ka kooban yahay howlgalkaan, waxyaabaha inta badan la baro waxaa kamid ah qaabka ay isku difaacayaan iyo sida looga hortago xadgudub ka dhici kara.

Qadar: Weerarkii Israa’iil waxa uu ahaa fal argagixiso

Arbaco 10,September ,2025 {HMC}Raysalwasaaraha dalka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa shaaca ka qaaday in Qatar ay la kulantay weerar “khiyaano ah” oo Israa’iil ay ku kacday, kaasi oo keliya lagu tilmaami karo “argagixiso-qarameed”.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Dooxa, ayaa Al Thani waxa uu carabka ku adkeeyay in dalkiisa aanu u dulqaadan doonin wax kasta oo lagu xad-gudbayo madax-banaanidiisa dhuleed, uuna si adag uga hortagi doono wax kasta oo khatar ku ah amnigiisa. Wuxuu xaqiijiyay in Qatar ay xaq u leedahay in ay ka jawaabto “weerar furan” ayna qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay uga hortagto.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Maraykanka uu ku wargeliyay Qatar weerarka toban daqiiqo kaddib markii uu dhacay, isagoo xusay in Israa’iil ay adeegsatay hub aanu qaban Raadaarka. Waxa uu ku tilmaamay waxa dhacay in uu yahay “isku day lagu doonayo in lagu khalkhal geliyo amniga iyo xasiloonida gobolka”, isaga oo intaa ku daray in “Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu gobolka u horseedayo heer aan laga soo laaban karin.”

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Go’aanka DF ay ka qaadatay biyo Xireenka Itoobiya.

0

Talaado  09, Sep 2025 {HMC} FALANQEYN:- Go’aanka DF ay ka qaadatay biyo Xireenka Itoobiya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} xuriyadooda ayuu Amray in Fadhiga Maxkamada lagu siiyo gudoomiye Shuute.

0

Talaado  09, Sep 2025 {HMC} xuriyadooda ayuu Amray in Fadhiga Maxkamada lagu siiyo gudoomiye Shuute.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Somaliland oo Soo bandhigtay Baaritaanka ay ku sameeysay NInkii dhawaan Meeydkiisa la helay.

0

Talaado  09, Sep 2025 {HMC} Somaliland oo Soo bandhigtay Baaritaanka ay ku sameeysay NInkii dhawaan Meeydkiisa la helay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Israa’iil oo Weeraro Culus ku qaaday Dalka Qadar.

0

Talaado  09, Sep 2025 {HMC}  Israa’iil oo Weeraro Culus ku qaaday Dalka Qadar.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA