Home Blog Page 58

Safaaradda Maraykanka ee Riyadh oo lagu weeraray diyaarad aan duuliye lahayn.

Talaado 3 March 2026 {HMC}  Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in safaaradda Maraykanka ee Riyadh lagu weeraray laba diyaarad oo aan duuliye lahayn (drone), sida ku cad qiyaasaha hore.

War-saxaafadeed lagu daabacay barta X, safaaraddu waxay sheegtay in tani ay sababtay “dab xaddidan iyo khasaare yar oo hantiyeed oo ku yimid dhismaha.”

Xarunta Maraykanka ee Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay ogeysiis ah in dadka ay joogaan meelaha ay hadda ku sugan yihiin ee gabaadka ah magaalooyinka Jeddah, Riyadh iyo Dhahran, waxayna sheegtay inay xaddidi doonto safarrada aan muhiimka ahayn ee lagu tagayo xarumaha milatari ee gobolka.

Xigasho BBC

Sidee ayeey u qorsheeyeen Maraykanka iyo Israa’iil dilkii Ayatollah Ali Khamenei.?

Tuesday 3 March 2026 {HMC} Weerarka lagu dilay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ma dhicin habeen saq dhexe sida la filayay, balse waxa uu dhacay arooryadii Sabtida.

Sababtu waxay ahayd Maraykanka iyo Israa’iil waxay go’aansadeen inay ka faa’iideystaan sirdoon muhiim ah oo la helay saacado ka hor.

Muddo bilo ah waxay daawanayeen daqiiqad fursad ah marka ay dhici karto in madaxda sare ee Iiraan ay kulmaan waxayna ogaadeen Khamenei inuu joogi doono xarun ku taal bartamaha Tehran subaxnimada Sabtida.

Waxa kale oo ay hubsadeen halka ay isku mar ku shirayeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada iyo sirdoonka.

Muddo bilo ah Mareykanka iyo Israa’iil waxay la socdeen dhaq-dhaqaaqa hoggaamiyaha ugu sarreeya. Qaababka saxda ah ee ay isticmaaleen ayaa ah kuwo sir ah inkastoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qoraal uu soo dhigay baraha bulshada uu si maldahan uga hadlay.

“Waxa uu awoodi waayay in uu ka fogaado sirdoonkayaga iyo hababka dabagalka aadka u casrisan”.

Tani waxay noqon kartaa xog laga helayo ilo bini’aadam ah oo dib u soo tabinaya akhbaarta, laakiin waxay u badan tahay inay noqoto dabagal farsamo oo ay sameeyeen shakhsiyaadka Iiraan iyiin ah.

Dagaalkii 12-ka maalmood socday ee bishii June ee la soo dhaafay, Israa’iil waxay bartilmaansatay saynisyahano iyo saraakiil xiriir la leh barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, waxaana la sheegay in ay adeegsanayeen dhex galka isgaarsiinta iyo nidaamyada taleefannada gacanta si ay u fahmaan dhaqdhaqaaqa shaqsiyaadka.

Taas oo ay ka mid ahayd in mararka qaar lala socdo dhaq-dhaqaaqa ilaalada ee lala xiriirinayo saraakiisha muhiimka ah.

Muddada dheer marka la eego , tani waxay gacan ka geysan kartaa dhisidda “qaab nololeed” si loo saadaaliyo loona fahmo dhaqdhaqaaqa iyo sidoo kale raadinta xilliyada ay ugu nugul yihiin.

Iiraan waxa ay ogaatay in hogaamiyaha ugu sareeya ay indhaha ku hayaan cadawgeeda sidaa darteed guuldarada ah in la aqoonsado oo wax laga qabto itaal xumidaas ayaa ah mid muujinaysaa fashil qoto dheer oo ku yimid amniga Iiraan iyo sirdoonka ama hadii kale awooda Israel iyo Maraykanka ee ah in ay sii wadaan la qabsiga hababkooda si ay u helaan qaabab cusub oo raadraac ah.

Iiraaniyiintu waxa kale oo laga yaabaa in ay ku xisaabtameen in weerar maalinnimada la soo qaado uu ahaa mid aysan u badnayn inuu dhaco.

Xaaladdan oo kale, sirdoonku wuxuu ka yimid CIA laakiin sida wargeyska New York Times uu sheegay, kaasoo loo gudbiyay Israa’iil si ay u fuliyaan weerarka dhabta ah.

Calaamadaha ayaa ah in ay jirto kala qaybsanaan shaqo iyadoo Israa’iil ay diiradda saarayso weerarrada lagu beegsanayo bartilmaameedyada hoggaanka iyo Maraykanka oo dheeraad ah oo ku wajahan bartilmaameedyada militariga.

Xog muhiim ah oo sirdoon ayaa laga gudbiyey dhaqdhaqaaqa hoggaamiyaha ugu sarreeya iyo saraakiisha kale si awood loogu yeesho in la qorsheeyo weerar loo adeegsado diyaaradaha kuwaas oo ridi kara gantaallada riddada dheer.

Halkii weerar mar kaliya dhaca laga samayn lahaa, qorshuhu wuxuu ahaa in weerarkani uu astaan u noqdo billowga olole ballaaran, hore ayaana loo sii waday si looga faa’iidaysto fursadda.

Waxay ku qaadan kartaa ku dhawaad laba saacadood in diyaaradaha Israel ay gaaraan Tehraan balse ma cadda fogaanta ay rasaaska ka rideen.

Markii go’aanka la qaatay, diyaaradaha Israa’iil ayaa la sheegay inay 30 bam u adeegsadeen xaruntaas abaarihii 09:40 xilliga dalkaas.

Tani waxa laga yaabaa inay ahayd sababtoo ah hogaamiyaha ugu sarreeya ayaa wali isticmaalayay godad dhulka hoostiisa mara oo ka hooseeya xarunta si uu isku ilaaliyo.

Waxaa laga yaabaa in loo baahday hub fara badan si loo aaso si loo hubiyo insi saani ah loo beegsaday bartilmaameedka.

Goobo kale oo ku yaal caasimadda Iran ayaa sidoo kale la duqeeyay, oo ay ku jiraan xafiiska madaxweyne Masoud Pezeshkian oo markii dambe bayaan uu soo saaray uu ku sheegay inuu bedqabo.

Saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan difaaca Iiraan ayay Iiraan xaqiijisay inay dhinteen, oo ay ku jiraan xoghayihii golaha difaaca Ali Shamkhani, wasiirkii gaashaandhigga Brig Gen Aziz Nasirzadeh iyo taliyaha IRGC Gen Mohammad Pakpour.

Markii ay diyaaraduhu weeraraka qaadayeen, waxay u ahayd saqdii dhexe ee habeennimo Mar-a-Lago, Florida halkaas oo madaxweyne Trump uu kula kulmay qaar ka mid ah saraakiishiisa sare si ay ula socdaan dhacdooyinka.

Saacado aye qaadanaysay ka hor inta aan la xaqiijinin in la dilay hoggaamiyaha ugu sarreeya.

Iiraan ayaa loo diyaariyey suurtagalnimadan inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in qorshaha khaarajinta uusan ahayn Khamenei kaliya ahayn, balse sidoo kale loo dejiyay saraakiil sarsare.

Xigasho BBC

Leader’s martyrdom will drive Iran to greater dignity and victory: Senior cleric.

Tuesday 3 March 2026 {HMC} Ayatollah Alireza Arafi, a member of Iran’s interim leadership council, said on Monday that the martyrdom of Leader of the Islamic Revolution Ayatollah Seyyed Ali Khamenei will serve as the driving force for the propulsion of the Islamic Republic towards further dignity, grandeur, and sublime aspirations.

Ayatollah Arafi confirmed that the interim leadership council was formed under Article 111 of Iran’s Constitution and “will honor its duties through regular sessions.”

He noted that the news of Ayatollah Khamenei’s martyrdom sent a “tremor” throughout the Muslim world, striking the hearts of Muslims globally and the Iranian nation with deep grief.

The senior cleric underlined that Ayatollah Khamenei had devised strategic plans for the ongoing military confrontation with the United States and Israel, affirming that the Iranian armed forces, alongside the great Iranian nation, are “firmly and strongly withstanding a very savage war of aggression.”

Arafi expressed gratitude to the devoted armed forces for their national resilience and paid homage to regional resistance groups and the free people of the world.

He stated that the nation’s men and women, alongside the country’s brave and self-sacrificing armed forces, are successfully navigating one of the most arduous confrontations under severe constraints.

“This time, too, the Iranian nation will overcome these hardships and will reap the sweet reward of victory,” he said.

He added that the United States and the Israeli regime have once again miscalculated with their “wrong, incorrect, and brutal action.”

Arafi also praised the mass public turnout during recent events, expressing hope that “victory and impressive advancements are on the horizon.”

He clarified that the interim leadership council will fulfil its duties with great precision until the Assembly of Experts appoints the next Leader of the Islamic Revolution.

He concluded by assuring the armed forces and the Iranian nation that all national resources are at their disposal, confirming that every state institution is working at maximum capacity to fulfil its duties.”

SOURCE Press TV

Somali army, allies seize key Al Shabab strongholds in country’s south.

Tuesday 3 March 2026 {HMC} The Somali army, backed by international allies, including Ugandan troops serving with the African Union mission (AUSSOM), captured key Al Shabab-held areas in southern Somalia on Monday, a Somali Defence Ministry statement said.

The forces secured Daarusalaam and Mubaarak in Lower Shabelle region, areas that had served as strategic strongholds for Al Qaeda-linked Al Shabab terrorists.

The ministry said Operation Rolling Thunder, announced on Sunday and conducted as part of the broader Operation Bader, directly targeted terrorist-run illegal courts, hideouts for senior members, and sites used to plan and launch attacks on civilians.

It said the operation “dealt a significant blow” to Al Shabab, destroying key command posts and weapons caches while fully securing the liberated areas and continuing operations to hunt down remaining terrorists.

‘Threat to peace, progress’

Earlier, the ministry vowed that Operation Rolling Thunder will continue until the terrorist group is “fully eradicated as a threat to peace, progress, and state-building in Somalia.”

Al Shabab has waged terrorism against the Somali government for more than 16 years, frequently targeting security forces, officials and civilians.

Since last July, the Somali army, with the support of the AUSSOM and other international partners, has stepped up operations against the terrorist group.

The AUSSOM’s mandate was renewed for another year by the UN Security Council in December, with a UK-backed resolution extending its authorisation until December 31.

SOURCE:AA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 02 03 2026.

0

02-03-2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka Ee Warbaahinta HMC Soomali Tv.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Madaxweynaha DFS ayaa khadka telefoonka kula xiriiray dhigiisa dalka Jordan.

0

Isniin, 2 Maarso 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Boqorka dalka Urdun, Boqor Cabdallaha II.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo saameynta Duqeymaha ay Iiraan ka fulisay qeybo kamid ah dalka Jordan.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa u xaqiijiyay Boqor Cabdalla in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab istaag buuxa u muujinayaan dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jordan.

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay si adag u taageersan tahay madax-bannaanida iyo dhowrista midnimada dhul ee Boqortooyada Urdun, isagoo ka soo horjeestay gardarrada ay Iiraan ku hayso dalkaas.

“Weerar kasta oo lagu qaado dhulka Urdun waa xadgudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah, mana aha mid marmarsiinyo loo heli karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Wada hadalka labada Hoggaamiye ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay Dowladda Iiraan Duqeymo ka fulisay dalalka Khaliijka Carabta oo ay ka mid tahay Jordan.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa Weyn Soomaaliya Caalamka 02-03-2026

0

02-03-2026 {HMC}  Wararka Ugu waa Weyn Soomaaliya Caalamka 02-03-2026
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Warshadii Saliida ee Sacuudiga oo la Duqeeyey.

0

02-03-2026 {HMC}  Warshadii Saliida ee Sacuudiga oo la Duqeeyey.

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUUQAALKA} FALANQEYN: Turki oo ku biiray Dagaalka B/dhaxe, Iiraan oo khaasaro xoogan Gaarsiisay Mareeykanka

0

02-03-2026 {HMC}  FALANQEYN: Turki oo ku biiray Dagaalka B/dhaxe, Iiraan oo khaasaro xoogan Gaarsiisay Mareeykanka

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Trump Oo Ku Hanjabay Inuu U Aargudi Doono Askartii Looga Dilay Dagaalka Iiraan

0

02-03-2026 {HMC} Madaxweyne Trump Oo Ku Hanjabay Inuu U Aargudi Doono Askartii Looga Dilay Dagaalka Iiraan

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.