Axad 31-Aug 2025 {HMC} Wararkii ugu waa weeynaa Soomaaliya iyo Caalamka 31-08-2025
{DAAWO MUQAALKA} Saraakiil horudhac u ah Ciidamada Masar oo Gaaray Muqdisho.
Axad 31-Aug 2025 {HMC} Saraakiil horudhac u ah Ciidamada Masar oo Gaaray Muqdisho.
HOOS KA DAAWO MUUQALKA
Galmudug Deputy President Registers for National ID, Urges Citizens to Follow Suit
Sunday 31, Aug 2025 {HMC} The Deputy President of Galmudug State of Somalia, H.E. Ali Dahir Eid, on Sunday registered in Dhuusamareeb to obtain the National Identity Card, urging citizens across Galmudug to take advantage of the opportunity and register at the designated centers.
He emphasized that the National Identity Card, issued by the National Identification and Registration Authority (NIRA), is essential for every Somali citizen.
“Every society in the world has a system to identify its citizens, and access to services is linked to identification. The National Identity Card is therefore vital for every Somali. I call on the people of Galmudug to come forward and register,” said the Deputy President.
source sonna
Somali Ambassador attends Türkiye’s Victory Day celebration
Sunday 31, Aug 2025 {HMC} Somali Ambassador to Türkiye, Fathudin Ali Mohamed Ospite, on Saturday attended a ceremony marking the 103rd anniversary of Türkiye’s Victory Day on Aug. 30.
During the event, Ambassador Ospite congratulated President Recep Tayyip Erdoğan on the occasion and conveyed greetings and best wishes from Somali President Hassan Sheikh Mohamud.
“Turkey and Somalia share many strong ties,” Ospite said, emphasizing the enduring friendship between the two nations.
President Erdoğan, along with other distinguished guests, attended the ceremony, highlighting the day as a symbol of the Turkish nation’s determination for freedom, resilience, and eternal independence.
“As a nation, we are once again experiencing the pride and enthusiasm of Aug. 30 Victory Day, one of the golden milestones in our history,” Erdoğan said.
The Turkish leader stressed that the Great Victory is not merely a historic memory, but “a guide acting as a source of light” for the nation’s future.
Victory Day commemorates the decisive Battle of Dumlupinar fought between Aug. 26 and 30, 1922, when Turkish forces defeated the invading Greek army in what is now central Türkiye’s Kütahya province. The victory marked the final major battle of the Turkish War of Independence, paving the way for the expulsion of foreign forces and the establishment of the Republic of Türkiye in 1923.
source hiiraan online
Somali Defence Minister, Ambassador attend graduation of Somali officers in Türkiye
Sunday 31, Aug 2025 {HMC} Somali Minister of Defence Ahmed Moallim Fiqi and Somali Ambassador to Türkiye Fathudin Ali Mohamed Ospite on Saturday attended the graduation ceremony of officers, including Somali nationals, who completed advanced studies and training at the War College of Türkiye’s National Defence University.
The Somali graduates, drawn from the land, air, and naval forces, are expected to apply the knowledge and skills acquired to strengthen the Somali National Army (SNA) and enhance security and stability across the country.
Minister Fiqi presented certificates and medals to the graduates, praising their dedication and perseverance during the program.
Ambassador Ospite told HOL that the Somali officers ranked among the best-performing foreign trainees.
“The Somali army officers and other international trainees received advanced military training. The Somali government thanks our Turkish brothers for their support in rebuilding our armed forces,” Ospite said.
The ceremony was attended by Türkiye’s President Recep Tayyip Erdoğan, senior government officials, military commanders, and defence ministers from countries represented by the graduating officers.
The event coincided with celebrations marking the 103rd anniversary of Türkiye’s Victory Day on Aug. 30. The national holiday commemorates the decisive Battle of Dumlupinar fought between Aug. 26 and 30, 1922, when Turkish forces defeated invading Greek troops in what is now central Türkiye’s Kütahya province. The victory marked the last major battle of the Turkish War of Independence, paving the way for the expulsion of foreign forces and the founding of the Republic of Türkiye in 1923.
source hiiraan online
Warka Duhurnimo ee Warbaahint Hiiraanweyn 31-08- 2025
Axad 31 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Cabdirisaaq Ahmed / Sahra Gabre
Farsamadii ::Ismail Abdiqadir
Dowladaha Masar iyo Jabuuti oo ku dhawaaqay iskaashi iyo dhismaha Dekadda Dooraaleh?
Axad 31, Aug 2025 {HMC}Dowladaha Masar iyo Jabuuti ayaa ku dhawaaqay iskaashi la xiriira dhinaca dhaqaalaha iyo tamarta, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.
Labada wadan ayaa iska kaashan doona hawlgelinta iyo ballaarinta Dekedda Doraleh, oo ku taalla Badda Cas, taasi oo qeyb ka ah isku socodka dadweynaha guud.
Sidoo kale, Masar ayaa Jabuuti ka taageeraysa waddo dhererkeedu yahay 90 km oo isku xiri doonta Jabuuti iyo Itoobiya, taas oo fududayn doonta isu-socodka ganacsiga iyo gaadiidka.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan dadaalka Jabuuti ku dooneyso in ay sameyso dekado iyo mashaariic fursad u noqon kara geeska Afrika.
Ku dhawaaqista mashaariicdan ayaa timid kadib booqashadii Madaxweyne Cabdel-Fataax Al-Sisi uu sanadkan ku tegay Jabuuti, halkaas oo labada dal ay ku kala saxiixdeen heshiisyo la xiriira iskaashiga dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga iyo tamarta.
Masar ayaa dooneysa in ay saameyn ku yeelato gobolka geeska Afrika, iyadoo ku dadaaleyso horumarinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Suuqyada gobolka.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeed la xiriira Cayda, Aflagaaddo, Sumcad-dil, isku dir bulsho iyo kicin bulsho.
Axad 31, Aug 2025 {HMC}Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu hayo dacwad ka dhan ah dad adeegsaday Aflagaado, iska hor keenid Bulsho, Faafinta muuqaallo anshax xumo ah, Sawirro iyo waxyaabo kale oo saamayn ku yeelanaya Bulshada, inkasta oo aanay xafiisku sharaxaad ka bixin dacwaddaas.
Waxaa jira Xubno xilal kala duwan ka haya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kale oo baraha Bulshada & Warbaahinta isku mariyay hadallo adag oo qaarkood laga dheehan karo aflagaado, caga-juglayn iyo kicin Bulsho.
Sidoo kale Muuqaallo lagu sameeyay Garaadka Macmacka ah (AI) ayaa lagu faafiyay Baraha Bulshada, waxaa muuqaalladaas si toos ah u taabanayeen mas’uuliyiin qaar Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aaladdaas loo adeegsaday.
Waxaa la dhowrayaa Tallaabada uu qaadi karo xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, dadka lasoo taagi karo Maxkamadda awoodda u leh in ay qaaddo kiisaskaas kala duwan ee xafiisku sheegay in dacwad ka dhan ah uu qabtay.
Haddaba, Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, xal ma u noqon karaa soo afjaridda hadallada saamaynta taban dhalin kara ee la is dhaafsanayo?
Lafta-gareen iyo Safiirka Itoobiya oo ku kulmay magaalada Muqdisho?
Axad 31, Aug 2025 {HMC}Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Cusub Dowladda Itoobiya
Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kulankooda ku saabsana isbarasho iyo isxog-waraysi dhinacyada Xiriirka gaar ahaan Amniga iyo la dagaalanka Khawaarijta.
kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Agaasimaha guud Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Abdifatah Mahad Abdirahmaan.
Kenya oo ballaarinaysa dhoofinta Qaadka ee loo iib geeyo Soomaaliya?
Axad 31, Aug 2025 {HMC}Dowladda Kenya ayaa hadda suuqyo cusub u raadineysa beeraleyda qaadka dalkeeda, iyadoo ballaarinta dhoofinta miraa ay noqotay mudnaanta koowaad ee maamulka Madaxweyne William Ruto.
Madaxweynaha dalka Kenya oo dhawaan la kulmay beeralayda Jaadka ee gobolka Meru, ayaa u sheegay in isdhexgalka uu la leeyahay Somaliland iyo Jubaland uu furi karo ilo dhaqaale oo cusub oo ay ka faa’iideystaan beeraleyda Kenya.
Ganacsatada Jaadka Miirowga ayaa wajahaysa caqabado badan, gaar ahaan suuqa muhiimka ah ee Soomaaliya. Bishii Febraayo 2025, muran ku saabsan qiimaha ayaa sababay in beeraleyda Kenya joojiyaan dhoofinta Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyay dilaallada in ay ku iibsadaan qiimo jaban, halka koox kalena lagu eedeeyay in ay dulsaareen cashuur sharci-darro ah.
Arrintan waxay kicisay mudaharaadyo ay waddooyinka Muqdisho ka dhigeen haween ganacsato Soomaaliyeed oo ka cabanayay sicir-bararka ku qiimaha uu jaadka ugu yimaado.
Dowladda Kenya ayaa kadib faragelisay, iyadoo Wasiirka Beeraha ku dhawaaqay qiimo cusub oo kor loo qaaday oo lagu kala saaray heerarka miraa-da.
Tartanka Itoobiya ayaa sidoo kale dhaawacay dhoofinta Kenya, iyadoo 2023 iyo 2024 warbixinno lagu sheegay in xaddi badan oo jaad Itoobiyaan ah si sharci-darro ah loogu soo geliyay Soomaaliya, taas oo si weyn u hoos dhigtay saamiga Kenya ee suuqa.



